|
Xukuumadda: Wariye Koronto warar Been abuur ah ayuu baahiyay
Shabelle
January 31, 2012 Markacadeey
|
Wasiirka Wasaaradda
Cadaaladda iyo Garsoorka Cabdullaahi Abyan Nuur oo
Warbaahinta lahadlay ayaa waxa uu ka hadlay Xarigga Wariye
Cabdi Casiis Koronto.
Wasiirka ayaa waxa uu sheegay
in Wariyaha Xiran uu sameeyay Been abuur Xaqiiqda Ka fog
isagoona Tilmaamay in dacwadiisu ay qaadayaan Goorsoorayaal
Gaaraya illaa Seddex Garsoore oo Wasaaraddu u Xil saartay
qaadista dacwaddiisa.
Cabdullaahi Abyan Nuur Wasiirka
Cadaaladda iyo Garsoorka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in
qareenada u doodaya Wariyaha ay ka codsadeen in Muddo Labo
Maalin ah dib loo dhigo dacwadda Wariye Cabdi Casiis
Koronto.
Wariye Cabdi Casiis Koronto ayaa Loo heestaa
Warar la sheegay in ay yihiin kuwa Been abuur ah oo uu ka
fidiyay Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu sheegay
in ay Kufsi kula dhaqaaqeen Haween Soomaaliyeed.
HOME
|
|
|
|