aayaha_nolosha.jpg (32936 bytes)

Tifaftiraha wargeyska waa:- C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil  Dalmar)

Guddoomiyahana waa C/kariin Ibraahin Aadan (Ampacaline)

Telefoonada Wargeyska Muqdisho 652256, 655788           (Cadadka 292)

E-mail:- aayaha_nolosha@hotmail.com iyo ampacalin2004@yahoo.com ama dalmar2005@yahoo.com

     JACAYLKII KADEEDNAA EE ABWAAN XASAN JACAYL

hearts4.jpg (3553 bytes)

Qeybta 8aad

 

Markii Madasha gogosha la isugu yimid oo Odayaashii Xasan Jacayl dhankiisa ka socday ay soo gogol fariisteen ayaa inta aysan hadalka & ujeeddadii ay u socdeen daah furin isbedel aan la fileyni uu goobtii ka dhacay.  Xaawo Sheekh Hooyadeed ayaa markiiba ciil cunaha buuxsamay waxay dhaayaha ku dhufatay Nin ka mid ahaa Adeeradii Xasan Jacayl oo gogosha fadhiya, waxay weydiisay waxa uu wiilka gabadha ka raba u yahay markaasuu yiri “Adeerkiis baan ahay”.

Adeerku wuu fahmay in cuqdad hore u dhex martay isaga & Hooyada gabadha ay doonista u yihiin ay ku soo maaxatay duqda, inkastoo isagu cuqdadaas uu iloobay haddana Duqdii ayaa gocotay oo bugtadii cuqdadaas damqatay, isla markiiba gabadheedii ayay qol gaar ah la gashay oo ku tiri “Xasan cawa arki meysid, maalinna arki meysid, ama isaga ayaad raaci ama aniga”.

Deeqo oo yaab Alle ku keenay, caqabaddii ugu weyneydna jacaylkeeda uu soo wajahay ayaa tiri “Hooyo sidey wax u jiraan bismillaahiye bal si degan wax iigu sheeg”   “War nin adeer u ah Xasan ayaa hadda kahor I xumeeyay, marka ninkaas wiil uu adeer yahay heyhaati ayay ka tahay inaan ku siiyo ee anigaa Hooyadaa ah sida aan rabo yeel, meel kale oo kheyr qabta Alle hakuu sahlee”.

Deeqo maxay samayn kartaa tallaa faraheeda ka baxday, farxaddii daqiiqado kahor harreysay nafsadeeda & rajadii bidhaamaysay ee jacaylkeeda ayaa mar qura nalkii u shidnaa ka damay, gudcur mugdi ahna soo dhex fariisatay.

Iyadoo isla walaacsan oo nafteeda la sheekeysanaysa ayay Hooyadeed u soo gashay Odayaashii, “Eeddo adigaan kuu fadhinay, Odayaashii xaggiina ahaa ayaan rabnay maxaa dhacay maad na qiimeysid” ayay Odayaashii ku yiraahdeen, balse jawaab ay ku farxaan kama aysan helin oo waxay ku tiri “Guriga igaga baxa” su’aalo & dood baa la is weydaarsaday, sheekadii baa sii xumaatay, duqdii Bud bay la soo baxday Odaygii bay arki weysay, rabshadii baa sii bulaashay, gar & guur baa loo socdee, dagaal & dulmi baa meeshii ka dhacay, kabtay ma aragtaa ka dhacday oo waa lagu kala yaacay goobtii.

Meelba sida ay u taalo ayaa loola yaalaaye Deeqo markii ay aragtay Hooyadeed oo marada u duuban tahay iyana dhinaceeda ayay ka duubatay, {waa gar ma Hooyadeed bay dhibka ku eeganaysaa, inay la safato waa daw oo kuma qaldana, inkastoo loo baahnaa inay jacaylkeeda dib u eegto}.

La soco sheekada qeybaheeda dambe oo Xiiso gaar leh.

W/D:- C/risaaq Jaamac

Cilmi (Black yare)


Cadadkii Hore..

Aayahay Nolosha 292

Aayahay Nolosha 291

Aayahay Nolosha 290

Aayahay Nolosha 289

Aayahay Nolosha 288

Aayaha Nolosha 287

Aayaha Nolosha 286

Aayaha Nolosha 286

HAWEENKU MAXAY JECEL YIHIIN…!!?

Inkastoo waxyaabaha Dumarku jecel yihiin ay  aad u fara badan yihiin oo qoraal kaliya aan lagu soo koobi karin, haddana ogow waxa raggu ay jecel yihiin ayay iyaguna jecel yihiin, balse waxyaabaha ugu muhimsan waxaa ka mid ah:-

=GUUR & DHAQAN DAACAD AH:-

“Waari meysid war hakaa haro” waa murtida loo cuskado qofka marka uu qaangaaro ee lagu guubaabinayo guurka, taasoo la macno ah “waad dhimanaysaa ee ilmo fir & farac adiga kugu abtirsada hakaa haraan oo magacaagu yuusan bi’in geeridaada kadib, sidoo kale waxaa jira murti guurka dumarka ku kooban oo oranaysa “gabar god hakaaga jirto ama guri raggeed” oo iyana la macno ah “gabar ha guursato ama ha iska dhimato intay guumeys baara noqon lahayd”.

