(Heestii
Xishoodka dhaaf, xabbadkaa I saar, kaama xiisee, xishoodka dhaaf)
Abwaan
Macow Ow Diinle run ahaantii xaaskiisii dambe ee uu jacaylka la jilay wuu ku mintiday, iyaduna
maqsuud ayay ka noqotay markii ay u xaqiiqowday inuu furay xaaskiisii hore oo Jacaylkeeda oo
kaliya uu qiimeynayo, wuxuuse Abwaanku qiray in markii ay walaca ahayd Jacaylkiisii Sahro ay
xarbi & dagaal ku heysay, maseyrna uu u wehliyey, wuxuuna taa ku muujinayaa miraha heesta
ay kuwada luuqeeyaan fannaaniinta Aweys Qamiis Cabdalla Mabuuse & Sitey Qosol-wanaag oo u
dhigmaysa sidatan:-
Kadib markii ay ina soo gaartay dood ku
saabsan in Abwaan Xasan Maxamed Maxamuud (Xasan Jacayl) & Fannaanka Cabdi Tahliil Warsame
ay isku heystaan heesta ABAAL DARAN oo wargeyskan xitaa uu horey heestaas ugu sheegay inuu
Cabdi Tahliil leeyahay isla markaana qisada heestu ay isaga ku dhacday, badi bulshaduna ay
C/tahliil u qirsan tahay in qisada xannuunka badan ee heestu ku timid ay isaga khuseyso,
heestuna isagu hal abuuray ayaa waxaa soo ifbaxday in Abwaan Xasan Jacayl uu leeyahay heesta
aniga ayaa iska leh, qisada ay ku timidna aniga ayay I khuseysaa, si aan waxa jira u ogaano
ayaan labada fannaan raadinay, waxaa inoo suuragashay inaan helno Xasan Jacayl, waxaana la
yeelanay wareysi ku saabsan waxa ka jira arrintaas:-
Aayaha Nolosha:- Maxaa ka jira wararka
sheegaya in adiga & C/tahliil aad isku heystaan heesta Abaaldaran oo nin waliba leeyahay
anigaa sameeyay, aniga ayayna I khuseysaa?
Abwaan X/Jacayl:- Waa jirtaa
arrintaas, mana aha wax hadda soo bilowday, heesta Abaal-daran aniga ayaa alifay, waxay soo
caan baxday 90-meeyadii, waxaanse alifay 1985-tii, qisada aan ka sameeyayna aniga ayay I
khuseysaa, anigoo Tiyaatarka jooga oo heestaa tijaabinaya ayuu C/tahliil iga maqlay kadibna
iga codsaday inaan u dhiibo, maadaama uu yahay heesaa cod macaana waan ka aqbalay, waxaana
marqaati ka ahaa oo goobjoog ahaa Hanuuniye, Xeeboow, Barre Maxamuud Fiidow & fannaaniin
kale, C/tahliilna kama aanan fileyn inuu sheegan doono, way dhici kartaa in qisada aan ka
sameeyay mid la mid ah isaga ku dhacday, laakiin inuu ii nisbeeyo ayay ahayd.
Aayaha Nolosha:- Mar haddii ay dhacday
arrintaas ma isaga soo gogol fariisataan oo makawada hadasheen?
Abwaan X/Jacayl:- Haa, hadda kahor
guriga Xaliimo Khaliif Magool ayaan gar ku dhiganay, waxaana ergada ka mid ahaa Mustafa
Sh.Cilmi, C/lle Raage Taraawiil (Alle ha u naxariistee), Cabdi Salaad Qaarey, Cabdi Dhuux
Yuusuf, Maxamed Warsame Tabantaabo, Sugaal C/lle Cumar, Abwaan Muuse Shire Jilibey &
Magool, inkastoo aanan jecleyn gartaas oo ay ila cusleyd haddana C/tahliil qaladkiisa ma uusan
qiran, laakiin Fannaaniintii goobjooga ahayd oo sheegashadiisa ogeyd ayaa ku caddeeyay,
Idaacadda Horn Afrik oo dood wadaag aan isku soo horfariisanayna wuu ka caddeeyay, weliba
waxan ka xumahay in miraha heesta uu iga qaldi jiray, fannaaniin dibadaha heesta ku soo
casriyeysayna qaladkiisa ayay raaceen, waxaana hadalkeyga ku soo gabagabaynayaa Murti
lama xadi karo
FILASHO:- Akhristayaal waxan todobaadka soo socda idiin soo
gudbin doonaa qisadii jacayl ee Abwaan Xasan Jacayl uu ka sameeyay Heestaas & heeso kale
oo caan ah oo qisadaasi ay wadato.
