aayaha_nolosha.jpg (32936 bytes)

Tifaftiraha wargeyska waa:- C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil  Dalmar)

Telefoonada Wargeyska Muqdisho 652256, 655788

E-mail:- aayaha_nolosha@hotmail.com iyo ambacaliin2004@yahoo.com

FANAANIINTA BADWEYNTA JACEYLKA

(Abwaan Macow Ow Diinle iyo Taariikhdiisii Jacayl)

Qaybta 13-aad

hearts4.jpg (3553 bytes)(Heestii Xishoodka dhaaf, xabbadkaa I saar, kaama xiisee, xishoodka dhaaf)

Abwaan Macow Ow Diinle run ahaantii xaaskiisii dambe ee uu jacaylka la jilay wuu ku mintiday, iyaduna maqsuud ayay ka noqotay markii ay u xaqiiqowday inuu furay xaaskiisii hore oo Jacaylkeeda oo kaliya uu qiimeynayo, wuxuuse Abwaanku qiray in markii ay walaca ahayd Jacaylkiisii Sahro ay xarbi & dagaal ku heysay, maseyrna uu u wehliyey, wuxuuna taa ku muujinayaa miraha heesta ay kuwada luuqeeyaan fannaaniinta Aweys Qamiis Cabdalla Mabuuse & Sitey Qosol-wanaag oo u dhigmaysa sidatan:-

=AWEYS:- Xanfar iyoone xeys maanyo xoog lehee, ma xayiraayi xariirkii cishqigeygiyee.

SITEY:- Wixii xumaan jira iila xaal, adaan ku xushee.

AWEYS:- Xishoodka dhaaf, xabbadkaa I saar, kaama xiisee, xishoodka dhaaf.

SITEY:- Xumaanta dhowr, xubigii dhexdeen waa xalaal, xumaanta dhowr.

=SITEY:- Xalaal minaad wadid waa ku ximbaarahaa, xishood badnow, xidigeyga adaa ahee.

AWEYS:- Xan iyo been, xasid ii wadaa adaan kaa xushee.

SITEY:- Xumaanta dhowr, xubigii dhexdeen waa xalaal, xumaanta dhowr.

AWEYS:- Xishoodka dhaaf, xabbadkaa I saar, kaama xiisee, xishoodka dhaaf.

=AWEYS:- Xayaatadii nolosheyda xuural-ceynaddii, xabaal ninkii galayaa xasuusahaa.

SITEY:- Xandhoo adduun ma rabee, adaan ku soo xushtayee.

AWEYS:- Xishoodka dhaaf, xabbadkaa I saar, kaama xiisee, xishoodka dhaaf.

SITEY:- Xumaanta dhowr, xubigii dhexdeen waa xalaal, xumaanta dhowr.

=SITEY:- Xarbi ninkii ku jiraa kala xaal ogee, xujo makuu wadI waa ku xushmeeyayee.

AWEYS:- Xaaskey ahaatid ii xalaal noqotidaa.

SITEY:- Xumaanta dhowr, xubigii dhexdeen waa xalaal, xumaanta dhowr.

AWEYS:- Xishoodka dhaaf, xabbadkaa I saar, kaama xiisee, xishoodka dhaaf. Heestan & heesaha kale ee ku jira Ruwaayadda FAL XAASID & FAQIIR WAX HELAY ee khuseeya Jacaylka Abwaan Macow Ow Diinle & xaaskiisa Sahro Cali dhammaan waxay kor u sii qaadeen xiisaha Jacayl ee ka dhexeeya Abwaanka & xaaskiisa oo ilaa iyo haatan inuu sii bulaalo mooyee aan naaqus noqonin.

La soco Arbacada soo socota Waxaa Diyaariyey:-

Xaaji Tahriib & Caaqil Dalmar

     ABWAAN XASAN JACAYL

ABWAAN XASAN JACAYL “Cabdi Tahliil iskuma aanan ogeyn inuu sheegto….” {Wareysi}

Kadib markii ay ina soo gaartay dood ku saabsan in Abwaan Xasan Maxamed Maxamuud (Xasan Jacayl) & Fannaanka Cabdi Tahliil Warsame ay isku heystaan heesta ABAAL DARAN oo wargeyskan xitaa uu horey heestaas ugu sheegay inuu Cabdi Tahliil leeyahay isla markaana qisada heestu ay isaga ku dhacday, badi bulshaduna ay C/tahliil u qirsan tahay in qisada xannuunka badan ee heestu ku timid ay isaga khuseyso, heestuna isagu hal abuuray ayaa waxaa soo ifbaxday in Abwaan Xasan Jacayl uu leeyahay heesta aniga ayaa iska leh, qisada ay ku timidna aniga ayay I khuseysaa, si aan waxa jira u ogaano ayaan labada fannaan raadinay, waxaa inoo suuragashay inaan helno Xasan Jacayl, waxaana la yeelanay wareysi ku saabsan waxa ka jira arrintaas:-

Aayaha Nolosha:- Maxaa ka jira wararka sheegaya in adiga & C/tahliil aad isku heystaan heesta Abaaldaran oo nin waliba leeyahay anigaa sameeyay, aniga ayayna I khuseysaa?

