aayaha_nolosha.jpg (32936 bytes)
 

FANAANIINTA BADWEYNTA JACEYLKA

(Abwaan Macow Ow Diinle iyo Taariikhdiisii Jacayl)

Qaybta 11-aad

hearts4.jpg (3553 bytes)Markii Abwaan Macow Ow Diinle uu furay Xaaskiisii uu 10-ka sano qabay isla markaana uu ka alifay heesta DAB HURAAYA OON DAMEYNIN ee Sulfa uu ka dhawaajiyey waxa ay neef weyn ka soo fujisay Xaaskiisii dambe ee Sahro Cali Ganey oo Seygeeda Mocow Ow Diinle si farxad leh kula kaftantay “Hadda ayay ii xaqiiqowday inaan qalbigaada hantay oo aan ku helay, hanbana aan kuula wadaagi karaa, holicii I haleelay ee maseyrka & welwelka igu beerayna waad iga horjoogsatay” markaasuu Abwaan waa nin murtida maala’e isla markiiba hees ka sameeyay erayada farxadda leh ee ay ku qaabishay Xaaskiisa Sahro oo uurkii ugu horeysay ee uu ku farxay u qaaday, wuxuuna isla markiiba qalinka u qaatay heestii ahayd (Waan ku hantee) oo Sahro iyo isaga uu ku matalayay, fannaanadda Sitey Qosol wanaag ayaa Sahro ahaan ugu Luuqeynaysa isagana waaba Abwaankii ay khuseysay codkiisa ayuu ku miisaamay, heestaasoo u dhigmaysa sidatan:-

MACOW:- Waan ku hantee, waan ku hantee, hogol soo da’eysoo, lagu haraad bexee, ii soo hilaacdaan hambalyeysahaa, hud & hud iyo hadal beenloow nama habaabin karaane, halkoo aan ahaanee.

SITEY:- Halyeygii hoggaankeyga haynaayee, hadal been iima heysidee, waan hubaa.

MACOW:- Kama ka habaabee hilinkii toosnaayee, hoygii jacaylkeenaa aan harsanee.

SITEY:- Waan is helnee, waa is helnee, har & habeenkii kii ka hurdeynine, hanqalkaaga u haayaa tahay iila haay, haraadkeyga gooy hammuunaa I heyso, adaan kaa helaaye.

MACOW:- Waan ku hantee, waa ku hantee, haan & heybaddii isku hibeeyayee, haasaawe macaantaa ma hilmaami karee, hiil Weyne ma reebee, halgankaan aan haayneem, heshiis aan ahaanee,

SITEY:- Waan is helnee, waan is helnee, hambo kuula wadaagaa, hamigeyga ku yaal, holicii I haleelee iga horjoogsadoow, hawo been iga haayee, hilibkaa I huraayee, an makaa heraayee.

Markii uu Abwaanku wixii uu dhihi lahaaba uu ku soo koobay erayada dareenka kiciska leh ee heestan, Sahro Cali Ganey Maqsuud ayay noqotay oo Abwaanka u koolkoolisay sidii dhalaan yar oo ay dhashay, isagana wuxuu milkiyey qalbigeeda oo dhan walba ka taageeray, weliba iyada kaliya kuma kobnaanine dadkii, eheladii, asxaabtii & qaraabadii ay Sahro Cali lahayd ayuu Abwaanku dhulka ka qaaday oo maqsuud kawada dhigay iyagana u wada riyaaqeen oo qalbi furnaantiisa soo dhaweeyeen.

La soco Arbacada soo socota Waxaa Diyaariyey:-

Xaaji Tahriib & Caaqil Dalmar

    


