Markii
Abwaan Macow Ow Diinle uu furay Xaaskiisii uu 10-ka sano qabay isla markaana uu ka alifay
heesta DAB HURAAYA OON DAMEYNIN ee Sulfa uu ka dhawaajiyey waxa ay neef weyn ka soo fujisay
Xaaskiisii dambe ee Sahro Cali Ganey oo Seygeeda Mocow Ow Diinle si farxad leh kula kaftantay
Hadda ayay ii xaqiiqowday inaan qalbigaada hantay oo aan ku helay, hanbana aan kuula
wadaagi karaa, holicii I haleelay ee maseyrka & welwelka igu beerayna waad iga
horjoogsatay markaasuu Abwaan waa nin murtida maalae isla markiiba hees ka
sameeyay erayada farxadda leh ee ay ku qaabishay Xaaskiisa Sahro oo uurkii ugu horeysay ee uu
ku farxay u qaaday, wuxuuna isla markiiba qalinka u qaatay heestii ahayd (Waan ku hantee) oo
Sahro iyo isaga uu ku matalayay, fannaanadda Sitey Qosol wanaag ayaa Sahro ahaan ugu
Luuqeynaysa isagana waaba Abwaankii ay khuseysay codkiisa ayuu ku miisaamay, heestaasoo u
dhigmaysa sidatan:-
MACOW:-
Waan ku hantee, waan ku hantee, hogol soo daeysoo, lagu haraad bexee, ii soo hilaacdaan
hambalyeysahaa, hud & hud iyo hadal beenloow nama habaabin karaane, halkoo aan ahaanee.
SITEY:-
Halyeygii hoggaankeyga haynaayee, hadal been iima heysidee, waan hubaa.
MACOW:-
Kama ka habaabee hilinkii toosnaayee, hoygii jacaylkeenaa aan harsanee.
SITEY:-
Waan is helnee, waa is helnee, har & habeenkii kii ka hurdeynine, hanqalkaaga u haayaa
tahay iila haay, haraadkeyga gooy hammuunaa I heyso, adaan kaa helaaye.
MACOW:-
Waan ku hantee, waa ku hantee, haan & heybaddii isku hibeeyayee, haasaawe macaantaa ma
hilmaami karee, hiil Weyne ma reebee, halgankaan aan haayneem, heshiis aan ahaanee,
SITEY:-
Waan is helnee, waan is helnee, hambo kuula wadaagaa, hamigeyga ku yaal, holicii I haleelee
iga horjoogsadoow, hawo been iga haayee, hilibkaa I huraayee, an makaa heraayee.
Markii
uu Abwaanku wixii uu dhihi lahaaba uu ku soo koobay erayada dareenka kiciska leh ee heestan,
Sahro Cali Ganey Maqsuud ayay noqotay oo Abwaanka u koolkoolisay sidii dhalaan yar oo ay
dhashay, isagana wuxuu milkiyey qalbigeeda oo dhan walba ka taageeray, weliba iyada kaliya
kuma kobnaanine dadkii, eheladii, asxaabtii & qaraabadii ay Sahro Cali lahayd ayuu
Abwaanku dhulka ka qaaday oo maqsuud kawada dhigay iyagana u wada riyaaqeen oo qalbi
furnaantiisa soo dhaweeyeen.
