(Abwaan
Macow Ow Diinle waa lagu kari waayay inuu u soo rajuuco oo dib ugu laabto Xaaskiisii uu furay
ee dhibaatada badan uu ka tabanayay, inkastoo ay iyadu soo rujuucday haddana isagu mar walba
wuxuu gocanayay dhibtii & faqrinimadii dhinaca ubadka ka heysay, wuxuuna ku guuxay heesta
GEEL WAA GURAA oo uu uga jeeday ninku haddii uusan waxba dhalin wuu guraa, heestaas oo ay ku
luuqeeyaan FannaaniintaAweys Khamiis Cabdalla
Mabuuse & Sitey Maxamed Sheekh (Qosol wanaag)waxa
ay u dhigmaysaa sidatan:-
AWEYS:-Geel waa guraa, gol minaas galo gabiib waaye, gani
makuu kuu gooyee makuu gadmaayee, gaal & islaan idil waa ka gaarsadaan
SITEY:-
Gaasiroo la gariire oo la guuree, ma ii gudboonee, iila gaabagaabeey.
AWEYS:- Gacalka
waa gundhig & goaan la gaaree, ma gaasiree goortoodna waa la gaaraa.
SITEY:- Ha
daahinee geynuunka waa la guuraaye, gabagabee dib ii guurso ee I gaarjoog. Ii soo garaaw
galabtaan makaa goee.
AWEYS:-
Gacalka waa gundhig & goaan la gaaree, ma gaaxsamee goortoodna waa la gaaraa.
SITEY:- Gaasiroo
la gariire oo la guuree, ma ii gudboonee, iila gaabagaabeey.
Abwaan Macow Ow
Diinle Jacaylkiisii & guurkiisii dambe ayuu ku xasilay, Xaaskiisii hore ee ugu baaqeysay
inay dib u wada jilaan jacaylkana wuu quusiyey.
Haddaba Abwaan
Macow Ow Diinle Ruwaayadda FAL XAASID & FAQIIR WAX HELAY murtida Jiliinka & heesaha ku
jira ayuu idil ahaan ku muujiyey Jacaylkisii hore & kiisii dambe, waxa uuna weli gacanta
midig ku dhuuqsanayaa Jacaylkiisa Sahro Cali Ganey oo xiisaha kalgacal gaaxdiisa ay si wadajir
ah oo xiiso leh ay u wada dhamayaan.
Abwaanku wuxuu
inoo sheegay in Ruwaayado cusub & heeso ay keydka ugu jiraan oo u diyaarsan yihiin,
kuwaasoo bulshada uu u soo bandhigi doono waqtiga uu Rabbi idmo.Dhammaad
Waxaa
Diyaariyey:- Xaaji Tahriib & Caaqil Dalmar
JACAYLKII KADEEDNAA EE ABWAAN XASAN JACAYL
Markii Abwaan
Xasan Jacayl cadaadiskii cishqiga ku batay oo gacalisadiis Deeqo ay saluug caashaq la soo shir
tagtay, isaguna uu jacayl xad dhaaf ah u hayo balse waa Dumare aysan uga garaabayn oo hadalka
Saddexeeyaha ay u dheg raaricinayso ayuu inta uu is heyn waayay fakar guda galay waxaana
qalbigiisa ka soo maaxatay hees calaacal & guubaabo caashaq u badan oo uu ugu magac daray
TUFAAX, wuxuuna heestaas u gacan geliyey Fannaanka dada yar ee MAXAMED LAFOOLE, sidatan
ayayna u dhigmaysaa:-
Abwaanku dhabtii
ayuu taabtay, wuxuuna Gacalisadiisa ay qaraabada hoose yihiin u sheegay runta oo inuu jecel
yahay oo ka maarmin ku wargeliyey, wuxuuna ku Haddii aad wax tari lahayd, ama aad
ka tegi lahayd, adigay Talo ku joogtaa macnaha jacaylkeeda inuusan ka
maarmin ayuu tusaaleeyay, markaas ayay Deeqo soo dabacday oo gefkii uu ka tabanayay kaga soo
hoyatay, wixii xilligaas ka dambeeyayna dardar Cishqi bilowday.
Abwaan xasan
Jacayl wixii xilligaa ka dambeeyay waxoogaa wuu yara xasilay oo Jacayl dhab ah ayuu
dhadhamiyey, wuxuuna dhararayay muddada Labada Sano ah ee Waxbarashada Dugsiga sare ay ka
dhamaynayso oo ahayd xilligii ay ku ballameen aqalgalka maadaama meher aan cidna la ogeyn uu
ka dhexeeyo, qof waliba uu kan kale ka maarmi kareynin.