   
DHOOF CAASHAQ IYO DHAXAL JACAYL

Qaybtii 89-aad

hearts1.jpg (3556 bytes)Muddo markii Ladan & Hooyadeed ay ku noolaayeen Gurigii Maxamed-Nasiib oo xaaladoodu ay caadi ku soo laabatay, bidhaantoodiina ay dadka ku soo darsantay, gaar ahaan Ladan ay la mid noqotay sidii gabar 20-jir ah oo kale oo qaab jireedkeeda & muuqaalkeedu indho qabatin ay yeesheen, dhabankeeduna uu noqday dhaban labeen la mariyey oo kale ayaa waxay wiilkii soo baxnaaniyey ee Maxamed-nasiib oo wanaag inuu u sameeyay ay u qirsan tahay, balse weli aysan u ogeyn inay Hooyadiis tahay ayay ku wargelisay in maadaama ay xaaladoodu haggaagsan tahay oo ay ladnaadeen ay ka dul qaadaan culeyska biileed ee maalin walba uu ku qarash gareeyo, maadaama duqdii Hooyadeed dawadii idlaysatay, caafimaadkeediina okeey uu noqday, waxayna ku tiri “Maxamed Nasiibow walaalow abaalkaada ma gudi karno adiga & inta ku soo barbaarisay, anagana na baxnaanisay, inkastoo aanan reerkiina si fiican isu dhex gelin oo Hooyadaa Xaawo magaca kaliya aanu ka naqaano oo muuqaalkeeda aanan arkin, Aabahaana sidoo kale dhowr mar isagoo kuu imaanaya aan kor ka aragnay haddana wax dhibaato ah malaha inkastoo aan jeclayn in wanaaga aad inoo samaysay uga mahadcelino adiga & reerkaadaba oo iyagana xagga quudinta-karsan naga saacidayay, haddana wax dhibaato ah malaha, adigaaba naga gaarsiin doono ammaanta aan u heyno, intaa kadib walaalow Maxamadow waxaan qorsheystay oo aan iska jeclaysay in kiiska aan kaa dul qaadno mar haddaan ladnaanay oo Alle inoo gargaaray, waxaan is iri Maxamed Nasiib kista uu biil ahaanta idiin siinayo subax walba hal mar Kuus Lacag ah uga qaado hadday suuragal tahay, welibana aan dib kaaga soo celiyo qarashkaas oo aan ku shaqeysto, shaqo kalena ma aqaane aan Suuqa Khudaar kula fariisto, aniga & Hooyadeyna aan Guri Ijaar ah oo qiimo jaban raadsano, maadaama sida aan maqlay oo I soo gaaray aad dhawaan guriga ku arooseyso, marka walaalow haddii aad ii awooddo kis lacag ah inaan shaqeysto oo xoogeyga maalo ayaan go’aansadee arrintaas iga saacid”. Maxamed-Nasiib wuxuu gabadhii Ladan ahayd u sheegay in uu arrintaas ku saacidayo balse haatan ay wax ka kala daadsan yihiin, laakiin marka uu mushaarka qaato uu wax u fiirinayo, walow meelo badan looga kala dhegan yahay. Ladan markii intaas uu ku yiri Dhakhtraka ayay hadaladiisa ka dhadhansantay inay kalif ku tahay arrinta markaasay ku tiri “Ditoore waxba ku kalifi maayo, inta aad inoo qabatay ayaaba ka badan, abaalkaadana ma gudi karno, ma ahayn inaan culeys kale kugu sii daro, iska dhaaf walaalow Booyaasanimo ayaan raadsanayaaye.

La soco Arbacada kale.

W/Qoray:-C/raxman Cumar Madoobe (Dalmar)

 

DIIHAAL & DAREEN CAASHAQ

Qaybtii 26-aad

 

Markiiba Odaygu wuxuu bilaabay hadal uu ku baarayo George, wuxuuna isaga dhigay nin daacad ah oo la doonaya gabadhiisa, balse uu danaynayo marka hore inuu ogaado meesha uu ka soo jeedo, heerka waxbarashadiisa, shaqadiisa & hiigsiga mustaqbalkiisa dambe.