La soco
Arbacada soo socota Waxaa Diyaariyey:-
Xaaji
Tahriib & Caaqil Dalmar
DHOOF CAASHAQ IYO DHAXAL JACAYL
Qaybtii 89-aad
Muddo
markii Ladan & Hooyadeed ay ku noolaayeen Gurigii Maxamed-Nasiib oo xaaladoodu ay
caadi ku soo laabatay, bidhaantoodiina ay dadka ku soo darsantay, gaar ahaan Ladan ay la
mid noqotay sidii gabar 20-jir ah oo kale oo qaab jireedkeeda & muuqaalkeedu indho
qabatin ay yeesheen, dhabankeeduna uu noqday dhaban labeen la mariyey oo kale ayaa waxay
wiilkii soo baxnaaniyey ee Maxamed-nasiib oo wanaag inuu u sameeyay ay u qirsan tahay,
balse weli aysan u ogeyn inay Hooyadiis tahay ayay ku wargelisay in maadaama ay xaaladoodu
haggaagsan tahay oo ay ladnaadeen ay ka dul qaadaan culeyska biileed ee maalin walba uu ku
qarash gareeyo, maadaama duqdii Hooyadeed dawadii idlaysatay, caafimaadkeediina okeey uu
noqday, waxayna ku tiri Maxamed Nasiibow walaalow abaalkaada ma gudi karno adiga
& inta ku soo barbaarisay, anagana na baxnaanisay, inkastoo aanan reerkiina si fiican
isu dhex gelin oo Hooyadaa Xaawo magaca kaliya aanu ka naqaano oo muuqaalkeeda aanan
arkin, Aabahaana sidoo kale dhowr mar isagoo kuu imaanaya aan kor ka aragnay haddana wax
dhibaato ah malaha inkastoo aan jeclayn in wanaaga aad inoo samaysay uga mahadcelino adiga
& reerkaadaba oo iyagana xagga quudinta-karsan naga saacidayay, haddana wax dhibaato
ah malaha, adigaaba naga gaarsiin doono ammaanta aan u heyno, intaa kadib walaalow
Maxamadow waxaan qorsheystay oo aan iska jeclaysay in kiiska aan kaa dul qaadno mar
haddaan ladnaanay oo Alle inoo gargaaray, waxaan is iri Maxamed Nasiib kista uu biil
ahaanta idiin siinayo subax walba hal mar Kuus Lacag ah uga qaado hadday suuragal tahay,
welibana aan dib kaaga soo celiyo qarashkaas oo aan ku shaqeysto, shaqo kalena ma aqaane
aan Suuqa Khudaar kula fariisto, aniga & Hooyadeyna aan Guri Ijaar ah oo qiimo jaban
raadsano, maadaama sida aan maqlay oo I soo gaaray aad dhawaan guriga ku arooseyso, marka
walaalow haddii aad ii awooddo kis lacag ah inaan shaqeysto oo xoogeyga maalo ayaan
goaansadee arrintaas iga saacid. Maxamed-Nasiib wuxuu gabadhii Ladan ahayd u
sheegay in uu arrintaas ku saacidayo balse haatan ay wax ka kala daadsan yihiin, laakiin
marka uu mushaarka qaato uu wax u fiirinayo, walow meelo badan looga kala dhegan yahay.
Ladan markii intaas uu ku yiri Dhakhtraka ayay hadaladiisa ka dhadhansantay inay kalif ku
tahay arrinta markaasay ku tiri Ditoore waxba ku kalifi maayo, inta aad inoo qabatay
ayaaba ka badan, abaalkaadana ma gudi karno, ma ahayn inaan culeys kale kugu sii daro,
iska dhaaf walaalow Booyaasanimo ayaan raadsanayaaye.
La soco Arbacada kale.
W/Qoray:-C/raxman Cumar Madoobe (Dalmar)
DIIHAAL
& DAREEN CAASHAQ
Qaybtii 26-aad
Markiiba Odaygu wuxuu bilaabay hadal uu ku baarayo George, wuxuuna isaga dhigay
nin daacad ah oo la doonaya gabadhiisa, balse uu danaynayo marka hore inuu ogaado meesha
uu ka soo jeedo, heerka waxbarashadiisa, shaqadiisa & hiigsiga mustaqbalkiisa dambe.
George oo Odayga u arkayay nin daacad ah oo wanaag doon ah, isla markaana is yiri
haddii aad wax waliba ka run sheegto gacan ayuu kaa siinayaa dhan walba, ayna suuragal ka
noqon karto inuu shirkadihiisa caanka ah uu kaa shaqaaleeyo oo weliba ay suuragal tahay in
mid ka mid ah shirkadahaa Anita kaaga faaloon jirtay uu Madax kaaga dhigo ayaa u bilaabay
Odaygii inuu isaga sheekeeyo oo min bilow ilaa dhammaad taariikh nololeedkiisii u guud
maro, wuxuuna u sharaxay inuu ku soo barbaaray Magaalada London oo nolol ladan uu ku
sugnaa, Aabihiis ayuu magaciisa oo Saddexan siiyey, inuu Sarkaal sare oo Ciidamada
Ingiriiska caan ka ah ayuu haddana u sii raaciyey, dhagar qabayaal isaga la shaqeynayay
inay dileen ayuu u sii daba dhigay, kadibna ilaaladii Ciidamada ee Hoygooda joogtay ay
dhac u geysteen oo gurigii ka iibsadeen, sidaana shiid ku noqdeen oo Hooyadiis &
walaashiis ay badday arrintaas inay liiska dulinimada & tuugsiga gacan hoorsiga &
meelaha xunxun ku biiraan, isaguna uu sababtaas darteed uga soo haajiray London oo
magaaladan Manchester u yimid inuu sumcaddiisa & sharaftiisa ku dhowrto, kana
xoogsado, kadibna ay isku barteen gabadha Anita ah.