Haddaba iyadoo arrimahaasi ay jiraan oo guurka sida muuqata lagama maarmaan yahay ayaa haddana Lamaanayaasha guurka ku kulmaya looga baahan yahay inay la yimaadaan dhaqan daacad ku salaysan.

Dumarka cudurkooda waa iyagoo la guursan waaya, ragga cudurkoodana waa baagamuudada marka maadaama dumarku Guur u baahan yihiin haddana iska guurso ma ahee dhaqan ayay u baahan yihiin.

Bal ka waran,  wiilka inta gabar soo guursada oo Hooyadeed, Aabaheed, walaalaheed, aqribadeeda, asxaabteeda & deriskeeda ka soo dhex bixiya (ka soo wata) haddana baararka ku caweynaya iyaduna ay Cidlo joogto.

War Ina Raggow gabadha marka la guursanayo guriga aad ka soo kaxaysatay ee Waalidkeed iyo walaalaheed ay kula noolayd kama aysan waayin Jiif, cuno, dhar & sheeko, adigana intaas baad ka soo dhex bixisay markaasaan baararka, goobaha lagu kulmo, biibitooyinka lagu qayilo iyo fadhi ku dirirada ka qosleysaa iyaduna ay cidlo ciirsi la’ fadhisaa oo inta ku sugi weyso iska hurdeysaa, markaasaad  xilli dambe ku soo garaacaysaa.

Ogow Dumarku waxay rabaan wehel, sheeko, jacayl dhab ah lala wadaago, cidlada inay kaa dugsadaan ileyn adaa reerkeedii jameecada ahaa ka soo dhex bixiyee.

Gabar adiga kuu soo go’day oo dadkeedii kaaga soo dhex baxday ayaad ka tagaysaa oo inta casirkii shaarka & macawista kugu bilicda qurxoon soo xirato ka soo jaqaafinaysaa, iyaduna dad deris ah oo aysan is fahamsanayn amaba cidlo uga soo tagaysaa.

War sidaa Ilaah xaqiis ma aha ee dumarka waxa ay jecel yihiin & sida ay jecel yihiin haloo yeelo.

Waa socotaa….

W/D:- C/raxmaan Cumar Madoobe(Dalmar)

 

DHAMBAALO  INTERNETKA LOO SOO MARIYEY  WARGEYSKA
 

Dhambaalka labaad ee dhinaca Internetka boggagiisa E-mailka naloo soo mariyey ayaa waxaanu ka helnay akhriste ku sugan Gobolka Atlant ee dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Yaasiin Maxamed Xasan, wuxuuna Yaasiin qormadiisa ku bilaabay:-

Dhamaan waa salaaman tihiin shaqaalaha Wargeyska Aayaha Nolosha….aan ku bilaabo magaceyga waa Yassin Maxamed Hassan, kuna nool qurbaha, lana socda Wargeeska Ayaha Nolosha si joogto ah, waxaad leedihiin u dulqaado, maxaan u dulqaataa dhib weyn ayaa i heystee?.

waxaan ahay nin xaas ah lehna 3 caruur kuna nool Atlanta, GA USA. 6-dii sano ee ugu danbeysay, xaaskeyga oo aan isku soo aroosnay Africa oo aan isla nimid halkaan (Mareykanka) dhib weyn ayaa iga heysta dhankeeda, haddii aan ka bilaawo dhaqaalaha, aniga kaliya ayaa u xamaala qoyska, ma xuma aan xamaalee, mana xuma wixii aan hela haddii aan ku harsaneyno, kistii aan soo shaqeeya waxaa ay u dirtaa mooriyaan dhaawac ah oo Somalia joogta oo qoyskeeda ah, xoolaheyga xaggaas ayay ku dhamaadeen, ma diidi karo oo nimanka ay wax u direyso waa xaaskeyga walaalaheed, haddii aan diido buuq iyo dhib ayaa imaanaya, dhanka kale aniga & carruurtaba wax daryeel kuma heysano, waxaana intaa u sii dheer iyadoo aada gobolo naga fog oo u aado aroosyo ka dhacaya oo ay mar mar maqnaaneeso 3 beri, ma quutul yoom ayaan raadiyaa mise carruurta ayaan hayaa?  Ileyn FAR KALIYA FOOL MA DHAQDEE, ma waxaas ayaa loo dulqaadan karaa? ma canaanan kartid because waa dhul ay Naaguhu ku awood badan yihiin, halka ay qeylo ku jawaabeyso markii aad wax u sheegto, mana joogno dhulkeenii hooyo! ma waxaas ayaan u dulqaadan karnaa madaxiibaa na qarxi raba! adinkana u dulqaata ayaad na leedihiin, inkastoo ay jirto waxyaabo fara badan oo aan halkaan ku soo koobi karin oo aan u dulqaato. Inna-Laaha Maca Saabiriin!

