|
Ururada siyaasadda Puntland oo saxeexay xeerka & habdhaqanka anshaxa ururada siyaasadda
Allpuntland
January 31, 2012 Markacadeey
|
Xeerka
habdhaqanka anshaxa ururada siyaasada Puntland ayaa maanta
waxaa qalinka ku duugay oo saxeexay lixda Urur siyaasadeed
Puntland oo kala ah Horseed, Midnimo, Wadajir, Udad,
Horucad, PDP, waxaana kulankan oo lagu qabtay xarunta PDRC
joogay inta badan gudoomiyeyaasha ururadan oo uu ka mid
yahay madaxweyne cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo gudmiye u
ah ururka Horseed & wakiilo matalaya gudomiyeyaasha KMG ah
ururada.
Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland
Maxamed Xasan Barre ayaa ugu horayn faahfaahin ka bixiyey
ujeedada kulankan, isagoo sheegay in guddiga doorashu ay
diyaariyeen xeerkan si hawsha u noqoto mid hanaan wanaagsan
ku socota, wuxuuna masuuliyiinta ururada siyaasadda Puntland
uga mahad celiyey ka soo qayb-galkooda.
Cabdirisaaq
Shoole oo ka mid ah guddiga doorashooyinka Puntland ayaa
madasha ka akhriyey qodobada uu ka koobanyahay
xeerkani,waxaana ka mid ah ama ugu muhiimsan qaabka ay u
dhacayso isdawangelinta taageerayaasha ururada siyaasadda oo
ku eg 9, February, & in ururadu is ixtiramaan ayna u siman
yihiin sharciga, inaysan wax huba qaadan karin
taageerayaasha ururada siyaasadda & arimo kele.
Cabdiraxmaan Cabdulle Shuuke agaasimaha haya'adda Cilmi
baarista ee Puntland ee (PDRC) oo isna munaasibadan ka
hadlay ayaa ku dheeraaday jidkii loo soo maray in Puntland
yeelato axsaaba & Dastuur rasmiya,wuxuuna ku tilmaamay guul
in 14-sanno ka dib ay hirgasho,ururada siyaasadda ayuu ugu u
jeediyey inay dulqaad muujiyaan ayna ka dheeraadaan in la
qabiileeyo ururada siyaasadda madaama laga gudbay hanaankii
wax ku qaybsiga qabiilka.
Intaan la saxeexin xeerkan
ayaa waxaa su'aalo ay ka qabaan qaabka loo diyaariyey
xeerkan jeediyey masuuliyiin ka tirsan ururada siyaasadda
ayna ka mid yihiin Midnimo & Udad.
Dr Saadiq Eenow
gudoomiyaha Midnimo ayaa guddiga doorasha ka codsaday inay
dhex u noqdaan ururada siyaasadda,ayna ka dhabeeyaan
himiladii loo asaasay ee ay u balanqadeen shacaka reer
Puntland si loo gaaro buu yiri miro-dhal-na ay u noqto
hananka Puntland uga gudbayso nidaamkii hore.
Gudoomiyaha urur siyaasadedka Udad Siciid Sanweyne ayaa isna
talooyin kuwan la mid ah soo jeediyey & qodobo uu sheegay
inay guddiga doorashda u gudbiyeen oo uu xusay inaysan ka
dhex muuqan xeerkan,balse waxaa arimahan uga jaawabay xubno
ka tirsan guddiga doorashooyinka KMG ah Puntland.
HOME
|
|
|
|