Wuxuuna George hadalkiisa ku soo afjaray in uu Odayga ka rajeynayo inuu ku
saacido Jacaylkiisa, isla markaana ka gacan siiyo dhinaca shaqada uuna yahay nin karti u
leh shaqada, adkeysi & hiigsi wanaagsana leh. Odaygii dhalay Anita markii uu intaa ka
dhuuxay George waxa uu dib u baaray xusuustiisa, wuxuu gocday in uu yaqaano Odayga dhalay
George, sababtii uu u geeriyoodayna ay ahayd arrin naag, uuna ahaa nin khmariga si aad u
caba oo saaxibul Dumar ah, sidoo kale wuxuu dib u qooraansaday taariikhda madow ee George
hooyadiis ku guda jirto oo raad ku yeelan karta nolosha George maadaama Hooyadii dhashay
ay falfal xumadaa ku guda jirto, wuxuuna Odaygu qiray in George uusan u qalmin wax la
qeybsiga gabadhiisa, markaasuu goaansaday inuu George kadabkiisa gooyo oo ka reebo
gabadha, laakiin wuxuu isweydiiyey mar haddii ay iyadu jeceshahay isagana ka daran yahay
sida & qaabka lagu kala reebi karo in ay adag tahay oo wax sahlan aysan ahayn. La soco
Arbacada kale. W/Qoray:- Maxamed C/raxmaan Maxamed (Caagane)
La soco Arbacada kale.
W/QORAY:-
MAXAMED C/RAXMAAN MAXAMED (CAAGANE)
WARAR
KALA GEDISAN
GABAR TOOGASHO KU DISHAY GABAR
SAAXIIBTEED AHEYD OO ARIN QARSOODI AH KA KASHIFTAY
Arrin mucjiso leh ayaa ka
dhacday xaafadda Taleex ee degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho kadib markii gabar
magaceeda naloogu sheegay Faadumo oo degan carwada Taleex ay toogasho ku dishay gabar
saaxibteed ahayd oo lagu magacaabo Xamdi, sidoo kalena dhaawac daran u geysatay gabar kale
oo Xamdi la dhalatay oo lagu magacaabo Fardowza. Arrintan ayaa waxay dhacday kadib markii
Faadumo & Xamdi oo saaxiibo ahaa ay is khilaafeen kadibna ay Xamdi kashiftay arrin
qarsoodi u ahayd Faadumo oo ay labadooda isla ogaayeen taas oo ahayd Meher Faadumo ay la
gashay wiil ay saaxiibo ahaayeen, taasina ay ka carootay Faadumo oo qori Ak-47 u soo
qaadatay Xamdi oo ku sugnayd Shineemo ku taala Xaafadda Taleex oo lagu magacaabo
Shineemada Gabadha. Dhacdadan oo dhacday Jimcihii la soo dhaafay ayaa warku sheegayaa in
Faadumo markii ay falka geysatay la waayay meel ay jaan & cirib dhigtay, welina la
baadigoobayo.
CANUG CALOOSHIISU BANAANKA TAALO OO
MUQDISHO KU DHASHAY
Canug Calooshiisu bannaanka
taalo oo aan lahayn wax xuub & maqaar ku dahaaran Caloosha, laakiin jirka intiisa kale
caadi ka ah ayaa ku dhashay Magaalada Muqdisho. Canugaas oo Hooyadiis lagu magacaabo
Safiyo Ibraahim Maxamed ayaa la keenay Isbitaalka KMG ee Banaadir ee Magaalada Muqdisho,
waxaana arrintiisa faraha kula jira Dr. C/risaaq.
WIIL HOOYADIIS FEERAY
Hooyo lagu magacaabo Xaliimo oo
degan degmada Madiina ayaa Isniintii dorraad wiilkeedu feer & laad ku qaadqaaday kadib
markii ay Hooyadu damacday inay kala hadasho Wiilkeedaa Xaaskiisa oo uga soo dacwootay.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in wiilku uu isku dul garaacay Hooyada & xaaskiisa, isla
markaana ay Hooyadu istaaga ka faniintay, iyadoo Hooyadu uu soo gaaray dhaawac daran.