Waxa wareystay:- Tifaftiraha Caaqil Dalmar
DHOOF CAASHAQ IYO DHAXAL JACAYL
Qaybtii 90-aad
Ladan
waxay Dr.Maxamed Nasiib u sheegtay in haddii uusan u heli karin lacag deyn ah oo ay
khudrad ku iibiso aysan kalifeynin oo ay iska raadsanayso shaqo booyaasanimo ah, isla
markaana ay guri cariish ah oo qiimo jaban baadigoobanayso, hadda & wixii ka
dambeeyana ay guntiga u xiranayso duqda waayeesha ah ee iyada quud & qadarin ka
sugeysa, maadaama aysan heysan wax ehel ah, Maxamed Nasiibna ay uga mahad celineyso
dadaalka & sida weyn ee uu u gacan qabtay muddadii ay ka ciirsanayd.
Maxamed-nasiib
oo Ladan ka ogolaaday rayigeeda shaqo & inay is bixiso isagana culeyska ka
dulqaado haddana muddadii Afarta bilood ah ee uu hoygiisa ku baxnaaniyey wuxuu ku fakaray
in gurigiisa isaga noolaadaan oo ajar uu ka raadsado maadaama aysan ciirsi & tol ku
lahayn Muqdisho, haddana markii ay u soo jeedisay inay shaqo booyaasenimo ku shaqeysanayso
ayuu is yiri Adigaaba aroos galayee oo kaalmo & qof kuu shaqeeya u baahane may
adiga kuula joogto oo gabadha aad soo guursanayso caawinaad u noqoto, fikraddaas
ayuu madaxa u luxay wuxuuna durba ula tagay Hooyadiisii soo korisay ee Xaawo Eedan oo uu u
sheegay in Haweenkii uu guriga keenay ay baxayaan dhawaan, balse ay soo jeedisay Naagta
Ladan la yiraahdo inay booyaasenimo raadsanayso, Ka waran Hooyo haddii anaga ay inoo
shaqeyso oo maadaama aan aniga aroosayo kolay booyaaso kama maaranee ay nala joogto iyada
ayaan dhaqan naqaanaaye ayuu Maxamed Nasiib si hoose Xaawo Eedan ugu sheegay, iyana
cabaar ayay arrintaas ka fakartay oo aamusnaan ka baaraandegid qorshe ah guda gashay,
waxayna ku tiri Wiilkeygiyow naagtu sow reer baadiye ma aha, ma iyadaa raashiinka
magaalo & dhaqanka magaalo wax ka fahamsan, haddana qof weyn oo ilmo soo dhashay
waaye, sow kama haboona gabar da yar oo la xukumi karo hadday kibir keentana la iska
raacdeyn karo, Maxamed Nasiib ayaa la soo booday Hooyo naagtu markii kow reer
baadiye ayay u ekeyd, laakiin adiga si fiican uma aadan dhex geline hadaladeeda & sida
ay u xisaabtamayso & markaad u kuur gasho dhaqankeeda & qaaqaabkeeda waxay u
egtahay qof horey magaalada u joogi jiray, inkastoo aanan la sheekeysan haddana sidaas
ayaan u fahmay. Wallaahi waa la arki doonaa ee haddii aadba adigu soo jeedisay
goaankaas ha iska joogto oo u sheeg inay anaga noo shaqeynayso ayay Xaawo
Eedan ku qaabishay hadalkii uu wiilkeeda Maxamed Nasiib oo aysan weligiis war & arrin
uu wato ka diidin, isagana qushuuc ayuu u muujiyey Hooyadiis oo hadalkiisa qiimeysay.
La soco Arbacada kale.
W/Qoray:-C/raxman Cumar Madoobe (Dalmar)
DIIHAAL
& DAREEN CAASHAQ
Qaybtii 27-aad
Laakiin
wuxuu Odaygu isweydiiyey mar haddii gabadhiisu ay jeceshahay George isagana uu ka daran
yahay sida & qaabka uu ku kala reebi karo, wuxuuse isu sawiray in aysan wax sahlan
ahayn, laakiin nin kaarto badan ayuu ahaaye markiiba talo ayaa u soo muuqatay oo ah inuu
Maamulka Iskuulka uu George waardiyaha ka yahay oo isaga ka heybeysta uu ka dhaadhiciyo in
George shaqada laga raacdeeyo, welibana lagu soo oogo dambi qatar ah oo looga musaafurin
karo magaalada Manchester.
Tallaabadaas ayuu
madaxa u ruxay odaygu isla markiibana ku dhaqaaqay, waxayna u hirgashay sidii uu u rabay
oo George shaqadii iskuulka waa laga raacdeeyay, waxaana lagu soo oogay dambi ah in
iskuulka alaabo muhim ah laga qaatay xilligii uu isaga waardiyaha ahaa, sidaana uu
shaqadiisii ku waayay, isla markaana uu kala doorto inuu magaalada isaga guuro ama
Maxkamad la soo taago.