Laakiin Abwaanka
oo inta badan Ruwaayado & bandhig fanneedyo u qaadayay gobollada dalka ayaa isagoo safar
gobollada ugu baxay mar baabuurkii uu raacay uu la soo marayo meel u dhexeysa QARDHO &
GAROWE oo la yiraahdo XALIN waxaa maskaxdiisa ka soo maaxatay hees uu ugu magac daray KAALAY
XARIGA ILA QABO, heestaas oo uu Abwaanka oo isaga qudhiisa uu ku luuqeeyo ayaa waxay ku
bilaabanaysaa sidatan:-
Maalmo
kadib Maxamed Nasiib waxa uu galay arooskii uu in muddo ah ku taamayay, kaasoo si heer
sare ah loo agaasimay, muddo todobaad ahna damaashiidkiisa uu socday.
Ladan
kaalinteedii booyaasenimo ayay buuxisay, inkastoo qof weyn oo iska yara culus ay ahayd
haddana sidii gabar yar oo aad u firfircoon ayay u shaqeynaysay, howlkarnimo &
daacadnimo ayayna isku darsatay, laakiin iyadu inay booyaaso tahay kama aysan ahayne qof
Maxamed-Nasiib saacidaya oo u abaalgudaya ayay isla ahayd, taasaana kaliftay in ay dardar
& firfircoonaan ugu shaqeyso reerka cusub ee Maxamed-Nasiib.
Bilo ayaa u
buuxsamay arooskii Maxamed-Nasiib, Rabbina wuxuu qadaray in xaaskii Dr.Maxamed-Nasiib ay
walacdo, iyadoo walacaa ku jeclaatay Ladan oo ayba ka heshay sheekadeeda & la
joogisteeda, taana waxay sababtay in Ladan loo yeelo gabar kale oo howsha ka fududeysa
waqtigeedana waxay siisay la joogista & u sheekeynta Xaaska Ditoorka, iyadoo
qarashkeedii ay fadhi & nasasho ku qaadan jirtay.
Maalin Jimce ah
ayaa Ladan loo diray Suuqa si ay ugu soo adeegto xaaska Ditoorka oo waxyaabaha Dumarka
walaca u baahdaan rabootay, Ladan ayayna ku kalsooneyd oo u dirsatay, balse Suuqii ayay
Ladan ku aragtay haweeney la dhalatay Ninkii Miyiga ku qabi jiray Ladan ee ay dhibaatada
& kaxarka ku kala tageen, Ladan iyadu lama garan karin oo muuq Magaalo & isbedel
cosobsi ah ayay yeelataye iyadii ayaa garatay haweeneydii halkii ayayna isku Salaameen,
laakiin aragtideeda ma aysan mahdin oo waxay u sheegtay war dhiilo leh oo ahaa in beeshii
Carruurteeda ka soo jeedeen & beel kale oo degaan ahaan ay wada degaan ay duulaan
colaadeed isku soo qaadeen oo Carruurteedii wiilasheedii saddexda ahaa colaaddaasi
ku dhinteen, Aabahoodna lagu layahay geeri & nolol.
Ladan Odaygaas
la layahay kuleyl & qabow kuma qabane Carruurtii ay ifka ka dugsanaysay ayay si
sahal ku weysay, waxayna u shalaaysay maxaad u soo wadan weyday, maxaad sidaas &
sidaas u yeeli weysay iyo hadalo ganuunac ah oo badan oo aan waxba u tareynin.
Ladan
masiibadaas loo sheegay darteed waxyaabihii adeegga loogu diray way soo kala ilowday,
waxayna gurigii ku soo laabatay iyadoo wada alaabo qabyo ah, waxayna taa keentay inay isku
xumaadaan iyada & Xaaskii Maxamed nasiib oo aan iyadu waxba hubsan, iyadoo u geysatay
aflagaado (ileyn waa qof lagu weyn yahee), balse Ladan wax gef ah uma aysan geysan waxaase
soo kala dhex galay Ditoorka oo .
Waa socotaa.
W/Qoray:-C/raxman
Cumar Madoobe (Dalmar)
DIIHAAL
& DAREEN CAASHAQ
Qaybtii 29-aad
Anita
Hotel ayay ku degtay oo maalmo badan baadigoob ku heysay, mar dambe ayaa Baar ay isugu
tagaan dadka laajiga ku ah dalka Shiinaha loo tilmaamay, halkaasoo ay ka baratay wiil ay
isku Jinsi yihiin, kaas ayaana la baadigoobay George oo shaqo ku mashquul noqday, isla
markaana ay firaaqadiisu yar tahay.