XAFLAD MEHER OO WEERAR IYO ARBUSHAAD
LAGU SOO QAADAY
Iyadoo loo fadhiyo xaflad lagu
Mehrinayay gabar lagu magacaabo Maryan Cali ayaa waxaa xafladdii weerar ku soo qaaday rag
abtiyaal u ah Gabadha. Sida uu inoo soo sheegay Wariyaheena C/risaaq Jaamac Cilmi(Black
Yare) gabadhaas ayaa waxaa soo korsaday abtiyaasheed oo degan Xaafadda Buula-xuubey ee
degmada Madiina, waxayna u diideen wiil ay Jaclayd oo ka soo doontay, kadibna waxay
wiilkii ula tagtay aabaheed oo degan agagaarka Isbitaal Digfer wuxuuna ka ogolaaday inuu
isku mehriyo maadaama ay is doorteen, balse iyadoo meherkii loo fadhiyo ayay weerar
hubeysan ku soo qaadeen abtiyaashii oo diidanaa in gabar ay iyaga soo korsadeen wiil aysan
la rabin loo guuriyo, arrintaasna waxay sababtay in meherkii baaqdo, iskuna xumaadeen
abtitaashii & Aabihii gabadha dhalay oo weli gartooda meel la saari la yahay
HAWEENEY 8-SANO UUR LAHEYD OO
WAXYAABO MUCJISO LAGA SOO SAARAY
Haweenay lagu magacaabo Faadumo
Ismaaciil Maxamed oo muddo 8-sano ah uur mucjiso ah lahayd lagana keenay Tuulo ka tirsan
magaalada Boosaaso ayaa Isbitaalka KMG ee Banaadir loogu sameeyay qaliin. Haweeneydaas oo
loo malaynayay in ay uur lahayd muddadaas ayaa meeshii laga filayay in Canug ay dhasho
laga keenay Malax dhowr liitar ahayd oo caloosha sidii uur oo kale ay ugu siday.
NIN AY AFDUUBATAY HAWEENEY UU GUUR
KA DIIDEY
Nin lagu magacaabo Maxamed
Cumar oo 37-jir ah oo degan degmada Xamar jajab ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa afduubtay
koox dablay ah oo ay soo adeejisay haweeney uu horey u qabay oo ka codsatay inuu dib ugu
laabto, balse uu isaguna a diiday. Dablayda ayaa markii la weydiiyey sababta ay u heystaan
ninkaa ku sheegay inay ku leeyihiin 3-kun oo doollar, balse mar dambe la ogaaday in
xaaskiisii uu furay ay arrinta ka dambeyso, waxaana Isniintii dorraad lagu guulaystay in
shuruud laaan lagu soo daayo. Wariyaheena Yuusuf Maxamuud Warsame(Bidaaye) oo warkan
inoo soo gudbiyey ayaa inoo soo sheegay in wiilkaas markii afduubka laga soo daayay uu u
baqoolay Magaalada B/weyne ee Gobolka Hiiraan si uu halkaa ugu badbaado.
GABAR KA BADBAADAY SHIRQOOL DIL
Gabar lagu magacaabo Hani
C/raxmaan oo degan Xaafadda Buulo-xuubey agagaarka Ayraboorka ayaa ka badbaaday shirqool
dil oo ay la damacsanaayeen wiilal la dhashay wiil uu Jacayl kala dhexeeyay oo waalidkeed
u diideen. Sida ay inoo soo sheegtay wariyaheena Amran Axmed Cali Gabadhaa waxaa loo
geystay jirdilka baan, iyadoo wiilashaa goaankoodu ahaa inay dilaan kadib
markii ay ku fakareen intii wiilkoodu u dhibaatoon lahaa ay iyada qaarijiyaan, sidaana uu
kaga samro, balse taasi Alle ma qadarin.
Aayaha Nolosha
Filasho
Akhristayaasheena sharafta leh waxaan todobaadka soo socda haduu ilaah idmo idin soo gudbi
doonaa wareysi aan la yeelanay abwaan Xasan Jaceyl oo fanaanka CABDI TAHLIIL WARSAME ku
heysta HEESTII ABAAL DARAN.