Yassin M. Hassan Atlanta, GA USA.

Fiiro gaar:- Samirka & dulqaadku waa jid lagu gaaro wanaag & horumar, qofkii dhibka u samrana Alle ayaa kheyr ugu abaalguda ha soo degdego kheyrkaa ama ha soo dib dhecee (Naagina waa u samir ama ka samir) haddana Alle dartii haloo samro “Waa fikradda bahda wargeysku qabo, qormadana loo abuuray”


   
DHOOF CAASHAQ IYO DHAXAL JACAYL

Qaybtii 99-aad

hearts1.jpg (3556 bytes)

Liibaan in qorshaha loo sheego oo fadhi casuumaad ah la sameeyo halkaasna la isku barto, wixii dhacayna la iska raali gareeyo ayaa hoosta laga wada xariiqay.

Go’aankaas markii la qaatay ayaa maalintii xigtay isla subixii uu waagu baryayba Maxamed Nasiib ku dheelmaday Suuqa Xoolaha oo Labo Neef oo ari ah ka soo iibiyey, kadibna inta qarash wixii lagu cuni lahaa labadaa neef u dhiibay Xaaskiisa & Hooyadiis Xaawo Eedan oo wadajira yiri “qado sharaf duco & is cafin ku jirto hala sameeyo, Culimo qur’aan inagu wada akhrisana Masjidka inoogu dhow halooga yeero, Hooyaday Ladan ayaan sii marayaa oo inay Duhurki inoo timaado u sheegayaa, anigana shaqada degdeg kaga soo laabanayaa”.

Dardaarankii Maxamed nasiib ayaa sida ay tahay loo qaatay oo howshii la guda galay, isagana inta Hooyadiisii rumaad ee Ladan uu maray ayuu ugu horeynba sidii uu u salaami jiray si ka duwan u salaamay, Labada gacmood & labada dhaban ayuu ka dhunkaday oo si wacan u marxabeeyay, Ayeydiis ayuu u sii gudbay oo iyana si xushmadi ku jirto u gacan qaaday, maadaama ay Duq Waayeel ahaydna “Maxamed, kheyr qabihii miyaa, ma Qadarkii naloo soo diray baa, wiilkeygi Liibaan oo dhurow” ayay ereyo uu ku laab qaboobay iyana ku tiri.

Hooyadiisi Ladan ayuu Lacag isku xiran inta siiyey “Lacagtan isla hadda Suuqa la aad oo dharka ugu bilicda qurxoon ku soo iibso, Shanta saac ayaa ku soo marayaa adigoo lebisan oo diyaar ah aan kuu imaado” iyadoon dhihi “maxaa jira & halkeen aadaynaa” ayay haye tiri.

Maxamed nasiib isla markiiba degmada Madiina oo Aabihiis deganaa ayuu beegsaday oo u sheegay inuu qorshe muhim ah ka leeyahay, “Haatan waxba kuuma sheegi karo ee fadhi qado ah ayaa jira ee waa inoo duhurkii” inta ku yiri ayuu   shaqadiisii soo aaday, Ladana Suuqa Bacadlaha inta aaday ayay dhar aad u bilic qurxoon ka soo iibsatay, Xaawo Eedan & Xaaskii Maxamed Nasiibna qado  ceeb astur ah diyaar gareynteeda galeen.

Sidii ballantu ahayd Maxamed Nasiib Shantii saac ee barqanimo ayuu shaqadii soo faaruqay oo Hooyadiis Ladan oo diyaar ah soo maray, gaarigiisii inta ku soo qaaday ayuu gurigiisii keenay.  Ugu horeyn fadhigaa waxaa isugu yimid Maxamed & Xaaskiisa, Xaawo Eedan & Ladan, waxaana halkaa lagu heshiisiiyey Ladan & Xaaskii Maxamed Nasiib oo si sharaf leh heshiiskoodu u dhacay.  Xaawo Eedan indhaheedu waxay ka jeesan waayeen Ladan, si dhab ah ayay u eegeysay, halka Ladan aysan arrintaas ku jirin, “Nacam wallee waa iyadii, Ladan waaye, wallee Adduunyo “Gabadhii aan u shaqeyn jiray ayaa maanta inoo shaqeynaysa….”

Waa socotaa.

W/Qoray:-C/raxman Cumar Madoobe (Dalmar)

 

Maxaad ka ogtahay oo macluumaad ah dhambaalada Jacayl  ee waaray?!!

Qaybtii 4-aad

Warqadda Saddexaad ee ka mid ah dhambaalada waarey ee la xuso waxaa qortay Gabar u dhalatay dalka Spain oo naafo ka ahayd qeybta dambe ee jirkeeda, waxaana Lugo u ahaa Kursiga Curyaamiinta oo alwaax ka sameysnaa, kursigaas oo farsamadiisu liidatay darteed shanqar laga naxo ayuu bixin jiray marka ay dhaqaaqayso.

