aayaha_nolosha.jpg (32936 bytes)

Tifaftiraha wargeyska waa:- C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil  Dalmar)

Telefoonada Wargeyska Muqdisho 652256, 655788

E-mail:- aayaha_nolosha@hotmail.com iyo ampacalin2004@yahoo.com

FANAANIINTA BADWEYNTA JACEYLKA

(Abwaan Macow Ow Diinle iyo Taariikhdiisii Jacayl)

Qaybta 14-aad

hearts4.jpg (3553 bytes)(Heestii Soo dhawow an ii soo dhawow, sadrigaaga I saaree)

Xaaskii uu furay Abwaan Macow Ow Diinle oo muddo ka badan 10-sano uu Jacayl la soo jilayay, balse uu ka soo qaxay markii uu u adkaysan waayay dhibaatadeedii faraha badnayd & ubad la’aantii oo run ahaantii sida uu Abwaanku sheegay uu ka nastay kana siraad-koray, laakiin iyada ay ka samri weysay wanaagiisii & jacaylkii qiimiga lahaa ee uu u hayay, waxa ayna ka shalaysay buuqii & fowdadii ay iyadu keensatay oo sabab u noqday in lagu cidleeyo jacaylka lana gooyo xarigii meherka ee isu soo dhaweynayay Lamaanayaasha is jecel, taasoo markii ay maalmo muuqiisii weysay ay sariir la kortay oo ay saxariir ku dhawaatay, taana waxaa daliisheeda inoo inoo fasireysa fannaanadda MARYAN MURSAL CIISE oo heesaha Banaadiriga & heesaha kale ee caadiga ahba isugu midka ay u yihiin oo sida biyaha oo kale u qur-qurineysa, heestaas oo miraheeda uu lahaa Abwaan Macow Ow Diinle, una dhigmaysa sidatan:-

=Anigoo u saxriiray sababtii Jacaylka, igu saacidi weysay sunna igu saaqday, Seedahaad iga goysee, sida aan ku samraayee, iga suuroobi weydee sahankiisa adi waaye.

=Soo dhawow an ii soo dhawow, sadrigaaga I I saaree.

=Inta Saatir abuuray, adigaan kaa soocday, suuraddii lagu siiyey, wadnahayga ku saaqday, sida seymaha roobkoo, subixii indho saaro, samo iigu da’eysaa, anna kuugu sabraaye.

=Soo dhawow an ii soo dhawow, sadrigaaga I I saaree.

Abwaanku marna uma uusan beer-jilcin cabashadaas oo dantiisii ayuu ka watay, wuxuuna ku duceysanayay Alle kuguma soo celiyo dhibkii aad horey uga qaxday oo horaa loo yiri “Qofna rafaadkii & rarankii uu soo maray dib raacdo uguma laabto” abwaankuna sidaas ayuu go’aansaday, laakiin iyadu sidaa kuma samrin oo dad kale ayay kala kaashatay inay kala hadlaan Abwaanka iyadoo qorsheynaysay in uu dib ugu laabto, balse Abwaanka taa waa lagu kari wa-ayay, isagoo mar walba xusuustay dhibtii & faqrinimadii dhinaca ubadka ka heysay.

La soco Arbacada soo socota Waxaa Diyaariyey:-

Xaaji Tahriib & Caaqil Dalmar

     JACAYLKII KADEEDNAA EE ABWAAN XASAN JACAYL

Qaybta 1-aad Sanadkii 1985-tii ayay ahayd markii Abwaan Xasan Maxamed Maxamuud (Xasan Jacayl) Cishqi aan qalbigiisa ka gurin uu u qaaday gabar ay xagga Hooyada qaraabo ka ahaayeen oo lagu magacaabo DEEQO SH.AXMED oo ay wada deganaayeen Degmada Wardhiigley agagaarka Masjidka Sheekh Biyamaalow.

Abwaanku maadaama gabadhu ay qaraabo ahaayeen guriga si toos ah ayuu ugu tegi jiray oo lagama shakin jirin, taasna waxay u sahashay inuu si fudud ugu bandhigto Jacaylka uu u qaaday, iyana horaaba loogu weynaa oo way qarsanaysee si xujo la’aan ah ayay kaga guddoontay, waxayna ku ballameen in aysan Jacaylkooda cidna u kashifin ilaa guushiisa ay ka gaarayaan.

Jacaylkii u dhexeeyay Abwaanka & Deeqo waa uu koray, waxayna ku korinayeen sheekada & kulamada haasaawaha qarsoodiga ah ee ay sida joogtada ah u yeelan jireen, iyagoo gaaray heer qofna uu kan kale ka maarmi waayo, waax Jirkiisa ka mid ah oo kalena noqdo.