George oo Odayga u arkayay nin daacad ah oo wanaag doon ah, isla markaana is yiri haddii aad wax waliba ka run sheegto gacan ayuu kaa siinayaa dhan walba, ayna suuragal ka noqon karto inuu shirkadihiisa caanka ah uu kaa shaqaaleeyo oo weliba ay suuragal tahay in mid ka mid ah shirkadahaa Anita kaaga faaloon jirtay uu Madax kaaga dhigo ayaa u bilaabay Odaygii inuu isaga sheekeeyo oo min bilow ilaa dhammaad taariikh nololeedkiisii u guud maro, wuxuuna u sharaxay inuu ku soo barbaaray Magaalada London oo nolol ladan uu ku sugnaa, Aabihiis ayuu magaciisa oo Saddexan siiyey, inuu Sarkaal sare oo Ciidamada Ingiriiska caan ka ah ayuu haddana u sii raaciyey, dhagar qabayaal isaga la shaqeynayay inay dileen ayuu u sii daba dhigay, kadibna ilaaladii Ciidamada ee Hoygooda joogtay ay dhac u geysteen oo gurigii ka iibsadeen, sidaana shiid ku noqdeen oo Hooyadiis & walaashiis ay badday arrintaas inay liiska dulinimada & tuugsiga gacan hoorsiga & meelaha xunxun ku biiraan, isaguna uu sababtaas darteed uga soo haajiray London oo magaaladan Manchester u yimid inuu sumcaddiisa & sharaftiisa ku dhowrto, kana xoogsado, kadibna ay isku barteen gabadha Anita ah.

Wuxuuna George hadalkiisa ku soo afjaray in uu Odayga ka rajeynayo inuu ku saacido Jacaylkiisa, isla markaana ka gacan siiyo dhinaca shaqada uuna yahay nin karti u leh shaqada, adkeysi & hiigsi wanaagsana leh. Odaygii dhalay Anita markii uu intaa ka dhuuxay George waxa uu dib u baaray xusuustiisa, wuxuu gocday in uu yaqaano Odayga dhalay George, sababtii uu u geeriyoodayna ay ahayd arrin naag, uuna ahaa nin khmariga si aad u caba oo saaxibul Dumar ah, sidoo kale wuxuu dib u qooraansaday taariikhda madow ee George hooyadiis ku guda jirto oo raad ku yeelan karta nolosha George maadaama Hooyadii dhashay ay falfal xumadaa ku guda jirto, wuxuuna Odaygu qiray in George uusan u qalmin wax la qeybsiga gabadhiisa, markaasuu go’aansaday inuu George kadabkiisa gooyo oo ka reebo gabadha, laakiin wuxuu isweydiiyey mar haddii ay iyadu jeceshahay isagana ka daran yahay sida & qaabka lagu kala reebi karo in ay adag tahay oo wax sahlan aysan ahayn. La soco Arbacada kale. W/Qoray:- Maxamed C/raxmaan Maxamed (Caagane)

La soco Arbacada kale.

 W/QORAY:- MAXAMED  C/RAXMAAN MAXAMED (CAAGANE)

WARAR KALA GEDISAN

 

GABAR TOOGASHO KU DISHAY GABAR SAAXIIBTEED AHEYD OO ARIN QARSOODI AH KA KASHIFTAY

Arrin mucjiso leh ayaa ka dhacday xaafadda Taleex ee degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho kadib markii gabar magaceeda naloogu sheegay Faadumo oo degan carwada Taleex ay toogasho ku dishay gabar saaxibteed ahayd oo lagu magacaabo Xamdi, sidoo kalena dhaawac daran u geysatay gabar kale oo Xamdi la dhalatay oo lagu magacaabo Fardowza. Arrintan ayaa waxay dhacday kadib markii Faadumo & Xamdi oo saaxiibo ahaa ay is khilaafeen kadibna ay Xamdi kashiftay arrin qarsoodi u ahayd Faadumo oo ay labadooda isla ogaayeen taas oo ahayd Meher Faadumo ay la gashay wiil ay saaxiibo ahaayeen, taasina ay ka carootay Faadumo oo qori Ak-47 u soo qaadatay Xamdi oo ku sugnayd Shineemo ku taala Xaafadda Taleex oo lagu magacaabo Shineemada Gabadha. Dhacdadan oo dhacday Jimcihii la soo dhaafay ayaa warku sheegayaa in Faadumo markii ay falka geysatay la waayay meel ay jaan & cirib dhigtay, welina la baadigoobayo.

