(Heestii
Soo dhawow an ii soo dhawow, sadrigaaga I saaree)
Xaaskii
uu furay Abwaan Macow Ow Diinle oo muddo ka badan 10-sano uu Jacayl la soo jilayay, balse uu
ka soo qaxay markii uu u adkaysan waayay dhibaatadeedii faraha badnayd & ubad
laaantii oo run ahaantii sida uu Abwaanku sheegay uu ka nastay kana siraad-koray,
laakiin iyada ay ka samri weysay wanaagiisii & jacaylkii qiimiga lahaa ee uu u hayay, waxa
ayna ka shalaysay buuqii & fowdadii ay iyadu keensatay oo sabab u noqday in lagu cidleeyo
jacaylka lana gooyo xarigii meherka ee isu soo dhaweynayay Lamaanayaasha is jecel, taasoo
markii ay maalmo muuqiisii weysay ay sariir la kortay oo ay saxariir ku dhawaatay, taana waxaa
daliisheeda inoo inoo fasireysa fannaanadda MARYAN MURSAL CIISE oo heesaha Banaadiriga &
heesaha kale ee caadiga ahba isugu midka ay u yihiin oo sida biyaha oo kale u qur-qurineysa,
heestaas oo miraheeda uu lahaa Abwaan Macow Ow Diinle, una dhigmaysa sidatan:-
=Anigoo
u saxriiray sababtii Jacaylka, igu saacidi weysay sunna igu saaqday, Seedahaad iga goysee,
sida aan ku samraayee, iga suuroobi weydee sahankiisa adi waaye.
=Soo
dhawow an ii soo dhawow, sadrigaaga I I saaree.
=Inta
Saatir abuuray, adigaan kaa soocday, suuraddii lagu siiyey, wadnahayga ku saaqday, sida
seymaha roobkoo, subixii indho saaro, samo iigu daeysaa, anna kuugu sabraaye.
=Soo
dhawow an ii soo dhawow, sadrigaaga I I saaree.
Abwaanku
marna uma uusan beer-jilcin cabashadaas oo dantiisii ayuu ka watay, wuxuuna ku duceysanayay
Alle kuguma soo celiyo dhibkii aad horey uga qaxday oo horaa loo yiri Qofna rafaadkii
& rarankii uu soo maray dib raacdo uguma laabto abwaankuna sidaas ayuu
goaansaday, laakiin iyadu sidaa kuma samrin oo dad kale ayay kala kaashatay inay kala
hadlaan Abwaanka iyadoo qorsheynaysay in uu dib ugu laabto, balse Abwaanka taa waa lagu kari
wa-ayay, isagoo mar walba xusuustay dhibtii & faqrinimadii dhinaca ubadka ka heysay.
La soco
Arbacada soo socota Waxaa Diyaariyey:-
Xaaji
Tahriib & Caaqil Dalmar
JACAYLKII KADEEDNAA EE ABWAAN XASAN JACAYL
Qaybta
1-aad Sanadkii 1985-tii ayay ahayd markii Abwaan Xasan Maxamed Maxamuud (Xasan Jacayl) Cishqi
aan qalbigiisa ka gurin uu u qaaday gabar ay xagga Hooyada qaraabo ka ahaayeen oo lagu
magacaabo DEEQO SH.AXMED oo ay wada deganaayeen Degmada Wardhiigley agagaarka Masjidka Sheekh
Biyamaalow.
Abwaanku maadaama gabadhu ay qaraabo ahaayeen
guriga si toos ah ayuu ugu tegi jiray oo lagama shakin jirin, taasna waxay u sahashay inuu si
fudud ugu bandhigto Jacaylka uu u qaaday, iyana horaaba loogu weynaa oo way qarsanaysee si
xujo laaan ah ayay kaga guddoontay, waxayna ku ballameen in aysan Jacaylkooda cidna u
kashifin ilaa guushiisa ay ka gaarayaan.
Jacaylkii u dhexeeyay Abwaanka & Deeqo waa uu
koray, waxayna ku korinayeen sheekada & kulamada haasaawaha qarsoodiga ah ee ay sida
joogtada ah u yeelan jireen, iyagoo gaaray heer qofna uu kan kale ka maarmi waayo, waax
Jirkiisa ka mid ah oo kalena noqdo.
Jacaylkoodii adkeysiga wuu ka tagay wuxuuna
Jacaylku talo ugu soo jeediyey isla markaana ku guubaabiyey inay Lamaane sax ah oo quluubtooda
kala fuqin noqdaan, isla markaana ay mustaqbalka nolosha wadaagaan, taasina way ka aqbaleen oo
Deeqo iyadoo Dugsiga sare Fasalka Labaad ka joogta ayay Meher qarsoodi ah la gashay Abwaan
Xasan Jacayl, waxayna ku ballameen in 2-da Sano ee waxbarashada ugu dhiman isa sii qarsadaan,
marka waxbarashadaa u dhammaatana ay isla aqal galaan.