Jacaylkoodii adkeysiga wuu ka tagay wuxuuna Jacaylku talo ugu soo jeediyey isla markaana ku guubaabiyey inay Lamaane sax ah oo quluubtooda kala fuqin noqdaan, isla markaana ay mustaqbalka nolosha wadaagaan, taasina way ka aqbaleen oo Deeqo iyadoo Dugsiga sare Fasalka Labaad ka joogta ayay Meher qarsoodi ah la gashay Abwaan Xasan Jacayl, waxayna ku ballameen in 2-da Sano ee waxbarashada ugu dhiman isa sii qarsadaan, marka waxbarashadaa u dhammaatana ay isla aqal galaan.

Deeqo oo Jacaylka dhankeedu ku weynaa waxay u ballan qaaday Xasan in wax kasta oo kaga yimaada dhinaca Waalidkeed ay xabbadka u dhiganayso kana difaacayso, isagana uu samirka kaashado oo dadaal badan sameeyo muddada Labadaas sano ah, wuuna aqbalay oo ka yeelay.

Labadii Cishqi isla meel dhiga, Calaf Alle isugu darro, Lamaane Caano-wadaag inay noqdaan, Cindigooda geliya, Saddexeeya & Caqabado kala dila, marna ceynkooda ma gafaane, Abwaanka & Gacalisadiis Deeqo ballaayada Jacaylka kala firdhisa ee Saddexeeyaha loo yaqaan ayaa soo dhex gashay oo Deeqo inta si xan ah wax ugu sheegeen Fannaan Naago badan maxaa ku baray oo wax kuula wadaajiyey inta la yiri Shaki & Tuhun caashaq lagu beeray, markaasaa waa Dumare inta warkii dadka qaadatay cadaadis ku bilowday Cishqigii kala dhexeeyay Abwaan xasan jacayl oo isagana bilaabay inuu difaac caashaq galo. Kor & hoos wax ugu sheegid & inuu Casharo Jacayl xambaarsan u dhigo ayuuna bilaabay, heeso dhaliil & wax u sheegid isugu jira ayuuna u meeriyey oo uu alifay.

La soco Arbacada kale (Insha Allaah)



   
DHOOF CAASHAQ IYO DHAXAL JACAYL

Qaybtii 91-aad

hearts1.jpg (3556 bytes)Xaawo Eedan waxay kaloo Maxamed-nasiib ku tiri “Ladan haba iska joogto oo ha inoo shaqeyso ma xumee, Hooyadeed waayeesha ah ka waran iyana ma dulsaar ayay nagu sii ahaanaysaa?”   Maxamed-nasiib su’aashaas ayuu meel uu cusjiyo waayay, cabaar ayuu ka aamusay oo indhaha mirig-mirig ka siiyey, go’aan degdeg ah ayuu gaari waayay, mar dambe ayuuse la soo hinqaday “Hooyo ka waran haddii aan iyada ka war sugno?,  kolay waa qof waxgarad ahe” “Waa tahay howshaas adiga ayaan kuu daayay” ayayna Xaawo Eedan hadalkii ku soo af-xirtay.

Ladan iyadu waa loo tashanayaa, iyadana way tash-anaysaa oo waxay u xirxiran tahay inay hoy gaar ah oo kiradiisu raqiis tahay baadigoob u gasho, kadibna shaqo raadsato, laakiin Maxamed-nasiib ayaa ku soo laabtay oo inta u yeeray ku yiri “Ladan, waan kuu jeedaa oo kicin ayaa kugu jira, qof wanaagsan oo fakareysa ayaadna tahay, marka aniga & Hooyadey Xaawo waxaan isla garanay in maadaama aad shaqo doon tahay aad gurigan ka shaqeysid oo mushaar laguu qoro, reerkana sidaadii uga sii mid ahaato, haddii uu Alle idmo dhawaan ayaan rabaa inaan aroos galo”.

Ladan oo ka fakareysay meesha ay arrin ka bilaabi doonto ayaa ku faraxday sida fudud ee ay wax ugu suurogaleen iyadoo aan kurbo & mashaakil kale u marin, waxayna ku mahdisay Rabbigii wax waliba u fududeeyay, kadibna Maxamed-nasiib oo mar walba danahooda u heelan ayay u sheegtay inaysan abaalkiisa gudi karin. Intaa kadib Ladan ayaa hadalkii qaadatay oo tiri “Aboowe waad mahadsan tahay, aniga haddii aad I tiraahdo xitaa mushaar la’aan ku shaqee diyaar baan u ahay, marka qol cariish ah oo iska raqiis ah oo xaafadda aan ka fogeyn ayaan Hooyadey u raadinayaa, sidaas ayaana isku ognahay”. Maxamed-nasiib oo ku qancay hadaladii Ladan & si-da ay u garatay in Hooyadeed ay guri gooni ah u ra-adiso ayaa Hooyadiis Xaawo Eedan u sheegay wixii dhex maray isaga & Ladan iyo in arrintii Duqda Hooyadeed ay iyada is garatay oo ay guri u raadinayso.