Baadigoob
kadib Anita waxay ku guulaysatay inay hesho George, si aad ah ayuu u soo dhaweeyay, wuxuu
ka soo raray Hotelkii oo guri uu isaga dalkaas ka iibsaday dhawaanahaa ayuu dejiyey,
maalmo kadibna way wada aal galeen, iyagoo goaansaday inay Buug ka qoraan
taariikhdii Jacayl ee xannuunka badneyd ee Diihaalka & Dareen caashaqa huwan lahayd.
Anita
oo waalidkeed ay ku mashquuleen ayaa aabaheed oo aad u jeclaa soo baadigoobay, wuxuuna ugu
daba yimid dalka Shiinaha kadibna uu la kulmay iyadiyoo George Marwo ah, run ahaantii
inkastoo uusan jeclaysan dhacdadaa oo wiil uu horey uu u xumeeyay inuu Soddoh u noqdo ay
dhibeysay haddana gefkiisa wuu qaatay oo wuu u hoyday George, (Qalbiyaal is Jecel inaan
lakala weecin karin) ayuuna gawaaqsaday oo gareystay, wuxuuna ka codsaday George inuu
dalka Ingiriiska u soo guuro oo hantidiisa oo dhan uu ku wareejinayo, warshadihiisa &
shirkadaha uu leeyahayna oo dhan uu isaga Masuul uga dhigayo.
Arrintaas
George wuu u guuxay, wuxuuna ruqsad weydiistay Warshaddii u u shaqeynayay oo aad looga
jeclaa, inkastoo ruqsada laga diiday oo xitaa loo ballan qaaday in Mushaarka loo
kordhinayo haddana wuu ka cudurdaartay, kadibna laga ogolaaday.
George,
Anita & Odaygii oo wada socda ayaa yimid Cariga Ingiriiska, sidii loo ballanqaaday
George hantidii & warshedihii ayaa loo gacan geliyey oo isaga looga dambeeyay, wuxuuna
noqday hantiile, Hooyadiis & walaashiis oo weli dulinimada ku jiray ayuuna ka soo
saaray oo nolosha sare ee uu helay ku soo biiriyey, sanado kadibna Anita Aabaheed waa uu
geeriyooday hantidiina gacanta George ayay ku soo wareegtay.
Gabadha
Soomaalida ah ee lagu magacaabo Waris Diiriye ee ku soo caan baxday xayeysiinta dharka
gaar ahaan Jeemisyada kuna nool Gobolka Wales ee UK ayaa haatan isu rogtay Gabar qoraa ah.
Gabadhan
oo aan cadadyadii sanadihii hore qisadeeda idinkugu soo gudbinay ayaa waxay ka carartay
Nin Oday waayeel ah oo loo guuriyey, kadib markii ay tagtay UK waxay nasiib u heshay in
Sanadkii 1997 ay noqoto Ambasador qaas ah oo UN-ku u magacaabay inay soo afjaro Gudniinka
Fircoonida.
Wariyaheena
Aadan Axmed Aadan (Xeydar) oo qoraalkan ka soo xigtay Wargeyska TIME ee soo baxay bishan
15-keedii ayaa sidoo kale lagu sheegay in Weris Diiriye ay isu rogtay Qoraa isla
markaana ay qortay Buug lagu magacaabo DESERT FLOWER oo sanadkii 1998-dii ay qortay, kaas
oo ay kaga hadashay gudniinka fircooniga & dhibaatada uu bulshada Soomaaliyeed ku
hayo, waxaana laga daabacay 1.75 milyan oo nuqul, sidoo kale bishan ayay Wersi Diiriye
qortay buug kale oo lagu magacaabo DESERT DOWN waxaana laga daabacay cadad aad u fara
badan.
Waris
sidaan cadadyadeenii horey ku soo sheegnay waxa qaba nin madow oo Mareykan ah oo Miyuusiga
Jaaniska tuma, waxa ayna u heysaa wiil Shan sano jir ah oo ay ugu yeerto ILEYSKA NOLOSHA.
GABAR
5-SANO JIR AH OO LA KUFSADAY, KADIBNA CEEGO LAGU DILAY (NIN MISKIIN AH OO
Gabar
yar oo 5-sano jir ah oo lagu magacaabi jirey Maryan Maxamed C/llaahi, Hooyadeedna la
yiraahdo Xaawo Shariif ayaa la kufsaday, kadibna ceego lagu dilay.
