|
Madaxweynaha Midowga Yurub José Manuel Barroso oo ka hadlay kulankii uu la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya
Radio Muqdisho
January 31, 2012 Markacadeey
|
Madaxweynaha Jamhuuriyada
Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo
socdaal shaqo ku jooga magaalada Brusseles ee dalka Biljimka
ayaa la kulmay madaxweynaha Midowga Yurub, isagoo
balanqaaday in dowlada Soomaaliya uu ka taageeridoono
dhinacyada siyaasada Ammaanka iyo horumarinta adeegyada guud
ee bulshada.
Qoraal uu soo saaray Madaxwey
madaxweynaha Midowga Yurub José Manuel Durão Barroso kadib
markii la kulamay madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan
Sheekh Maxamuud ayaa lagu xusay in labada mas’uul ay
yeesheen kulan wax ku ool ah oo fursad u siiyay in ay ka
wadahadlaan arrimo la xiriira xiriirka labada dhinac,
xaalada Soomaaliya iyo sidii loo jeegteyn lahaa xiriirka
labada dhinac.
"Soomaaliya waxaa u furmay Bog cusub
waxeyna cagta saartay wadadii rajada iyo horumarka waxaana
la joogaa xiligii lagu taageeri lahaa dowlada dadaalkeeda"
ayuu José Manuel Durão Barroso ku xusay qoraalkiisa.
Madaxweynaha Midowga Yurub ayaa sheegay intii uu kulanka la
lahaa Madaxweynaha Soomaaliya ay isla soo qaadeen sidii
dowlada Soomaaliya ay u noqon laheyd mid tixgelisa xuquuqda
aas’aasiga ah ee shacabka isla markaana ay noqoto mid lala
xisaabtamo.
Kulanka Labada Mas'uul ayaa ahaa mid mudo
dheer qaatay, isagoo José Manuel Durão Barroso sheegay in ay
ka wadahadleen sidii loo caawin lahaa Soomaaliya si ay
dowladu ugu guuleysato ujeedooyinkeeda.
Midowga Yurub
ayaa sheegay in uu ahaa deeq bixiyaha ugu weyn Soomaaliya
isagoo xusay in uu Nus Bilyan Dolar ku bixiyo horumarinta
dadka Soomaaliya.
José Manuel Barroso ayaa hoosata ka
xariiqay in labada dhinac ay isku raaceen sidii loo soo
celin lahaa xiriirkii soo jireenka ahaa ee u dhaxeeyay
Soomaaliya iyo Midowga Yurub, isagoo dowlada Soomalaiya u
rajeeyayin ay ka gudubto caqabadaha ay la hortaaganyihiin
kooxaha dowlad diidka ah.
HOME
|
|
|
|