E-mail:-
aayaha_nolosha@hotmail.com iyo ampacalin2004@yahoo.com ama dalmar2005@yahoo.com
JACAYLKII KADEEDNAA EE ABWAAN XASAN JACAYL
Qeybta 8aad
Markii Madasha gogosha la isugu yimid oo Odayaashii Xasan Jacayl
dhankiisa ka socday ay soo gogol fariisteen ayaa inta aysan hadalka & ujeeddadii ay u
socdeen daah furin isbedel aan la fileyni uu goobtii ka dhacay. Xaawo Sheekh Hooyadeed
ayaa markiiba ciil cunaha buuxsamay waxay dhaayaha ku dhufatay Nin ka mid ahaa Adeeradii Xasan
Jacayl oo gogosha fadhiya, waxay weydiisay waxa uu wiilka gabadha ka raba u yahay markaasuu
yiri Adeerkiis baan ahay.
Adeerku wuu fahmay in cuqdad hore u dhex martay isaga & Hooyada
gabadha ay doonista u yihiin ay ku soo maaxatay duqda, inkastoo isagu cuqdadaas uu iloobay
haddana Duqdii ayaa gocotay oo bugtadii cuqdadaas damqatay, isla markiiba gabadheedii ayay qol
gaar ah la gashay oo ku tiri Xasan cawa arki meysid, maalinna arki meysid, ama isaga
ayaad raaci ama aniga.
Deeqo oo yaab Alle ku keenay, caqabaddii ugu weyneydna jacaylkeeda uu
soo wajahay ayaa tiri Hooyo sidey wax u jiraan bismillaahiye bal si degan wax iigu
sheeg War nin adeer u ah Xasan ayaa hadda kahor I xumeeyay, marka ninkaas
wiil uu adeer yahay heyhaati ayay ka tahay inaan ku siiyo ee anigaa Hooyadaa ah sida aan rabo
yeel, meel kale oo kheyr qabta Alle hakuu sahlee.
Deeqo maxay samayn kartaa tallaa faraheeda ka baxday, farxaddii
daqiiqado kahor harreysay nafsadeeda & rajadii bidhaamaysay ee jacaylkeeda ayaa mar qura
nalkii u shidnaa ka damay, gudcur mugdi ahna soo dhex fariisatay.
Iyadoo isla walaacsan oo nafteeda la sheekeysanaysa ayay Hooyadeed u soo
gashay Odayaashii, Eeddo adigaan kuu fadhinay, Odayaashii xaggiina ahaa ayaan rabnay
maxaa dhacay maad na qiimeysid ayay Odayaashii ku yiraahdeen, balse jawaab ay ku farxaan
kama aysan helin oo waxay ku tiri Guriga igaga baxa suaalo & dood baa la
is weydaarsaday, sheekadii baa sii xumaatay, duqdii Bud bay la soo baxday Odaygii bay arki
weysay, rabshadii baa sii bulaashay, gar & guur baa loo socdee, dagaal & dulmi baa
meeshii ka dhacay, kabtay ma aragtaa ka dhacday oo waa lagu kala yaacay goobtii.
Meelba sida ay u taalo ayaa loola yaalaaye Deeqo markii ay aragtay
Hooyadeed oo marada u duuban tahay iyana dhinaceeda ayay ka duubatay, {waa gar ma Hooyadeed
bay dhibka ku eeganaysaa, inay la safato waa daw oo kuma qaldana, inkastoo loo baahnaa inay
jacaylkeeda dib u eegto}.
La soco sheekada qeybaheeda dambe oo Xiiso gaar leh.
Inkastoo waxyaabaha Dumarku jecel yihiin ay aad u
fara badan yihiin oo qoraal kaliya aan lagu soo koobi karin, haddana ogow waxa raggu ay
jecel yihiin ayay iyaguna jecel yihiin, balse waxyaabaha ugu muhimsan waxaa ka mid ah:-
=GUUR & DHAQAN DAACAD AH:-
Waari meysid war hakaa haro
waa murtida loo cuskado qofka marka uu qaangaaro ee lagu guubaabinayo guurka, taasoo la
macno ah waad dhimanaysaa ee ilmo fir & farac adiga kugu abtirsada hakaa haraan
oo magacaagu yuusan biin geeridaada kadib, sidoo kale waxaa jira murti guurka
dumarka ku kooban oo oranaysa gabar god hakaaga jirto ama guri raggeed oo
iyana la macno ah gabar ha guursato ama ha iska dhimato intay guumeys baara noqon
lahayd.