Sida
uu inoo soo sheegay wariyaheen Aadan Axmed (Xaydar) Gabadhaa yar ayaa meydkeeda laga helay
guri burbursan oo ku yaala agagaarka Masjidka Nasrudiin ee ku dhow ex.Baar Caasho.
Gabadhaa
oo maalintii Khamiistii la waayay, meel kastana laga ba-
afiyey
ayaa Axaddii la soo dhaafay meydkeeda la helay, iyadoo maalintii Isniintiina nin masaakiin
ah oo loo maleeyay inuu Kufsigeeda ka dambeeyay lagu hor dilay guriga gabadhaas yar.
Wararku
waxay sheegayaan in ninkaas uusan ka dambeynin ku-fsiga & dilkaas, balse shaki laga
shakiyey oo kaliya lagu dilay.
NIN
ODAY AH OO QUUDIYA MUKULAALO & EEYO GAARAYA 300 (Wareysi aan la yeelanay Ninkaas)
Oday
lagu magacaabo Sheekh Cumar Ibraahim oo loo yaqaano (Cumar Mukulaal) oo ay dadiisu
tahay 68-sano ayaa quudiya, isla markaana xannaaneeya Mukulaalo, Eeyo & weliba
shimbirta loo yaqaano Dafada ee hawada duusha.
Sida
uu inoo soo sheegay wariyaheena Yuusuf Maxamuud Warsame (Bidaaye) oo u tagay Odaygan oo
sawirkiisu uu ka muuqdo bogga hore ee Wargeyska ayaa aroor walba u kalaha Suuqa beerta ee
degmada Waaberi oo hilbo u badan Sambabada uga soo iibiyaa.
Muddo
dhan 12-sano ayaan quudinayay Mukulaalahaa & Eeyaha, mana jiro Hayad igu
taakuleysa ayuu yiri Sheekh Cumar Mukulaal oo sheegay in tirada Mukulaalaha ee uu
quudiyo ay gaarayaan 250, Eeyuhuna ay kor u dhaafayaan ilaa 30, isla markaana u wehliyeen
Dafooyinka oo uu hilbo u tuurtuuro.
Sheekh
Cumar wuxuu qirtay in dadweynaha deriska la ah oo is-kood isu xilqaamay ayay mar mar
dhinaca dhaqaalaha ku taakuleeyaan, Qaar ka mid ah Milkiilayaasha xoolaha lagu qalo
Beerta Ansalooti ayaa igu caawiya hilibka Sambabada halka qaar kalena ay iga
iibiyaan ayuu yiri Sheekh Cumar oo ah nin Ubad lahayn, wuxuuna xusay inuu inta uu
nool yahay sii wadayo quudinta Xayawaanadaa.
Waxaa
layaab leh in Sh. Cumar mar walba ay u soo cararaan, iyagoo ka yaqaana dadka kale, bal ka
waran Xayawaan ayaa gartay qofka wax siiya ee Baniaadamka ka warama.
SIXIROW
NIN GANACSADE KULA TALIYEY INUU DILO DAD KU AG GANACSANAYAY
Nin
ganacsade ah oo lagu magacaabo Bashiir oo Dukaan ku leh agagaarka Korontada ee degmada
Madiina isla markaana Dukaankiisa ay ku dhow yihiin Labo Dukaan oo si aad ah wax looga
iibsado ayaa markii kiisa wax laga gadan waayay u tagay Nin ku shaqeysta aaladda Sixirka
waxa uuna soo faray inuu dilo Labada nin kadibna uu sidaas hanti badan ku helayo.
Ninkii
Dukaanlaha isagoo soo qaatay hadalkii sixirowga ayuu qori u soo qaatay labadii nin
oo lagu kala magacaabo Maxamed Qadar & Sh.Maxamed, wuxuuna u ge-ystay dhaawac,
kuwaasoo haatan ka soo cararay degaanka Madiina.
GABAR
WARGEYSKAN U SHEEGTAY INAY KA BADBAADAY KUFSI
Gabar
lagu magacaabo Deeqo Yuusuf oo la soo xiriirtay wariyaheena C/risaaq Jaamac Cilmi (Black
yare) ayaa waxay u sheegtay inay ka badbaaday shirqool kufsi oo uu ku samayn rabay wiil ay
xiriir lahaayeen.
Xilli
fiidnimo ahuu I balamiyey oo aan gurigiisa ugu tagay, laakiin wiilal kale oo uu la sii
balamay ayaa qolkii iska soo buuxiyey, markii ay I soo hujuumeen ayaan qeyliyey oo dadkii
deriska igu soo bexeen, albaabkiina soo jebiyeen ayay tiri Deeqo oo dum-arka uga
digeysa shirqoolka ragga.