Gabadhaasi waxaa gurigooda hor marta Waddo weyn oo badi dadku si aad ah u maraan subax & galabba, iyaduna maadaama ay curyaan aan shaqo lahayn ay ahayd  dadka waddadaas maraya ayay iska daawan jirtay.

Muddo badan markii ay daawashadaas ku jirtay ayaa waxay caashaqday wiil ka mid ah dadkii waddadaasi xilli walba soo mari jiray, kaasoo ahaa wiil aad u filsamaa oo ay la dhacday muuqaalkiisa soo jiidashada leh.

Magaciisu wuxuu ahaa Romaano Subaxdii marka uu soo hor maro gabadha & marka uu galabtii sii laabanayaba waxa uu si xushmad leh u salaami jiray gabadha curyaanta ah oo deymadiisa ku indho bikaacsan jirtay codkiisa salaanta ahna ku raaxaysan jirtay.

Gabadhaas maadaama ay jeclaatay wiilkaas waxay bilowday fakar iyo inay talo rogrogto, waxayna is tususay inaysan buuxin karin rabitaanka Roomaana maadaama waxa ay raggu ka doon ayaan dumarka ka kala dhantaalan yihiin, balse waxay go’aan ku gaartay inay jacaylkeeda taabsiiso iyadoo aan wax dan & hami ah ugu jirin inuu ka aqbalayo daruufta Rabbaaniga ah ee jirta awgeed.

Haddaba dhambaalka ay gabadhaasi curyaanka ahayd u qortay wiilkaas bilicda qurxaanaa ee ay caashaqday oo ay ugu magac dartay “Wiilyahow waan ku jeclahay laakiin waa adigoon dharka iska siibin”  oo ay ka wadday “Taak kuuma hayo xitaa haddii aan aniga dartey dharka isaga siibto.

Gabadhaasi erayada ay dhambaalkaa u adeegsatay oo layaab lahaa ayay ku tiri “Aniga I guurso, kadibna Naag kale guurso oo aniga si niyad ah ayaad ii qabaysaa imana naagaysanaysid oo weligaa dharka isagama key siibeysid, waayo naag kuuma noqon karo curyaannimadayda darteed, naagta kale ee aad guursato ayuun baa naag kuu noqonaysa, anigana calaa niyo & jacayl dartii igu qab. 

W/Diyaariyey:- Maxamed Xuseen Yuusuf (Xaaji Tahriib)

 

WARARKA AAYAHA NOLOSHA

 

14-JIR GABAR UU MASAAFAYSTAY DOOD KA TAAGAN TAHAY

Wiil 14-jir ah oo lagu magacaabo Liibaan Nuur Axmed oo degan xaafadda Tawakal ee degaanka Gubta ayaa gabar uu masaafaystay lagu heystaa.

Gabadha oo lagu magacaabo Foos Muxidiin ayaa waalidkeed oo masaafada lala galay ka war helay waxay ku doodeen in wiilkaas yarka ah uusan geynin gabadhooda, ayna ka codsadeen inuu u furo.

Foos & Liibaan oo qadka isgaarsiinta telefoonka isku bartay ayaa jacayl isugu qaaday leynka telefoonka, waxaana haatan dood arrintooda ku saabsan ay u socotaa waalidka labada dhinac.

 

HAWEENEY CANUG AY DHASHAY ISAGOO SAACADO DHALAN LAGA XADAY

Haweeney lagu magacaabo Muslimo Aadan oo degan degmada Howlwadaag ayaa canug ay dhashay isagoo saacado dhalan laga xaday.

Warku wuxuu sheegayaa in haweeneydaa oo ku soo umushay Isbitaalka Sos markii ay isbitaalka  ka soo baxaysay ay horey u soo raacday haweeney ay isbitaalka albaabkiisa isku barteen, taasoo ku soo gashay inay si bini’aadannimo leh u caawinayso maadaama ay umul ahayd.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in haweeneyda ay canugii u dhiibatay naagtii la socotay ee Isbitaalka ay isku soo barteen maadaama ay xanuunsanayso balse ay canugii kala dhuumatay kaasoo aan la ogeyn meel ay la aaday.

 

SAAXIIBO SHAQO LAYAAB DARTEED ISKU SEEGAY

Gabar lagu magacaabo Yaasmiin Cabdi & wiil la yiraahdo Maxamed Nuur oo ku dhawaad 4-sano xiriir jacayl uu ka dhexeeyay ayaa isku qabsaday arrin mucjiso leh.

Sida uu wariyaheena Yuusuf Maxamuud Warsame (Bidaaye) u sheegay Oday garta labadaas ruux qaaday ayaa warku sheegayaa in Maxamed Nuur oo darawal Basaska BL-ka ee Kaaraan ka shaqeeya ah uu Suuqa dawada ee Bakaaraha uu ku arkay gabadhiyoo ku jirta shaqada gacan hoorsiga ee Tuugsiga, arrintaasoo filanwaa ku noqotay.