Deeqo oo Jacaylka dhankeedu ku weynaa waxay u
ballan qaaday Xasan in wax kasta oo kaga yimaada dhinaca Waalidkeed ay xabbadka u dhiganayso
kana difaacayso, isagana uu samirka kaashado oo dadaal badan sameeyo muddada Labadaas sano ah,
wuuna aqbalay oo ka yeelay.
Labadii Cishqi isla meel dhiga, Calaf Alle isugu
darro, Lamaane Caano-wadaag inay noqdaan, Cindigooda geliya, Saddexeeya & Caqabado kala
dila, marna ceynkooda ma gafaane, Abwaanka & Gacalisadiis Deeqo ballaayada Jacaylka kala
firdhisa ee Saddexeeyaha loo yaqaan ayaa soo dhex gashay oo Deeqo inta si xan ah wax ugu
sheegeen Fannaan Naago badan maxaa ku baray oo wax kuula wadaajiyey inta la yiri Shaki &
Tuhun caashaq lagu beeray, markaasaa waa Dumare inta warkii dadka qaadatay cadaadis ku
bilowday Cishqigii kala dhexeeyay Abwaan xasan jacayl oo isagana bilaabay inuu difaac caashaq
galo. Kor & hoos wax ugu sheegid & inuu Casharo Jacayl xambaarsan u dhigo ayuuna
bilaabay, heeso dhaliil & wax u sheegid isugu jira ayuuna u meeriyey oo uu alifay.
La soco Arbacada kale (Insha Allaah)
DHOOF CAASHAQ IYO DHAXAL JACAYL
Qaybtii 91-aad
Xaawo
Eedan waxay kaloo Maxamed-nasiib ku tiri Ladan haba iska joogto oo ha inoo shaqeyso
ma xumee, Hooyadeed waayeesha ah ka waran iyana ma dulsaar ayay nagu sii ahaanaysaa?
Maxamed-nasiib suaashaas ayuu meel uu cusjiyo waayay, cabaar ayuu ka aamusay
oo indhaha mirig-mirig ka siiyey, goaan degdeg ah ayuu gaari waayay, mar dambe
ayuuse la soo hinqaday Hooyo ka waran haddii aan iyada ka war sugno?, kolay
waa qof waxgarad ahe Waa tahay howshaas adiga ayaan kuu daayay ayayna
Xaawo Eedan hadalkii ku soo af-xirtay.
Ladan
iyadu waa loo tashanayaa, iyadana way tash-anaysaa oo waxay u xirxiran tahay inay hoy gaar
ah oo kiradiisu raqiis tahay baadigoob u gasho, kadibna shaqo raadsato, laakiin
Maxamed-nasiib ayaa ku soo laabtay oo inta u yeeray ku yiri Ladan, waan kuu jeedaa
oo kicin ayaa kugu jira, qof wanaagsan oo fakareysa ayaadna tahay, marka aniga &
Hooyadey Xaawo waxaan isla garanay in maadaama aad shaqo doon tahay aad gurigan ka
shaqeysid oo mushaar laguu qoro, reerkana sidaadii uga sii mid ahaato, haddii uu Alle idmo
dhawaan ayaan rabaa inaan aroos galo.
Ladan
oo ka fakareysay meesha ay arrin ka bilaabi doonto ayaa ku faraxday sida fudud ee ay wax
ugu suurogaleen iyadoo aan kurbo & mashaakil kale u marin, waxayna ku mahdisay
Rabbigii wax waliba u fududeeyay, kadibna Maxamed-nasiib oo mar walba danahooda u heelan
ayay u sheegtay inaysan abaalkiisa gudi karin. Intaa kadib Ladan ayaa hadalkii qaadatay oo
tiri Aboowe waad mahadsan tahay, aniga haddii aad I tiraahdo xitaa mushaar
laaan ku shaqee diyaar baan u ahay, marka qol cariish ah oo iska raqiis ah oo
xaafadda aan ka fogeyn ayaan Hooyadey u raadinayaa, sidaas ayaana isku ognahay.
Maxamed-nasiib oo ku qancay hadaladii Ladan & si-da ay u garatay in Hooyadeed ay guri
gooni ah u ra-adiso ayaa Hooyadiis Xaawo Eedan u sheegay wixii dhex maray isaga &
Ladan iyo in arrintii Duqda Hooyadeed ay iyada is garatay oo ay guri u raadinayso.