Haddaba iyadoo arrimahaasi ay jiraan oo
guurka sida muuqata lagama maarmaan yahay ayaa haddana Lamaanayaasha guurka ku kulmaya
looga baahan yahay inay la yimaadaan dhaqan daacad ku salaysan.
Dumarka cudurkooda waa iyagoo la guursan
waaya, ragga cudurkoodana waa baagamuudada marka maadaama dumarku Guur u baahan yihiin
haddana iska guurso ma ahee dhaqan ayay u baahan yihiin.
Bal ka waran, wiilka inta gabar
soo guursada oo Hooyadeed, Aabaheed, walaalaheed, aqribadeeda, asxaabteeda &
deriskeeda ka soo dhex bixiya (ka soo wata) haddana baararka ku caweynaya iyaduna ay Cidlo
joogto.
War Ina Raggow gabadha marka la
guursanayo guriga aad ka soo kaxaysatay ee Waalidkeed iyo walaalaheed ay kula noolayd kama
aysan waayin Jiif, cuno, dhar & sheeko, adigana intaas baad ka soo dhex bixisay
markaasaan baararka, goobaha lagu kulmo, biibitooyinka lagu qayilo iyo fadhi ku dirirada
ka qosleysaa iyaduna ay cidlo ciirsi la fadhisaa oo inta ku sugi weyso iska
hurdeysaa, markaasaad xilli dambe ku soo garaacaysaa.
Gabar adiga kuu soo goday oo
dadkeedii kaaga soo dhex baxday ayaad ka tagaysaa oo inta casirkii shaarka & macawista
kugu bilicda qurxoon soo xirato ka soo jaqaafinaysaa, iyaduna dad deris ah oo aysan is
fahamsanayn amaba cidlo uga soo tagaysaa.
War sidaa Ilaah xaqiis ma aha ee dumarka
waxa ay jecel yihiin & sida ay jecel yihiin haloo yeelo.
Waa socotaa .
W/D:- C/raxmaan Cumar Madoobe(Dalmar)
DHAMBAALO INTERNETKA LOO SOO MARIYEY WARGEYSKA
Dhambaalka labaad ee dhinaca Internetka
boggagiisa E-mailka naloo soo mariyey ayaa waxaanu ka helnay akhriste ku sugan Gobolka
Atlant ee dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Yaasiin Maxamed Xasan, wuxuuna Yaasiin
qormadiisa ku bilaabay:-
Dhamaan waa
salaaman tihiin shaqaalaha Wargeyska Aayaha Nolosha .aan ku bilaabo magaceyga waa
Yassin Maxamed Hassan, kuna nool qurbaha, lana socda Wargeeska Ayaha Nolosha si joogto ah,
waxaad leedihiin u dulqaado, maxaan u dulqaataa dhib weyn ayaa i heystee?.
waxaan ahay
nin xaas ah lehna 3 caruur kuna nool Atlanta, GA USA. 6-dii sano ee ugu danbeysay,
xaaskeyga oo aan isku soo aroosnay Africa oo aan isla nimid halkaan (Mareykanka) dhib weyn
ayaa iga heysta dhankeeda, haddii aan ka bilaawo dhaqaalaha, aniga kaliya ayaa u xamaala
qoyska, ma xuma aan xamaalee, mana xuma wixii aan hela haddii aan ku harsaneyno, kistii
aan soo shaqeeya waxaa ay u dirtaa mooriyaan dhaawac ah oo Somalia joogta oo qoyskeeda ah,
xoolaheyga xaggaas ayay ku dhamaadeen, ma diidi karo oo nimanka ay wax u direyso waa
xaaskeyga walaalaheed, haddii aan diido buuq iyo dhib ayaa imaanaya, dhanka kale aniga
& carruurtaba wax daryeel kuma heysano, waxaana intaa u sii dheer iyadoo aada gobolo
naga fog oo u aado aroosyo ka dhacaya oo ay mar mar maqnaaneeso 3 beri, ma quutul yoom
ayaan raadiyaa mise carruurta ayaan hayaa? Ileyn FAR KALIYA FOOL MA DHAQDEE, ma
waxaas ayaa loo dulqaadan karaa? ma canaanan kartid because waa dhul ay Naaguhu ku awood
badan yihiin, halka ay qeylo ku jawaabeyso markii aad wax u sheegto, mana joogno
dhulkeenii hooyo! ma waxaas ayaan u dulqaadan karnaa madaxiibaa na qarxi raba! adinkana u
dulqaata ayaad na leedihiin, inkastoo ay jirto waxyaabo fara badan oo aan halkaan ku soo
koobi karin oo aan u dulqaato. Inna-Laaha Maca Saabiriin!
Yassin M.
Hassan Atlanta, GA USA.
