bbc11.jpg (2478 bytes)
bbc14.jpg (2475 bytes)
bbc18.jpg (2481 bytes)

aljazeera.jpg (3933 bytes)
News
Sports
Health
islam1.gif (1367 bytes)
Islam
UN
Somali
Arabic


»SomaliDiasporaNews
» Arts-Osmanart
» AllPuntland
» Allsomali.com   
» Awdelnews.com
» AminArts

» Baydhabo

» Banadir-City

» Banadir24

» Barawapost

» Balcad.com

» BBC Somali

» Benadir

» Biyo kulule
» Boondheere

» Burtinle Online

» Bulsho

» Buurhakaba

» Banooda

» Bulshoweyn

 

» Calanka

» Codk Somali

» Cadaado

» Dayniile

» Deeyoo

» DijboutNet
»
COS Company

 

» Gedonet 

» Geeska Afrika
» Gendershe

 

» Hamarey

» Hiiraan

» Himilo Online

» Hobyonet

» HornAfrik Online

» Iibka.com

» Jamaame

» Janaale

» Jowhar.com

» Lafoole.com

 

» Marka Cadeey

» MarkaCadey.net

» Medical SOM

» Midgaan.com

» Mugdishu Univ.

» Midnimo.com

» MudugOnline

» MudugNet

» Muudi.net


» Onkod

» Puntland Post

» Qaranimo.com

» QoraheyOnline

» Qaamuus

» RadioBuhoodle

» Radio Somaliland

» Ruunkinet.com

 

» SomaliNewsPost
»
Somalia24
» Somraf
»
Sharmarke Peace Foundation
»
Somali Fans
»
Sh. Hoose

» Somali Sports

» SSUNION

» SomaTVOnline

» Somaswis

» SomaliMarket
»
Somali Jecel

» Somali Bantu

» SBC Online

» Somali IT

» Saylac.com

» Somali Fish Soc.

» Somalilandnews

» Somalitalk.com

» Somali Malaysia

» Somalilife.com

» Somaliawatch

» Somaliawatch

» Somalilandnet

» SomaliNet

» Somali Center

» Somitek

» Somalitribune

» Somali Environ

» Somali Weyn

» Somali Youth
» Warkii

» Widhwidh

» XamarNews

 

Radio Links


» Radio SCERDO 
» Radio Benadir
» Radio Somaliland
» Radio Dalmar
» Radio Golis (RG)
» Sagal S. Radio
» Somali Radio (USA)

 

 

 

HRW: Hala rido eedaha siyaasadeysan ee loo haysto Koronto

 


Bar-Kulan

 

 

January 30, 2012 Markacadeey


Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa hadal ay maanta soo saartay waxay ugu baaqday madaxda dowladda Soomaaliya in la rido eedaha siyaasadeysan ee loo haysto shan qof oo ay ku jiraan weriye iyo haweeney sheegtay inay kufsi u geysteen ciidanka dowladda Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Cabdiqaadir Maxamed Muuse ayaa Isniintii maxkamad ku taalla Muqdisho ka hor sheegay in dacwadda loo haysto eedeysanayaasha ay tahay mid culus.

Cabdiqaadir ayaa eedaha loo haysto shanta qof ee xiran ku tilmaamay inay isugu jiraan af-lagaaddo loo geystay waax ka tirsan dowladda, caddayn aan jirin iyo eedo kale. Dhageysiga dacwaddooda ayaa mar kale loo ballansan yahay 2-da February.


Daniel Bekele, agaasimaha Afrika u qaabilsan hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegay in eedaha lagu soo oogay haweeneyda sheegtay in la kufsaday ay ka dhigan yihiin inaanay dowladdu diyaar u ahayn ku dhaqanka tiirarka ay saldhigga ka dhigatay.
Bekele wuxuu dhaliilay baaritaanka boolisku ay ku sameeyeen arrintan – oo uu ku tilmamay inu ahaa isku day siyaasadeysan oo lagu eedeynayo laguna aamusinayo kuwa tebiya tacaddiyada ay geystaan ciidanka ammaanka ee ka dhanka ah dumarka Soomaaliyeed.

Xeer ilaaliyaha guud ayaa ku eedeeyay weriye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim inuu aflagaaddeeyay waax ka tirsan dowladda iyo inuu haween ku qalqaaliyay inay bixiso caddayn aan jirin.

Haddii loo cuskado xeer ciqaabta Soomaaliya, wuxuu weriyahan muteysan karaa ilaa lix sano oo xabsi ah.

Luul Cali Xasan oo ah haweeneyda sheegtay in la kufsaday waxaa lagu eedeeyay inay aflagaaddeysay waax ka tirsan dowladda, iyadoo iska dhigtay in la kufsaday, eed-na u jeedisay booliska. Waxay muteysan kartaa ilaa 9 sano oo xabsi ah.

Saddexda qof ee kale oo uu ku jiro seyga Luul ayaa loo haystaa inay gacan ka geysteen warka ku saabsan kufsiga iyo inay ka dhuunteen baaritaanka, waxayna muteysan karaan min shan sano oo xarig ah.

Booliska ayaa ku eedeeyay weriye Cabdicasiis Cabdinuur Koronto inuu ku lug lahaa tebinta warka kufsiga la xiriira oo lagu daabacay bogga telefishinka Al-Jazeera, hase yeeshee Al-Jazeera way beenisay eedeyntaas.

Weriye Koronto wuxuu ku xiran yahay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Soomaaliya waxay xubin ka tahay heshiiska caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda shacabka iyo siyaasadda.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu toddobaadkan ku sugan yahay Brussels si uu kulamo ula qaato Catherine Ashton, wakiilka arrimaha dibadda u qaabilsan Midowga Yurub, guddoomiyaha Guddiga Yurub, iyo guddoomiyaha Golaha Midowga Yurub iyo wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub iyo xubno ka tirsan guddiga horumarinta u qaabilsan baarlamaanka Yurub.

Daniel Bekele, agaasimaha Afrika u qaabilsan hay’adda Human Rights Watch ayaa ugu baaqay dalalka deeqaha ku bixiya dhismaha ciidanka booliska iyo nidaamka caddaaladda Soomaaliya inay u caddeeyaan dowladda Soomaaliya inaaneyn lacag ku bixin karin nidaam caddaalad darro sameynaya.

 

 


 

HOME

Get a 7-Day Free Trial to FunPass.

 

 

Free Shipping @ Shoebuy.com!
 

return.gif (3137 bytes)