Maalmo
kadib ayay Ladan guri Cariish ah oo aan ka fogeyn guriga Maxamed-nasiib degan yahay soo
heshay, Hooyadeedna u rartay, Maxamed-nasiib ayay ka codsatay in waxoogaa qarash uu u
hormariyo oo hadhow dambe marka ay shaqo bilowdo uu ka goosto si ijaarka oo hormaris lagu
xujeeyay isaga bixiso, firaashyo & alaabana ugu soo gadato, wuxuuna Maxamed siiyey
waxoogaa lacag ah oo uu yiri Deyn kuguma aha ee iska qaado, iyana wixii duco
ahaa oo yaraanteedii ilaa weyninkeedii ay soo baratay oo ay sidii Quraankii u
xafidsanayd muddo nus saac ah Maxamed-nasiib ku dhoodhoobtay.
Waa
socotaa.
La soco Arbacada kale.
W/Qoray:-C/raxman Cumar Madoobe (Dalmar)
DIIHAAL
& DAREEN CAASHAQ
Qaybtii 28-aad
George isagoo ka xun inuu ka fogaado Anita & halka ay ku nooshahay ayaa
ku qabatay & qaddar Alle waa la qaataaye uu ka haajiray Magaalada Manchester ee dalka
Ingiriiska una baqoolay Cariga Shiinaha, hal-kaas oo uu kula noolaa saaxibkiis, in muddo
ah ayuuna shaqo raadis ah ku jiray, wuxuuna mar dambe shaqo ka helay Shirkad weyn oo
kabaha farsamaysa.
Inkastoo
shaqo hoose oo liidata qacdii hore uu howsha ku bilaabay haddana nasiibku waa wax cajiib
ah, dadaalka shaqsigana waa mid lagu hanto horumar & baraare dambee bilo gudahood ayuu
George ku dalacay oo shaqo wanaagiisa & firfircoonaantiisa ayuu darajo sare ku hantay,
wuxuuna kaabo-shaqaale ka noqday shirkaddii uu shaqada hoose ka bilaabay.
George
musaafuriskii laga musaafuriyey dalkiisa & sh-aqadiisii waardiyaha Iskool ee laga soo
kansal gareeyay faaiido & najax ayay u ahayde wuxuu noqday nin hanti ku yeeshay
dalka Shiinaha oo dad badan & Macaamiil saaxiibo ku bartay, kuwaasoo isugu jiray dad
caadi ah & & dadka kale oo shaqada ay ku saaxibeen, kuwaasoo kuligood qadarin u
hayay, isagana uu qiimo & sharaf gaar ah uu u muujin jiray.
Sanad
iyo bilo markii uu Shiinaha ku sugnaa George ayuu fasax gaaban shaqadii ka soo qaatay oo
soo aaday dalkiisii Ingiriiska, wuxuuna soo baadigoobay Jacaylkiisii laga xayiray ee Anita
oo marna aan qalbigiisa ka faaruqin tan & markii uu ka soo tagay, balse nasiib xumo
baadigoobkaas wuu ku hungoobay oo Anita reerkoodii way ka guurtay oo isaga dartiis iyo
Jacaylka laga carqaladeeyay ayay u colaadisay, waxayna la noolayd gabar saaxibteed ah,
fara marnaan ayuuna dib ugu laabtay Shiinaha & shaqadiisii. Maalmo kadib ayay Anita ka
war heshay in George iy-ada darteed u yimid Manchester oo uu soo baadigoobay, markaasay
ciil & caloolyow la qoomamaysay, balse Jacaylka ayaa karti dheeraad ah ku abuuray oo
ku dhaliyey goaan ah inay Shiinaha aaddo, waxayna isla markiiba suuq geysay
dahabkeedii oo qarash fiican u gooyey, waxayna dokomenti dhoof u goosatay dalka Shiinaha
oo ay ka degtay, balse yey ka taqaanaa, xaggey kasee, af-Shiinaha miyey taqaanaa?.
La
soco Arbacada kale.
W/Qoray:-
Maxamed C/raxmaan Maxamed (Caagane)
WARARKA
AAYAHA NOLOSHA
Wiil toogasho ku dilay Soddogiis
Wiil magaciisa lagu sheegay Aweys Cabdi Caliyow (Madoobe) ayaa
todobaadkii la soo dhaafay Toorey ku dilay nin Soddogiis ahaa oo lagu magacaabo Madey
Maxamed Aadan. Sida ay inoo soo sheegeen Shik-shik Arts & C/casiis Xarbi sababta dilka
keentay waxay tahay kadib markii wiilka wax dilay & odayga dhalay gabadha ay isku
maan-dhaafeen lacag sooryo ahaan uu u keenay, sidoo kalena uu wiilku gabadha dalaaqay,
Odayguna uu nin kale siiyey gabadhii, balse Aways uu ku dooday in uusan furin, dooddiina
ay ka qaraaratay taasoo sababtay inuu Aweys caroodo oo toorey qudha kaga qaado Odaygii oo
Baalbayeeri timaha lagu jaro ka shaqeynayay. Aweys oo haatan xiran ayaa la filayaa in dil
toogasho ah lagu xukumo sida u degsan xeer beeleed ay samaysteen qoysaska ay ka kala
dhasheen.