CANUG CALOOSHIISU BANAANKA TAALO OO MUQDISHO KU DHASHAY

Canug Calooshiisu bannaanka taalo oo aan lahayn wax xuub & maqaar ku dahaaran Caloosha, laakiin jirka intiisa kale caadi ka ah ayaa ku dhashay Magaalada Muqdisho. Canugaas oo Hooyadiis lagu magacaabo Safiyo Ibraahim Maxamed ayaa la keenay Isbitaalka KMG ee Banaadir ee Magaalada Muqdisho, waxaana arrintiisa faraha kula jira Dr. C/risaaq.

WIIL HOOYADIIS FEERAY

Hooyo lagu magacaabo Xaliimo oo degan degmada Madiina ayaa Isniintii dorraad wiilkeedu feer & laad ku qaadqaaday kadib markii ay Hooyadu damacday inay kala hadasho Wiilkeedaa Xaaskiisa oo uga soo dacwootay. Warku wuxuu intaa ku darayaa in wiilku uu isku dul garaacay Hooyada & xaaskiisa, isla markaana ay Hooyadu istaaga ka faniintay, iyadoo Hooyadu uu soo gaaray dhaawac daran.

XAFLAD MEHER OO WEERAR IYO ARBUSHAAD LAGU SOO QAADAY

Iyadoo loo fadhiyo xaflad lagu Mehrinayay gabar lagu magacaabo Maryan Cali ayaa waxaa xafladdii weerar ku soo qaaday rag abtiyaal u ah Gabadha. Sida uu inoo soo sheegay Wariyaheena C/risaaq Jaamac Cilmi(Black Yare) gabadhaas ayaa waxaa soo korsaday abtiyaasheed oo degan Xaafadda Buula-xuubey ee degmada Madiina, waxayna u diideen wiil ay Jaclayd oo ka soo doontay, kadibna waxay wiilkii ula tagtay aabaheed oo degan agagaarka Isbitaal Digfer wuxuuna ka ogolaaday inuu isku mehriyo maadaama ay is doorteen, balse iyadoo meherkii loo fadhiyo ayay weerar hubeysan ku soo qaadeen abtiyaashii oo diidanaa in gabar ay iyaga soo korsadeen wiil aysan la rabin loo guuriyo, arrintaasna waxay sababtay in meherkii baaqdo, iskuna xumaadeen abtitaashii & Aabihii gabadha dhalay oo weli gartooda meel la saari la’ yahay

HAWEENEY 8-SANO UUR LAHEYD OO WAXYAABO MUCJISO LAGA SOO SAARAY

Haweenay lagu magacaabo Faadumo Ismaaciil Maxamed oo muddo 8-sano ah uur mucjiso ah lahayd lagana keenay Tuulo ka tirsan magaalada Boosaaso ayaa Isbitaalka KMG ee Banaadir loogu sameeyay qaliin. Haweeneydaas oo loo malaynayay in ay uur lahayd muddadaas ayaa meeshii laga filayay in Canug ay dhasho laga keenay Malax dhowr liitar ahayd oo caloosha sidii uur oo kale ay ugu siday.

NIN AY AFDUUBATAY HAWEENEY UU GUUR KA DIIDEY

Nin lagu magacaabo Maxamed Cumar oo 37-jir ah oo degan degmada Xamar jajab ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa afduubtay koox dablay ah oo ay soo adeejisay haweeney uu horey u qabay oo ka codsatay inuu dib ugu laabto, balse uu isaguna a diiday. Dablayda ayaa markii la weydiiyey sababta ay u heystaan ninkaa ku sheegay inay ku leeyihiin 3-kun oo doollar, balse mar dambe la ogaaday in xaaskiisii uu furay ay arrinta ka dambeyso, waxaana Isniintii dorraad lagu guulaystay in shuruud la’aan lagu soo daayo. Wariyaheena Yuusuf Maxamuud Warsame(Bidaaye) oo warkan inoo soo gudbiyey ayaa inoo soo sheegay in wiilkaas markii afduubka laga soo daayay uu u baqoolay Magaalada B/weyne ee Gobolka Hiiraan si uu halkaa ugu badbaado.