Buuq ka dhashay arrintaas ayaa waxaa soo dhex galay Odayaasha degaanka Xamar Jajab oo ay labadoodu wada deganaayeen, balse wuxuu wariyaheenu soo sheegay in lagu guuldareystay oo sababtaas darteed ay ku kala tageen.

 

CUDURKA DAAFKA OO BAAJIYEY AROOS QARASH FARA BADAN UU KU BAXAY

Wiil la yiraahdo Maxamuud Cali oo degan xaafadda Cali-kamiin ee Magaalada Muqdisho ayaa aroos uu geli lahaa habeenkii Jimcaha ee la soo dhaafay iyadoo qabqaabada arooskaa lagu guda jiro gabadhii loo aroosin lahaa ay diiday.

Sida uu inoo sheegay Joornaaliiste Cali Midnimo oo degaankaas degan wiilka oo habeenkii uu aqal geli lahaa galabteedii cudurka daafka uu ku soo booday ayaa gabadhii uu la aqal geli lahaa diiday inay la aqal gasho Nin qaba daaf iyadoo ka baqeysa in uu qaadsiiyo cudurkaasi daafka.

Sida warku naguu soo gaaray aqal geynta arooskaa ayaa dib u dhacay kadib markii gabadhu codsatay in marka uu daafka ka soo bogsado ay aqal galayaan inta ka horreysana ay sii suganayso, taasoo labada dhinac ay isku raaceen maadaama gabadhu xujo adag la timid.

NIN GURI UU IJAAR  UGU JIRAY GUUR BADNI DARTII LOOGA SAARAY

Nin aanan magaciisa helin oo deganaa agagaarka Warshaddii hore ee Caanaha ee magaalada Muqdisho   ayaa   guri  uu ijaar ugu deganaa si qasab ah looga saaray.

Sida aan ka soo xiganay Milkiilihii gurigaas Maxamuud Abtidoon Ninka guriga laga saaray oo ahaa Waddaad dhalinyaro ah oo gurigaasi deganaa muddo saddex sano ah sababta looga saaray ay tahay muddadaas oo 11-naagood oo uu gurigaas ku soo guursaday uu saddexdaas sano gudahood furay, furiinkiisaa badan darteedna looga saaray guriga.

 

ISBAARO CAJIIB AH OO KA DHACDAY MUQDISHO

Nin ka gaabsaday inaan magaciisa la soo qorin oo degan degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ayaa Jaad uu ka soo iibsaday xaafadda Via Laybeeriya ee isla degmada Waaberi ayaa waxaa soo daba wiideystay (daba kacay) rag mooryaan ahaa oo goobta uu Jaadka ka gadanayay ka soo raacay.

Wariyaheena Yuusuf Bidaaye oo warkan ina soo gaarsiiyey ayaa inoo sheegay in Ninkaas diiday magaciisa uu bar garanayo ragga Mooryaanta ah kuwaasoo ku qabtay qori markii uu xaafadda horey u soo galay, waxayna ku yiraahdeen “Saaxiibow waan ku naqaanaa kuma xumeynayo ee adiga ha ina xumeynin, waxaadna nagu soo wareejisaa Jaadka subarka ah ee aad wadato, Rubacan oo nagu maraxoobay qaado, haddii aad isku daydo inaad diido ogow Afar Tiir Xarar ah iyo Fuusto ayaad kor u eegeysaa oo la macno ah waan ku dileynaa oo Fuusto & Tiirarka qabriga lagu daboolo ayaad kor u eegeysaa”.

Arrintaas oo sida uu ninku sheegay mucjiso lama gudbaan ku noqotay ayuu u hoggaansamay kadibna iska qaatay Rubicii jaadka ee ay siiyeen dablaydu

 

Aayaha Nolosha

Nagala soo xiriir aayahanolosha@hotmail.com ama dalmar2005@yahoo.com   dalmar2005@yahoo.com ampacalin2004@yahoo.com.

 

MAXAAD KA OGTAHAY OO MACLUUMAAD AH DHAMBAALADA JACAYL  EE WAARAY?!!

 

Sida aanu ognahay marka wax kasta oo dhaca laga hadlayo waxa ay leeyihiin raadraac & hoggaan lagu tilmaansado,   Tusaale haddii aan u soo qaadanao arrimaha Jacaylka & Kalgacaylka nadiifka ah waxaa jira shaqsiyaad loo yaqaan raaca hore ee dhinaca Jacaylka iyo inay calanka u sidaan xubiga sida Qays & Leyla, Cantar & Cablah, Jamiilo & Busneey,  iyadoo dhinaca dalkeenana ay horyaalka mucaa-shaqiinta ee la xuso ay ka mid yihiin Cilmi & Hodan oo reer Berbera ahaa oo qisadooda buugaag laga qoray, heeso, gabayo & halheysyana laga sameeyay, Muli & Xuseen oo reer Seylac ah kuwaasoo loo qaaday heesta JAALALEY miraheedana ay ka mid yihiin “Axdigii uu Xuseen jilay Muliyana ha jebin tiri, iil inay isu jiifaan, muxuu jaahil ka og yahay”.