Maalmo kadib ayay Ladan guri Cariish ah oo aan ka fogeyn guriga Maxamed-nasiib degan yahay soo heshay, Hooyadeedna u rartay, Maxamed-nasiib ayay ka codsatay in waxoogaa qarash uu u hormariyo oo hadhow dambe marka ay shaqo bilowdo uu ka goosto si ijaarka oo hormaris lagu xujeeyay isaga bixiso, firaashyo & alaabana ugu soo gadato, wuxuuna Maxamed siiyey waxoogaa lacag ah oo uu yiri “Deyn kuguma aha ee iska qaado”, iyana wixii duco ahaa oo yaraanteedii ilaa weyninkeedii ay soo baratay oo ay sidii Qur’aankii u xafidsanayd muddo nus saac ah Maxamed-nasiib ku dhoodhoobtay.

Waa socotaa.

La soco Arbacada kale.

W/Qoray:-C/raxman Cumar Madoobe (Dalmar)

 

DIIHAAL & DAREEN CAASHAQ

Qaybtii 28-aad

George isagoo ka xun inuu ka fogaado Anita & halka ay ku nooshahay ayaa ku qabatay & qaddar Alle waa la qaataaye uu ka haajiray Magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska una baqoolay Cariga Shiinaha, hal-kaas oo uu kula noolaa saaxibkiis, in muddo ah ayuuna shaqo raadis ah ku jiray, wuxuuna mar dambe shaqo ka helay Shirkad weyn oo kabaha farsamaysa.

Inkastoo shaqo hoose oo liidata qacdii hore uu howsha ku bilaabay haddana nasiibku waa wax cajiib ah, dadaalka shaqsigana waa mid lagu hanto horumar & baraare dambee bilo gudahood ayuu George ku dalacay oo shaqo wanaagiisa & firfircoonaantiisa ayuu darajo sare ku hantay, wuxuuna kaabo-shaqaale ka noqday shirkaddii uu shaqada hoose ka bilaabay.

George musaafuriskii laga musaafuriyey dalkiisa & sh-aqadiisii waardiyaha Iskool ee laga soo kansal gareeyay faa’iido & najax ayay u ahayde wuxuu noqday nin hanti ku yeeshay dalka Shiinaha oo dad badan & Macaamiil saaxiibo ku bartay, kuwaasoo isugu jiray dad caadi ah & & dadka kale oo shaqada ay ku saaxibeen, kuwaasoo kuligood qadarin u hayay, isagana uu qiimo & sharaf gaar ah uu u muujin jiray.

Sanad iyo bilo markii uu Shiinaha ku sugnaa George ayuu fasax gaaban shaqadii ka soo qaatay oo soo aaday dalkiisii Ingiriiska, wuxuuna soo baadigoobay Jacaylkiisii laga xayiray ee Anita oo marna aan qalbigiisa ka faaruqin tan & markii uu ka soo tagay, balse nasiib xumo baadigoobkaas wuu ku hungoobay oo Anita reerkoodii way ka guurtay oo isaga dartiis iyo Jacaylka laga carqaladeeyay ayay u colaadisay, waxayna la noolayd gabar saaxibteed ah, fara marnaan ayuuna dib ugu laabtay Shiinaha & shaqadiisii. Maalmo kadib ayay Anita ka war heshay in George iy-ada darteed u yimid Manchester oo uu soo baadigoobay, markaasay ciil & caloolyow la qoomamaysay, balse Jacaylka ayaa karti dheeraad ah ku abuuray oo ku dhaliyey go’aan ah inay Shiinaha aaddo, waxayna isla markiiba suuq geysay dahabkeedii oo qarash fiican u gooyey, waxayna dokomenti dhoof u goosatay dalka Shiinaha oo ay ka degtay, balse yey ka taqaanaa, xaggey kasee, af-Shiinaha miyey taqaanaa?.

La soco Arbacada kale.

W/Qoray:- Maxamed C/raxmaan Maxamed (Caagane)

WARARKA AAYAHA NOLOSHA

Wiil toogasho ku dilay Soddogiis

Wiil magaciisa lagu sheegay Aweys Cabdi Caliyow (Madoobe) ayaa todobaadkii la soo dhaafay Toorey ku dilay nin Soddogiis ahaa oo lagu magacaabo Madey Maxamed Aadan. Sida ay inoo soo sheegeen Shik-shik Arts & C/casiis Xarbi sababta dilka keentay waxay tahay kadib markii wiilka wax dilay & odayga dhalay gabadha ay isku maan-dhaafeen lacag sooryo ahaan uu u keenay, sidoo kalena uu wiilku gabadha dalaaqay, Odayguna uu nin kale siiyey gabadhii, balse Aways uu ku dooday in uusan furin, dooddiina ay ka qaraaratay taasoo sababtay inuu Aweys caroodo oo toorey qudha kaga qaado Odaygii oo Baalbayeeri timaha lagu jaro ka shaqeynayay. Aweys oo haatan xiran ayaa la filayaa in dil toogasho ah lagu xukumo sida u degsan xeer beeleed ay samaysteen qoysaska ay ka kala dhasheen.