Tallo ayaa ku
caddaatay George, wuxuuna qorsheystay inuu magaalada isaga guuro intii dacwad & buuq
iyo xabsi uu mudan lahaa, isagoo qabsaday muddo labo todobaad ah oo uu ku diyaargaroobo,
laakiin wuxuu ku mashquulay halkii uu beegsan lahaa & jihadii uu abaari lahaa, wuxuuse
latashiyo la sameeyay wiil xilligaa mar u dhow dalka Shiinaha ka yimid, murugada &
mashaakilka ku furan markii uu ka dhagaystay ayuu ku yiri Waxba ha is wareerin aniga
ayaad I raacaysaa, Shiinaha ayaad igula noolaanaysaa, halkaas shirkado & warshado
waaweyn ayaa ka jira oo shaqaalo looga baahan yahay talladaas ayuu George u guuxay.
Muddadii labada
todobaad ahayd ee uu qabanqaabada ku jiray ayuu ogaaday in qorshaha shirqool ee lagu
musaafurinayo uu ka dambeeyay Anita Aabaheed oo aan isu rabin isaga & Anita,
arrintaasna sidoo kale Anita way ka war heshay oo weliba soo xaqiijisay, iyadoo baaritaan
dheer u gashay, waxayna taasi sababtay in Anita & reerkeeda oo dhan sababtaas darteed
isugu xumaadaan, isla markaana noqotay gabar sagsaag ah oo jacaylka George dartii u
qafiiftay.
Odaygu wuxuu is
lahaa aayaheeda nolosha ka shaqee oo qof asaageed ah oo u qalma u xul, laakiin wax buu
dhabjiyey oo gabadhiisii u wanaagsanayd ayuu naanaab ka dhigay Ileyn jacaylku waa
aalad ka madax bannaan isu qalmid, qabiil, jinsi, hanti iwm waayo Anita oo reer
ladan ka soo jeeda ayuu Jacaylku qalbigeeda geliyey wiil faqiirtimo dartii uga soo cararay
magaaladiisii, Hooyadiis & walaashiisna ay falfal xumo & tuugsi gacan hoorsi
shaxaad & si xun wax u raadis ku jiraan. La soco Arbacada kale. W/Qoray:- Maxamed
C/raxmaan Maxamed (Caagane).
La soco Arbacada
kale.
W/QORAY:- MAXAMED
C/RAXMAAN MAXAMED (CAAGANE)
WARARKA
AAYAHA NOLOSHA
WAXYAABO
MUCJISO AH OO MUQDISHO KU SOO KORDHAY
Beryahan
dambe waxaa magaalada Muqdisho ku soo batay waxyaabaha mucjisada Rabbaaniga ah, iyadoo
arrintii ugu mucjisada badneyd habeen hore lagu arkay Xarun Isbitaal oo lagu magacaabo
Ikran Clinic oo yiraahdo Faadumo ay ku umushay Xayawaan qeybta hoose Malaay ka ah, qeybta
korena Shimbir.
Haweeneydaas
oo horey u soo dhashay 7-carruur oo caadi ah ayaa sheegtay inay 9-bilood caadi u waday
uurka, balse ay dareemaysay xannuun saaid ah.
Sidoo kale
Degmada Madiina ayaa Dameer biyaha lagu dhaamiyo waxa uu cunay Mukulaal yar oo markaa la
dhalay, sidoo kale Dameerkaas wuxuu qaniinay canug yar oo laga badbaadiyey.
Sida uu inoo
soo sheegay wariyaheena Daauud Xaaji Raage (Daa Xaa) ninka iska leh Dameerkaas oo
lagu magacaabo Ow Maxamed Xaamud Sheekh oo loo yaqaano (Morgan) ayaa dadka xaafadda
ka codsadeen in dameerkaas uu xaafadda ka fogeeyo.
Mucjisooyinka
dhacay maalmahan dambe waxaa ka mid ah Canug calooshiisa bannaanka taalo oo dhashay,
Haweeney 9-bilood uur lahayd oo Dheecaano maal ah umushay & mucjisooyin kale oo fara
badan oo qaarkoodna la shaaciyey qaarna weli qarsoon yihiin (Inaa Lilaahi wa inaa Ileyhi
raajicuun).
Haweeney
Mataano ay dhashay dayacday iyadoo ku xumeynaysa Ninkeeda (mid ka mid Ilmahaa oo Ey uu
cunay)
Haweeney lagu
magacaabo Qureesho oo uu qabay nin la yiraahdo Jeelle X.Salaad ayaa iyadoo uur leh uu
ninkeeda ka dhuuntay kana raacay Haweeney kale oo qarsoodi uu ku qabay oo Sacuudiga ay
isla aadeen.
Haweeneydaas
oo markii ninkeeda ka dhuumayay uur lahayd ayaa markii umushay labo Mataano ah (Wiil &
gabar) laakiin si maangaabnimo ah iyadoo ninkeeda ka dhuuntay ku xumeynaysa isla markaana
uu
cudurka
Maseyrka asiibay mid ka mid ah ilmihii uga dhuumatay Mukayga Afgooye, midkii kalena
haweeney kale oo is yaqaanaan inta u dhiibtay uga dhuumatay.