WIIL
TOOREY KU DHAAWACAY GABAR UU XIRIIR LA LAHAA
Wiil
lagu magacaabo Abshir Amoore oo degan degmada Yaaqshid ayaa gabar uu xiriir la lahaa oo
ballantii uga baxday toorey u dhaawacay.
Sida
uu inoo soo sheegay wariyaheena Liibaan Maxamed Cabdi (Baastey) wiilkaas ayaa waxa gacanta
ku soo dhigay Odayaasha degaanka oo ku soo xiray saldhiga Yaaqshid.
Wararkii
ugu dambeeyayna waxa ay sheegayaan in shalay la soo daayay wiilkaa kadib markii Odayaasha
labada reer ay wada xaaleen.
Dhinaca
kale Wiil lagu magacaabo Xasan yare ayaa Walaashii Toorey ku dhaawacay kadib markii ay ka
diiday inay ka harto wiil uusan isaga la rabin, sidaana waxa inoo soo sheegay wariyaheena
Black yare.
Aayaha Nolosha
DOODDA
DHAKHAATIIRTA & DACWADA DADWEYNAHA
Qaybtii 9-aad
Waxaa
weli inoo socda Suaashii ahayd:- Dalkeena muddo 12-sano ah ayuu burbur,
fowdo & kala dambeyn laaan ku dhex jiray, taasina waxay sababtay in Maleeshiyo
aan cidna ka amar qaadan ay afduub, dil & dhibaatooyin kale ku sameeyaan dhakhaatiirta
sida dadka kaleba ay ugu sameeyaan, marka arrin noocaas oo kale ahi dhacdo oo qof dhakhtar
ah oo amar Ilaah uu ku dhacay ama la dilay ama la afduubtay waxaad samaysaan shaqo joojin
dhowr todobaad ah oo Isbitaaladiina albaabada ayaad u laabtaan, halkaas dhakhtar ee la
waxyeeleeyay dartiis ayaa laga yaabaa in malaayiin dad ahi oo bukaano dhakhaatiir u
baahnaa ay u waxyeeloobaan, iyadoo shaqo joojintiinaas aysan keeneynin in
Mooryaankii uu joojiyo caadadiisa afduub ama dil, marka fikrad taa ka bedelan ma keeni
weyseen, misana wixiinu waa Mindi Mindi ku taag oo Mooryaan fal uu geystay ayaad shacabka
taagta daran uga aaraysanaysaan:-
PROF.Dr.
CUSMAAN DUFLE Dhakhaatiirta waa firo-ku-tiri, waxaad ogtihiin in badi
dhakhaatiirtii ay wada haajireen, inta yar ee hartay ee ku mintiday inay ummadooda wax la
qeybsadaan oo juhdi badan u martay sidii ummadooda ay ula qeybsan lahaayeen dhibka xaq uma
laha oo ma mudna in afduub loo geysto ama la dilo, waan ognahay dhakhaatiir badan ayaa la
dilay, taana ma ahayn mid ay bulshada ka sugaayeen, iyagoo aduunyada meeshii ay doonaan ka
tegi kara goaansadeen inay bulshadooda la qeybsadaan dhibka waxay ka mudan yihiin
karaamo & xaqdhowr, marka taas inta aan ka leeyahay dhibka loo geysanayo
dhakhaatiirta. Tan kale dhib hadduu dhaco dhakhaatiirta waxay ku muujinayaan sida ay
uga xun yihiin & falka inuusan ku soo laaban ee ma aha bulshada in lagu ciqaabo shaqo
joojinta, marka waa in dhiidhin la sameeyaa oo ciddii wax ka qaban karta la dareensiiyo,
waana qabaa in bukaanada dhibaateysan aan la sii ciqaabin oo aan dhib loogu darin, shaqo
joojinta waxyaabo kale in lagu bedelana waan qabaa, bulshada iyaga ayaa laga rabaa inay
dadka waxmagaradka ah ee falalka afduubka & dilka samaynaya ku kacaan si furcaddi leh
oo xitaa dhakhaatiirta aan la sugin shaqo joojintooda
Dr.YUUSUF
KAAHIYE Anagu sideenaba dhakhaatiir haddaanu nahay bulshada ayaanu ka mid
nahay, Jaakad gaar ah oo xabbadda naga celinaysaa inaysan jirin waan ognahay, waxa dhibkaa
geysanayana inay ummaddeena yihiin waan ognahay, hase yeeshee wax waliba in mar la bilaabo
weeye, marka anaga dhibku na soo gaaro aan mudaaharaad ka samaynayo oo muddo 3-berri iwm
shaqo joojin samaynayo waxa weeye dersi aan rabno inay bulshada nala qaadato, dhakhtar
