|
Xafladii Taageerada Jaaliyadda Toronto ee RW Cusub Cabdi Farah Shirdoon (Saacid)
SAWIRADA Xaflada Halkan ka
Daawo (Click)
October 23, 2012 Markacadeey
|
Waxaa habeennimadii Sabtida ee 20ka Oktoober 2012ka lagu qabtay magaalada
TORONTO ee Dalka CANADA xaflad ballaaran oo si heer sare ah oo loo soo
qabanqaabiyey, waxaa xaflada lagu qabtay Hotelka DAYS & CONFERNCE CENTRE waxaana
ka soo qeyb galay dhamman qeybaha bulshada oo aan u kala harin iyadoo tirada
dadkii ka so qeyb galay awgeed uu buuxdhaafay hoolkii xafladda oo meel la
istaago laga waayey, iyadoo taasi muujineyso rabitaanka iyo xiisaha bulshada
Soomaliyeed gaar ahaan Qurbojoota u qabaan soocelinta iyo soonooleynta
qarranimadii Ummadda Soomaaliyeed.
Waxaa munaasaadda ka hadlay oo hadallo qiimo leh ka soo jeediyey Odayaal,
waxgarad, culumaa'diin , aqoonyahanno, gabdho, dhalinyaro iyo siyaasiyiin ka
socday Dawladda CANADA waxayna dhammaantood muujiyeen taageerada iyo soo
dhoweynta magcaabista dhowaan loo magcaabay xilka WASIIRKA KOOWAAD ee
Jamhuuriyada fed. Soomaaliya Mudane Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (SAACID).
Waxaa kaloo munaasibadda lagu soo bandhigay suugaan kala duwan oo ay kooxaha
fanka soo bandhigeen, waxaana guud ahaan xafladdaas ka muuqatay biseyl iyo
isbedel siyaasadeed oo bulshada soomaaliyeed ka muuqda, waxayna ka soo
qeybgalaayaashii munaasabaddaas ka muuqday farxad iyo reyn-reyn iyadoo rajo
fiicaan laga qabo isbedelka cusub ee dalka ka dhacay.
Wasiirka Koowaad ee Jam. Fed. Somalia Mudane Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid) ayaa
xafladda kaga soo qeybgalay khadka TELEEFOONKA, wuxuuna ugu horeyntii aad ugu
mahadceliyey dadkii xafladda ka soo qeybgalay, dhinaca kalena wuxuu dadka qurba
joogta ah u ballan qaaday in ay ku dadaali doonaan in dawladdu ay u diyaariso
jawi suurtageliya sidii ay dalkoodii hooyo ugu soo noqon lahaayeen mustaqalka oo
ay uga heli lahayeen tacliin, daryeel caafimaad iwm, waxayna munaasabaddaas oo
aad u xiiso badneyd ku soo gebagebowday farxad iyo xiiso badan.
Xafladaan waxa suurtagaliyey bulsho weynta Soomaaliyeed eek u dhaqan magaalada
Toronto. Waxaa mahad iska leh dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool
magalada Toronto oo Mar walba kaalin weyn ka qaata hormarka iyo qaranimada
Soomaaliyeed. Waxa ayagana mahad gaar ah leh dadki sida gaarka ah isugu daba
riday xafladaan quruxdabadneyd, gaar ahaan Sadiq M. Alihashi, Abdirashiid Ugaas
Ciise, Cabdirisaq Khaliif iyo Faysal Guureeye.
HOME
|
|
|
|