Abwaan X/Jacayl:- Waa jirtaa arrintaas, mana aha wax hadda soo bilowday, heesta Abaal-daran aniga ayaa alifay, waxay soo caan baxday 90-meeyadii, waxaanse alifay 1985-tii, qisada aan ka sameeyayna aniga ayay I khuseysaa, anigoo Tiyaatarka jooga oo heestaa tijaabinaya ayuu C/tahliil iga maqlay kadibna iga codsaday inaan u dhiibo, maadaama uu yahay heesaa cod macaana waan ka aqbalay, waxaana marqaati ka ahaa oo goobjoog ahaa Hanuuniye, Xeeboow, Barre Maxamuud Fiidow & fannaaniin kale, C/tahliilna kama aanan fileyn inuu sheegan doono, way dhici kartaa in qisada aan ka sameeyay mid la mid ah isaga ku dhacday, laakiin inuu ii nisbeeyo ayay ahayd.

Aayaha Nolosha:- Mar haddii ay dhacday arrintaas ma isaga soo gogol fariisataan oo makawada hadasheen?

Abwaan X/Jacayl:- Haa, hadda kahor guriga Xaliimo Khaliif Magool ayaan gar ku dhiganay, waxaana ergada ka mid ahaa Mustafa Sh.Cilmi, C/lle Raage Taraawiil (Alle ha u naxariistee), Cabdi Salaad Qaarey, Cabdi Dhuux Yuusuf, Maxamed Warsame Tabantaabo, Sugaal C/lle Cumar, Abwaan Muuse Shire Jilibey & Magool, inkastoo aanan jecleyn gartaas oo ay ila cusleyd haddana C/tahliil qaladkiisa ma uusan qiran, laakiin Fannaaniintii goobjooga ahayd oo sheegashadiisa ogeyd ayaa ku caddeeyay, Idaacadda Horn Afrik oo dood wadaag aan isku soo horfariisanayna wuu ka caddeeyay, weliba waxan ka xumahay in miraha heesta uu iga qaldi jiray, fannaaniin dibadaha heesta ku soo casriyeysayna qaladkiisa ayay raaceen, waxaana hadalkeyga ku soo gabagabaynayaa “Murti lama xadi karo”

FILASHO:- Akhristayaal waxan todobaadka soo socda idiin soo gudbin doonaa qisadii jacayl ee Abwaan Xasan Jacayl uu ka sameeyay Heestaas & heeso kale oo caan ah oo qisadaasi ay wadato.

                            Waxa wareystay:- Tifaftiraha Caaqil Dalmar



   
DHOOF CAASHAQ IYO DHAXAL JACAYL

Qaybtii 90-aad

hearts1.jpg (3556 bytes)Ladan waxay Dr.Maxamed Nasiib u sheegtay in haddii uusan u heli karin lacag deyn ah oo ay khudrad ku iibiso aysan kalifeynin oo ay iska raadsanayso shaqo booyaasanimo ah, isla markaana ay guri cariish ah oo qiimo jaban baadigoobanayso, hadda & wixii ka dambeeyana ay guntiga u xiranayso duqda waayeesha ah ee iyada quud & qadarin ka sugeysa, maadaama aysan heysan wax ehel ah, Maxamed Nasiibna ay uga mahad celineyso dadaalka & sida weyn ee uu u gacan qabtay muddadii ay ka ciirsanayd.

Maxamed-nasiib oo Ladan ka ogolaaday ra’yigeeda shaqo & inay is bixiso isagana culeyska ka dulqaado haddana muddadii Afarta bilood ah ee uu hoygiisa ku baxnaaniyey wuxuu ku fakaray in gurigiisa isaga noolaadaan oo ajar uu ka raadsado maadaama aysan ciirsi & tol ku lahayn Muqdisho, haddana markii ay u soo jeedisay inay shaqo booyaasenimo ku shaqeysanayso ayuu is yiri “Adigaaba aroos galayee oo kaalmo & qof kuu shaqeeya u baahane may adiga kuula joogto oo gabadha aad soo guursanayso caawinaad u noqoto”, fikraddaas ayuu madaxa u luxay wuxuuna durba ula tagay Hooyadiisii soo korisay ee Xaawo Eedan oo uu u sheegay in Haweenkii uu guriga keenay ay baxayaan dhawaan, balse ay soo jeedisay Naagta Ladan la yiraahdo inay booyaasenimo raadsanayso, “Ka waran Hooyo haddii anaga ay inoo shaqeyso oo maadaama aan aniga aroosayo kolay booyaaso kama maaranee ay nala joogto iyada ayaan dhaqan naqaanaaye” ayuu Maxamed Nasiib si hoose Xaawo Eedan ugu sheegay, iyana cabaar ayay arrintaas ka fakartay oo aamusnaan ka baaraandegid qorshe ah guda gashay, waxayna ku tiri “Wiilkeygiyow naagtu sow reer baadiye ma aha, ma iyadaa raashiinka magaalo & dhaqanka magaalo wax ka fahamsan, haddana qof weyn oo ilmo soo dhashay waaye, sow kama haboona gabar da’ yar oo la xukumi karo hadday kibir keentana la iska raacdeyn karo”, Maxamed Nasiib ayaa la soo booday “Hooyo naagtu markii kow reer baadiye ayay u ekeyd, laakiin adiga si fiican uma aadan dhex geline hadaladeeda & sida ay u xisaabtamayso & markaad u kuur gasho dhaqankeeda & qaaqaabkeeda waxay u egtahay qof horey magaalada u joogi jiray, inkastoo aanan la sheekeysan haddana sidaas ayaan u fahmay”. “Wallaahi waa la arki doonaa ee haddii aadba adigu soo jeedisay go’aankaas ha iska joogto oo u sheeg inay anaga noo shaqeynayso” ayay Xaawo Eedan ku qaabishay hadalkii uu wiilkeeda Maxamed Nasiib oo aysan weligiis war & arrin uu wato ka diidin, isagana qushuuc ayuu u muujiyey Hooyadiis oo hadalkiisa qiimeysay.