GABAR KA BADBAADAY SHIRQOOL DIL

Gabar lagu magacaabo Hani C/raxmaan oo degan Xaafadda Buulo-xuubey agagaarka Ayraboorka ayaa ka badbaaday shirqool dil oo ay la damacsanaayeen wiilal la dhashay wiil uu Jacayl kala dhexeeyay oo waalidkeed u diideen. Sida ay inoo soo sheegtay wariyaheena Amran Axmed Cali Gabadhaa waxaa loo geystay jirdilka ba’an, iyadoo wiilashaa go’aankoodu ahaa inay dilaan kadib markii ay ku fakareen intii wiilkoodu u dhibaatoon lahaa ay iyada qaarijiyaan, sidaana uu kaga samro, balse taasi Alle ma qadarin.

Aayaha Nolosha

Filasho Akhristayaasheena sharafta leh waxaan todobaadka soo socda haduu ilaah idmo idin soo gudbi doonaa wareysi aan la yeelanay abwaan Xasan Jaceyl oo fanaanka CABDI TAHLIIL WARSAME ku heysta HEESTII ABAAL DARAN.

Sidoo kale waxaa fooda idin ku soo haya qisadii jaceyl ee xanuunka badneyd ee soo martay AL- FANAAN AXMADEY ABUUBAKAR (AL-CAMAARI) iyo heesihii calaancalka lahaa ee uu qisadaasi ka qaaday.

Waxaa kale oo ahdii alle idmo idin soo gudbineynaa sheeko xiiso badan oo la magaca baxday ADUUN IYO AAKHIRO waa sheeko jaceyl oo naxdi,n layaab, murugo iyo farxadba kulan satay, waana sheeko dhab ah oo dhacday oo uu qalinka u qaatay caaqilka weyn ee jaceylka CABDURAXMAAN CUMAR MADOOBE (DALMAR) ee ha u daymo la’aanina

 

DOODDA DHAKHAATIIRTA & DACWADA DADWEYNAHA

Qaybtii 6-aad

Dadweynaha & Dhakhaatiirta oo ah labo aan kala maarmin ayaa 12-kii sano ee burburka dalkeenu ka jiray midba midka kale ka cabanayaa oo mid waliba wax gar ah ku doodayaa. Dadka dhakhtarada u taga ayaa intooda badan waxa ay ka cabanayaan arrimo badan oo aan badankood dhakhaatiirta wax ka weydiinay waxa ka jira, iyadoo qodobada ay dadku ka dacwoonayaan ay ka mid tahay in bukaanku cudurkiisa ha sahlanaado ama ha cuslaadee ay dhakhtaradu u diraan ugu yaraan 5-8 dhiig, saxaro, kaadi, raajo, kumbiyuutar iwm, kuwo kale ayaaba ka daran bay leeyihiin oo bukaanka kaliya ma ahee dadka guriga kula nool saxaro & dhiig halaga qaado dhahayo.

Sidoo kale dhakhtaradu dawooyinka yaala farmashiyaal ay iyagu furteen ama kuwa eheladoodu leeyihiin amaba kuwo ay qarash ka qaateen oo ay kula heshiiyeen inay u bixiyaan dawooyinka aan tayada lahayn ee u gadmi waayay ayay bukaanada u qoraan. Dhakhtaraduna waxay ku doodayaan in bukaanada sida ay wax ugu sheegaan aysan u qaadan oo marka daawada loo qoro ay latashiyo kale la sameeyaan daawo-gadayaasha, Sidoo kale dawada ay bukaanada u qoraan aysan waqtigii loogu talo galay & sidii loogu talo galay u qaadan”.

Dacwadahaa & doodaha ay kala tabanayaan labada dhinac(Dhakhtarada & bukaanadu) oo aanan halkan ku soo koobi karin ayaa si aan wax uga ogaano waxan wareysiyo la soo yeelanay dhowr dhakhtar oo Xarumo bukaan-eegto ku leh Magaalada Muqdisho, waxaana weli dhex maquuranaynaa cabashada ah in dhakhtaradu dawooyinka yaala farmashiyaal ay iyagu furteen ama kuwa eheladoodu leeyihiin amaba kuwo ay qarash ka qaateen oo ay kula heshiiyeen inay u bixiyaan dawooyinka aan tayada lahayn ee u gadmi waayay, taana waxay dhakhtaradu ka yiraahdeen:-

