|
Maamulka gobolka Baay oo baaq u diray Jaaliyadaha Soomaaliyeed
Radio Muqdisho
January 30, 2012 Markacadeey
|
Maamulka
gobolka Bay ayaa ugu baaqay jaaliyadaha Soomaaliyeed in ay
Maalgashi ku sameystan gobolka.
Gudoomiyaha
gobolkaasi mudane C/fitaax geeseey oo la hadlay Radio
Muqdisho Ayaa sheegay in amaanka gobolka uu yahay mid la
isku haleyn karo marka laga reebo meelo yar oo ay wali
gobolka kaga suganyihiin haraadiga maleeshiyaadka Shabaab.
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa intaa ku daray in gobolka ay
ka jiraan horumar ku aadan dhinacyada, ammaanka iyo
ganacsiga, inkstoo uu rajo wanaagsan ka muujiyay in
adeegyadii waxbarashada iyo caafimaadkana ay goor dhow
sidoodii kusoo noqondoonaan.
Dhanka kale gudoomiyaha
ayaa ugu baaqay Jaaliyada Soomaaliyeed in ay maalgashadan
gobolka si ay gacan ugu geystaan horumarinta nolosha dadka
ku nool gobolkaasi.
Hadalka gudoomiyaha ayaa imaanaya
xilli ay sanad ka soo wareegtay markii maleeshiyaadka
Shabaab laga xoreeyay Beydhabo, halkaasoo ay heysteen mudo
Afar sano ah, iyago cuuryamiyay nolosha dadka gobolkaasi.
HOME
|
|
|
|