Aroosad la isku qabsaday (Baabuurtii lagu galbinayay oo la
rasaaseeyay)
Nin magaciisa la dhaafin waayay Cali oo degan degmada
Madiina ayaa baabuur galbinaysay arooskiisa la rasaaseeyay todobaadkii hore kadib markii
gabadhii uu aroosayay uu nin kale sheegtay in uu qabo. Sida uu inoo soo sheegay
Wariyaheena Maxamed Xuseen Cabdi (Gacmo Dheere) ninkaa oo degan degmada Madiina ayaa
gabadhii looga gar helay, balse gabar kale oo la baray si uu foorjada uga baxo oo u
guursado ayaa iyana reer degmada Waaberi degan oo ay u shaqeynaysay u diideen guursiga
ninkaas, balse markii ay ka diiday ay ku sheegteen dahab xatooyo ah, balse ay u dhaaratay,
kadibna ay sidaa ninkii Cali ahaa ku guursatay.
Haweeney guriga ku gubtay Ninkeeda
Haweeney lagu magacaabo Seynab Xaaji ayaa xaafadda
Buulo-eelaay ee magaalada Boosaaso guri ay ka deganaayeen ku gubtay nin ay qabtay oo ay ka
maseyrtay, ninkaasoo haatan xaaladdiisa laga deyrinayo. Gabdho Jacayl aan loo ogeyn isku
dagaalay Gabar lagu magacaabo Xamdi Maxamed oo biibito ku leh xaafadda Tabakaayo madow ee
degmada Madiina weerar ku soo qaaday gabar kale oo iyana aagaas Biibito ku shidata. Sida
uu inoo soo sheegay wariyaheena C/risaaq Jaamac Cilmi (Black yare) gabdhahaas ayaa
dagaalkoodu ka bilowday wiil lagu magacaabo C/qadar oo biibitooyinkaa midba mar ku qayili
jiray oo gabar waliba ay sheeg-anayso inuu iyada Jacayl kala dhexeeyay, laakiin C/qadar uu
taa beeniyey isagoo xusay inuu Xaasle aan arrimahaas u soo jeedin yahay.
Afduub loogu abaalguday afduub kale
Nin la yiraahdo Xuseen Jaamac Cali ayaa haweeney lagu
magacaabo Oktoobar Maxamed C/llaahi oo uga sheekeysay inay garoob tahay u kaxaystay
magaalada Boosaaso, balse nin lagu magacaabo C/qaadir Xuseen oo sheegtay inay xaaskiisa
tahay ayaa ku dooday inay naagtiisa ahayd uuna ninkaa ka afduubtay, kadibna wuxuu isna
afduubtay naag uu qabay Xuseen Jaamac. Wariyaheena Yuusuf Xabeeb oo warkan ina soo
gaarsiiyey ayaa sheegaya in reerkii ay ka dhalatay naagta Muqdisho lagu afduubtay ay la
xiriireen ninka gabadhooda afduubtay, balse uu ka diiday maslaxo ilaa naagtiisa looga soo
deynayana uusan isna naagtan oo fasaxeynin.
Aroosad diiday in loo galbiyo gurigii la aqal geyn lahaa
Gabar aroosad ahayd oo lagu magacaabo Hani C/llaahi ayaa
Jimcihii la soo dhaafay diiday in aqalkii loogu talo galay oo ku yaalay xaafadda Xoosh ee
degmada Madiino loo gelbiyo kadib markii ninkii guursanayay oo dhaqaalo aan heysan uu u
dhigay Labo sariir oo biro ah & miis maacuunta la saarto. Gabdho la dhashay & kuwo
saaxiibo la ah oo intii aan gabadha guriga la geynin soo booqday qolkeeda ayaa ku
wargeliyey in alaab wacan aan loo dhigin, iyana waxay codsatay in la furo, balse markii
dambe waxaa lagu maslaxay in guri gabar kale u sharaxnaa la sii geeyo inta alaabada laga
bedelayo. Ninkii aroosayay oo la yiraahdo Liibaan C/raxmaan ayaa la sheegay in guri uu ku
lahaa xaafadda Xoosh uu jiingadaha ka fiiqay kadibna ugu soo iibiyey alaab wareeg ah,
sidaana labo habeen kadib gurigeedii lagu keenay gabadhii.