Sidoo kale waxaa
fooda idin ku soo haya qisadii jaceyl ee xanuunka badneyd ee soo martay AL- FANAAN AXMADEY
ABUUBAKAR (AL-CAMAARI) iyo heesihii calaancalka lahaa ee uu qisadaasi ka qaaday.
Waxaa kale oo ahdii
alle idmo idin soo gudbineynaa sheeko xiiso badan oo la magaca baxday ADUUN IYO AAKHIRO
waa sheeko jaceyl oo naxdi,n layaab, murugo iyo farxadba kulan satay, waana sheeko dhab ah
oo dhacday oo uu qalinka u qaatay caaqilka weyn ee jaceylka CABDURAXMAAN CUMAR MADOOBE
(DALMAR) ee ha u daymo laaanina
DOODDA
DHAKHAATIIRTA & DACWADA DADWEYNAHA
Qaybtii 6-aad
Dadweynaha
& Dhakhaatiirta oo ah labo aan kala maarmin ayaa 12-kii sano ee burburka dalkeenu ka
jiray midba midka kale ka cabanayaa oo mid waliba wax gar ah ku doodayaa. Dadka
dhakhtarada u taga ayaa intooda badan waxa ay ka cabanayaan arrimo badan oo aan badankood
dhakhaatiirta wax ka weydiinay waxa ka jira, iyadoo qodobada ay dadku ka dacwoonayaan ay
ka mid tahay in bukaanku cudurkiisa ha sahlanaado ama ha cuslaadee ay dhakhtaradu u diraan
ugu yaraan 5-8 dhiig, saxaro, kaadi, raajo, kumbiyuutar iwm, kuwo kale ayaaba ka daran bay
leeyihiin oo bukaanka kaliya ma ahee dadka guriga kula nool saxaro & dhiig halaga
qaado dhahayo.
Sidoo kale dhakhtaradu
dawooyinka yaala farmashiyaal ay iyagu furteen ama kuwa eheladoodu leeyihiin amaba kuwo ay
qarash ka qaateen oo ay kula heshiiyeen inay u bixiyaan dawooyinka aan tayada lahayn ee u
gadmi waayay ayay bukaanada u qoraan. Dhakhtaraduna waxay ku doodayaan in bukaanada sida
ay wax ugu sheegaan aysan u qaadan oo marka daawada loo qoro ay latashiyo kale la
sameeyaan daawo-gadayaasha, Sidoo kale dawada ay bukaanada u qoraan aysan waqtigii loogu
talo galay & sidii loogu talo galay u qaadan.
Dacwadahaa & doodaha ay
kala tabanayaan labada dhinac(Dhakhtarada & bukaanadu) oo aanan halkan ku soo koobi
karin ayaa si aan wax uga ogaano waxan wareysiyo la soo yeelanay dhowr dhakhtar oo Xarumo
bukaan-eegto ku leh Magaalada Muqdisho, waxaana weli dhex maquuranaynaa cabashada ah in
dhakhtaradu dawooyinka yaala farmashiyaal ay iyagu furteen ama kuwa eheladoodu leeyihiin
amaba kuwo ay qarash ka qaateen oo ay kula heshiiyeen inay u bixiyaan dawooyinka aan
tayada lahayn ee u gadmi waayay, taana waxay dhakhtaradu ka yiraahdeen:-
DR. CALI CUMAR:- Waa
jirtaa in ganacsato fara badan ay dawooyin iska keensadaan dalka (ama tayo ha lahaadeen
ama yeysan lahaanine) laakiin aniga waan ka soo horjeedaa arrimahaas la sheegsheegayo,
welibana waan ka waaniyaa oo waxaan iraahdaa dawada waratada meelaha ku heyso ha gadanina,
anigana Farmashiyo iima furna, wax xiriir ah oo aan la leeyahay qolyaha dawooyinka
iibiyana ma jirto, dawooyinka uu leeyahay qofka wuu ku caafimaadayaa ayaan u qoraa, weliba
waxaan iraahdaa iska fiiriyo taariikhda ay dhacayso iska hubiya, marka aniga Dr.Cali Cumar
ahaan waxan ka s oo horjeedaa in qof bukaan ah lagu rakaateeyo daawada meel hebel ka soo
gado ama aniga Farmashigeyga ayay taalaa ka gado amaba in loo qoro mid meel cayiman taala
waa wax laga fiican yahay, xitaa shirarka ay Dhakhaatiirta isugu yimaadaan ayaan kaga
hadalnaa arrimahaas, kii ku kaca markaana waa mid damiir-xumo ay u geysay.