Sida ay inoo
soo sheegeen dad la qaraabo ah Haweeneydaa Canugii ay Mukayga Afgooye uga tagtay waxa
cunay Ey, midkii ay naagta uga dhuumatayna iskiis ayuu bilo kadib u dhintay.
Wiil
gabar muddo uu jeclaa jacaylka ku cidleeyay oo jiro mucjiso leh ay ku dhacday
Wiil
magaciisa naloogu sheegay Sanweyne oo ka mid ah shaqaalaha mid ka mid ah warshadaha yaryar
ee Muqdisho ka dhisan ayaa gabar muddo badan Jacayl kala dhexeeyay oo u baxday degmada
Ceelbuur inta uu fasax qaatay ka daba tagay, kadibna reerkeeda oo ay qaraabo ahaayeen ku
wargeliyey in isaga & gabadha ay isku ogaadaan oo Xamar uu kula aqal galayo, kadibna
ay ka ogolaadeen.
Markii la
isku soo daray oo Gaariga ay isla soo raaceen ayuu inta Gaarigii uu ka haray wiil
Saaxibkiis ah gabadhii soo raaciyey kadibna uu ka dhuuntay, mar ay Muqdisho ka soo
baadigoobtayna wuxuu u sheegay inuu ballantii uga baxay oo wiil kale ay raadsato, laakiin
maalmo kadib ayay gabadhii ka dul hadashay oo habeen & maalin ka dul qeylinaysay,
waxaana markii dambe la saaray Quraan.
Gabar
laga soo musaafuriyey dibadda oo wacdaro layaab leh Hooyadeed ku dhigtay
Gabar la
yiraahdo Shamso Maxamed Axmed oo dhawaan reerkeedu ka soo musaafuriyeen dibadda iyadoo
looga baqay inay dhqanka gaalada qaadato ayaa markii ay Muqdisho timid, Hooyadeed oo ka
daba timid oo rabtay in gabar ka yar ay dibadda u waddo iyaduna ka codsatay in la wado,
balse waxa loo sheegay in sababtii loo soo celiyey ay meesha ku jirto, balse wacdaro
layaab leh ayay ku dhigtay Hooyadeed oo waxay ka xaday 3-kun doollar iyo Dokomentigii
dhoofka, waxayna u baxsatay dalka Masar oo ay
haatan ku
sugan tahay, Hooyadiina ay dhoof & lacagba ladahay.
Gabar
uu dhalay Madaxweyne Bush oo la ildaran Jacayl Muslim ah
Barbara Bush
oo ah gabadh uu dhalay madaxweynaha dalka Mareykanka George Bush ayaa la ildaran Jacayl ay
u qaaday wiil Muslim ah oo la yiraahdo Jamaal Muciim.
Barbara oo
sida sawirka bogga koowaad ka muuqda ku lamaansan gacaliyeeda Muslimka ah ayaa qoyskeeda
& dadka Mareykanku ka deyrinayaan Jacaylkeeda oo ku soo beegmay xilli Mareykanku
duulaan ku yahay dunida Muslimka oo uu u aqoonsan yahay argagixiso liddi ku ah Mareykanka.
Dhacdadan
& sawirkaba oo aan ka soo xiganay wargeyska AL-WASAD ee ka soo baxa London ayaa waxaa
lagu macnayn karaa Jacaylka inuusan ku imaan dhalasho, Jinzi, diin & arrimo kale.
Aroos
7-gantaal lagu riday
In ka badan
30 qof ayaa ku naf weysay tiro intaa ka badana way ku dhaawacantay goob ay ka dhacaysay
xaflad aroos oo ku taala Tuulo ka tirsan dalka Afganistaan kadib markii 7-gantaal ay ku
rideen ciidamada Cirka Mareykanka.
Masiibadan oo
dhacday Isniintii la soo dhaafay ayaa waxa ka hadlay Taliyaha Ciidamadii falkaa geystay oo
lagu magacaabo Dania Magnal oo sheegay in halkaa ay looga soo riday Madfac, iyadoo
Wasiirka A/dibadda Afganistaan Mr. Cabdalla Cabdalla oo arrintaas ka hadlay uu ku
tilmaamay dhacdo murugo leh, iyadoo aan la ogeyn in Lamaanayaashii is guursanayay
waxyeeladu soo gaartay & in kale.
C/RAXMAAN
QALINLE:- JACAYL
DARTIIS AYAA LA IGU SOO WEERARAY
Wareysi
aan la yeelanay mid ka mid ah Labo wiil oo Jacayl dartii isu rasaaseysay,la soco Arbacada soo socota.