Aroosad la isku qabsaday (Baabuurtii lagu galbinayay oo la rasaaseeyay)

Nin magaciisa la dhaafin waayay Cali oo degan degmada Madiina ayaa baabuur galbinaysay arooskiisa la rasaaseeyay todobaadkii hore kadib markii gabadhii uu aroosayay uu nin kale sheegtay in uu qabo. Sida uu inoo soo sheegay Wariyaheena Maxamed Xuseen Cabdi (Gacmo Dheere) ninkaa oo degan degmada Madiina ayaa gabadhii looga gar helay, balse gabar kale oo la baray si uu foorjada uga baxo oo u guursado ayaa iyana reer degmada Waaberi degan oo ay u shaqeynaysay u diideen guursiga ninkaas, balse markii ay ka diiday ay ku sheegteen dahab xatooyo ah, balse ay u dhaaratay, kadibna ay sidaa ninkii Cali ahaa ku guursatay.

Haweeney guriga ku gubtay Ninkeeda

Haweeney lagu magacaabo Seynab Xaaji ayaa xaafadda Buulo-eelaay ee magaalada Boosaaso guri ay ka deganaayeen ku gubtay nin ay qabtay oo ay ka maseyrtay, ninkaasoo haatan xaaladdiisa laga deyrinayo. Gabdho Jacayl aan loo ogeyn isku dagaalay Gabar lagu magacaabo Xamdi Maxamed oo biibito ku leh xaafadda Tabakaayo madow ee degmada Madiina weerar ku soo qaaday gabar kale oo iyana aagaas Biibito ku shidata. Sida uu inoo soo sheegay wariyaheena C/risaaq Jaamac Cilmi (Black yare) gabdhahaas ayaa dagaalkoodu ka bilowday wiil lagu magacaabo C/qadar oo biibitooyinkaa midba mar ku qayili jiray oo gabar waliba ay sheeg-anayso inuu iyada Jacayl kala dhexeeyay, laakiin C/qadar uu taa beeniyey isagoo xusay inuu Xaasle aan arrimahaas u soo jeedin yahay.

Afduub loogu abaalguday afduub kale

Nin la yiraahdo Xuseen Jaamac Cali ayaa haweeney lagu magacaabo Oktoobar Maxamed C/llaahi oo uga sheekeysay inay garoob tahay u kaxaystay magaalada Boosaaso, balse nin lagu magacaabo C/qaadir Xuseen oo sheegtay inay xaaskiisa tahay ayaa ku dooday inay naagtiisa ahayd uuna ninkaa ka afduubtay, kadibna wuxuu isna afduubtay naag uu qabay Xuseen Jaamac. Wariyaheena Yuusuf Xabeeb oo warkan ina soo gaarsiiyey ayaa sheegaya in reerkii ay ka dhalatay naagta Muqdisho lagu afduubtay ay la xiriireen ninka gabadhooda afduubtay, balse uu ka diiday maslaxo ilaa naagtiisa looga soo deynayana uusan isna naagtan oo fasaxeynin.

Aroosad diiday in loo galbiyo gurigii la aqal geyn lahaa

Gabar aroosad ahayd oo lagu magacaabo Hani C/llaahi ayaa Jimcihii la soo dhaafay diiday in aqalkii loogu talo galay oo ku yaalay xaafadda Xoosh ee degmada Madiino loo gelbiyo kadib markii ninkii guursanayay oo dhaqaalo aan heysan uu u dhigay Labo sariir oo biro ah & miis maacuunta la saarto. Gabdho la dhashay & kuwo saaxiibo la ah oo intii aan gabadha guriga la geynin soo booqday qolkeeda ayaa ku wargeliyey in alaab wacan aan loo dhigin, iyana waxay codsatay in la furo, balse markii dambe waxaa lagu maslaxay in guri gabar kale u sharaxnaa la sii geeyo inta alaabada laga bedelayo. Ninkii aroosayay oo la yiraahdo Liibaan C/raxmaan ayaa la sheegay in guri uu ku lahaa xaafadda Xoosh uu jiingadaha ka fiiqay kadibna ugu soo iibiyey alaab wareeg ah, sidaana labo habeen kadib gurigeedii lagu keenay gabadhii.