Dr.MAXAMED XUSEEN(XAAJI
BUUBAA):- Waan maqlaa waxa dadku suuqa la wareegayaan oo ay leeyihiin dhakhtaradu waxay
xiriir la leeyihiin ganacsatada dawooyinka, iyaga farmashiyeyaalkooda dawooyinka yaala
ayay bukaanada u qoraan, waxaasi waa dacaayad, een anigana Farmashiye ma lihi, wax xiriir
ahna lama lihi ganacsatada dawooyinka keensada, laakiin haddii dhakhtarku Farmashiye
yeesho oo daawooyin uu dibadda ka keeno oo dadka ka iibsado aniga qalad uma arko, maxaa
yeelay dhakhtarku waxa uu aqoon u leeyahay dawooyinka oo uu kala yaqaanaa midda tayada leh
& midda aan tayada lahayn.
Dr.XASAN SHIINO:- anaga dawada
tayada leh oo fiican ayaan qornaa, mana jirto Farmashiyeyaal & ganacsatayaal aan
heshiis gaar ah la soo galno, wax cad ayaa dadka lagu qabsadaa, haddii aad wax cad heysaan
waad soo bandhigi kartaa, laakiin waa la yiri iyo waxaas waa laga fiican yahay, waana
hadal warxumotashiil uu faafiyey, wax ka jirana ma laha. SUAASHA KALE EE AANU
WEYDIINAY DHAKHTARADA WAXAY TAHAY Dalkeena muddo 12-sano ah ayuu burbur, fowdo &
kala dambeyn laaan ku dhex jiray, taasina waxay sababtay in Maleeshiyo aan cidna ka
amar qaadan ay afduub, dil & dhibaatooyin kale ku sameeyaan dhakhaatiirta sida dadka
kaleba ay ugu sameeyaan, marka adinka waxaad samaysaan marka arrin noocaas oo kale ahi
dhacdo oo qof dhakhtar ah oo amar Ilaah uu ku dhacay ama la dilay ama la afduubtay ayaad
shaqo joojin dhowr todobaad ah samaysaan, halkaas qof dartiis ayaa laga yaabaa in
malaayiin dad ahi oo bukaano dhakhaatiir u baahnaa ay u waxyeeloobaan, shaqo joojintiina
ma keeneyso in Mooryaankii uu joojiyo caadadiisa afduub ama dil, marka fikrad taa ka
bedelan ma keeni weyseen, misana wixiinu waa Mindi Mindi ku taaga oo Mooryaan fal uu
geystay ayaad shacabka taagta daran uga aaraysaan:-
La soco fikradaha dhakhaatiirta & cabashada dadweynaha.
W/isku soo duway:-
C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)
Codka Mucaashaqiinta
Codka Mucaashaqiinta
Qormada Raadiyowga Codka Mucaashaqiinta waxan Todobaad walba idinkugu soo bandhignaa
Heesaha ka tarjumaya Jacaylka ee sida aadka ah loo xiiseeyo & ulajeeddadii loo alifay.
Todobaadkan waxaan
akhristayaal idiin heynaa heestii DAMAQ JACAYL ee uu ku luuqeeyo Alle ha u naxariistii
Fannaankii AXMED MOOGE LIIBAAN, balse geeridii Axmed kadib uu luuqeyteeda la wareegay
fannaanka SHIMAALI AXMED SHIMAALI. Heestaa waxaa alifay oo miraheeda sameeyay ABWAAN XASAN
QOWDHAN oo isagu ay khuseyso qisada ay ku timid heestu, wuxuuna alifay xilli Gabar uu aad
u jeclaa uu ugu dul yimid iyadoo Wiil dhalinyaro ah la qayileysa, iy-adoo u muuqatay inay
wiilkaa isu dhiibtay, sida uu miraha heesta ku cabirayna marka uu leeyahay iyadoo
doog dhex jiiftoo daawaneysa ubaxa uu ka wado Qaadka cagaaran oo doog ay dhex
jiifto uu ka dhigay, Ubaxa ay daawanay-sana uu ka waday wiilka dhalinyarada ah ee hor
fadhiya, markuu falkaas arkayna uu Abwaanku yiri Ma iska deys-aayoo maka
aamustaa oo dibnaha ma isa saartaayoo shib maka dhahdaa, mise waad dogsiisaasayoo
shaacisaa arrinta, dadkii buu la hadlayaayoo leeyahay dadow maxaad igula talin
lahayd?, heestaasina waxay u dhigmaysa sidatan:-
=Aan damaq Jaceyl,
dad is raba warkood, kaa daadejee, waxay ugu darneyd, markii aan dul imid, taan dunida
rabay.