Nuxurka Qormadeena oo aan ku faaqideyno dhambaaladii Jacayl ee ay isu direen laba is jecel ama midkood midka kale u diray ayaa waxan ka xuseynaa dhambaaladii ugu ta-yada sareeyay oo iyagu gaarayay ilaa 10 dhambaal oo cilmi-baaris la sameeyay sannooyinkan dambe lagu og-aaday inay yihiin dhambaalo xusuus gaar ah ku reebay mucaashaqiin badan, isla markaana noqday kuwo la xafiday.

Dhambaalka ugu hadal heynta badan ayaa dhambaal ay qortay gabar fannaanad reer Talyaani ah oo caan ka ah dal-alka Yurub oo nin ay jeclaatay u qortay dhambaal  ay hal-kudhig uga dhigya  “Duggaagyahow qurxoon” iyadoo ni-nkaasina uu ku shardiyey haddii ay jeceshahay  in ay fanka ka tanaasusho,“haddaba arrintoodii maxay ku dambeysay?”
Waxa kale oo dhambaalada waaray aan ka xusi karnaa mid uu qoray Wiil reer Jabbaan ah oo Jaamacad London ku taa-la wax ka baranayay uu u diray gabar jacaylkiisa ahayd oo joogtay Tokiyo cariga Jabbaan waxaana dhambaalkaasi la yiraahdaa “Waan ku arkaa, kuumana jeedo”.

Sidoo kale waxaa ka mid ah dhambaal ay qortay gabar Jiis ahayd oo reer Isbaanish ah una qortay Wiil la yiraahdo Ro-maano oo galab waliba horteeda marmari jiray waxaana dhambaalkaa loo yaqaan “Ninyahow waan ku jeclahay, balse waa adigoon dharka iska siibin” waxayna kaga cod-sanaysay in uu naag kale guursado laakiin uu iyada ka soo qaado ama uu u niyeysto iyo weliba dhambaalo kale.

Haddaba dhambaaladaas Jacayl ee waaray oo gaaraya ilaa 10-dhambaal oo boggaga xusuusta taariikhda mucaash-aqiinta ku keydsan ayaan mid mid idiinkugu faaqideynaa:-

Qaybta 1-aad:-
Anjelia Batfa waa  gabar fannaanadda Talyaani  ah waxa ay jacayl u qaaday wiil dhalinyaro ah oo aad u qurux bad-naa kana dhashay dabaqadda la xormeeyo ee dalka Talyaa-niga.  Hase ahaatee waxaa jacaylkeeda soo wajahay  dhib-aato kaga timid xagga wiilkaas ay jeclaatay  kadib markii uu shardi uga dhigay  guurkeeda inuu ku xiran yahay iyadoo fanka ka harta.

W/Diyaariyey:- Maxamed Xuseen Yuusuf (Xaaji Tahriib)




   

Codka  Mucaashaqiinta

hearts3.jpg (4316 bytes)

Qormada Raadiyaha Codka Mucaashaqiinta waxan Todo-baad walba idinkugu soo bandhignaa Heesaha ka tarjumaya Jacaylka ee sida aadka ah loo xiiseeyo & ulajeeddadii loo alifay.

Todobaadkan waxaan akhristayaal idiin heynaa hees    uu alifay Abwaan Maxamed Kaariye isla markaana uu ku luuqeeyo Fannaanka HANUUNIYE

Heestani waxa ay miraheedu ka hadlaysaa isla markaana ay khuseysaa Jacayl dhex maray Abwaanka alifay ee Kaariye & Gabadha Fanka ku gaamurtay ee Shankaroon oo jacaylkii dhex maray uu ahaa mid shaac baxay, walow uusan sidii loogu talo galay u hirgelin ayay haddana heestani tilmaamaysaa luggooyo iyo in Shankaroon oo inta badan dad kale arrimaha Jacaylkeeda kala arrinsata, kuwaasoo dibindaabyo mooyee wax horumar gaarsiin ah aan u horseedin, iyadoo  Jacaylka uu u hayay Abwaankana uu ahaa mid mudnaan gaar ah lahaa, balse ay iyadu ka sii jeeday, taasoo aad ka dhadhansan doontaan miraha heesta oo sidan u qormeysa:-

=Haddaad shalay saakay moodo, Saadambana berrito u malayso, ku sire gacalkaada moodo.

=Sideedaba garashadaadu, inay soof daran habowday, war miyuu kugu seegan yahay?.

=Jacaylkii aan kula sugaayay, Salaaddii Ina xaggaa, Sagaal rakcadood tukaday, sideedoo kale miyaa?.

=Malaha samir baa ka roon suddan…!!!.

=Labada isa suran sal iyo baar, sagsaag midi yahay sidaadaa, kan kale saafi yahay sideydaa.