Waxaa kale oo ahdii
alle idmo idin soo gudbineynaa sheeko xiiso badan oo la magaca baxday ADUUN IYO AAKHIRO
waa sheeko jaceyl oo naxdi,n layaab, murugo iyo farxadba kulan satay, waana sheeko dhab ah
oo dhacday oo uu qalinka u qaatay caaqilka weyn ee jaceylka CABDURAXMAAN CUMAR MADOOBE
(DALMAR) ee ha u daymo laaanina
DOODDA
DHAKHAATIIRTA & DACWADA DADWEYNAHA
Qaybtii 6-aad
Dr. Cusmaan
Dufle oo doodda ka qeyb qaadanaya
Dadka
bukaanada ah ee dhakhaatiirta u taga intooda badan waxa ay ka cabanayaan arrimo badan oo
ay sheegaan inay dhakhaatiirta kala kulmaan, arrimahaasoo ay ka mid yihiin in dhakhtaradu
ay bukaanadu sekan sekan u qaabilaan iyagoo ku xisaabtamaya tiro badnida bukaanada sugaya
ee lambarada u goostay, sidoo kale bukaanku cudurkiisa ha sahlanaado ama ha cuslaadee ay u
diraan ugu yaraan 5-8 dhiig, saxaro, kaadi, raajo, kumbiyuutar iwm Sidoo kale
dhakhtaradu dawooyinka yaala farmash-iyaal ay iyagu furteen ama kuwa eheladoodu leeyihiin
amaba kuwo ay qarash ka qaateen oo ay kula heshiiyeen inay u bixiyaan dawooyinka ayay
bukaanada u qoraan.
Dhakhtarada
oo cabashooyinkaas & eedeymahaas ka jawaabayana badankood intii aan soo wareysanay way
dafiraan dhammaan eedeymahaas, walow qaarkood inay wax uun ka jiraan eedeymahaasi qirsan
yihiin, bal haddana aan eegno:-
Dr.CUSMAAN
MAXAMUUD (DUFLE):-guud
ahaan marka laga hadlayo caadooyinka ka jira rugaha caafimaadka ama Isbitaalada gaarka waa
dhab inay yimaadaan bukaano fara badan oo midba baahi gooni ahi uu qabo, tiradaas faraha
badana waxay noqonaysaa in sida laga dhawaajiyey sekeno kaliya bukaankiiba lagu qaabilo,
taana dhakhtarka uma horseedeyso in uu helo cudurkii oo dhab ah, marka waxaa loo baahan
yahay in dhakhtarka uu xooggaa waqti ku dhumiyo wareysiga xaaladda bukaanka oo si fiican u
wiisataareeyo, baarisna u diro si cudurkiisa dhabta ah uu u helo, sharciga
dhakhtarnimadana way ka soo horjeedaa, anigana mabdaiyan taa ma qabo damiirkana wuu
diidayaa. Midda kale aniga waxan aaminsahay in dhakhtarka dhabta ah ee
damiirka leh uu-san bukaanka u qorin saamiyaal fara badan, haddii ay jirtana waa damiir
xumo, laakiin waxaan aaminsahay haddii hadafku yahay sidii loo daweyn lahaa ama uu u
reysan lahaa bukaanka waxaa loo qorayaa oo kaliya waxyaabaha uu u baahan yahay oo labo ha
noqdaan ama saddex ha noqdaan ama ka sii badan hadday ahaan lahayd raajo, baaris saami iwm
wixii intaas ka baxsana looma baahna oo ma aha in bukaanka qarash uusan awoodi karin la
geliyo, taasoo dhakhtarkana aan waxba u kordhineynin, anigana waxaan qabaa in qofkii
damiir leh uu taa ka fogaanayo. Midda ah dhakhaatiirta waxay heshiis la galaan
ganacsatada dawooyinka ama iyaga ayaa dawo keensada oo bukaanka ka iibsada hadda kahor
ayaa la I weydiiyey anigoo meel kale jooga run ahaantii dhakhaatiirta damiirkooda ayaa
hoggaaminaya, ujeeddaduna waa bukaanka ha reysto, dawada uu qorayana waa mid uu is
leeyahay bukaanka wuu ku reysan karaa, balse ganacsi dawo & ganacsato dawo keenta in
dhakhtarku la heshiiyo ama uu ku sifoobo mid sharci ah oo la ogol yahay ma aha, mana
haboona in dhakhtarku qaab dhaqaale doonis ah uu wax u fiiriyo.
Dr.