ayaa dhintay ma aha in laga caroodo, nin Soomaali ah ayaa la dilay oo xalay jidkaa
la soo dhigay haddii la yiraahdo waa in laga caroodo, 5-nin ayaa lagu dilay Waaberi oo
kale waa in laga caroodo, goormaa taas bulshadu garaadkeeda gaari doono weeye, si aan
middaas u iftiimino waxaan garanay in marka hore dhibka anaga soo gaara iyo doorka aan
bulshada ku leenahay in waxoogaa la taabto, marka xiga in bulshooyinka kale ay nagu
daydaan, anaga haddii nala soo handado Biniaadam wax dhibsanaya ayaanu nahay, anaga
qori qaadan meyno, bistoolad qaadan meyno, cidna wax ku dhufan meyno, arrinteenu waxa
weeye war ayaamo aan u tacsiyeyno qofkii dhibku naga soo gaaray oo wax aan u aruurino
reerkiisa, bulshaduna ha ogaato in loo baahan yahay dhakhtar kaliya ma ahane qof kasta oo
Soomaali ah oo dhinta inuu qiimo weyn inuu noogu fadhiyo, midda shaqo joojinta ah waxay ku
kooban tahay xarumaha bukaan eegtada oo waxaa la furaa Isbitaalada si loogu daweeyo
dhaawacyada & dadka amarjansigu ku yimaado, shaqo joojinteenuna ma aha deris
jiitaamaya oo inoo dhigan, mar ayaan bilownay mana aha mar walba oo wax inagu dhacaan
inaan shaqo joojin samayno, 19-dhakhtar oo horey inooga soo dhimatay indhaha ayaan ka
eegnay oo shaqo joojin ma aanan samayn jirin.
Dr.MAXAMED
XUSEEN(XAAJI BUUBE) Shaqo joojinta dhakhtaradu sameeyaan waa iska wacyigelin
bulshada lagu tusinayo inaan ka xunnahay waxyaabaha dhakhaatiirta lagula kacaayo ee ma aha
inaan bukaanka ku dhibaateynayno, midda aad leedihiin malaayiin dad ayaa dhibaato
caafimaad la soo dersaysaa marka shaqo joojin la sameeyo horta waxaa laga dardaarmaa marka
shaqo joojinta la samaynayo in isbitaalada qaar la furo oo ninkii xabbad ku soo dhacdo,
qofka dhiig baxaya & qof kasta oo dhibaateysan uu tegi karaa.
Dr.CALI
CUMAR:- Dhakhaatiirta oo kaliya ma aha oo aqoonyahanada oo dhan ayaa la afduubtaa oo
laga ganacsadaa, marka aan gadoodka dhakhaatiirta samaynayaan waxay ka fakaraan waxyaabo
badan, bukaanada amarjansiga gurigeyga ayay igu yimaadaan, telefoono ayay la ii soo diraa,
kuwa kalena Isbitaalada Keysanay, Sos & Al-xayaat kan madiino ayaa loo furaa oo iyagu
gadoodka kuma jiraan, sababta gadoodka loo samaynayana waxa weeye inaan bulshada oo
hurdeysa aan tusino oo dareensiino, anaga dibadaha shaqo kama waayin, laakiin dadkeena
ayaan wax u soo baranay una shaqaynaynaa, marka 23-sano ayaa dhakhtarku wax soo baranayay
marka hal dhakhtar meesha ka baxo 23-kale in dhakhtarku wax soo barto waaye.
Qormada Raadiyowga Codka
Mucaashaqiinta waxan Todobaad walba idinkugu soo bandhignaa Heesaha ka tarjumaya Jacaylka
ee sida aadka ah loo xiiseeyo & ulajeeddadii loo alifay.
Todobaadkan
waxaan akhristayaal idiin heynaa heesta uu ku luuqeeyo fannaanka CABDULLE YUUSUF
HANNUUNIYE ee JACAYLKEENAA KA WEYN, Heestaas waxaa alifay isla HANUUNIYE isaga
ayayna qisada ay xambaarsan tahay khuseysaa oo wuxuu u alifay una qaaday Xaaskiisa ay wada
nool yihiin oo lagu magacaabo SACIIDO kadib markii ay dhacday in dad dIra-diraalayaal ah
ay bilaabeen inay isku soofeeyaan Fannaanka & Xaaskiisa, inkastoo loo sheekeeyo
xumeeyay oo ay todobaad-todobaad ku xanaaqaysay Seygeeda haddana markii uu heestan u
qaaday way degtay oo xasishay, waxayna ogaatay in dadka wararka u keena ay doonayaan inay
kala geeyaan oo isku diraan.