DR. CALI CUMAR:- “Waa jirtaa in ganacsato fara badan ay dawooyin iska keensadaan dalka (ama tayo ha lahaadeen ama yeysan lahaanine) laakiin aniga waan ka soo horjeedaa arrimahaas la sheegsheegayo, welibana waan ka waaniyaa oo waxaan iraahdaa dawada waratada meelaha ku heyso ha gadanina, anigana Farmashiyo iima furna, wax xiriir ah oo aan la leeyahay qolyaha dawooyinka iibiyana ma jirto, dawooyinka uu leeyahay qofka wuu ku caafimaadayaa ayaan u qoraa, weliba waxaan iraahdaa iska fiiriyo taariikhda ay dhacayso iska hubiya, marka aniga Dr.Cali Cumar ahaan waxan ka s oo horjeedaa in qof bukaan ah lagu rakaateeyo daawada meel hebel ka soo gado ama aniga Farmashigeyga ayay taalaa ka gado amaba in loo qoro mid meel cayiman taala waa wax laga fiican yahay, xitaa shirarka ay Dhakhaatiirta isugu yimaadaan ayaan kaga hadalnaa arrimahaas, kii ku kaca markaana waa mid damiir-xumo ay u geysay.

Dr.MAXAMED XUSEEN(XAAJI BUUBAA):- Waan maqlaa waxa dadku suuqa la wareegayaan oo ay leeyihiin dhakhtaradu waxay xiriir la leeyihiin ganacsatada dawooyinka, iyaga farmashiyeyaalkooda dawooyinka yaala ayay bukaanada u qoraan, waxaasi waa dacaayad, een anigana Farmashiye ma lihi, wax xiriir ahna lama lihi ganacsatada dawooyinka keensada, laakiin haddii dhakhtarku Farmashiye yeesho oo daawooyin uu dibadda ka keeno oo dadka ka iibsado aniga qalad uma arko, maxaa yeelay dhakhtarku waxa uu aqoon u leeyahay dawooyinka oo uu kala yaqaanaa midda tayada leh & midda aan tayada lahayn.

Dr.XASAN SHIINO:- anaga dawada tayada leh oo fiican ayaan qornaa, mana jirto Farmashiyeyaal & ganacsatayaal aan heshiis gaar ah la soo galno, wax cad ayaa dadka lagu qabsadaa, haddii aad wax cad heysaan waad soo bandhigi kartaa, laakiin waa la yiri iyo waxaas waa laga fiican yahay, waana hadal warxumotashiil uu faafiyey, wax ka jirana ma laha. SU’AASHA KALE EE AANU WEYDIINAY DHAKHTARADA WAXAY TAHAY “Dalkeena muddo 12-sano ah ayuu burbur, fowdo & kala dambeyn la’aan ku dhex jiray, taasina waxay sababtay in Maleeshiyo aan cidna ka amar qaadan ay afduub, dil & dhibaatooyin kale ku sameeyaan dhakhaatiirta sida dadka kaleba ay ugu sameeyaan, marka adinka waxaad samaysaan marka arrin noocaas oo kale ahi dhacdo oo qof dhakhtar ah oo amar Ilaah uu ku dhacay ama la dilay ama la afduubtay ayaad shaqo joojin dhowr todobaad ah samaysaan, halkaas qof dartiis ayaa laga yaabaa in malaayiin dad ahi oo bukaano dhakhaatiir u baahnaa ay u waxyeeloobaan, shaqo joojintiina ma keeneyso in Mooryaankii uu joojiyo caadadiisa afduub ama dil, marka fikrad taa ka bedelan ma keeni weyseen, misana wixiinu waa Mindi Mindi ku taaga oo Mooryaan fal uu geystay ayaad shacabka taagta daran uga aaraysaan:-

La soco fikradaha dhakhaatiirta & cabashada dadweynaha.

W/isku soo duway:-

C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)




   

Codka  Mucaashaqiinta

hearts3.jpg (4316 bytes)Codka Mucaashaqiinta Qormada Raadiyowga Codka Mucaashaqiinta waxan Todobaad walba idinkugu soo bandhignaa Heesaha ka tarjumaya Jacaylka ee sida aadka ah loo xiiseeyo & ulajeeddadii loo alifay.