La soco Arbacada kale.

W/Qoray:-C/raxman Cumar Madoobe (Dalmar)

 

DIIHAAL & DAREEN CAASHAQ

Qaybtii 27-aad

Laakiin wuxuu Odaygu isweydiiyey mar haddii gabadhiisu ay jeceshahay George isagana uu ka daran yahay sida & qaabka uu ku kala reebi karo, wuxuuse isu sawiray in aysan wax sahlan ahayn, laakiin nin kaarto badan ayuu ahaaye markiiba talo ayaa u soo muuqatay oo ah inuu Maamulka Iskuulka uu George waardiyaha ka yahay oo isaga ka heybeysta uu ka dhaadhiciyo in George shaqada laga raacdeeyo, welibana lagu soo oogo dambi qatar ah oo looga musaafurin karo magaalada Manchester.

Tallaabadaas ayuu madaxa u ruxay odaygu isla markiibana ku dhaqaaqay, waxayna u hirgashay sidii uu u rabay oo George shaqadii iskuulka waa laga raacdeeyay, waxaana lagu soo oogay dambi ah in iskuulka alaabo muhim ah laga qaatay xilligii uu isaga waardiyaha ahaa, sidaana uu shaqadiisii ku waayay, isla markaana uu kala doorto inuu magaalada isaga guuro ama Maxkamad la soo taago.

Tallo ayaa ku caddaatay George, wuxuuna qorsheystay inuu magaalada isaga guuro intii dacwad & buuq iyo xabsi uu mudan lahaa, isagoo qabsaday muddo labo todobaad ah oo uu ku diyaargaroobo, laakiin wuxuu ku mashquulay halkii uu beegsan lahaa & jihadii uu abaari lahaa, wuxuuse latashiyo la sameeyay wiil xilligaa mar u dhow dalka Shiinaha ka yimid, murugada & mashaakilka ku furan markii uu ka dhagaystay ayuu ku yiri “Waxba ha is wareerin aniga ayaad I raacaysaa, Shiinaha ayaad igula noolaanaysaa, halkaas shirkado & warshado waaweyn ayaa ka jira oo shaqaalo looga baahan yahay” talladaas ayuu George u guuxay.

Muddadii labada todobaad ahayd ee uu qabanqaabada ku jiray ayuu ogaaday in qorshaha shirqool ee lagu musaafurinayo uu ka dambeeyay Anita Aabaheed oo aan isu rabin isaga & Anita, arrintaasna sidoo kale Anita way ka war heshay oo weliba soo xaqiijisay, iyadoo baaritaan dheer u gashay, waxayna taasi sababtay in Anita & reerkeeda oo dhan sababtaas darteed isugu xumaadaan, isla markaana noqotay gabar sagsaag ah oo jacaylka George dartii u qafiiftay.

Odaygu wuxuu is lahaa aayaheeda nolosha ka shaqee oo qof asaageed ah oo u qalma u xul, laakiin wax buu dhabjiyey oo gabadhiisii u wanaagsanayd ayuu naanaab ka dhigay “Ileyn jacaylku waa aalad ka madax bannaan isu qalmid, qabiil, jinsi, hanti iwm” waayo Anita oo reer ladan ka soo jeeda ayuu Jacaylku qalbigeeda geliyey wiil faqiirtimo dartii uga soo cararay magaaladiisii, Hooyadiis & walaashiisna ay falfal xumo & tuugsi gacan hoorsi shaxaad & si xun wax u raadis ku jiraan. La soco Arbacada kale. W/Qoray:- Maxamed C/raxmaan Maxamed (Caagane).

La soco Arbacada kale.

W/QORAY:- MAXAMED  C/RAXMAAN MAXAMED (CAAGANE)

WARARKA AAYAHA NOLOSHA

 

WAXYAABO MUCJISO AH OO MUQDISHO KU SOO KORDHAY

Beryahan dambe waxaa magaalada Muqdisho ku soo batay waxyaabaha mucjisada Rabbaaniga ah, iyadoo arrintii ugu mucjisada badneyd habeen hore lagu arkay Xarun Isbitaal oo lagu magacaabo Ikran Clinic oo yiraahdo Faadumo ay ku umushay Xayawaan qeybta hoose Malaay ka ah, qeybta korena Shimbir.

Haweeneydaas oo horey u soo dhashay 7-carruur oo caadi ah ayaa sheegtay inay 9-bilood caadi u waday uurka, balse ay dareemaysay xannuun saa’id ah.

