|
Axmed
Xasan Caddow (Axmed Daaci) Guddoomiyaha degmada Wadajirayaa
ka warbixiyay xaaladda nabadgelyo ee degmadaasi, isagoo
sheegay in ciidamada amniga degmada ay bilaabeen xoojinta
nabadgelyada xaafadaha ay ka kooban tahay degmadaasi.
Gudoomiyaha waxa uu sheegay in ciidamada ammaanka iyo
dadweynaha degmada ay ka dhaxeyso wada shaqeyn xoogan, taasi
oo suuragelisay in gacanta lagu soo dhigo kooxo isugu jira
kuwo la shaqeeya argagixisada iyo kuwo dembiyo kale galay.
“Shacabka degmada Wadajir waxaan ku ammaanayaa sida ay
ciidamada ugala shaqeynayaan xagga nabadgelyada, waxaana ku
boorinayaa inay door muuqda ka ciyaaraan sidii degmadaan u
noqon lahayd degmo nabadgelyo” ayuu yiri Axmed Daaci oo
sheegay in isbedel lagu sameeyay howlgalada lagu ilaalinayo
nabadgelyada degmada.
Guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed
Daaci ayaa farriin u diray shacabka degmada Wadajir ,
isagoona ku booriyay inay sii xoojiyaan wada shaqeynta kala
dhaxeysa ciidamada nabadgelyada, waayo buu yiri degmada oo
nabad noqota waxay dan ugu jirtaa shacabka iyo maamulka.
“Ciidamada nabadgelyada degmada Wadajir waxay habeen iyo
maalin u taagan yihiin sidii ay u baacsan lahaayeen kooxaha
dilalka qorsheysan ka geysanaya degmada” ayuu yiri
Guddoomiyaha degmada Wadajir oo sheegay dhinaca kale inay
jiraan dhallinyaro looga shakiyay inay Shabaab ka tirsan
yihiin oo baaritaano ay ku socdaan.
Degmada Wadajir oo
labadii sano ee u dambeysay noqotay goob dadka lagu
khaarajiyo gaar ahaan weriyeyaasha ayaa iminka u muuqata mid
ka soo kabsaneysa arrimahaasi, wuxuuna Guddoomiyuhu
tilmaamay in howlgallo habeen iyo maalin ah ay ka wadaan
degmada.
HOME
|