Nin feeray Xaaskiisa & Hooyadeed
Nin lagu magacaabo Diiriye C/hi oo degan xaafadda X/jadiid
ayaa isagoo xaaskiisa dilaya ay Hooyadeed soo kala dhex gashay kadibna Hooyadii ku daray
oo iyana dilay. Wariyaheena Yuusub Abiib Cus-maan (Y/xabeeb) ayaa inoo sheegay in arrintaa
ay dad deris ah soo dhex galeen balse markii maalmo ay ka soo wareegatay ayay naagtiisii
saliid karkarsan ku gubtay iyadoo ka aarsanaysa falkii uu ku sameeyay iyada &
hooyadeed. Geeri waali sababtay Haweeney lagu magacaabo Sahro oo degan xaafadda Suuqa
Xoolaha ayaa waalatay kadib markii ninkeeda uu geeriyooday. Jacayl ay u qabtay dartii ayaa
la sheegay in waalidu sababtay, iyadoo dharka tuuratay afkeedana laga masixi waayay
Axmad..Axmed oo magaca ninkeedu ahaa, wax-aana haatan lagu wadaa Quraan saar,
habeenkiina waxa lagu hurdiisayaa irbada hurdada.
Malxiis ku dhaawacmay baabuur aroos la rasaaseeyay
Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho ayaa Khamiistii la soo
dhaafay lagu rasaaseeeyay baabuur aroos galbinaysay. Sida uu inoo sheegay wariye madax
bannaan oo lagu magacaabo Xasan Cali Geesey(Al-qeys) arooskaas ayaa laga keenay dhinaca
Bayxaani iyadoo loo waday xaafadda Suuq-bacaad, waxaana ku dhaawacmay Malxiiskii arooskaas
oo lagu magacaabo C/kariin Cali Macalin, gabar kalena firirka muraayad baabuur ayaa wax
gaarsiiyey.
Aayaha Nolosha
DOODDA
DHAKHAATIIRTA & DACWADA DADWEYNAHA
Qaybtii 8-aad
Suaasha
maanta aan hordhigeyno Dhakhaatiirta waxay tahay:-
Dalkeena
muddo 12-sano ah ayuu burbur, fowdo & kala dambeyn laaan ku dhex jiray, taasina
waxay sababtay in Maleeshiyo aan cidna ka amar qaadan ay afduub, dil & dhibaatooyin
kale ku sameeyaan dhakhaatiirta sida dadka kaleba ay ugu sameeyaan, marka arrin noocaas oo
kale ahi dhacdo oo qof dhakhtar ah oo amar Ilaah uu ku dhacay ama la dilay ama la
afduubtay waxaad samaysaan shaqo joojin dhowr todobaad ah oo Isbitaaladiina albaabada
ayaad u laabtaan, halkaas dhakhtar ee la waxyeeleeyay dartiis ayaa laga yaabaa in
malaayiin dad ahi oo bukaano dhakhaatiir u baahnaa ay u waxyeeloobaan, iyadoo shaqo
joojintiinaas aysan keeneynin in Mooryaankii uu joojiyo caadadiisa afduub ama dil, marka
fikrad taa ka bedelan ma keeni weyseen, misana wixiinu waa Mindi Mindi ku taag oo Mooryaan
fal uu geystay ayaad shacabka taagta daran uga aaraysanaysaan:-
Dr.XASAN
SHIINO: -
Dhakhtarada
la afduubanayo, ama la dilaayo, runtii waxaa waaye wax aad & aad looga gilgilsho oo
aan ku fiicneyn xagga biniaadannimada & xagga Islaannimada, mana wanaagsan in
dadka aqoonyahanada ah ha ahaado dhakhtar, ha ahaado Sheekh Kutubada akhriya, Macalin
Dugsi Quraan ama Macalin kale & dadka farsamayaaqanada ah ee bulshada wax u
qabta ma aha in la qafaasho ama la dilo, nasiibdarro 12-kan sano ee burburka dalku ka jiro
waxyaabaha soo siyaaday waaye, marka maadaama Dowlad wax ka qabanaysa arrintan aysan jirin
dhakhaatiirta waxay goaansadeen oo doorbideen inay muujiyaan shucuurtooda, inay
tusaan shacabka Soomaaliyeed in dhibaatada heysata dhakhtarada oo ay ka doonayaan in ay
iyaguna la garab istaagaan, marka haddii shacabku na garab istaagi lahaa waxaan filayaa
anaga shaqo joojin maba samayseen, waxay inoola muuqataa in shacabkii nagu fiirsanayaan
dhibaatada oo aysan na garab istaageynin, anagana waxaan daw u aragnay in si shacabku
inoola arko dhibaatada aan shaqo joojinta u samaynay, shaqo joojintana wax kale ma ahane
waa muujin ee cannaad nagama aha, xilliga shaqo joojinta aan samaynayna waxaa furan
isbitaalada amar-jansiga u shaqeeya waa la furaa oo lama xiro, laakiin meelaha kale ee
bukaan-eegtooyinka ah oo kaliya ayaa la xiraa, sababtuna wax kale ma aha oo waxaan
muujineynay shucuurteena oo aan ka damqanayno dhakhtarada walaalaheen ah ee la afduubanayo
ama la dilayo, marka anigoo ka faaideysanay fursaddan Wargeyska Aayaha Nolosha ii
siiyey inaan bulshada arrimahaas ka cabanayso aan kula hadalno waxaan rabaa inaan shacabka
Soomaaliyeed yar & weyn, haween & rag, aqoonyahan & jaahil aan ka codsado in
ay sameeyaan mudaaharaadyo, isu soo baxyo ay ku muujinayaan dhibaatada nagula hayo, waxaan
filayaa in arrintu sidan ka duwanaan lahayd oo maanta haddii ficil Mooryaantu samayso laga
bannaanbaxo, berri sidoo kale laga mudaaharaado, waxaan filayaa in la isa sixi lahaa oo
Mooryaantu waantoobi lahayd, marka waxaan arrinta u arkaa inuu Shacabku hurdo, shacabku
hadduu hurdana wax kala soconaya ma jiraan, marka dhakhaatiirta yaan la dhaliilin, garab
laaan ayaa na heysee.