Sidoo kale Degmada Madiina ayaa Dameer biyaha lagu dhaamiyo waxa uu cunay Mukulaal yar oo markaa la dhalay, sidoo kale Dameerkaas wuxuu qaniinay canug yar oo laga badbaadiyey.

Sida uu inoo soo sheegay wariyaheena Daa’uud Xaaji Raage (Daa Xaa) ninka iska leh Dameerkaas oo lagu magacaabo Ow Maxamed Xaamud Sheekh oo loo yaqaano (Morgan)  ayaa dadka xaafadda ka codsadeen in dameerkaas uu xaafadda ka fogeeyo.

Mucjisooyinka dhacay maalmahan dambe waxaa ka mid ah Canug calooshiisa bannaanka taalo oo dhashay, Haweeney 9-bilood uur lahayd oo Dheecaano maal ah umushay & mucjisooyin kale oo fara badan oo qaarkoodna la shaaciyey qaarna weli qarsoon yihiin (Inaa Lilaahi wa inaa Ileyhi raajicuun).

Haweeney Mataano ay dhashay dayacday iyadoo ku xumeynaysa Ninkeeda (mid ka mid Ilmahaa oo Ey uu cunay)

Haweeney lagu magacaabo Qureesho oo uu qabay nin la yiraahdo Jeelle X.Salaad ayaa iyadoo uur leh uu ninkeeda ka dhuuntay kana raacay Haweeney kale oo qarsoodi uu ku qabay oo Sacuudiga ay isla aadeen.

Haweeneydaas oo markii ninkeeda ka dhuumayay uur lahayd ayaa markii umushay labo Mataano ah (Wiil & gabar) laakiin si maangaabnimo ah iyadoo ninkeeda ka dhuuntay ku xumeynaysa isla markaana uu

cudurka Maseyrka asiibay mid ka mid ah ilmihii uga dhuumatay Mukayga Afgooye, midkii kalena haweeney kale oo is yaqaanaan inta u dhiibtay uga dhuumatay.

Sida ay inoo soo sheegeen dad la qaraabo ah Haweeneydaa Canugii ay Mukayga Afgooye uga tagtay waxa cunay Ey, midkii ay naagta uga dhuumatayna iskiis ayuu bilo kadib u dhintay.

Wiil gabar muddo uu jeclaa jacaylka ku cidleeyay oo jiro mucjiso leh ay ku dhacday

Wiil magaciisa naloogu sheegay Sanweyne oo ka mid ah shaqaalaha mid ka mid ah warshadaha yaryar ee Muqdisho ka dhisan ayaa gabar muddo badan Jacayl kala dhexeeyay oo u baxday degmada Ceelbuur inta uu fasax qaatay ka daba tagay, kadibna reerkeeda oo ay qaraabo ahaayeen ku wargeliyey in isaga & gabadha ay isku ogaadaan oo Xamar uu kula aqal galayo, kadibna ay ka ogolaadeen.

Markii la isku soo daray oo Gaariga ay isla soo raaceen ayuu inta Gaarigii uu ka haray wiil Saaxibkiis ah gabadhii soo raaciyey kadibna uu ka dhuuntay, mar ay Muqdisho ka soo baadigoobtayna wuxuu u sheegay inuu ballantii uga baxay oo wiil kale ay raadsato, laakiin maalmo kadib ayay gabadhii ka dul hadashay oo habeen & maalin ka dul qeylinaysay, waxaana markii dambe la saaray Qur’aan. 

Gabar laga soo musaafuriyey dibadda oo wacdaro layaab leh Hooyadeed ku dhigtay…

Gabar la yiraahdo Shamso Maxamed Axmed oo dhawaan reerkeedu ka soo musaafuriyeen dibadda iyadoo looga baqay inay dhqanka gaalada qaadato ayaa markii ay Muqdisho timid, Hooyadeed oo ka daba timid oo rabtay in gabar ka yar ay dibadda u waddo iyaduna ka codsatay in la wado, balse waxa loo sheegay in sababtii loo soo celiyey ay meesha ku jirto, balse wacdaro layaab leh ayay ku dhigtay Hooyadeed oo waxay ka xaday 3-kun doollar iyo Dokomentigii dhoofka, waxayna u  baxsatay  dalka  Masar  oo ay

haatan ku sugan tahay, Hooyadiina ay dhoof & lacagba  la’dahay.

Gabar uu dhalay Madaxweyne Bush oo la ildaran Jacayl Muslim ah

Barbara Bush oo ah gabadh uu dhalay madaxweynaha dalka Mareykanka George Bush ayaa la ildaran Jacayl ay u qaaday wiil Muslim ah oo la yiraahdo Jamaal Muciim.

Barbara oo sida sawirka bogga koowaad ka muuqda ku lamaansan gacaliyeeda Muslimka ah ayaa qoyskeeda & dadka Mareykanku ka deyrinayaan Jacaylkeeda oo ku soo beegmay xilli Mareykanku duulaan ku yahay dunida Muslimka oo uu u aqoonsan yahay argagixiso liddi ku ah Mareykanka.

Dhacdadan & sawirkaba oo aan ka soo xiganay wargeyska AL-WASAD ee ka soo baxa London ayaa waxaa lagu macnayn karaa Jacaylka inuusan ku imaan dhalasho, Jinzi, diin & arrimo kale.  