=Su’aasha dhex taal sidoodaba, dambigaa bal mid saar sidoodaba.

=Jacaylkii aan kula sugaayay, Salaaddii Ina xaggaa, Sagaal rakcadood tukaday, sideedoo kale miyaa?.

=Malaha samir baa ka roon suddan…!!!..

W/Diyaariyey:C/raxmaan Cumar Madoobe(Dalmar)

 

MURTIDA WARGEYSKA

Dadka degan dhismooyinka dabaqyada ah, gaar ahaan  kuwa qeybta sare ka degan Dabaqyadaas (+) Sagxadda sare ee dhismaha dabaqyada oo ay soo fuulaan (X) Dadka degan dhismooyinka gaagaaban ee dabaqyada deriska la ah (÷) dhibaatada dadka saraha gaagaaban degan ay ku qabaan dadka dabaqyada degan =  Dhibaato ilaa iyo haatan xal aan loo heli karin in dadka dabaqyada degan is xilqaamaan mooyee (Waxaana dhibaatooyinkaas ka mid ah wasaq lagu soo daadiyo dadka saraha gaagaaban degan iyo  iyo iyagoo Musqulaha laga fiiriyo oo kor laga qisho & arrimo kale  oo badan), “musqulaha deda ama iska samra”.

W/D:- Maxamed Xuseen Yuusuf (Xaaji Tahriib)

Sidee loo joogteyn karaa Jacaylka…?!!

Inta aysan is guursan labada qof ee (Labka & dhediga) xilliga haasawahooda waxa ay sheegaan in ay is jecel yihiin oo ay is doonayaan, uuna ka dhexeeyo jacayl wanaagsan oo waaray.

In badan ayaa la arkay labo is jecel oo isla haajiray (Masaafeystay) iyagoo ka baqaya in jacaylkooda la carqaladeeyo, kuwo baa is dilay marka ay is waayaan ama caqabado kale ay soo wajahdo, kuwo kalena waalidkood ayay u caddeeyaan in aan jacaylkooda la carqaladayn haddii kalena ay ifka uga tagayaan arrintaa awgeed.

Ma aha layaab haddii labo qof oo is jeceli ay is ammaanaan oo midba kan kale uu ku tilmaamo sharaf, qiimo, qaayo & qurux aan mataalkeeda iyo qiyaasteeda aan si fudud loo helayn, maxaa yeelay dareenka kalgacal ee dhex yaala qalbiyadooda is jecel ayaa isu tusinaya wanaag, hannaansami & bilic toosan oo ka muuqata qofka uu jecel yahay, taasina waa waxa keenay ammaanta badan & hilowga labadaa is jecel ay isu qabaan.

Intaas oo ammaan iyo jacayl isu hibeyn ah waxa ay dhacaan guurka kahor ama xilliga xaaladda haasaawaha lagu jiro, haddana waxaa dhacda in guurka kadib carqalado & caqabado jacaylkii la soo gudboonaado.  Haddaba waxaa isweydiin mudan sidee loo joogteyn karaa ama loo daa’imi karaa jacaylkii hore la isugu qabay.

Ogow Ina raggow ammaanta gabadha aad amaanaysid xilliga aadan guursan inay tahay mid aad ugu dhawaanaysid qalbigeeda, laakiin ammaanteeda guurka kadib ayaa ka qiimo badan amaantii hore taasoo leh mudnaanta koowaad ee jiritaanka jacaylkii hore, maxaa yeelay waa saldhig lama huraan ah si loo ilaaliyo qalbi samida & is afgarashada qoyska.

Nolosha wacan ee qoyska waa mid u baahan daacadnimo, niyad wanaag & isla dhaqan xilkasnimo leh.

Haddii aad rabto inaad nasiib u yeelato inuu jacaylkiina waaro lamaanahaaga ha dhaliilin, hana cannaanan, hadduu qalad idinka dhex dhaco adiga & lamaanahaaga si deganaani ku jirto isu deeqsiiya inaad qaladka u wada saxdaan, waxaa hubaal ah inaad arki doontaan adigoo isu muusaanaya halkii aad ka xanaaqi lahaydeen.

Ogow weji furnaanta, qosolka & farxadda badan ee lamaanayaashu wadaagaan inuu saldhig u yahay Jacaylka waara, haddana adigoo qosli kara, isla markaana si farxad leh ula cayaari kara Xaaskaaga/Ninkaaga maxaa keenatya weji macbuusnaan sababi karta burbur qoys? .

W/Q:- Aadan Axmed Aadan (Haydara)

 
Maxaad kala socotaa Xafiiltankii dhex maray Abwaanada Bidde & Huryo?

Wixii tegay iyo waqtigii la soo maray iyo wixii dhacayba waa taariikh xusuus mudan.

Waxay ahayd beri-samaadkii ay noloshu sidan ka qiimo badneyd,  marka laga hadlayo xagga Fankana wax caadi ah ayay ahayd in hobolladu had iyo jeer ay xafiiltamaan.