Nin feeray Xaaskiisa & Hooyadeed

Nin lagu magacaabo Diiriye C/hi oo degan xaafadda X/jadiid ayaa isagoo xaaskiisa dilaya ay Hooyadeed soo kala dhex gashay kadibna Hooyadii ku daray oo iyana dilay. Wariyaheena Yuusub Abiib Cus-maan (Y/xabeeb) ayaa inoo sheegay in arrintaa ay dad deris ah soo dhex galeen balse markii maalmo ay ka soo wareegatay ayay naagtiisii saliid karkarsan ku gubtay iyadoo ka aarsanaysa falkii uu ku sameeyay iyada & hooyadeed. Geeri waali sababtay Haweeney lagu magacaabo Sahro oo degan xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa waalatay kadib markii ninkeeda uu geeriyooday. Jacayl ay u qabtay dartii ayaa la sheegay in waalidu sababtay, iyadoo dharka tuuratay afkeedana laga masixi waayay Axmad..Axmed oo magaca ninkeedu ahaa, wax-aana haatan lagu wadaa Qur’aan saar, habeenkiina waxa lagu hurdiisayaa irbada hurdada.

Malxiis ku dhaawacmay baabuur aroos la rasaaseeyay

Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho ayaa Khamiistii la soo dhaafay lagu rasaaseeeyay baabuur aroos galbinaysay. Sida uu inoo sheegay wariye madax bannaan oo lagu magacaabo Xasan Cali Geesey(Al-qeys) arooskaas ayaa laga keenay dhinaca Bayxaani iyadoo loo waday xaafadda Suuq-bacaad, waxaana ku dhaawacmay Malxiiskii arooskaas oo lagu magacaabo C/kariin Cali Macalin, gabar kalena firirka muraayad baabuur ayaa wax gaarsiiyey.

Aayaha Nolosha

 

DOODDA DHAKHAATIIRTA & DACWADA DADWEYNAHA

Qaybtii 8-aad

Su’aasha maanta aan hordhigeyno Dhakhaatiirta waxay tahay:-

“Dalkeena muddo 12-sano ah ayuu burbur, fowdo & kala dambeyn la’aan ku dhex jiray, taasina waxay sababtay in Maleeshiyo aan cidna ka amar qaadan ay afduub, dil & dhibaatooyin kale ku sameeyaan dhakhaatiirta sida dadka kaleba ay ugu sameeyaan, marka arrin noocaas oo kale ahi dhacdo oo qof dhakhtar ah oo amar Ilaah uu ku dhacay ama la dilay ama la afduubtay waxaad samaysaan shaqo joojin dhowr todobaad ah oo Isbitaaladiina albaabada ayaad u laabtaan, halkaas dhakhtar ee la waxyeeleeyay dartiis ayaa laga yaabaa in malaayiin dad ahi oo bukaano dhakhaatiir u baahnaa ay u waxyeeloobaan, iyadoo shaqo joojintiinaas aysan keeneynin in Mooryaankii uu joojiyo caadadiisa afduub ama dil, marka fikrad taa ka bedelan ma keeni weyseen, misana wixiinu waa Mindi Mindi ku taag oo Mooryaan fal uu geystay ayaad shacabka taagta daran uga aaraysanaysaan:-

Dr.XASAN SHIINO: -

“Dhakhtarada la afduubanayo, ama la dilaayo, runtii waxaa waaye wax aad & aad looga gilgilsho oo aan ku fiicneyn xagga bini’aadannimada & xagga Islaannimada, mana wanaagsan in dadka aqoonyahanada ah ha ahaado dhakhtar, ha ahaado Sheekh Kutubada akhriya, Macalin Dugsi Qur’aan ama Macalin kale & dadka farsamayaaqanada ah ee bulshada wax u qabta ma aha in la qafaasho ama la dilo, nasiibdarro 12-kan sano ee burburka dalku ka jiro waxyaabaha soo siyaaday waaye, marka maadaama Dowlad wax ka qabanaysa arrintan aysan jirin dhakhaatiirta waxay go’aansadeen oo doorbideen inay muujiyaan shucuurtooda, inay tusaan shacabka Soomaaliyeed in dhibaatada heysata dhakhtarada oo ay ka doonayaan in ay iyaguna la garab istaagaan, marka haddii shacabku na garab istaagi lahaa waxaan filayaa anaga shaqo joojin maba samayseen, waxay inoola muuqataa in shacabkii nagu fiirsanayaan dhibaatada oo aysan na garab istaageynin, anagana waxaan daw u aragnay in si shacabku inoola arko dhibaatada aan shaqo joojinta u samaynay, shaqo joojintana wax kale ma ahane waa muujin ee cannaad nagama aha, xilliga shaqo joojinta aan samaynayna waxaa furan isbitaalada amar-jansiga u shaqeeya waa la furaa oo lama xiro, laakiin meelaha kale ee bukaan-eegtooyinka ah oo kaliya ayaa la xiraa, sababtuna wax kale ma aha oo waxaan muujineynay shucuurteena oo aan ka damqanayno dhakhtarada walaalaheen ah ee la afduubanayo ama la dilayo, marka anigoo ka faa’ideysanay fursaddan Wargeyska Aayaha Nolosha ii siiyey inaan bulshada arrimahaas ka cabanayso aan kula hadalno waxaan rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed yar & weyn, haween & rag, aqoonyahan & jaahil aan ka codsado in ay sameeyaan mudaaharaadyo, isu soo baxyo ay ku muujinayaan dhibaatada nagula hayo, waxaan filayaa in arrintu sidan ka duwanaan lahayd oo maanta haddii ficil Mooryaantu samayso laga bannaanbaxo, berri sidoo kale laga mudaaharaado, waxaan filayaa in la isa sixi lahaa oo Mooryaantu waantoobi lahayd, marka waxaan arrinta u arkaa inuu Shacabku hurdo, shacabku hadduu hurdana wax kala soconaya ma jiraan, marka dhakhaatiirta yaan la dhaliilin, garab la’aan ayaa na heysee.