Aroos 7-gantaal lagu riday

In ka badan 30 qof ayaa ku naf weysay tiro intaa ka badana way ku dhaawacantay goob ay ka dhacaysay xaflad aroos oo ku taala Tuulo ka tirsan dalka Afganistaan kadib markii 7-gantaal ay ku rideen ciidamada Cirka Mareykanka.

Masiibadan oo dhacday Isniintii la soo dhaafay ayaa waxa ka hadlay Taliyaha Ciidamadii falkaa geystay oo lagu magacaabo Dania Magnal oo sheegay in halkaa ay looga soo riday Madfac, iyadoo Wasiirka A/dibadda Afganistaan Mr. Cabdalla Cabdalla oo arrintaas ka hadlay uu ku tilmaamay dhacdo murugo leh, iyadoo aan la ogeyn in Lamaanayaashii is guursanayay waxyeeladu soo gaartay & in kale.

C/RAXMAAN QALINLE:- “JACAYL DARTIIS AYAA LA IGU SOO WEERARAY”

Wareysi aan la yeelanay mid ka mid ah Labo wiil oo Jacayl dartii isu rasaaseysay,  la soco Arbacada soo socota.

 

Waxaa kale oo ahdii alle idmo idin soo gudbineynaa sheeko xiiso badan oo la magaca baxday ADUUN IYO AAKHIRO waa sheeko jaceyl oo naxdi,n layaab, murugo iyo farxadba kulan satay, waana sheeko dhab ah oo dhacday oo uu qalinka u qaatay caaqilka weyn ee jaceylka CABDURAXMAAN CUMAR MADOOBE (DALMAR) ee ha u daymo la’aanina

 

DOODDA DHAKHAATIIRTA & DACWADA DADWEYNAHA

Qaybtii 6-aad

Dr. Cusmaan Dufle oo doodda ka qeyb qaadanaya

Dadka bukaanada ah ee dhakhaatiirta u taga intooda badan waxa ay ka cabanayaan arrimo badan oo ay sheegaan inay dhakhaatiirta kala kulmaan, arrimahaasoo ay ka mid yihiin in dhakhtaradu ay bukaanadu sekan sekan u qaabilaan iyagoo ku xisaabtamaya tiro badnida bukaanada sugaya ee lambarada u goostay, sidoo kale bukaanku cudurkiisa ha sahlanaado ama ha cuslaadee ay u diraan ugu yaraan 5-8 dhiig, saxaro, kaadi, raajo, kumbiyuutar iwm  Sidoo kale dhakhtaradu dawooyinka yaala farmash-iyaal ay iyagu furteen ama kuwa eheladoodu leeyihiin amaba kuwo ay qarash ka qaateen oo ay kula heshiiyeen inay u bixiyaan dawooyinka ayay bukaanada u qoraan.

Dhakhtarada oo cabashooyinkaas & eedeymahaas ka jawaabayana badankood intii aan soo wareysanay way dafiraan dhammaan eedeymahaas, walow qaarkood inay wax uun ka jiraan eedeymahaasi qirsan yihiin, bal haddana aan eegno:-

Dr.CUSMAAN MAXAMUUD (DUFLE):-   guud ahaan marka laga hadlayo caadooyinka ka jira rugaha caafimaadka ama Isbitaalada gaarka waa dhab inay yimaadaan bukaano fara badan oo midba baahi gooni ahi uu qabo, tiradaas faraha badana waxay noqonaysaa in sida laga dhawaajiyey sekeno kaliya bukaankiiba lagu qaabilo, taana dhakhtarka uma horseedeyso in uu helo cudurkii oo dhab ah, marka waxaa loo baahan yahay in dhakhtarka uu xooggaa waqti ku dhumiyo wareysiga xaaladda bukaanka oo si fiican u wiisataareeyo, baarisna u diro si cudurkiisa dhabta ah uu u helo, sharciga dhakhtarnimadana way ka soo horjeedaa, anigana mabda’iyan taa ma qabo damiirkana wuu diidayaa.  Midda kale  aniga waxan aaminsahay in dhakhtarka dhabta ah ee damiirka leh uu-san bukaanka u qorin saamiyaal fara badan, haddii ay jirtana waa damiir xumo, laakiin waxaan aaminsahay haddii hadafku yahay sidii loo daweyn lahaa ama uu u reysan lahaa bukaanka waxaa loo qorayaa oo kaliya waxyaabaha uu u baahan yahay oo labo ha noqdaan ama saddex ha noqdaan ama ka sii badan hadday ahaan lahayd raajo, baaris saami iwm wixii intaas ka baxsana looma baahna oo ma aha in bukaanka qarash uusan awoodi karin la geliyo, taasoo dhakhtarkana aan waxba u kordhineynin, anigana waxaan qabaa in qofkii damiir leh uu taa ka fogaanayo.  Midda ah dhakhaatiirta waxay heshiis la galaan ganacsatada dawooyinka ama iyaga ayaa dawo keensada oo bukaanka ka iibsada hadda kahor ayaa la I weydiiyey anigoo meel kale jooga run ahaantii dhakhaatiirta damiirkooda ayaa hoggaaminaya, ujeeddaduna waa bukaanka ha reysto, dawada uu qorayana waa mid uu is leeyahay bukaanka wuu ku reysan karaa, balse ganacsi dawo & ganacsato dawo keenta in dhakhtarku la heshiiyo ama uu ku sifoobo mid sharci ah oo la ogol yahay ma aha, mana haboona in dhakhtarku qaab dhaqaale doonis ah uu wax u fiiriyo.