Fiiro
gaar:- Samirka & dulqaadku waa jid lagu gaaro wanaag & horumar, qofkii dhibka u
samrana Alle ayaa kheyr ugu abaalguda ha soo degdego kheyrkaa ama ha soo dib dhecee
(Naagina waa u samir ama ka samir) haddana Alle dartii haloo samro Waa fikradda
bahda wargeysku qabo, qormadana loo abuuray
DHOOF CAASHAQ IYO DHAXAL JACAYL
Qaybtii 99-aad
Liibaan in qorshaha loo sheego oo fadhi casuumaad ah la sameeyo
halkaasna la isku barto, wixii dhacayna la iska raali gareeyo ayaa hoosta laga wada
xariiqay.
Goaankaas markii la qaatay ayaa maalintii xigtay isla subixii
uu waagu baryayba Maxamed Nasiib ku dheelmaday Suuqa Xoolaha oo Labo Neef oo ari ah ka soo
iibiyey, kadibna inta qarash wixii lagu cuni lahaa labadaa neef u dhiibay Xaaskiisa &
Hooyadiis Xaawo Eedan oo wadajira yiri qado sharaf duco & is cafin ku jirto hala
sameeyo, Culimo quraan inagu wada akhrisana Masjidka inoogu dhow halooga yeero,
Hooyaday Ladan ayaan sii marayaa oo inay Duhurki inoo timaado u sheegayaa, anigana shaqada
degdeg kaga soo laabanayaa.
Dardaarankii Maxamed nasiib ayaa sida ay tahay loo qaatay oo howshii
la guda galay, isagana inta Hooyadiisii rumaad ee Ladan uu maray ayuu ugu horeynba sidii
uu u salaami jiray si ka duwan u salaamay, Labada gacmood & labada dhaban ayuu ka
dhunkaday oo si wacan u marxabeeyay, Ayeydiis ayuu u sii gudbay oo iyana si xushmadi ku
jirto u gacan qaaday, maadaama ay Duq Waayeel ahaydna Maxamed, kheyr qabihii miyaa,
ma Qadarkii naloo soo diray baa, wiilkeygi Liibaan oo dhurow ayay ereyo uu ku laab
qaboobay iyana ku tiri.
Hooyadiisi Ladan ayuu Lacag isku xiran inta siiyey Lacagtan
isla hadda Suuqa la aad oo dharka ugu bilicda qurxoon ku soo iibso, Shanta saac ayaa ku
soo marayaa adigoo lebisan oo diyaar ah aan kuu imaado iyadoon dhihi maxaa
jira & halkeen aadaynaa ayay haye tiri.
Maxamed nasiib isla markiiba degmada Madiina oo Aabihiis deganaa
ayuu beegsaday oo u sheegay inuu qorshe muhim ah ka leeyahay, Haatan waxba kuuma
sheegi karo ee fadhi qado ah ayaa jira ee waa inoo duhurkii inta ku yiri ayuu
shaqadiisii soo aaday, Ladana Suuqa Bacadlaha inta aaday ayay dhar aad u bilic qurxoon ka
soo iibsatay, Xaawo Eedan & Xaaskii Maxamed Nasiibna qado ceeb astur ah diyaar
gareynteeda galeen.
Sidii ballantu ahayd Maxamed Nasiib Shantii saac ee barqanimo ayuu
shaqadii soo faaruqay oo Hooyadiis Ladan oo diyaar ah soo maray, gaarigiisii inta ku soo
qaaday ayuu gurigiisii keenay. Ugu horeyn fadhigaa waxaa isugu yimid Maxamed &
Xaaskiisa, Xaawo Eedan & Ladan, waxaana halkaa lagu heshiisiiyey Ladan & Xaaskii
Maxamed Nasiib oo si sharaf leh heshiiskoodu u dhacay. Xaawo Eedan indhaheedu waxay
ka jeesan waayeen Ladan, si dhab ah ayay u eegeysay, halka Ladan aysan arrintaas ku jirin,
Nacam wallee waa iyadii, Ladan waaye, wallee Adduunyo Gabadhii aan u shaqeyn
jiray ayaa maanta inoo shaqeynaysa .
Waa socotaa.
W/Qoray:-C/raxman Cumar Madoobe (Dalmar)
Maxaad ka ogtahay oo macluumaad ah dhambaalada Jacayl ee
waaray?!!
Qaybtii 4-aad
Warqadda
Saddexaad ee ka mid ah dhambaalada waarey ee la xuso waxaa qortay Gabar u dhalatay dalka
Spain oo naafo ka ahayd qeybta dambe ee jirkeeda, waxaana Lugo u ahaa Kursiga Curyaamiinta
oo alwaax ka sameysnaa, kursigaas oo farsamadiisu liidatay darteed shanqar laga naxo ayuu
bixin jiray marka ay dhaqaaqayso.