Heestan oo qoysaska Soomaaliyeed waano & tusaale u ah,
Mucaashaqiintana aad u anfacaysa ayaa waxay u qormeysaa sidatan:-
=Haddaan wehelkeygiyey
xaqiiqdii kuu waramo, waxyeeliyo inaan xumaato, wadaagnoon kala colowno, Jacaylkeenaa ka
weyn.
=Dad baa jira waalanoo,
haddey wax is raba arkaan, u kala wariya xumaan, walaalaha kala dilee, jacaylkeenaa ka
weyn.
Guurka
oo Magaalada Muqdisho ku sii yaraanaya(+)
gabdhaha qaangaarka ah oo si aad ah u soo badanaya(X) Xujada dumarka ku hayaan ragga(-) Damaca danaysiga ah ee ragga qaar(÷)
kala shakinta ragga & dumarka oo dhufeys isugu jira=
Guur yarida waxaa ugu wacan shiidka dalka yaala oo maalinba maalinta ka dambeysa sii
siyaadaya & gabdhaha oo ragga ku xujeeya aroos wacan in loo dhigo oo Video laga duubo,
baabuur cadcad lagu gelbiyo arooskooda, alaab Jiif wareeg & guri cad la dejiyo &
ragga oo raadsada gabdhaha dibadda loo jiro si ay shiidka uga baxaan oo dhaadhac ay uga
heleen gabdhahaa walaalahooda dibadda ku maqan.
By: Maxamed Xuseen Yuusuf (Xaaji Tahriib)
MASRAXA AAYAHA NOLOSHA
Maxaa u sabab ah in
Lamaanayaal Jacayl Sanado badan soo jilaayay, marka ay is guursadaan kadib inay si sahal
ah isku furaan? Xaqiiqdu waxa ay tahay in Lamaanayaashu marka ay ku guda jiraan
xilliga haasaawaha iyo u gogol xaaridda guurka uu mid waliba midka kale ku sameeyo soo
jiidasho uu ku doonayo sidii uu ku hannan lahaa qalbiga qofkaas. Muddada faraha badan ee
sanadaha ah ee Jacaylka ay isla jilayaan Labada ruux (Wiilka & Gabadha) ma aha kuwo si
sax ah u dhamaystiran oo micnuhu waxa weeye sanadahaas oo dhan isma ay arkayaan isku
darkooda bilo ayay iska arkayaan oo maalin waliba islama joogaan, saacadaha kooban ee ay
is arkaana mid waliba kan kale ereyo soo jiidasho leh oo ha dhicin ha jabin, maxaa kuu
macaan, maxaa kuu qaraar ayay isweydaarsanayaan, iyagoo isu faraxsan oo isku qanacsan
ayayna saacadahaas kooban ee ay isla joogeen kala tagayaan, xitaa haddii ay is khilaafaan
si sahal ayay ku xalinayaan khilaafkooda. Calaa kuli-xaal si kastoo ay tahayba marka ay is
guursadaan oo guri isugu yimaadaan dhabtii ayaa imaanaysa, qof waliba wixii u duugnaa ayaa
soo ifbaxaya, khilaafaadka yaryar ee soo marana si sahal ah uma xalin karaan oo way kala
caroonayaan markaasaa shaqsiyaad & shaqi soo dhex gelayaa, dooddii baa sii badanaysa
kadibna sidaa lagu kala tagayaa. Sababo kale way jiraan sida dhaqaalaha, jinziga,
dabeecadda, aqoonta diinta & midda maadiga oo aan isku heer laga ahayn & arrimo
kale, marka waxa loo baahan yahay in xilliga haasaawaha sal adag loo yeelo dhammaan
arrimahaas. Dhammaad.
ABWAAN XASAN JACAYL:- waxaa jira 7-Jacayl Qiimaha Jacaylka ma
aha wax qoraal Saxaafadeed & Suugaan Abwaaneed kaliya lagu soo koobi karo, waxaana
jira qeybo badan oo Jacayl oo mid waliba qiimeyntiisa gaarka ah leh, aniga ka abwaan
ahaana waxaan ku soo koobay oo aan qirsanahay inuu jiro ilaa & 7-Jacayl kuwaas oo kala
ah:-
2. Jacayl gaaban:- Waa Jacayl ku abuurma kulan saacado kooban qaata,
damaciisuna yahay mid shahwadeed, balse marka uu suuragal noqon waayo damacaas uu jiitamo
ilaa damacii qofku lahaa uu gaaro, kuna dhammaada marka damacaas uu hanto qofkii.