Dr. CABDI IBRAAHIM JIYA:- Anaga bukaan miskiin ah oo Ilaahay soo jirisiiyey qarashka laga helo kuma xisaabtanno, taasna waa fikrad qaldan, dad muslim ah oo Diinta islaamka yaqaana oo sharaf leh baa-nu nahay, lacagna waan leenahay ee kuma xisaabtanno lacagaha bukaanada laga helo, midda kale Dhakhtarka sharaf uma aha in dawo aan waxtar lahayn uu bukaanka u qoro, qof walibana waxa uu jecel yahay in waxa uu samaysto ay miradhal noqdaan, dhakhtarku wuxuu rabaa in bukaanka u yimid uu reysto, saaxiibaan, sharaf ka samaysto, macaamiil noqdaan  wejina uu ka samaysto,  marka sidee macquul ku no-qonaysaa in dawo aan tayo lahayn uu u qoro, haddii dhakhtarku la heshiiyo ganacsatada dawada keenta oo uu u sheego in kuwa tayada leh ay keenaan anigu uma arko inay wax ku jaba tahay, ileyn dawada hadda waxa keena dad aan aqoon u lahayn, kuwii dharka, biraha Baabuurta & waxyaabaha kale ka ganacsan jiray ayaa dawo keena, marka waxaan aaminsanahay inuusan jirin dhakhtar heshiis la gala ganacsato, ha-ddii uu jirana waxaan oran lahaa waa arrin haboon oo dhakhtarku dawada waa ka ganacsan karaa, wuu keeni karaa, farmashiye furan karaa, waayo kuwo aan aqoon u lahayn oo weligood Iskuul aan dhiganba waad u ogoshihiin  inay dawo keensadaan ee maxaa u diidaya in dhakharku keensado ama heshiis la galo kuwa keensada oo uu tusaaleeyo inay dawo tayo leh keenaan.

Dr. MAXAMED YUUSUF XASAN:- Dawadu hadda waxay noqotay wax nin kasta uu ka ganacsado,  waa-gii horena waxaa dawada keeni jiray dad shahaaddo u heysta, farmashiyeyaashuna waxay isu jireen ugu yaraan hal kiilo mitir, si daawadu aysan u noqonin Moos lagadanayo, hadda Suuqa Bakaarahaa la dhigay dawaduna wax ay ka duwan tahay misigada & galeyda ma jirto, marka waa nasiibdarro in laga sheegto dhakhtar farmashiye furtay ama dawo keensada, waxaaba nasiib badnaan lahayd haddii ay dawadu gacanta dhakhtarada soo wada geli lahayd, haatana dawooyinka Baraakooyin & Jiingado ayaaba lagu dhex hayaa.     

Waa socotaa…

W/Diyaariyey:- Ismaaciil Xasan Ibraahim (Farxaan) & C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)

La soco fikradaha dhakhaatiirta & cabashada dadweynaha.

W/isku soo duway:-

C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)




   

Codka  Mucaashaqiinta

hearts3.jpg (4316 bytes)Qormada Raadiyowga Codka Mucaashaqiinta waxan Todobaad walba idinkugu soo bandhignaa Heesaha ka tarjumaya Jacaylka ee sida aadka ah loo xiiseeyo & ulajeeddadii loo alifay.

Todobaadkan waxaan akhristayaal idiin heynaa heesta uu ku luuqeeyo fannaanka MAXAMED SULEYMAAN TUBEEC ee WAAN DAALEE, Heestaas waxaa alifay oo miraheeda sameeyay Alle ha u naxariistee ABWAAN XUSEEN OW FAARAX oo isagu ay khuseyso qisada ay ku timid heestu, wuxuuna alifay kadib markii uu ku guuldareystay jacaylkii uu u qaaday gabadhii uu isagu soo kor-iyey ee magaalada Hargeysa iyadoo yar uu ka soo qaaday meel bannaan ah, gabadhaasoo markii ay soo barbaartay quruxley muuqaal soo jiidasho wacan la soo banbaxday, abwaankuna uu jeclaaday, balse ay iyadu ku diiday Jacaylkaas iyadoo la soo shir tagtay “Waalidkey oo kale ayaad tahay” waxayna dhihi jirtay mar walba “Aabbe”, gabadhaas oo markii ay diiday soo xusuusiyey markii uu bannaanka ka soo qaaday ee yiri “MA OGTAHAY AYAANTEY ILMADU KAA DA’AYSEE” balse si kasta u diiday isagoo xitaa heerkeeda waxbarasho dhisay oo ilaa jaamacad geeyay, balse uu ku daalay, wuxuuna ugu dambeyntii yiri:-

=Waan daalee I daayoo, I damaqdee I daawada, waxa u daran nin daaloo, dantiisuna ka durugtee.

=haddaan dudo I dila oo, dadyow hey dagaalina, waan daalee I daayoo I damaqdee I daawada.

=waxa u daran nin daaloo, dantiisuna ka durugtee.