Gabadhaasi
waxaa gurigooda hor marta Waddo weyn oo badi dadku si aad ah u maraan subax & galabba,
iyaduna maadaama ay curyaan aan shaqo lahayn ay ahayd dadka waddadaas maraya ayay
iska daawan jirtay.
Muddo
badan markii ay daawashadaas ku jirtay ayaa waxay caashaqday wiil ka mid ah dadkii
waddadaasi xilli walba soo mari jiray, kaasoo ahaa wiil aad u filsamaa oo ay la dhacday
muuqaalkiisa soo jiidashada leh.
Magaciisu
wuxuu ahaa Romaano Subaxdii marka uu soo hor maro gabadha & marka uu galabtii sii
laabanayaba waxa uu si xushmad leh u salaami jiray gabadha curyaanta ah oo deymadiisa ku
indho bikaacsan jirtay codkiisa salaanta ahna ku raaxaysan jirtay.
Gabadhaas
maadaama ay jeclaatay wiilkaas waxay bilowday fakar iyo inay talo rogrogto, waxayna is
tususay inaysan buuxin karin rabitaanka Roomaana maadaama waxa ay raggu ka doon ayaan
dumarka ka kala dhantaalan yihiin, balse waxay goaan ku gaartay inay jacaylkeeda
taabsiiso iyadoo aan wax dan & hami ah ugu jirin inuu ka aqbalayo daruufta Rabbaaniga
ah ee jirta awgeed.
Haddaba
dhambaalka ay gabadhaasi curyaanka ahayd u qortay wiilkaas bilicda qurxaanaa ee ay
caashaqday oo ay ugu magac dartay Wiilyahow waan ku jeclahay laakiin waa adigoon
dharka iska siibin oo ay ka wadday Taak kuuma hayo xitaa haddii aan
aniga dartey dharka isaga siibto.
Gabadhaasi
erayada ay dhambaalkaa u adeegsatay oo layaab lahaa ayay ku tiri Aniga I guurso,
kadibna Naag kale guurso oo aniga si niyad ah ayaad ii qabaysaa imana naagaysanaysid oo
weligaa dharka isagama key siibeysid, waayo naag kuuma noqon karo curyaannimadayda
darteed, naagta kale ee aad guursato ayuun baa naag kuu noqonaysa, anigana calaa niyo
& jacayl dartii igu qab.
Wiil 14-jir ah oo lagu magacaabo Liibaan Nuur Axmed oo degan
xaafadda Tawakal ee degaanka Gubta ayaa gabar uu masaafaystay lagu heystaa.
Gabadha oo lagu magacaabo Foos Muxidiin ayaa waalidkeed oo masaafada
lala galay ka war helay waxay ku doodeen in wiilkaas yarka ah uusan geynin gabadhooda,
ayna ka codsadeen inuu u furo.
Foos & Liibaan oo qadka isgaarsiinta telefoonka isku bartay ayaa
jacayl isugu qaaday leynka telefoonka, waxaana haatan dood arrintooda ku saabsan ay u
socotaa waalidka labada dhinac.
HAWEENEY CANUG AY DHASHAY ISAGOO SAACADO DHALAN LAGA XADAY
Haweeney lagu magacaabo Muslimo Aadan oo degan degmada Howlwadaag
ayaa canug ay dhashay isagoo saacado dhalan laga xaday.
Warku wuxuu sheegayaa in haweeneydaa oo ku soo umushay Isbitaalka
Sos markii ay isbitaalka ka soo baxaysay ay horey u soo raacday haweeney ay
isbitaalka albaabkiisa isku barteen, taasoo ku soo gashay inay si biniaadannimo leh
u caawinayso maadaama ay umul ahayd.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in haweeneyda ay canugii u dhiibatay
naagtii la socotay ee Isbitaalka ay isku soo barteen maadaama ay xanuunsanayso balse ay
canugii kala dhuumatay kaasoo aan la ogeyn meel ay la aaday.
SAAXIIBO SHAQO LAYAAB DARTEED ISKU SEEGAY
Gabar lagu magacaabo Yaasmiin Cabdi & wiil la yiraahdo Maxamed
Nuur oo ku dhawaad 4-sano xiriir jacayl uu ka dhexeeyay ayaa isku qabsaday arrin mucjiso
leh.