Prof.Dr.C/LLAAHI FOOMKA:-

Dhakhaatiirta waxay wadaan qalad-qalad ku sax, inkastoo dilka & afduubka loo geysanayo dhakhaatiirta & shaqaalaha caafimaadka aysan wanaagsanayn, barkee dhakhaatiirta & macalimiinta waxay la mid yihiin waayeelka, dumarka & carruurta, marka in dhakhaatiirta si gaar ah loo xushmeeyo waaye waayo dhakhaatiirta waa nin bulshada u shaqeeya oo wax u taraaya marka dilka la dilaayo dhakhaatiirta waa qalad, iyaguna inay gadood shaqo joojin ah sameeyaan waa qalad kale oo qalad-qalad ku sax ah, laakiin daruufta ayaa keenaysa, waayo 12-kii sano ee burburku jiray waxaa la diiwaan geliyey in la dilay 23-dhakhtar, marka dhakhaatiirta dad ay eedo ka galeen ma jirto, dadka eedaha Soomaaliya ka galay waa la yaqaanaa, welina ma maqal aniga 23-Hoggaamiye kooxeed ayaa la dilay ama la afduubtay, waayo iyagu maleeshiyo waardiyeysa ayay leeyihiin, dadkan masaakiinta ah ee aan cidna waardiyeyneynin ee la leynayo waa gardarro, shaqo joojinta lagu bedelayana waa gardarro kale, laakiin dhakhtaradu waa bini’aadam shaqo joojintana waxaa ka keetay carro, balse marka shaqo joojintaa la sameynayo waxaa la furaa goobaha amar jansiga, aniga barseenbiyo marka shaqada la joojiyo ama Jimco ama Feesto ay tahay, hadda Feesto maba jirtee guriga ayaa la iigu imaanayaa oo bukaanada guriga ayay iigu imaanayaan ama xaafadaha ayaa la ii wadanayaan, taana dhib waaye, anaga ayaana shaqo joojinta dhib ku qabna.

Waa socotaa…     




   

Codka  Mucaashaqiinta

hearts3.jpg (4316 bytes) (Heestii markaan da’da jiray 15) Qormada Raadiyowga Codka Mucaashaqiinta waxan Todobaad walba idinkugu soo bandhignaa Heesaha ka tarjumaya Jacaylka ee sida aadka ah loo xiiseeyo & ulajeeddadii loo alifay.

Todobaadkan waxaan akhristayaal idiin heynaa heesta uu ku luuqeeyo fannaanka XASAN AADAN SAMATAR ee MARKAN DA’DA JIRAY 15, Heestaas waxaa alifay ABWAAN BARRE MAXAMED FIIDOW isaga ayayna qisada ay xambaarsan tahay khuseysaa, wuxuuna alifay isagoo Askari Guul-wade ah oo ka mid ah madaxda Kooxda Fannaaniinta (Halgan).

Abwaanka oo la shaqeynayay xilligaa Ciidamadii anshaxa iyo dhaqan celinta ee la oran jiray BOLICIO BON CASTUMO ayaa waxay gabar ay ciidamadu soo qabteen oo Xeradaa lagu soo xareeyay oo run ahaantii gabar dabeecad, qurux & asluub wanaag la soo banbaxday noqotay ayuu Abwaanku ka helay oo Jacayl u qaaday, isagoo xilligaa uu ka soo fashilmay Jacayl hore ayuu middan isku leymeeyay, wuxuuna u alifay Heestan:-

=Markaan da’da jiray shan & toban, markaan damac guur la soo kacay, dookheyga markaan u sahan tagay.

=Nafteyda midaan u door bido, da’deyda anigoon ka garanayn, hablaha ka daydayo midaan iri.

=Dabeecadaheeda gaar iyo, bal aan dul ahaan tilmaamee, dhulkoo dambarsame ku hooroo, dunida maasheeyay waa gu’ee.

=Midabka biyo dahab Sidoodii, ishaan deymada ka bogannoo, jeedaalada waw dawiyo nabadee.