=Waan doortee I daayoo, I damaqdee I daawada

=Waxa u daran, taad dooratee ku diidaye, haku daaline.

=Waan daalee I daayoo, I damaqdee I daawada, waxa u daran nin daaloo, dantiisuna ka durugtee.

=Dayaxiyo darruuraha, dushoodaan degeyaa, waan daalee, I daayoo I damaqdee I daawada.

=Waxa u daran nin daaloo, dantiisuna kaa durugtee.

W/Diyaariyey:C/raxmaan Cumar Madoobe(Dalmar)

MURTIDA WARGEYSKA

Dhalinyarada qayisha ee xaaslayaasha ah  + Xaasaska ay qabaan ee & carruurta ay dhaleen ee isuma qadada ah  X   Lacagaha ay biil ahaanta u soo helaan ragga qayila oo ay u weeciyaan dhinaca Kabarada qaadka  ÷ Carruurtii oo baahi darteed calooshoodu isku dhacdo, qaarkoodna cuduro aan laga daweynin asiibaan – habeenkii marka ay guryahooda u soo hoydaan raggaas oo xaasaskooda ay kala kulmaan buuq carruurtiina qeylo & oohin, aakhirkiina uu sababsado furiin & qoys ilmo isu dhalay oo kala haajira  = qaadku  waa bur-buriyaha qoysaska (Aabihii mukhayil ah qoyskiisu ma xasilo, haddii uu u xasilana buuq & is qabqabsi kama dhamaado) “Dumarka xaaslayaasha ah ee raggoodu qayilo ha iska dulqaateen, samirkana ha kaashadeen Allaa u qadaree.

By: Maxamed Xuseen Yuusuf (Xaaji Tahriib)

MASRAXA AAYAHA NOLOSHA

“Maxaa u sabab ah in Lamaanayaal Jacayl Sanado badan soo jilaayay, marka ay is guursadaan kadib inay si sahal ah isku furaan?” Xaqiiqdu waxa ay tahay in Lamaanayaashu marka ay ku guda jiraan xilliga haasaawaha iyo u gogol xaaridda guurka uu mid waliba midka kale ku sameeyo soo jiidasho uu ku doonayo sidii uu ku hannan lahaa qalbiga qofkaas. Muddada faraha badan ee sanadaha ah ee Jacaylka ay isla jilayaan Labada ruux (Wiilka & Gabadha) ma aha kuwo si sax ah u dhamaystiran oo micnuhu waxa weeye sanadahaas oo dhan isma ay arkayaan isku darkooda bilo ayay iska arkayaan oo maalin waliba islama joogaan, saacadaha kooban ee ay is arkaana mid waliba kan kale ereyo soo jiidasho leh oo ha dhicin ha jabin, maxaa kuu macaan, maxaa kuu qaraar ayay isweydaarsanayaan, iyagoo isu faraxsan oo isku qanacsan ayayna saacadahaas kooban ee ay isla joogeen kala tagayaan, xitaa haddii ay is khilaafaan si sahal ayay ku xalinayaan khilaafkooda. Calaa kuli-xaal si kastoo ay tahayba marka ay is guursadaan oo guri isugu yimaadaan dhabtii ayaa imaanaysa, qof waliba wixii u duugnaa ayaa soo ifbaxaya, khilaafaadka yaryar ee soo marana si sahal ah uma xalin karaan oo way kala caroonayaan markaasaa shaqsiyaad & shaqi soo dhex gelayaa, dooddii baa sii badanaysa kadibna sidaa lagu kala tagayaa. Sababo kale way jiraan sida dhaqaalaha, jinziga, dabeecadda, aqoonta diinta & midda maadiga oo aan isku heer laga ahayn & arrimo kale, marka waxa loo baahan yahay in xilliga haasaawaha sal adag loo yeelo dhammaan arrimahaas. Dhammaad.

ABWAAN XASAN JACAYL:- “waxaa jira 7-Jacayl” Qiimaha Jacaylka ma aha wax qoraal Saxaafadeed & Suugaan Abwaaneed kaliya lagu soo koobi karo, waxaana jira qeybo badan oo Jacayl oo mid waliba qiimeyntiisa gaarka ah leh, aniga ka abwaan ahaana waxaan ku soo koobay oo aan qirsanahay inuu jiro ilaa & 7-Jacayl kuwaas oo kala ah:-

1. Jacayl dhab ah:- “Waa Jacaylka aayatiinkiisu noqdo guur iyo mustaqbal dhab ah oo ay lamaanayaasha isla jila wadaagaan, Rabbina ku guuleeyo”.

2. Jacayl gaaban:- “Waa Jacayl ku abuurma kulan saacado kooban qaata, damaciisuna yahay mid shahwadeed, balse marka uu suuragal noqon waayo damacaas uu jiitamo ilaa damacii qofku lahaa uu gaaro, kuna dhammaada marka damacaas uu hanto qofkii”.

3. Jacayl danaysi:- “Waa jacayl ku xiran dan, noocii ay doonto dantu ha ahaatee sida dan dhaqaalo & wax u dhigma”.

4. Jacayl Xushmo:- “Waa Jacaylka uu ku jeclaado qof xushmad & qadarin kaa mudan, adiguna aadan rabin qofkaas, haddana aadan ku gacan seyri karin, kadibna aad go’aansato inaad xushmo & tixgelin u muujiso kaasoo aakhirkii iskiis u quusta”.