3. Jacayl danaysi:- Waa jacayl ku xiran dan, noocii ay doonto dantu
ha ahaatee sida dan dhaqaalo & wax u dhigma.
4. Jacayl Xushmo:- Waa Jacaylka uu ku jeclaado qof xushmad &
qadarin kaa mudan, adiguna aadan rabin qofkaas, haddana aadan ku gacan seyri karin,
kadibna aad goaansato inaad xushmo & tixgelin u muujiso kaasoo aakhirkii iskiis
u quusta.
5. Jacayl Socod wadaag:- Waa jacaylka aad doonayso in qof dhigaada
ah mar waliba kula wadaago socod, la joogis & sheeko oo aad iska jeceshahay inuu
qofkaasi dhinacaada ahaado.
6. Jacayl Guud:- Waa Jacaylka waalidka, walaalka, ubadka,
waxbarashada, hantida iwm. Jacayl Laab-la-kac ah:- Waa Jacaylka Usbuuclaha ah ee
xiisaha ku yimaada, waan ku arkay waa ku caashaqay weeye micnihiisu oo marba qofkii uu u
arko inuu soo jiidasho leeyahay ayuu qofku iska jeclaanayaa, waana mid cosob la guur ah,
kaasoo ah nooca ugu xun.
U
DULQAADO
Maxaa loo dulqaataa ? dhibka
maalin kasta dhaca wax loo dulqaadan karo ma aha, waxaana u arkaa dhibaato aanay cidna u
maqnayn oo waxaa maamula dad waxmagarato ah oo bulshada inaysan xaaladaha argagaxa &
dhibaatada ka bixin u taagan sidaas waxaa yiri akhriste nala soo xiriiray oo lagu
magacaabo Sadiiq Axmed Abuukar.
Dhacdooyinka
maalin walba dhaca waa kuwo aan indhaha laga qarsan karin, mararka qaarna xaaladaha
iyo goobaha ay ka dhacaan marka aad la kulnato waxaaba suuragal ah inaad ku waalato ama
naxdin awgeed aad u dhimato, .
Dhacdadii
ugu naxdinta badnayd waxay dhacday Todobaadkii hore kadib markii gabar 5-jir ah la
kufsaday kadibna ceego lagu dilay.
Gabdho
badan oo la kufsaday ayaa maalin walba waxa ka soo hor baxa raggii kufsaday oo aysan waxba
ka qaadin karin, rag baa Walaashood lagu hor kufsaday haddana waxba ka qaban karin, mana
jiraan dad is xilqaamaya oo wax ka qabanaya arrintaas murugada leh looma dulqaadan karo,
haddana danta ayaa na bareysa inaan U DULQAADANO, balse waxaan akhristayaasha weydiinayaa
sidee baa loogu hortegi karaa kufsiga Muqdisho ku sii badanaya?.
AROOS QASAB
AH MALOO DULQAADAN KARAA?
Magacaygu
waa MAXAMUUD SH. ISXAAQ, dhawaan ayaa dalka Imaaraadka ka imid, Hooyadey ayaana iigu
baaqday inaan degdeg Muqdisho ku soo galo, waana ka yeelay oo imid, markiiba waxay ii
sheegtay inaan u diyaargaroobo guur gabar aanan aqoon u lahayn si kastoo aan iiga
dhaaf dhahayna way iga diiday oo igu qasabtay guurkeeda anigana gabar kale ayuu Jacayl
igala dhexeeyay.
Waa
dhibaato aan loo dulqaadan karin, waa dookh dirqi ah, isma fahmayno aniga & gabdhaas
si aan yeelana ma garanayo, guriga waan soo galaa waana ka baxaa, gabadhii aan xiriirka
lahayn ayaan marmar magaceeda ku wacaa gabadha la igu dirqiyey, markaasaan dhibaato kala
kulmaa.
Haddaba
dhibka I heysta ma jiraan dhalinyaro ila wadaagta, mise waan isaga dulqaatayoo samirka
ayaan kaashadaa?
Nagala soo xiriira
dhalinta iibisa Wargeysyada oo qoraaladiina aad u soo dhiibi kartaan ama naga soo waca
Telefoonada kala ah 652256, 655788, ama E-mail:- aayahanolosha@hotmail.com & kan kale ee ah:- ampacalin2004@yahoo.com.