Haddaba xilli galab ah oo lagu shaahayay barxadda Golaha Murtida iyo madadaalada  ee Muqdisho ayay is qabteen Abwaanada caanka ah ee AXMED SALEEBAAN BIDDE & MAXAMED CUMAR HURYO wuxuuna mid waliba kan kale ku weeraray “annaa kaaga sareeya hal abuurnimada & annaa kaaga sareeya”, markii ay ku heshiis waayeen garta cidda qaadanaysa ayaa waxay isku afgarteen inay u gar dhigtaan abwaanada kale ee aynigooda ah, waxayna u xusheen inay u gar qaadaan abwaanada caanka ah ee Hadraawi, Kaariye, Sangub & fannaaniin kale.

Guddi kala gar bixiya labadaa Abwaan ayaa markiiba loo saaray, waxayna Guddigaasi labada Abwaan ee madaxa isla galay hor dhigeen  in lagu kala saari doono in nin waliba laga doonayo inuu alifo Hees leh dareen Caashaq oo mug leh, laguna ammaanayo gabar heshay   astaamaha wanaaga iyo quruxda, waxaana loo qabtay maalmo kooban.

Muddadii loo qabtay ayaa Abwaan waliba la soo shir tagay hees uu is lahaa midka kale waad kaga guulaysanaysaa hal abuurnimada mar dambana kaama uu daba hadli doono.

Abwaan Huryo ayaa lagu hor maray oo la yiri soo bandhig waxa aad heyso, markaasuu yiri waxaan soo muhindisay hees dab ah oo kicinaysa shucuurta Nufuusta, hal abuurnimadaydana qireysa inay ka midan tahay midda Abwaan Bidde”, wuxuuna miiska soo saaray oo uu la soo shir tagay heesta INDHO DEERALLEEY waxaa la faray inuu Fannaan cod toolmoon leh u xusho, markaasuu u xushay fannaanka lagu magacaabo XUSEEN YUUSUF TARABBI.

Heestaas oo masraxa la soo saaray ayaa waxa ay u dhigneysaa sidatan…..

Waxa Diyaariyey:-

MUSTAF CADDAAY XUSEEN

U dulqaado

SAMSAM A.N “DIRIDIRAALE LAMAANAYAASHA IS JECEL KALA GEYNAYA MAXAA LAGU SAMEEYAA?”

Ugu horreyntii waxaan salaamayaa bahda wargeyska Aayaha Nolosha, salaan kadib magacaygu waa Samsam A.N(Socod wanaag) waxaana deganahay xaafadda Lafoole gaar ahaan Jaamacadda Beeraha.

Waxaan ahay dhibane Jacayl, sidaas daraadeed waxaan doonayaa inaan bulshada uga faaloodo  ama aan u bandhigo dhibka I haya.

Bogga U DULQAADO oo uu wargeyskan u siiyey dhibanayaasha Jacayl fursad ah inay dhibkooda ku soo bandhigtaan boggan, waana ugu hambalyeynayaa wargeyska barnaamijkan.

Inkastoo dhibaatada jacayl ee I heysataa aanan u dulqaadan karin waxaan daneynayaa in dadku ila dareemaan, bal dadow ila dersa dhibaatayadan:-

“Muddo Sanad & dhowr bilood ayaan jacayl wada jileynay wiil aan isku baranay khadka Isgaarsiinta isagoo degan magaalada Afgooye, runtii wiilkaasi si hagar la’aan ah ayaan ugu hibeeyay qalbigeyga isagana sidoo kale ayuu ii hibeeyay kiisa, waxaana noqonay Lamaanayaal dulqaad iyo qadarin isu haya.

Si kastaba ha ahaatee xaaladdii sidaa ahayd way is bedeshay oo geedkii jacayl ee aan abuurnay isagoo aan mirihiisii bislaan bay dad xaasidiin ah dab ku qabteen, kuwaasoo ka shaqeeyay kala irdheynteena, ma garanayo dadkaas waxan ka bi’inay & waxa ay ka faa’idayaan, gaar ahaan aniga ayay iga been abuurteen oo wiilkii aan jacayl wadaaga ahayn u geeyeen hadalo aan jirin, isagana waxna ma uusan hubsane isagoo xanaaq la koraya ayuu hadalo kulul oo aan ka fiirsi lahayn iila yimid, run ahaantii hadaladaasi way iga oohiyeen oo waxba kama qaban karin waayo dhalanteed ayay igula muuqdeen.

Waxaan isku dayay inaan wiilkii ka dhaadhiciyo in hadalada loo geeyay aysan waxba ka jirin, balse wuu iga aqbali waayay oo dadkii warka u geeyay ayuu hadaladoodii qaatay oo aniga keygii tixgelin waayay.

Ceeb malaha oo Calaf wuu xumaadaa, laakiin saddexeeyaha Lamaanayaasha is jecel kala geynaya maxaa la isaga daweeyaa?.


Contact us at: aayaha_nolosha@hotmail.com