5. Jacayl Socod wadaag:- “Waa jacaylka aad doonayso in qof dhigaada ah mar waliba kula wadaago socod, la joogis & sheeko oo aad iska jeceshahay inuu qofkaasi dhinacaada ahaado”.

6. Jacayl Guud:- “Waa Jacaylka waalidka, walaalka, ubadka, waxbarashada, hantida iwm. Jacayl Laab-la-kac ah:- “Waa Jacaylka Usbuuclaha ah ee xiisaha ku yimaada, waan ku arkay waa ku caashaqay weeye micnihiisu oo marba qofkii uu u arko inuu soo jiidasho leeyahay ayuu qofku iska jeclaanayaa, waana mid cosob la guur ah, kaasoo ah nooca ugu xun.


U DULQAADO

Xarafka hore ee barnaamijkan waxa uu gacanta u haatinayaa dhibanayaasha Jacaylka ee isugu jira Lamaanayaasha curdanka ah ee Jacaylka wada jilaya & kuwa Qoysaska ah ee wada nool ee wax kala tabanaya,  isla markaana waxa uu ka tarjumayaa qof iska hadlaya sida (adiga & iyada) waxaana dhibanaha iska hadlaya  loogu yaboohayaa inuu samir u yeesho dhibaatooyinka uu la kowsado ee ku dul dhacaya, taas macnaheedu  ma aha in jawiga qalafsan ee is rogrogaya uu ka samaysto “wax uu caadeysto oo uu noqdo (doqon) aan garan sababta uu ugu dhex jiro dhibaatooyin aad u kul-kulul oo hareeyay”.

Barnaamijkan U dulqaado, waxaan u abuurnay in qofku ku soo bandhigto dhibaatadiisa Jacayl & boroboleemka kale ee la soo dersa noloshiisa si bulshada inteeda kale oo iyaguna dhibkaa mid la mid ah ama mid kaleba uu heysto ugu qanacdo uguna samirto iyagoo ogaanaya in dhibka heysta uu jiro dad kale oo la wadaaga (ha ahaado mid fudud ama mid culuse) markaa kadib uu noqdo qof ka fikira sidii uu uga bixi lahaa dhibkaas.

Qorshaha kale ee Mowduucan aan u abuurnay wuxuu yahay in haddii qof kasta oo dhibkiisa ka warama uu ka degayo culeyska heysta,  tallaabadaasina ay  horseedo  in Qoys & Bulshoba ay ka badbaado halis kasta oo dulqaad loo yeelan waayay.

Boggan U DUL-QAADO wuxuu akhristayaasha ugu baaqayaa in ay ku soo bandhigtaan dhibaatooyinka Qoys, jacayl & midka bulsho ee ay la kulmaan, laakiin waxaan dareensiinaynaa in boggan uusan ahayn Bog talo-celin ah, balse uu yahay oo kaliya inay Cuqdada isaga saaraan dhibanayaasha uu la soo derso sooyaalka taxanaha dhibaatada dunida ku gaaf wareegsan oo muuqaal guud  ay ka bixiyaan dhibta heysata.

Akhristayaasha (dhiban) ee doonaysa inay Boggan U DUL-QAADO cabashadooda ku soo gudbiyaan   waxay nagala soo xiriiri karaan dhalinta iibisa Wargeysyada oo ay qoraaladooda u soo dhiibi karaan ama naga soo waca Telefoonada Wargeyska ee kala ah 652256, 655788, ama aaladda Internetka E-mail:-  aayahanolosha@hotmail.com &  kan kale ee ah:- ambacaliin2004@yahoo.com.

Haddii aad tahay dhibane doonaya inuu cuqdada isaga saaroBoggan oo inta aadan dhibkaada ka soo hadlin u baahato faahfaahin intan dheer waad nala soo xiriiri kartaa.

FILASHO:- Isagoo meyd ah ayay ka tagtay oo inta garbasaarkeeda u huwisay ayay faataxo & dhowr Quluwale u akhrisay, Allena uga tuugtay inuu Janadiisa geliyo, ninkii dilay nin u eg ayay iyana si aarsi ah u dishay, dartiisna u khafiiftay, si riyo ah ayay Jacayl aakhiro & adduun u dhexeeya ula jileysay, balse sanado kadib ayaa iyadoo xafladdii arooskeeda la dhigayo uu wiilkii jacaylkeeda ahaa oo ahlu-aakhiro inuu noqday ay ku ogeyd isagoo nool soo hor- istaagay…(Alla naxdin weynaa!!)  Qisadan oo dhacdo dhab ah dhawaan ayaa la bilaabayaa ee ha u deymo la’aanina….

Sidoo kale waxaa wargeysku bilaabayaa qisadii jacayl ee Al-fannaan AXMADEY ABUUBAKAR (AL-CAMAARI) & heesihii uu qisadaas ka sameeyay oo ah kuwo si aad ah loo xiiseeyo.

TODOBAADKA SOO SOCDA:- Heestii abaal-daran & qisadii ay ku timid oo wadata ilaa 5-heeso oo kale kala soco wargeyska, qisadaasoo ku dhacday Abwaan xasan Jacayl.


Contact us at: aayaha_nolosha@hotmail.com