=Aan iri ma deysaa,
mise waa dogsiisaayee, dibnaha ma isa saartaa, yaa dooq u heli jirayee, dadow dadow,
dadow maxaad ku talin lahayd?
W/Diyaariyey:C/raxmaan
Cumar Madoobe(Dalmar)
MURTIDA WARGEYSKA
Dhaqamada & Caadooyinka
xunxun ee ka jira wadamada reer Yurub & Qaaradda Ameerika (+) Soomaalida ku dhaqan
wadamadaas, gaar ahaan Dumarka & carruurta (x) Shar-ciga wadamadaas u yaala oo ah in
dumarka & Carruurtu awood leeyihiin oo haddii aabuhu uu xaaskiisa ama carruu-rtiisa la
hadlo isaga la xirayo ama la soo musaafurinayo (÷ )Wadamadaas oo ka siman Muslim nacayb
(=) dadka ay qa-xooti ahaanta u qaabilayaan arxan & Biniaadannimo kama ahee
gaalaysiin & waxay ka tahay in dhaqamada & diinta Soomaalida ay bedelaan, dadka ay
qaabilaana waxaa u bad-an qoysaska dumarka & carruurta badan oo Risbonsero ay u soo
diraan, dhoofkana u fududeeyaan.
By: Maxamed Xuseen Yuusuf (Xaaji Tahriib)
MASRAXA AAYAHA NOLOSHA
Maxaa u sabab ah in
Lamaanayaal Jacayl Sanado badan soo jilaayay, marka ay is guursadaan kadib inay si sahal
ah isku furaan? Xaqiiqdu waxa ay tahay in Lamaanayaashu marka ay ku guda jiraan
xilliga haasaawaha iyo u gogol xaaridda guurka uu mid waliba midka kale ku sameeyo soo
jiidasho uu ku doonayo sidii uu ku hannan lahaa qalbiga qofkaas. Muddada faraha badan ee
sanadaha ah ee Jacaylka ay isla jilayaan Labada ruux (Wiilka & Gabadha) ma aha kuwo si
sax ah u dhamaystiran oo micnuhu waxa weeye sanadahaas oo dhan isma ay arkayaan isku
darkooda bilo ayay iska arkayaan oo maalin waliba islama joogaan, saacadaha kooban ee ay
is arkaana mid waliba kan kale ereyo soo jiidasho leh oo ha dhicin ha jabin, maxaa kuu
macaan, maxaa kuu qaraar ayay isweydaarsanayaan, iyagoo isu faraxsan oo isku qanacsan
ayayna saacadahaas kooban ee ay isla joogeen kala tagayaan, xitaa haddii ay is khilaafaan
si sahal ayay ku xalinayaan khilaafkooda. Calaa kuli-xaal si kastoo ay tahayba marka ay is
guursadaan oo guri isugu yimaadaan dhabtii ayaa imaanaysa, qof waliba wixii u duugnaa ayaa
soo ifbaxaya, khilaafaadka yaryar ee soo marana si sahal ah uma xalin karaan oo way kala
caroonayaan markaasaa shaqsiyaad & shaqi soo dhex gelayaa, dooddii baa sii badanaysa
kadibna sidaa lagu kala tagayaa. Sababo kale way jiraan sida dhaqaalaha, jinziga,
dabeecadda, aqoonta diinta & midda maadiga oo aan isku heer laga ahayn & arrimo
kale, marka waxa loo baahan yahay in xilliga haasaawaha sal adag loo yeelo dhammaan
arrimahaas. Dhammaad.
ABWAAN XASAN JACAYL:- waxaa jira 7-Jacayl Qiimaha Jacaylka ma
aha wax qoraal Saxaafadeed & Suugaan Abwaaneed kaliya lagu soo koobi karo, waxaana
jira qeybo badan oo Jacayl oo mid waliba qiimeyntiisa gaarka ah leh, aniga ka abwaan
ahaana waxaan ku soo koobay oo aan qirsanahay inuu jiro ilaa & 7-Jacayl kuwaas oo kala
ah:-