Todobaadkan waxaan akhristayaal idiin heynaa heestii DAMAQ JACAYL ee uu ku luuqeeyo Alle ha u naxariistii Fannaankii AXMED MOOGE LIIBAAN, balse geeridii Axmed kadib uu luuqeyteeda la wareegay fannaanka SHIMAALI AXMED SHIMAALI. Heestaa waxaa alifay oo miraheeda sameeyay ABWAAN XASAN QOWDHAN oo isagu ay khuseyso qisada ay ku timid heestu, wuxuuna alifay xilli Gabar uu aad u jeclaa uu ugu dul yimid iyadoo Wiil dhalinyaro ah la qayileysa, iy-adoo u muuqatay inay wiilkaa isu dhiibtay, sida uu miraha heesta ku cabirayna marka uu leeyahay “iyadoo doog dhex jiiftoo daawaneysa ubaxa” uu ka wado “Qaadka cagaaran oo doog ay dhex jiifto uu ka dhigay, Ubaxa ay daawanay-sana uu ka waday wiilka dhalinyarada ah ee hor fadhiya”, markuu falkaas arkayna uu Abwaanku yiri “Ma iska deys-aayoo maka aamustaa oo dibnaha ma isa saartaayoo shib maka dhahdaa, mise waad dogsiisaasayoo shaacisaa arrinta, dadkii buu la hadlayaayoo leeyahay “dadow maxaad igula talin lahayd?”, heestaasina waxay u dhigmaysa sidatan:-

=Aan damaq Jaceyl, dad is raba warkood, kaa daadejee, waxay ugu darneyd, markii aan dul imid, taan dunida rabay.

=Iyadoo doog dhex jiiftoo, daawaneysa ubaxoo, sow raaxo damacday, durba gareeska furatay, sii deysay timahee.

=Aan iri ma deysaa, mise waa dogsiisaayee, dibnaha ma isa saartaa, yaa dooq u heli jirayee, dadow…dadow, dadow maxaad ku talin lahayd? .

=Aan dab iyo maal, deeqahaa Ilaah, kaa daadejee, marna waxaan u dayey, dumar iyo dhibkood, oo ila durkee.

=Ruux uu sida daruuraha, sagal waa u daalacay, waa mid muuqa dahabloo, haddaan anigu deyn lahaa, waxbaa igu dirqiyayee.

=Aan iri ma deysaa, mise waa dogsiisaayee, dibnaha ma isa saartaa, yaa dooq u heli jirayee, dadow…dadow, dadow maxaad ku talin lahayd?

W/Diyaariyey:C/raxmaan Cumar Madoobe(Dalmar)

MURTIDA WARGEYSKA

Dhaqamada & Caadooyinka xunxun ee ka jira wadamada reer Yurub & Qaaradda Ameerika (+) Soomaalida ku dhaqan wadamadaas, gaar ahaan Dumarka & carruurta (x) Shar-ciga wadamadaas u yaala oo ah in dumarka & Carruurtu awood leeyihiin oo haddii aabuhu uu xaaskiisa ama carruu-rtiisa la hadlo isaga la xirayo ama la soo musaafurinayo (÷ )Wadamadaas oo ka siman Muslim nacayb (=) dadka ay qa-xooti ahaanta u qaabilayaan arxan & Bini’aadannimo kama ahee gaalaysiin & waxay ka tahay in dhaqamada & diinta Soomaalida ay bedelaan, dadka ay qaabilaana waxaa u bad-an qoysaska dumarka & carruurta badan oo Risbonsero ay u soo diraan, dhoofkana u fududeeyaan.