Sida uu wariyaheena Yuusuf Maxamuud Warsame (Bidaaye) u sheegay Oday
garta labadaas ruux qaaday ayaa warku sheegayaa in Maxamed Nuur oo darawal Basaska BL-ka
ee Kaaraan ka shaqeeya ah uu Suuqa dawada ee Bakaaraha uu ku arkay gabadhiyoo ku jirta
shaqada gacan hoorsiga ee Tuugsiga, arrintaasoo filanwaa ku noqotay.
Buuq ka dhashay arrintaas ayaa waxaa soo dhex galay Odayaasha
degaanka Xamar Jajab oo ay labadoodu wada deganaayeen, balse wuxuu wariyaheenu soo sheegay
in lagu guuldareystay oo sababtaas darteed ay ku kala tageen.
CUDURKA DAAFKA OO BAAJIYEY AROOS QARASH FARA BADAN UU KU
BAXAY
Wiil la yiraahdo Maxamuud Cali oo degan xaafadda Cali-kamiin ee
Magaalada Muqdisho ayaa aroos uu geli lahaa habeenkii Jimcaha ee la soo dhaafay iyadoo
qabqaabada arooskaa lagu guda jiro gabadhii loo aroosin lahaa ay diiday.
Sida uu inoo sheegay Joornaaliiste Cali Midnimo oo degaankaas degan
wiilka oo habeenkii uu aqal geli lahaa galabteedii cudurka daafka uu ku soo booday ayaa
gabadhii uu la aqal geli lahaa diiday inay la aqal gasho Nin qaba daaf iyadoo ka baqeysa
in uu qaadsiiyo cudurkaasi daafka.
Sida warku naguu soo gaaray aqal geynta arooskaa ayaa dib u dhacay
kadib markii gabadhu codsatay in marka uu daafka ka soo bogsado ay aqal galayaan inta ka
horreysana ay sii suganayso, taasoo labada dhinac ay isku raaceen maadaama gabadhu xujo
adag la timid.
Nin aanan magaciisa helin oo deganaa agagaarka Warshaddii hore ee
Caanaha ee magaalada Muqdisho ayaa guri uu ijaar ugu deganaa
si qasab ah looga saaray.
Sida aan ka soo xiganay Milkiilihii gurigaas Maxamuud Abtidoon Ninka
guriga laga saaray oo ahaa Waddaad dhalinyaro ah oo gurigaasi deganaa muddo saddex sano ah
sababta looga saaray ay tahay muddadaas oo 11-naagood oo uu gurigaas ku soo guursaday uu
saddexdaas sano gudahood furay, furiinkiisaa badan darteedna looga saaray guriga.
ISBAARO CAJIIB AH OO KA DHACDAY MUQDISHO
Nin ka gaabsaday inaan magaciisa la soo qorin oo degan degmada
Waaberi ee magaalada Muqdisho ayaa Jaad uu ka soo iibsaday xaafadda Via Laybeeriya ee isla
degmada Waaberi ayaa waxaa soo daba wiideystay (daba kacay) rag mooryaan ahaa oo goobta uu
Jaadka ka gadanayay ka soo raacay.
Wariyaheena Yuusuf Bidaaye oo warkan ina soo gaarsiiyey ayaa inoo
sheegay in Ninkaas diiday magaciisa uu bar garanayo ragga Mooryaanta ah kuwaasoo ku qabtay
qori markii uu xaafadda horey u soo galay, waxayna ku yiraahdeen Saaxiibow waan ku
naqaanaa kuma xumeynayo ee adiga ha ina xumeynin, waxaadna nagu soo wareejisaa Jaadka
subarka ah ee aad wadato, Rubacan oo nagu maraxoobay qaado, haddii aad isku daydo inaad
diido ogow Afar Tiir Xarar ah iyo Fuusto ayaad kor u eegeysaa oo la macno ah waan ku
dileynaa oo Fuusto & Tiirarka qabriga lagu daboolo ayaad kor u eegeysaa.
Arrintaas oo sida uu ninku sheegay mucjiso lama gudbaan ku noqotay
ayuu u hoggaansamay kadibna iska qaatay Rubicii jaadka ee ay siiyeen dablaydu
MAXAAD KA OGTAHAY
OO MACLUUMAAD AH DHAMBAALADA JACAYL EE WAARAY?!!