Prof.Dr.C/LLAAHI
FOOMKA:-
Dhakhaatiirta
waxay wadaan qalad-qalad ku sax, inkastoo dilka & afduubka loo geysanayo dhakhaatiirta
& shaqaalaha caafimaadka aysan wanaagsanayn, barkee dhakhaatiirta & macalimiinta
waxay la mid yihiin waayeelka, dumarka & carruurta, marka in dhakhaatiirta si gaar ah
loo xushmeeyo waaye waayo dhakhaatiirta waa nin bulshada u shaqeeya oo wax u taraaya marka
dilka la dilaayo dhakhaatiirta waa qalad, iyaguna inay gadood shaqo joojin ah sameeyaan
waa qalad kale oo qalad-qalad ku sax ah, laakiin daruufta ayaa keenaysa, waayo 12-kii sano
ee burburku jiray waxaa la diiwaan geliyey in la dilay 23-dhakhtar, marka dhakhaatiirta
dad ay eedo ka galeen ma jirto, dadka eedaha Soomaaliya ka galay waa la yaqaanaa, welina
ma maqal aniga 23-Hoggaamiye kooxeed ayaa la dilay ama la afduubtay, waayo iyagu
maleeshiyo waardiyeysa ayay leeyihiin, dadkan masaakiinta ah ee aan cidna waardiyeyneynin
ee la leynayo waa gardarro, shaqo joojinta lagu bedelayana waa gardarro kale, laakiin
dhakhtaradu waa biniaadam shaqo joojintana waxaa ka keetay carro, balse marka shaqo
joojintaa la sameynayo waxaa la furaa goobaha amar jansiga, aniga barseenbiyo marka
shaqada la joojiyo ama Jimco ama Feesto ay tahay, hadda Feesto maba jirtee guriga ayaa la
iigu imaanayaa oo bukaanada guriga ayay iigu imaanayaan ama xaafadaha ayaa la ii
wadanayaan, taana dhib waaye, anaga ayaana shaqo joojinta dhib ku qabna.
Waa
socotaa
Codka Mucaashaqiinta
(Heestii markaan
dada jiray 15) Qormada Raadiyowga Codka Mucaashaqiinta waxan Todobaad walba idinkugu
soo bandhignaa Heesaha ka tarjumaya Jacaylka ee sida aadka ah loo xiiseeyo &
ulajeeddadii loo alifay.
Todobaadkan waxaan
akhristayaal idiin heynaa heesta uu ku luuqeeyo fannaanka XASAN AADAN SAMATAR ee MARKAN
DADA JIRAY 15, Heestaas waxaa alifay ABWAAN BARRE MAXAMED FIIDOW isaga ayayna qisada
ay xambaarsan tahay khuseysaa, wuxuuna alifay isagoo Askari Guul-wade ah oo ka mid ah
madaxda Kooxda Fannaaniinta (Halgan).
Abwaanka oo la
shaqeynayay xilligaa Ciidamadii anshaxa iyo dhaqan celinta ee la oran jiray BOLICIO BON
CASTUMO ayaa waxay gabar ay ciidamadu soo qabteen oo Xeradaa lagu soo xareeyay oo run
ahaantii gabar dabeecad, qurux & asluub wanaag la soo banbaxday noqotay ayuu Abwaanku
ka helay oo Jacayl u qaaday, isagoo xilligaa uu ka soo fashilmay Jacayl hore ayuu middan
isku leymeeyay, wuxuuna u alifay Heestan:-
=Markaan dada
jiray shan & toban, markaan damac guur la soo kacay, dookheyga markaan u sahan tagay.
