|
Ra’isulwasaare kuxigeenka dalka Turkiga oo maanta soo gaaray Muqdisho
Radio Muqdisho
February 23, 2012 Markacadeey
|
Kuxigeenka
Raisulwasaaraha dalka Turkiga Bekir Bozdag ayaa maanta soo
gaaray magaalada Muqdisho xubnaha wafdigiisa ayaa markii ay
kasoo dageen garoonka diyaardaha Aadan Cabdulle Cusmaan
waxaa siweyn usoo dhaweeyay mas,uuliyiinta dowlada
Soomaaliya gaar ahaan wasiirka Arrimaha dibeda ahna
Ra.isulwasaare kuxigeen Fowsiyo yuuusf Xaaji Aadan.
Wafdigan ayaa lasoo galbiyay qeybaha kale ee magaalada
isagoo kormeer kutagey xarumo ay horay Dowlada Turkigu uga
hirgelisay Soomaaliya kuwaasoo uu soo indha indheeyay sida
ay u shaqeynayaan.
Bekir Bozdag Ayaa inta uu
kusuganyahay magaalada Muqdisho waxa uu dhagaxdhigi doonaa
xarun Lagu barto cilmiga beeraha taasoo uu Turkigu dalkeena
kahirgelinayo isagoo kormeerkiisana kutegi Doona xarumo hor
leh iyo qaabka uu usocda dhismayaasha ay Turkigu wadaan sida
dib udhiska Wadooyinka caasimada,xarumaha caafimaadka ,iyo
sidoo kale goobaha ay ku caawiyaan dadka Dhibaateysan.
Dowlada Turkiga ayaa kawada dalkeena mashaariic
farabadan oo lagu horumarinayo Soomaaliya Waxaana ay horay
gurmad balaaran ugu sameeyeen dadkii Soomaaliyeed markii ay
abaaraha ba’ani Kudhufteen gobolo kamid ah koonfurta
Soomaaliya.
Ra’isulwasaare kuxigeenka dalka Turkiga
ayaa lagu wadaa in saacadaha soosocda
Ay siwadajir ah
warbaahinta ula hadlaan isaga iyo mas,uuliyiinta dowlada
isagoo kulan la qaadan doona Madaxweynaha Soomaaliya Mudane
Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isulwasaare Cabdi Faarax
Shirdoon Saacid kuwaasoo uu kala hadli doono horumarinta
xiriirka Turkiga iyo Soomaliya iyo sidoo kale Dadaalka
dheeriga ah ee ay madaxda wadanku ugu jiraan dib usoo
nooleynta Soomaaliya.
HOME
|
|
|
|