Sida aanu ognahay marka wax
kasta oo dhaca laga hadlayo waxa ay leeyihiin raadraac & hoggaan lagu tilmaansado,
Tusaale haddii aan u soo qaadanao arrimaha Jacaylka & Kalgacaylka nadiifka ah
waxaa jira shaqsiyaad loo yaqaan raaca hore ee dhinaca Jacaylka iyo inay calanka u sidaan
xubiga sida Qays & Leyla, Cantar & Cablah, Jamiilo & Busneey, iyadoo
dhinaca dalkeenana ay horyaalka mucaa-shaqiinta ee la xuso ay ka mid yihiin Cilmi &
Hodan oo reer Berbera ahaa oo qisadooda buugaag laga qoray, heeso, gabayo &
halheysyana laga sameeyay, Muli & Xuseen oo reer Seylac ah kuwaasoo loo qaaday heesta
JAALALEY miraheedana ay ka mid yihiin Axdigii uu Xuseen jilay Muliyana ha jebin
tiri, iil inay isu jiifaan, muxuu jaahil ka og yahay.
Nuxurka Qormadeena oo aan ku faaqideyno dhambaaladii Jacayl
ee ay isu direen laba is jecel ama midkood midka kale u diray ayaa waxan ka xuseynaa
dhambaaladii ugu ta-yada sareeyay oo iyagu gaarayay ilaa 10 dhambaal oo cilmi-baaris la
sameeyay sannooyinkan dambe lagu og-aaday inay yihiin dhambaalo xusuus gaar ah ku reebay
mucaashaqiin badan, isla markaana noqday kuwo la xafiday.
Dhambaalka ugu hadal heynta badan ayaa dhambaal ay qortay
gabar fannaanad reer Talyaani ah oo caan ka ah dal-alka Yurub oo nin ay jeclaatay u qortay
dhambaal ay hal-kudhig uga dhigya Duggaagyahow qurxoon iyadoo
ni-nkaasina uu ku shardiyey haddii ay jeceshahay in ay fanka ka
tanaasusho,haddaba arrintoodii maxay ku dambeysay?
Waxa kale oo dhambaalada waaray aan ka xusi karnaa mid uu qoray Wiil reer Jabbaan ah oo
Jaamacad London ku taa-la wax ka baranayay uu u diray gabar jacaylkiisa ahayd oo joogtay
Tokiyo cariga Jabbaan waxaana dhambaalkaasi la yiraahdaa Waan ku arkaa, kuumana
jeedo.
Sidoo kale waxaa ka mid ah dhambaal ay qortay gabar Jiis
ahayd oo reer Isbaanish ah una qortay Wiil la yiraahdo Ro-maano oo galab waliba horteeda
marmari jiray waxaana dhambaalkaa loo yaqaan Ninyahow waan ku jeclahay, balse waa
adigoon dharka iska siibin waxayna kaga cod-sanaysay in uu naag kale guursado
laakiin uu iyada ka soo qaado ama uu u niyeysto iyo weliba dhambaalo kale.
Qormada Raadiyaha Codka Mucaashaqiinta waxan
Todo-baad walba idinkugu soo bandhignaa Heesaha ka tarjumaya Jacaylka ee sida aadka ah loo
xiiseeyo & ulajeeddadii loo alifay.
Heestani waxa ay miraheedu ka hadlaysaa isla
markaana ay khuseysaa Jacayl dhex maray Abwaanka alifay ee Kaariye & Gabadha Fanka ku
gaamurtay ee Shankaroon oo jacaylkii dhex maray uu ahaa mid shaac baxay, walow uusan sidii
loogu talo galay u hirgelin ayay haddana heestani tilmaamaysaa luggooyo iyo in Shankaroon
oo inta badan dad kale arrimaha Jacaylkeeda kala arrinsata, kuwaasoo dibindaabyo mooyee
wax horumar gaarsiin ah aan u horseedin, iyadoo Jacaylka uu u hayay Abwaankana uu
ahaa mid mudnaan gaar ah lahaa, balse ay iyadu ka sii jeeday, taasoo aad ka dhadhansan
doontaan miraha heesta oo sidan u qormeysa:-
=Haddaad shalay saakay moodo, Saadambana berrito
u malayso, ku sire gacalkaada moodo.
=Jacaylkii aan kula sugaayay, Salaaddii Ina
xaggaa, Sagaal rakcadood tukaday, sideedoo kale miyaa?.
=Malaha samir baa ka roon suddan !!!.
=Labada isa suran sal iyo baar, sagsaag midi
yahay sidaadaa, kan kale saafi yahay sideydaa.
=Suaasha dhex taal sidoodaba, dambigaa bal
mid saar sidoodaba.
=Jacaylkii aan kula sugaayay, Salaaddii Ina
xaggaa, Sagaal rakcadood tukaday, sideedoo kale miyaa?.
=Malaha samir baa ka roon suddan !!!..