=Caashaqan muddo badan, I daashaday, riyada taan doonisteedii, hurdada deris kula ahaan jiray, dabeyshiyo dhaxanta deyreed, dugsiga tii iiga noqon lahayd. armay dar allee, adiga tahayee, armey dar allee adiga tahayee, tahayee

=Dooddiyo kulankii barashada, deex iyo hadalkii macaanaa, Dawoy samirkiyo dulqaadkii, imaankiyo daacaddaadii, dubaaqeyga kaa jeclaystee.

=Nafteyda middii ay ku degi lahayd…armay dar allee adiga tahayee…..

W/Diyaariyey: C/raxmaan Cumar Madoobe(Dalmar)

MURTIDA WARGEYSKA

Gabdhaha barbaarka ah ee soo hanaqaadaya (+) Duulduul ku dhaca marka ay 15-20 jir soo gaaraan (X) Reerkooda ama reeraha ay la joogaan oo dahab & lacag ay ka xadaan (-) Tahriib & safar dhinaca Boosaaso ah oo ay u kicitimaan (÷) reerkooda oo ka welwela hantida & gabdhahoodaas ka maqan = Anshax xumo & dhaqan doorsoon ku yimid dhalinta Madfaca & dagaalada ku soo hanaqaaday & il-naxariiseed oo ay ka arkaan waalidkood (Gabdhaha marka ay qaangaaraan guur haloogu dadaalo, haddii kale ceeb & fadeexo halaga sugo).

By: Maxamed Xuseen Yuusuf (Xaaji Tahriib)

MASRAXA AAYAHA NOLOSHA

“Maxaa u sabab ah in Lamaanayaal Jacayl Sanado badan soo jilaayay, marka ay is guursadaan kadib inay si sahal ah isku furaan?” Xaqiiqdu waxa ay tahay in Lamaanayaashu marka ay ku guda jiraan xilliga haasaawaha iyo u gogol xaaridda guurka uu mid waliba midka kale ku sameeyo soo jiidasho uu ku doonayo sidii uu ku hannan lahaa qalbiga qofkaas. Muddada faraha badan ee sanadaha ah ee Jacaylka ay isla jilayaan Labada ruux (Wiilka & Gabadha) ma aha kuwo si sax ah u dhamaystiran oo micnuhu waxa weeye sanadahaas oo dhan isma ay arkayaan isku darkooda bilo ayay iska arkayaan oo maalin waliba islama joogaan, saacadaha kooban ee ay is arkaana mid waliba kan kale ereyo soo jiidasho leh oo ha dhicin ha jabin, maxaa kuu macaan, maxaa kuu qaraar ayay isweydaarsanayaan, iyagoo isu faraxsan oo isku qanacsan ayayna saacadahaas kooban ee ay isla joogeen kala tagayaan, xitaa haddii ay is khilaafaan si sahal ayay ku xalinayaan khilaafkooda. Calaa kuli-xaal si kastoo ay tahayba marka ay is guursadaan oo guri isugu yimaadaan dhabtii ayaa imaanaysa, qof waliba wixii u duugnaa ayaa soo ifbaxaya, khilaafaadka yaryar ee soo marana si sahal ah uma xalin karaan oo way kala caroonayaan markaasaa shaqsiyaad & shaqi soo dhex gelayaa, dooddii baa sii badanaysa kadibna sidaa lagu kala tagayaa. Sababo kale way jiraan sida dhaqaalaha, jinziga, dabeecadda, aqoonta diinta & midda maadiga oo aan isku heer laga ahayn & arrimo kale, marka waxa loo baahan yahay in xilliga haasaawaha sal adag loo yeelo dhammaan arrimahaas. Dhammaad.

ABWAAN XASAN JACAYL:- “waxaa jira 7-Jacayl” Qiimaha Jacaylka ma aha wax qoraal Saxaafadeed & Suugaan Abwaaneed kaliya lagu soo koobi karo, waxaana jira qeybo badan oo Jacayl oo mid waliba qiimeyntiisa gaarka ah leh, aniga ka abwaan ahaana waxaan ku soo koobay oo aan qirsanahay inuu jiro ilaa & 7-Jacayl kuwaas oo kala ah:-

1. Jacayl dhab ah:- “Waa Jacaylka aayatiinkiisu noqdo guur iyo mustaqbal dhab ah oo ay lamaanayaasha isla jila wadaagaan, Rabbina ku guuleeyo”.

2. Jacayl gaaban:- “Waa Jacayl ku abuurma kulan saacado kooban qaata, damaciisuna yahay mid shahwadeed, balse marka uu suuragal noqon waayo damacaas uu jiitamo ilaa damacii qofku lahaa uu gaaro, kuna dhammaada marka damacaas uu hanto qofkii”.