By: Maxamed Xuseen Yuusuf (Xaaji Tahriib)

MASRAXA AAYAHA NOLOSHA

“Maxaa u sabab ah in Lamaanayaal Jacayl Sanado badan soo jilaayay, marka ay is guursadaan kadib inay si sahal ah isku furaan?” Xaqiiqdu waxa ay tahay in Lamaanayaashu marka ay ku guda jiraan xilliga haasaawaha iyo u gogol xaaridda guurka uu mid waliba midka kale ku sameeyo soo jiidasho uu ku doonayo sidii uu ku hannan lahaa qalbiga qofkaas. Muddada faraha badan ee sanadaha ah ee Jacaylka ay isla jilayaan Labada ruux (Wiilka & Gabadha) ma aha kuwo si sax ah u dhamaystiran oo micnuhu waxa weeye sanadahaas oo dhan isma ay arkayaan isku darkooda bilo ayay iska arkayaan oo maalin waliba islama joogaan, saacadaha kooban ee ay is arkaana mid waliba kan kale ereyo soo jiidasho leh oo ha dhicin ha jabin, maxaa kuu macaan, maxaa kuu qaraar ayay isweydaarsanayaan, iyagoo isu faraxsan oo isku qanacsan ayayna saacadahaas kooban ee ay isla joogeen kala tagayaan, xitaa haddii ay is khilaafaan si sahal ayay ku xalinayaan khilaafkooda. Calaa kuli-xaal si kastoo ay tahayba marka ay is guursadaan oo guri isugu yimaadaan dhabtii ayaa imaanaysa, qof waliba wixii u duugnaa ayaa soo ifbaxaya, khilaafaadka yaryar ee soo marana si sahal ah uma xalin karaan oo way kala caroonayaan markaasaa shaqsiyaad & shaqi soo dhex gelayaa, dooddii baa sii badanaysa kadibna sidaa lagu kala tagayaa. Sababo kale way jiraan sida dhaqaalaha, jinziga, dabeecadda, aqoonta diinta & midda maadiga oo aan isku heer laga ahayn & arrimo kale, marka waxa loo baahan yahay in xilliga haasaawaha sal adag loo yeelo dhammaan arrimahaas. Dhammaad.

ABWAAN XASAN JACAYL:- “waxaa jira 7-Jacayl” Qiimaha Jacaylka ma aha wax qoraal Saxaafadeed & Suugaan Abwaaneed kaliya lagu soo koobi karo, waxaana jira qeybo badan oo Jacayl oo mid waliba qiimeyntiisa gaarka ah leh, aniga ka abwaan ahaana waxaan ku soo koobay oo aan qirsanahay inuu jiro ilaa & 7-Jacayl kuwaas oo kala ah:-

1. Jacayl dhab ah:- “Waa Jacaylka aayatiinkiisu noqdo guur iyo mustaqbal dhab ah oo ay lamaanayaasha isla jila wadaagaan, Rabbina ku guuleeyo”.

2. Jacayl gaaban:- “Waa Jacayl ku abuurma kulan saacado kooban qaata, damaciisuna yahay mid shahwadeed, balse marka uu suuragal noqon waayo damacaas uu jiitamo ilaa damacii qofku lahaa uu gaaro, kuna dhammaada marka damacaas uu hanto qofkii”.

3. Jacayl danaysi:- “Waa jacayl ku xiran dan, noocii ay doonto dantu ha ahaatee sida dan dhaqaalo & wax u dhigma”.

4. Jacayl Xushmo:- “Waa Jacaylka uu ku jeclaado qof xushmad & qadarin kaa mudan, adiguna aadan rabin qofkaas, haddana aadan ku gacan seyri karin, kadibna aad go’aansato inaad xushmo & tixgelin u muujiso kaasoo aakhirkii iskiis u quusta”.

5. Jacayl Socod wadaag:- “Waa jacaylka aad doonayso in qof dhigaada ah mar waliba kula wadaago socod, la joogis & sheeko oo aad iska jeceshahay inuu qofkaasi dhinacaada ahaado”.

6. Jacayl Guud:- “Waa Jacaylka waalidka, walaalka, ubadka, waxbarashada, hantida iwm. Jacayl Laab-la-kac ah:- “Waa Jacaylka Usbuuclaha ah ee xiisaha ku yimaada, waan ku arkay waa ku caashaqay weeye micnihiisu oo marba qofkii uu u arko inuu soo jiidasho leeyahay ayuu qofku iska jeclaanayaa, waana mid cosob la guur ah, kaasoo ah nooca ugu xun.



 

Contact us at: aayaha_nolosha@hotmail.com