CABDI IBRAAHIM JIYA:- Anaga
bukaan miskiin ah oo Ilaahay soo jirisiiyey qarashka laga helo kuma xisaabtanno, taasna
waa fikrad qaldan, dad muslim ah oo Diinta islaamka yaqaana oo sharaf leh baa-nu nahay,
lacagna waan leenahay ee kuma xisaabtanno lacagaha bukaanada laga helo, midda kale
Dhakhtarka sharaf uma aha in dawo aan waxtar lahayn uu bukaanka u qoro, qof walibana waxa
uu jecel yahay in waxa uu samaysto ay miradhal noqdaan, dhakhtarku wuxuu rabaa in bukaanka
u yimid uu reysto, saaxiibaan, sharaf ka samaysto, macaamiil noqdaan wejina uu ka
samaysto, marka sidee macquul ku no-qonaysaa in dawo aan tayo lahayn uu u qoro,
haddii dhakhtarku la heshiiyo ganacsatada dawada keenta oo uu u sheego in kuwa tayada leh
ay keenaan anigu uma arko inay wax ku jaba tahay, ileyn dawada hadda waxa keena dad aan
aqoon u lahayn, kuwii dharka, biraha Baabuurta & waxyaabaha kale ka ganacsan jiray
ayaa dawo keena, marka waxaan aaminsanahay inuusan jirin dhakhtar heshiis la gala
ganacsato, ha-ddii uu jirana waxaan oran lahaa waa arrin haboon oo dhakhtarku dawada waa
ka ganacsan karaa, wuu keeni karaa, farmashiye furan karaa, waayo kuwo aan aqoon u lahayn
oo weligood Iskuul aan dhiganba waad u ogoshihiin inay dawo keensadaan ee maxaa u
diidaya in dhakharku keensado ama heshiis la galo kuwa keensada oo uu tusaaleeyo inay dawo
tayo leh keenaan.
Dr.
MAXAMED YUUSUF XASAN:-Dawadu
hadda waxay noqotay wax nin kasta uu ka ganacsado, waa-gii horena waxaa dawada keeni
jiray dad shahaaddo u heysta, farmashiyeyaashuna waxay isu jireen ugu yaraan hal kiilo
mitir, si daawadu aysan u noqonin Moos lagadanayo, hadda Suuqa Bakaarahaa la dhigay
dawaduna wax ay ka duwan tahay misigada & galeyda ma jirto, marka waa nasiibdarro in
laga sheegto dhakhtar farmashiye furtay ama dawo keensada, waxaaba nasiib badnaan lahayd
haddii ay dawadu gacanta dhakhtarada soo wada geli lahayd, haatana dawooyinka Baraakooyin
& Jiingado ayaaba lagu dhex hayaa.
La soco fikradaha dhakhaatiirta & cabashada
dadweynaha.
W/isku soo duway:-
C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)
Codka Mucaashaqiinta
Qormada Raadiyowga
Codka Mucaashaqiinta waxan Todobaad walba idinkugu soo bandhignaa Heesaha ka tarjumaya
Jacaylka ee sida aadka ah loo xiiseeyo & ulajeeddadii loo alifay.
Todobaadkan waxaan
akhristayaal idiin heynaa heesta uu ku luuqeeyo fannaanka MAXAMED SULEYMAAN TUBEEC ee WAAN
DAALEE, Heestaas waxaa alifay oo miraheeda sameeyay Alle ha u naxariistee ABWAAN XUSEEN OW
FAARAX oo isagu ay khuseyso qisada ay ku timid heestu, wuxuuna alifay kadib markii uu ku
guuldareystay jacaylkii uu u qaaday gabadhii uu isagu soo kor-iyey ee magaalada Hargeysa
iyadoo yar uu ka soo qaaday meel bannaan ah, gabadhaasoo markii ay soo barbaartay quruxley
muuqaal soo jiidasho wacan la soo banbaxday, abwaankuna uu jeclaaday, balse ay iyadu ku
diiday Jacaylkaas iyadoo la soo shir tagtay Waalidkey oo kale ayaad tahay
waxayna dhihi jirtay mar walba Aabbe, gabadhaas oo markii ay diiday soo
xusuusiyey markii uu bannaanka ka soo qaaday ee yiri MA OGTAHAY AYAANTEY ILMADU KAA
DAAYSEE balse si kasta u diiday isagoo xitaa heerkeeda waxbarasho dhisay oo
ilaa jaamacad geeyay, balse uu ku daalay, wuxuuna ugu dambeyntii yiri:-
=Waan daalee I
daayoo, I damaqdee I daawada, waxa u daran nin daaloo, dantiisuna ka durugtee.
=haddaan dudo I
dila oo, dadyow hey dagaalina, waan daalee I daayoo I damaqdee I daawada.
=waxa u daran nin
daaloo, dantiisuna ka durugtee.
=Waan doortee I
daayoo, I damaqdee I daawada
=Waxa u daran, taad
dooratee ku diidaye, haku daaline.
=Waan daalee I
daayoo, I damaqdee I daawada, waxa u daran nin daaloo, dantiisuna ka durugtee.
=Dayaxiyo
darruuraha, dushoodaan degeyaa, waan daalee, I daayoo I damaqdee I daawada.
=Waxa u daran nin
daaloo, dantiisuna kaa durugtee.