3. Jacayl danaysi:- “Waa jacayl ku xiran dan, noocii ay doonto dantu ha ahaatee sida dan dhaqaalo & wax u dhigma”.

4. Jacayl Xushmo:- “Waa Jacaylka uu ku jeclaado qof xushmad & qadarin kaa mudan, adiguna aadan rabin qofkaas, haddana aadan ku gacan seyri karin, kadibna aad go’aansato inaad xushmo & tixgelin u muujiso kaasoo aakhirkii iskiis u quusta”.

5. Jacayl Socod wadaag:- “Waa jacaylka aad doonayso in qof dhigaada ah mar waliba kula wadaago socod, la joogis & sheeko oo aad iska jeceshahay inuu qofkaasi dhinacaada ahaado”.

6. Jacayl Guud:- “Waa Jacaylka waalidka, walaalka, ubadka, waxbarashada, hantida iwm. Jacayl Laab-la-kac ah:- “Waa Jacaylka Usbuuclaha ah ee xiisaha ku yimaada, waan ku arkay waa ku caashaqay weeye micnihiisu oo marba qofkii uu u arko inuu soo jiidasho leeyahay ayuu qofku iska jeclaanayaa, waana mid cosob la guur ah, kaasoo ah nooca ugu xun.


U DULQAADO

Magacaygu waa Yuusuf Abroone Axmed, waxaan deganahay Xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshid, aniga aan noqdo dhibanihii ugu horreeyay ee Boggan U DUL-QAADO lagu daah furo, laakiin AAYAHA NOLOSHA U DULQAADO ayuu iska leeyahay, ma dhibkan I heysta ayaa loo DULQAADAN KARAA, bal cabashadeyda dadow ila dareema:- Xilligii ciidamada UNOSOM dalka yimaadeen ayaan soo galay Muqdi-sho, anigoo ka soo qaxay magaalada Kismaayo waxan nasiib u yeeshay inaan ka mid noqdo shaqaalihii UNOSOM u shaqeynayay oo xerada Silliga Ameerikaanka ayaan ka howl bilaabay. Anigoo ay iigu jirto oo iska ladan, Qaadkana aan habeen seereynin ayay shaqadii Unosom inoo dhamaatay, Haweeney garoob ahayd oo Labo Ciyaal horey u soo dhashay oo aan Qaadka ka iibsan jiray ayaan is fahamnay oo guursaday, lacagtii aan Unosom ka helay sanadihii ugu horreeyay ayaan dabka saaranay, qaarkeedna iyadaa ganacsigii Qaadka ku kabatay, markaan wax beelay oo gebi cidlo ah aan soo istaagay, baagamuudadiina I dilootay ayaa waxay igu tiri “wax dhibaato ah malaha ubadka inoo hay, biil aniga ayaad iga taqaanaa, qayilaadaadana kuu saxayee”, farxad & reynreyn ayaan ka qaaday hadalkeedaas, Jacaylkeediina uu igu sii siyaaday. Waxay sidaa arrin inoo ahaato oo ilmaha aan si wanaagsan u kolkooliyo ayay Naagteydii igu soo giiratay waxayna igu cannaanatay ilmaha waad kala jeceshahay oo kuwa aan ninka kale u soo dhalay ma jeclid & hadalo kale oo nuxur aan lahayn, markaasay qaadkii iga jaratay, iyadoo I dhahaysa “waxaad tahay ma shaqeyste, mana ku biili karo oo waad iga feero weyn tahay ee wax isku fal & hadalo kale oo aanan wargeys ku soo qori karin” waan yaabay, ma buuqi karo oo waa lay biilaa, ma furi karo oo ubadka ayay ii korisaa, haddana haddii aan furo igu soo tuureysaa oo Hooyo, Aabo & Walaal ii hayo ma qabo, Kiro Guri xitaa iska-ma bixin karo haddii aan iyada iska furo oo Allaa xaalkeyga og. Anigoo dhibkaas qaba oo sidii ilmaha ay dhashay oo kale ii cannaanayso ayay haddana bilowday inay iska soo daahdo, habeen habeen iska soo dhaxdo, shaki ayaa I galay oo waan maseyray, (bal maxaa maseyrka igu keenay?) way iga raacday oo casho la’aan, sigaar la’aan & qaadkii aan marmar heli jiray ayaanba waayay, walaalaheed ayayna igu dacweysay oo gabadheena inoo fur ninkaadan shiidka ah ayaa la igu hayaa, anigana Jacayl ayaan u qabaa Xaaskeyga ee dadow tanoo kale yay heystaa oo dhibka noocan ah ila wadaaga, reera AAYA NOLOSHA qorowna ISKA DULQAADO ayayba na leeyihiine. Nagala soo xiriira dhalinta iibisa Wargeysyada oo qoraa-ladiina aad u soo dhiibi kartaan ama naga soo waca Telef-oonada kala ah 652256, 655788, ama aaladda Internetka E-mail:- aayahanolosha@hotmail.com & kan kale ee ah:- ambacaliin2004@yahoo.com.


Contact us at: aayaha_nolosha@hotmail.com