=Nafteyda midaan u
door bido, dadeyda anigoon ka garanayn, hablaha ka daydayo midaan iri.
=Dabeecadaheeda
gaar iyo, bal aan dul ahaan tilmaamee, dhulkoo dambarsame ku hooroo, dunida maasheeyay waa
guee.
=Nafteyda middii ay
ku degi lahayd armay dar allee adiga tahayee ..
W/Diyaariyey:
C/raxmaan Cumar Madoobe(Dalmar)
MURTIDA WARGEYSKA
Gabdhaha
barbaarka ah ee soo hanaqaadaya (+) Duulduul ku dhaca marka ay 15-20 jir soo gaaraan (X)
Reerkooda ama reeraha ay la joogaan oo dahab & lacag ay ka xadaan (-) Tahriib &
safar dhinaca Boosaaso ah oo ay u kicitimaan (÷) reerkooda oo ka welwela hantida &
gabdhahoodaas ka maqan = Anshax xumo & dhaqan doorsoon ku yimid dhalinta Madfaca &
dagaalada ku soo hanaqaaday & il-naxariiseed oo ay ka arkaan waalidkood (Gabdhaha
marka ay qaangaaraan guur haloogu dadaalo, haddii kale ceeb & fadeexo halaga sugo).
By: Maxamed Xuseen Yuusuf (Xaaji Tahriib)
MASRAXA AAYAHA NOLOSHA
Maxaa u sabab ah in
Lamaanayaal Jacayl Sanado badan soo jilaayay, marka ay is guursadaan kadib inay si sahal
ah isku furaan? Xaqiiqdu waxa ay tahay in Lamaanayaashu marka ay ku guda jiraan
xilliga haasaawaha iyo u gogol xaaridda guurka uu mid waliba midka kale ku sameeyo soo
jiidasho uu ku doonayo sidii uu ku hannan lahaa qalbiga qofkaas. Muddada faraha badan ee
sanadaha ah ee Jacaylka ay isla jilayaan Labada ruux (Wiilka & Gabadha) ma aha kuwo si
sax ah u dhamaystiran oo micnuhu waxa weeye sanadahaas oo dhan isma ay arkayaan isku
darkooda bilo ayay iska arkayaan oo maalin waliba islama joogaan, saacadaha kooban ee ay
is arkaana mid waliba kan kale ereyo soo jiidasho leh oo ha dhicin ha jabin, maxaa kuu
macaan, maxaa kuu qaraar ayay isweydaarsanayaan, iyagoo isu faraxsan oo isku qanacsan
ayayna saacadahaas kooban ee ay isla joogeen kala tagayaan, xitaa haddii ay is khilaafaan
si sahal ayay ku xalinayaan khilaafkooda. Calaa kuli-xaal si kastoo ay tahayba marka ay is
guursadaan oo guri isugu yimaadaan dhabtii ayaa imaanaysa, qof waliba wixii u duugnaa ayaa
soo ifbaxaya, khilaafaadka yaryar ee soo marana si sahal ah uma xalin karaan oo way kala
caroonayaan markaasaa shaqsiyaad & shaqi soo dhex gelayaa, dooddii baa sii badanaysa
kadibna sidaa lagu kala tagayaa. Sababo kale way jiraan sida dhaqaalaha, jinziga,
dabeecadda, aqoonta diinta & midda maadiga oo aan isku heer laga ahayn & arrimo
kale, marka waxa loo baahan yahay in xilliga haasaawaha sal adag loo yeelo dhammaan
arrimahaas. Dhammaad.
ABWAAN XASAN JACAYL:- waxaa jira 7-Jacayl Qiimaha Jacaylka ma
aha wax qoraal Saxaafadeed & Suugaan Abwaaneed kaliya lagu soo koobi karo, waxaana
jira qeybo badan oo Jacayl oo mid waliba qiimeyntiisa gaarka ah leh, aniga ka abwaan
ahaana waxaan ku soo koobay oo aan qirsanahay inuu jiro ilaa & 7-Jacayl kuwaas oo kala
ah:-
2. Jacayl gaaban:- Waa Jacayl ku abuurma kulan saacado kooban qaata,
damaciisuna yahay mid shahwadeed, balse marka uu suuragal noqon waayo damacaas uu jiitamo
ilaa damacii qofku lahaa uu gaaro, kuna dhammaada marka damacaas uu hanto qofkii.
3. Jacayl danaysi:- Waa jacayl ku xiran dan, noocii ay doonto dantu
ha ahaatee sida dan dhaqaalo & wax u dhigma.