W/Diyaariyey:C/raxmaan
Cumar Madoobe(Dalmar)
MURTIDA WARGEYSKA
Dhalinyarada qayisha ee
xaaslayaasha ah+ Xaasaska ay qabaan ee &
carruurta ay dhaleen ee isuma qadada ahXLacagaha ay biil ahaanta u soo helaan ragga qayila oo ay u weeciyaan dhinaca
Kabarada qaadka÷
Carruurtii oo baahi darteed calooshoodu isku dhacdo, qaarkoodna cuduro aan laga daweynin
asiibaan habeenkii marka ay guryahooda u soo hoydaan raggaas oo xaasaskooda ay kala
kulmaan buuq carruurtiina qeylo & oohin, aakhirkiina uu sababsado furiin & qoys
ilmo isu dhalay oo kala haajira= qaadkuwaa bur-buriyaha qoysaska (Aabihii mukhayil ah
qoyskiisu ma xasilo, haddii uu u xasilana buuq & is qabqabsi kama dhamaado)
Dumarka xaaslayaasha ah ee raggoodu qayilo ha iska dulqaateen, samirkana ha
kaashadeen Allaa u qadaree.
By: Maxamed Xuseen Yuusuf (Xaaji Tahriib)
MASRAXA AAYAHA NOLOSHA
Maxaa u sabab ah in
Lamaanayaal Jacayl Sanado badan soo jilaayay, marka ay is guursadaan kadib inay si sahal
ah isku furaan? Xaqiiqdu waxa ay tahay in Lamaanayaashu marka ay ku guda jiraan
xilliga haasaawaha iyo u gogol xaaridda guurka uu mid waliba midka kale ku sameeyo soo
jiidasho uu ku doonayo sidii uu ku hannan lahaa qalbiga qofkaas. Muddada faraha badan ee
sanadaha ah ee Jacaylka ay isla jilayaan Labada ruux (Wiilka & Gabadha) ma aha kuwo si
sax ah u dhamaystiran oo micnuhu waxa weeye sanadahaas oo dhan isma ay arkayaan isku
darkooda bilo ayay iska arkayaan oo maalin waliba islama joogaan, saacadaha kooban ee ay
is arkaana mid waliba kan kale ereyo soo jiidasho leh oo ha dhicin ha jabin, maxaa kuu
macaan, maxaa kuu qaraar ayay isweydaarsanayaan, iyagoo isu faraxsan oo isku qanacsan
ayayna saacadahaas kooban ee ay isla joogeen kala tagayaan, xitaa haddii ay is khilaafaan
si sahal ayay ku xalinayaan khilaafkooda. Calaa kuli-xaal si kastoo ay tahayba marka ay is
guursadaan oo guri isugu yimaadaan dhabtii ayaa imaanaysa, qof waliba wixii u duugnaa ayaa
soo ifbaxaya, khilaafaadka yaryar ee soo marana si sahal ah uma xalin karaan oo way kala
caroonayaan markaasaa shaqsiyaad & shaqi soo dhex gelayaa, dooddii baa sii badanaysa
kadibna sidaa lagu kala tagayaa. Sababo kale way jiraan sida dhaqaalaha, jinziga,
dabeecadda, aqoonta diinta & midda maadiga oo aan isku heer laga ahayn & arrimo
kale, marka waxa loo baahan yahay in xilliga haasaawaha sal adag loo yeelo dhammaan
arrimahaas. Dhammaad.
ABWAAN XASAN JACAYL:- waxaa jira 7-Jacayl Qiimaha Jacaylka ma
aha wax qoraal Saxaafadeed & Suugaan Abwaaneed kaliya lagu soo koobi karo, waxaana
jira qeybo badan oo Jacayl oo mid waliba qiimeyntiisa gaarka ah leh, aniga ka abwaan
ahaana waxaan ku soo koobay oo aan qirsanahay inuu jiro ilaa & 7-Jacayl kuwaas oo kala
ah:-
2. Jacayl gaaban:- Waa Jacayl ku abuurma kulan saacado kooban qaata,
damaciisuna yahay mid shahwadeed, balse marka uu suuragal noqon waayo damacaas uu jiitamo
ilaa damacii qofku lahaa uu gaaro, kuna dhammaada marka damacaas uu hanto qofkii.
3. Jacayl danaysi:- Waa jacayl ku xiran dan, noocii ay doonto dantu
ha ahaatee sida dan dhaqaalo & wax u dhigma.
4. Jacayl Xushmo:- Waa Jacaylka uu ku jeclaado qof xushmad &
qadarin kaa mudan, adiguna aadan rabin qofkaas, haddana aadan ku gacan seyri karin,
kadibna aad goaansato inaad xushmo & tixgelin u muujiso kaasoo aakhirkii iskiis
u quusta.
5. Jacayl Socod wadaag:- Waa jacaylka aad doonayso in qof dhigaada
ah mar waliba kula wadaago socod, la joogis & sheeko oo aad iska jeceshahay inuu
qofkaasi dhinacaada ahaado.