W/Diyaariyey:C/raxmaan Cumar Madoobe(Dalmar)
MURTIDA WARGEYSKA
Dadka degan dhismooyinka dabaqyada ah, gaar ahaan kuwa qeybta sare ka degan
Dabaqyadaas (+) Sagxadda sare ee dhismaha dabaqyada oo ay soo fuulaan (X) Dadka degan
dhismooyinka gaagaaban ee dabaqyada deriska la ah (÷) dhibaatada dadka saraha gaagaaban
degan ay ku qabaan dadka dabaqyada degan = Dhibaato ilaa iyo haatan xal aan loo heli
karin in dadka dabaqyada degan is xilqaamaan mooyee (Waxaana dhibaatooyinkaas ka mid ah
wasaq lagu soo daadiyo dadka saraha gaagaaban degan iyo iyo iyagoo Musqulaha laga
fiiriyo oo kor laga qisho & arrimo kale oo badan), musqulaha deda ama iska
samra.
W/D:- Maxamed Xuseen Yuusuf (Xaaji Tahriib)
Sidee
loo joogteyn karaa Jacaylka ?!!
Inta aysan is guursan labada qof ee (Labka & dhediga) xilliga haasawahooda
waxa ay sheegaan in ay is jecel yihiin oo ay is doonayaan, uuna ka dhexeeyo jacayl
wanaagsan oo waaray.
In badan ayaa la arkay labo is jecel oo isla haajiray (Masaafeystay)
iyagoo ka baqaya in jacaylkooda la carqaladeeyo, kuwo baa is dilay marka ay is waayaan ama
caqabado kale ay soo wajahdo, kuwo kalena waalidkood ayay u caddeeyaan in aan jacaylkooda
la carqaladayn haddii kalena ay ifka uga tagayaan arrintaa awgeed.
Ma aha layaab haddii labo qof oo is jeceli ay is ammaanaan oo midba
kan kale uu ku tilmaamo sharaf, qiimo, qaayo & qurux aan mataalkeeda iyo qiyaasteeda
aan si fudud loo helayn, maxaa yeelay dareenka kalgacal ee dhex yaala qalbiyadooda is
jecel ayaa isu tusinaya wanaag, hannaansami & bilic toosan oo ka muuqata qofka uu
jecel yahay, taasina waa waxa keenay ammaanta badan & hilowga labadaa is jecel ay isu
qabaan.
Intaas oo ammaan iyo jacayl isu hibeyn ah waxa ay dhacaan guurka
kahor ama xilliga xaaladda haasaawaha lagu jiro, haddana waxaa dhacda in guurka kadib
carqalado & caqabado jacaylkii la soo gudboonaado. Haddaba waxaa isweydiin mudan
sidee loo joogteyn karaa ama loo daaimi karaa jacaylkii hore la isugu qabay.
Ogow Ina raggow ammaanta gabadha aad amaanaysid xilliga aadan
guursan inay tahay mid aad ugu dhawaanaysid qalbigeeda, laakiin ammaanteeda guurka kadib
ayaa ka qiimo badan amaantii hore taasoo leh mudnaanta koowaad ee jiritaanka jacaylkii
hore, maxaa yeelay waa saldhig lama huraan ah si loo ilaaliyo qalbi samida & is
afgarashada qoyska.
Nolosha wacan ee qoyska waa mid u baahan daacadnimo, niyad wanaag
& isla dhaqan xilkasnimo leh.
Haddii aad rabto inaad nasiib u yeelato inuu jacaylkiina waaro
lamaanahaaga ha dhaliilin, hana cannaanan, hadduu qalad idinka dhex dhaco adiga &
lamaanahaaga si deganaani ku jirto isu deeqsiiya inaad qaladka u wada saxdaan, waxaa
hubaal ah inaad arki doontaan adigoo isu muusaanaya halkii aad ka xanaaqi lahaydeen.
Ogow weji furnaanta, qosolka & farxadda badan ee lamaanayaashu
wadaagaan inuu saldhig u yahay Jacaylka waara, haddana adigoo qosli kara, isla markaana si
farxad leh ula cayaari kara Xaaskaaga/Ninkaaga maxaa keenatya weji macbuusnaan sababi
karta burbur qoys? .
W/Q:- Aadan Axmed Aadan (Haydara)
Maxaad
kala socotaa Xafiiltankii dhex maray Abwaanada Bidde & Huryo?
Wixii tegay iyo
waqtigii la soo maray iyo wixii dhacayba waa taariikh xusuus mudan.
Waxay
ahayd beri-samaadkii ay noloshu sidan ka qiimo badneyd, marka laga hadlayo xagga
Fankana wax caadi ah ayay ahayd in hobolladu had iyo jeer ay xafiiltamaan.