4. Jacayl Xushmo:- Waa Jacaylka uu ku jeclaado qof xushmad &
qadarin kaa mudan, adiguna aadan rabin qofkaas, haddana aadan ku gacan seyri karin,
kadibna aad goaansato inaad xushmo & tixgelin u muujiso kaasoo aakhirkii iskiis
u quusta.
5. Jacayl Socod wadaag:- Waa jacaylka aad doonayso in qof dhigaada
ah mar waliba kula wadaago socod, la joogis & sheeko oo aad iska jeceshahay inuu
qofkaasi dhinacaada ahaado.
6. Jacayl Guud:- Waa Jacaylka waalidka, walaalka, ubadka,
waxbarashada, hantida iwm. Jacayl Laab-la-kac ah:- Waa Jacaylka Usbuuclaha ah ee
xiisaha ku yimaada, waan ku arkay waa ku caashaqay weeye micnihiisu oo marba qofkii uu u
arko inuu soo jiidasho leeyahay ayuu qofku iska jeclaanayaa, waana mid cosob la guur ah,
kaasoo ah nooca ugu xun.
U
DULQAADO
Magacaygu waa Yuusuf Abroone
Axmed, waxaan deganahay Xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshid, aniga aan noqdo dhibanihii
ugu horreeyay ee Boggan U DUL-QAADO lagu daah furo, laakiin AAYAHA NOLOSHA U DULQAADO ayuu
iska leeyahay, ma dhibkan I heysta ayaa loo DULQAADAN KARAA, bal cabashadeyda dadow ila
dareema:- Xilligii ciidamada UNOSOM dalka yimaadeen ayaan soo galay Muqdi-sho, anigoo ka
soo qaxay magaalada Kismaayo waxan nasiib u yeeshay inaan ka mid noqdo shaqaalihii UNOSOM
u shaqeynayay oo xerada Silliga Ameerikaanka ayaan ka howl bilaabay. Anigoo ay iigu jirto
oo iska ladan, Qaadkana aan habeen seereynin ayay shaqadii Unosom inoo dhamaatay, Haweeney
garoob ahayd oo Labo Ciyaal horey u soo dhashay oo aan Qaadka ka iibsan jiray ayaan is
fahamnay oo guursaday, lacagtii aan Unosom ka helay sanadihii ugu horreeyay ayaan dabka
saaranay, qaarkeedna iyadaa ganacsigii Qaadka ku kabatay, markaan wax beelay oo gebi cidlo
ah aan soo istaagay, baagamuudadiina I dilootay ayaa waxay igu tiri wax dhibaato ah
malaha ubadka inoo hay, biil aniga ayaad iga taqaanaa, qayilaadaadana kuu saxayee,
farxad & reynreyn ayaan ka qaaday hadalkeedaas, Jacaylkeediina uu igu sii siyaaday.
Waxay sidaa arrin inoo ahaato oo ilmaha aan si wanaagsan u kolkooliyo ayay Naagteydii igu
soo giiratay waxayna igu cannaanatay ilmaha waad kala jeceshahay oo kuwa aan ninka kale u
soo dhalay ma jeclid & hadalo kale oo nuxur aan lahayn, markaasay qaadkii iga jaratay,
iyadoo I dhahaysa waxaad tahay ma shaqeyste, mana ku biili karo oo waad iga feero
weyn tahay ee wax isku fal & hadalo kale oo aanan wargeys ku soo qori karin waan
yaabay, ma buuqi karo oo waa lay biilaa, ma furi karo oo ubadka ayay ii korisaa, haddana
haddii aan furo igu soo tuureysaa oo Hooyo, Aabo & Walaal ii hayo ma qabo, Kiro Guri
xitaa iska-ma bixin karo haddii aan iyada iska furo oo Allaa xaalkeyga og. Anigoo dhibkaas
qaba oo sidii ilmaha ay dhashay oo kale ii cannaanayso ayay haddana bilowday inay iska soo
daahdo, habeen habeen iska soo dhaxdo, shaki ayaa I galay oo waan maseyray, (bal maxaa
maseyrka igu keenay?) way iga raacday oo casho laaan, sigaar laaan &
qaadkii aan marmar heli jiray ayaanba waayay, walaalaheed ayayna igu dacweysay oo
gabadheena inoo fur ninkaadan shiidka ah ayaa la igu hayaa, anigana Jacayl ayaan u qabaa
Xaaskeyga ee dadow tanoo kale yay heystaa oo dhibka noocan ah ila wadaaga, reera AAYA
NOLOSHA qorowna ISKA DULQAADO ayayba na leeyihiine. Nagala soo xiriira dhalinta iibisa
Wargeysyada oo qoraa-ladiina aad u soo dhiibi kartaan ama naga soo waca Telef-oonada kala
ah 652256, 655788, ama aaladda Internetka E-mail:- aayahanolosha@hotmail.com
& kan kale ee ah:- ambacaliin2004@yahoo.com.