6. Jacayl Guud:- Waa Jacaylka waalidka, walaalka, ubadka,
waxbarashada, hantida iwm. Jacayl Laab-la-kac ah:- Waa Jacaylka Usbuuclaha ah ee
xiisaha ku yimaada, waan ku arkay waa ku caashaqay weeye micnihiisu oo marba qofkii uu u
arko inuu soo jiidasho leeyahay ayuu qofku iska jeclaanayaa, waana mid cosob la guur ah,
kaasoo ah nooca ugu xun.
U
DULQAADO
Xarafka
hore ee barnaamijkan waxa uu gacanta u haatinayaa dhibanayaasha Jacaylka ee isugu jira
Lamaanayaasha curdanka ah ee Jacaylka wada jilaya & kuwa Qoysaska ah ee wada nool ee
wax kala tabanaya,isla markaana waxa uu ka
tarjumayaa qof iska hadlaya sida (adiga & iyada) waxaana dhibanaha iska hadlayaloogu yaboohayaa inuu samir u yeesho
dhibaatooyinka uu la kowsado ee ku dul dhacaya, taas macnaheeduma aha in jawiga qalafsan ee is rogrogaya uu ka
samaysto wax uu caadeysto oo uu noqdo (doqon) aan garan sababta uu ugu dhex jiro
dhibaatooyin aad u kul-kulul oo hareeyay.
Barnaamijkan
U dulqaado, waxaan u abuurnay in qofku ku soo bandhigto dhibaatadiisa Jacayl &
boroboleemka kale ee la soo dersa noloshiisa si bulshada inteeda kale oo iyaguna dhibkaa
mid la mid ah ama mid kaleba uu heysto ugu qanacdo uguna samirto iyagoo ogaanaya in dhibka
heysta uu jiro dad kale oo la wadaaga (ha ahaado mid fudud ama mid culuse) markaa kadib uu
noqdo qof ka fikira sidii uu uga bixi lahaa dhibkaas.
Qorshaha
kale ee Mowduucan aan u abuurnay wuxuu yahay in haddii qof kasta oo dhibkiisa ka warama uu
ka degayo culeyska heysta,tallaabadaasina ayhorseedoin
Qoys & Bulshoba ay ka badbaado halis kasta oo dulqaad loo yeelan waayay.
Boggan
U DUL-QAADO wuxuu akhristayaasha ugu baaqayaa in ay ku soo bandhigtaan dhibaatooyinka
Qoys, jacayl & midka bulsho ee ay la kulmaan, laakiin waxaan dareensiinaynaa in boggan
uusan ahayn Bog talo-celin ah, balse uu yahay oo kaliya inay Cuqdada isaga saaraan
dhibanayaasha uu la soo derso sooyaalka taxanaha dhibaatada dunida ku gaaf wareegsan oo
muuqaal guuday ka bixiyaan dhibta heysata.
Akhristayaasha (dhiban) ee doonaysa
inay Boggan U DUL-QAADO cabashadooda ku soo gudbiyaanwaxay nagala soo xiriiri karaan dhalinta iibisa Wargeysyada oo ay
qoraaladooda u soo dhiibi karaan ama naga soo waca Telefoonada Wargeyska ee kala ah
652256, 655788, ama aaladda Internetka E-mail:-aayahanolosha@hotmail.com &kan
kale ee ah:- ambacaliin2004@yahoo.com.
Haddii
aad tahay dhibane doonaya inuu cuqdada isaga saaroBoggan oo inta aadan dhibkaada ka soo
hadlin u baahato faahfaahin intan dheer waad nala soo xiriiri kartaa.
FILASHO:- Isagoo meyd ah ayay ka tagtay oo inta
garbasaarkeeda u huwisay ayay faataxo & dhowr Quluwale u akhrisay, Allena uga tuugtay
inuu Janadiisa geliyo, ninkii dilay nin u eg ayay iyana si aarsi ah u dishay, dartiisna u
khafiiftay, si riyo ah ayay Jacayl aakhiro & adduun u dhexeeya ula jileysay, balse
sanado kadib ayaa iyadoo xafladdii arooskeeda la dhigayo uu wiilkii jacaylkeeda ahaa oo
ahlu-aakhiro inuu noqday ay ku ogeyd isagoo nool soo hor- istaagay (Alla naxdin
weynaa!!)Qisadan oo dhacdo dhab ah dhawaan
ayaa la bilaabayaa ee ha u deymo laaanina .
Sidoo kale waxaa wargeysku bilaabayaa
qisadii jacayl ee Al-fannaan AXMADEY ABUUBAKAR (AL-CAMAARI) & heesihii uu qisadaas ka
sameeyay oo ah kuwo si aad ah loo xiiseeyo.
TODOBAADKA SOO SOCDA:- Heestii
abaal-daran & qisadii ay ku timid oo wadata ilaa 5-heeso oo kale kala soco wargeyska,
qisadaasoo ku dhacday Abwaan xasan Jacayl.