Haddaba
xilli galab ah oo lagu shaahayay barxadda Golaha Murtida iyo madadaalada ee Muqdisho
ayay is qabteen Abwaanada caanka ah ee AXMED SALEEBAAN BIDDE & MAXAMED CUMAR HURYO
wuxuuna mid waliba kan kale ku weeraray annaa kaaga sareeya hal abuurnimada &
annaa kaaga sareeya, markii ay ku heshiis waayeen garta cidda qaadanaysa ayaa waxay
isku afgarteen inay u gar dhigtaan abwaanada kale ee aynigooda ah, waxayna u xusheen inay
u gar qaadaan abwaanada caanka ah ee Hadraawi, Kaariye, Sangub & fannaaniin kale.
Guddi
kala gar bixiya labadaa Abwaan ayaa markiiba loo saaray, waxayna Guddigaasi labada Abwaan
ee madaxa isla galay hor dhigeen in lagu kala saari doono in nin waliba laga doonayo
inuu alifo Hees leh dareen Caashaq oo mug leh, laguna ammaanayo gabar heshay
astaamaha wanaaga iyo quruxda, waxaana loo qabtay maalmo kooban.
Muddadii
loo qabtay ayaa Abwaan waliba la soo shir tagay hees uu is lahaa midka kale waad kaga
guulaysanaysaa hal abuurnimada mar dambana kaama uu daba hadli doono.
Abwaan
Huryo ayaa lagu hor maray oo la yiri soo bandhig waxa aad heyso, markaasuu yiri waxaan soo
muhindisay hees dab ah oo kicinaysa shucuurta Nufuusta, hal abuurnimadaydana qireysa inay
ka midan tahay midda Abwaan Bidde, wuxuuna miiska soo saaray oo uu la soo shir tagay
heesta INDHO DEERALLEEY waxaa la faray inuu Fannaan cod toolmoon leh u xusho, markaasuu u
xushay fannaanka lagu magacaabo XUSEEN YUUSUF TARABBI.
Heestaas
oo masraxa la soo saaray ayaa waxa ay u dhigneysaa sidatan ..
Waxa
Diyaariyey:-
MUSTAF
CADDAAY XUSEEN
U dulqaado
SAMSAM A.N
DIRIDIRAALE LAMAANAYAASHA IS JECEL KALA GEYNAYA MAXAA LAGU SAMEEYAA?
Waxaan ahay dhibane Jacayl, sidaas daraadeed waxaan doonayaa inaan bulshada uga
faaloodo ama aan u bandhigo dhibka I haya.
Bogga U DULQAADO oo uu wargeyskan u siiyey dhibanayaasha Jacayl fursad ah inay
dhibkooda ku soo bandhigtaan boggan, waana ugu hambalyeynayaa wargeyska barnaamijkan.
Inkastoo
dhibaatada jacayl ee I heysataa aanan u dulqaadan karin waxaan daneynayaa in dadku ila
dareemaan, bal dadow ila dersa dhibaatayadan:-
Muddo
Sanad & dhowr bilood ayaan jacayl wada jileynay wiil aan isku baranay khadka
Isgaarsiinta isagoo degan magaalada Afgooye, runtii wiilkaasi si hagar laaan ah
ayaan ugu hibeeyay qalbigeyga isagana sidoo kale ayuu ii hibeeyay kiisa, waxaana noqonay
Lamaanayaal dulqaad iyo qadarin isu haya.
Si kastaba ha ahaatee xaaladdii sidaa ahayd way is bedeshay oo geedkii jacayl ee
aan abuurnay isagoo aan mirihiisii bislaan bay dad xaasidiin ah dab ku qabteen, kuwaasoo
ka shaqeeyay kala irdheynteena, ma garanayo dadkaas waxan ka biinay & waxa ay ka
faaidayaan, gaar ahaan aniga ayay iga been abuurteen oo wiilkii aan jacayl wadaaga
ahayn u geeyeen hadalo aan jirin, isagana waxna ma uusan hubsane isagoo xanaaq la koraya
ayuu hadalo kulul oo aan ka fiirsi lahayn iila yimid, run ahaantii hadaladaasi way iga
oohiyeen oo waxba kama qaban karin waayo dhalanteed ayay igula muuqdeen.
Waxaan isku dayay inaan wiilkii ka dhaadhiciyo in hadalada loo geeyay aysan waxba
ka jirin, balse wuu iga aqbali waayay oo dadkii warka u geeyay ayuu hadaladoodii qaatay oo
aniga keygii tixgelin waayay.
Ceeb malaha oo Calaf wuu xumaadaa, laakiin saddexeeyaha Lamaanayaasha is jecel
kala geynaya maxaa la isaga daweeyaa?.