aayaha_nolosha.jpg (32936 bytes)

Tifaftiraha wargeyska waa:- C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil  Dalmar)

Guddoomiyahana waa C/kariin Ibraahin Aadan (Ampacaline)

Telefoonada Wargeyska Muqdisho 652256, 655788           (Cadadka 290)

E-mail:- aayaha_nolosha@hotmail.com iyo ampacalin2004@yahoo.com ama dalmar2005@yahoo.com

     JACAYLKII KADEEDNAA EE ABWAAN XASAN JACAYL

hearts4.jpg (3553 bytes)Heestaa uu Baabuurka ku dhex sameeyay Abwaanku oo isaga qudhiisa uu ku luuqeeyo ayaa waxay ku bilaabanaysaa sidatan:-

=Xamar iyo Hargeysiyo, Xalin iyo Kismaayiyo, Xeebaha Berbera iyo, Xaafuun intaan tagay, Xaradheere soo maray.

=Hablo wada xariiroo, Xuural cayn la moodoo, Xamdi iyo Suleeqiyo, Xaali iyo Firdowsaa, Xodxodada ku kulanaa.

=Xubbigiyo nafteydiyo, adaan dookha kuu xulay, Nabsi lama xambaartee,   inta aan xayiga ahay, een xabaasha lay dhigin, kaalay xariga ila qabo.

=Xudur iyo Wajaaliyo,  Xiis iyo Badhaadhiyo, Ximan iyo Gadoon, iyo Beled-xaawo tegayoo, Xiintoyda soo maray.

=Hablo wada xariiroo, xuural ceyn la moodoo, Xabiiba iyo Rowda iyo, Xadiya iyo Faadumo, Xodxodada ku kulanaa.

=Xubbigiyo nafteydiyo, adaan dookha kuu xulay, Nabsi lama xambaartee,   inta aan xayiga ahay, een xabaasha lay dhigin, kaalay xariga ila qabo.

Abwaan Xasan Jacayl markii miraha heestaas qalbigiisa ka soo maaxdeen, wuxuu laxan ku saaray isla markaana kaga shanqariyey Magaalada Muqdisho, waxaana isla markiiba lagu xareeyay qolka Keydka Cajaladaha ee Raadiyow Muqdisho oo haatanba sida uu inoo sheegay laga heli karo.

Gacalisadiis Deeqo Sheekh Axmed ayuuna Cajaladdii heestaas u keenay oo iyana ku qanacsaday oo ku maqsuuday.

Jacaylkoodii ayaa sii laba lixaadsaday oo cirka isku shareeray, sirtii Caashaq ee u qarsoonayd Labadooda ayaa shaaca ka qaadantay oo iskeed u kashifantay (ileyn qof & Jacayl midna ma qarsoomi karee), arrintaasna waxay dhalisay in shaki dhinicii waalidka ah uu yimaado, balse iyagu way ku inkireen oo sidii ballantu ahayd ilamaa Deeqo Waxbarashadeeda ka idleysanayso waxay ku dadaaleen inta karaankooda ah inay qariyaan, balse awoodii qariska way ka tan badisay oo karka caashaq kuleylkiisa ayaa ceshoomi waayay.

Xasan Maxamed Maxamuud (Xasan Jacayl) oo ah abwaan fiiro dheer dhinaca Caashaqana ku dheereeya ayaa markii uu  dersay heerka Xubigiisa & culeyska ku soo wajahan waxa uu gacalisadiis kala tashaday in arrinta qaabka ay ku socoto wax laga bedelo, taasoo laga yaabo inay dhibaato & kala har u sababi karto, wuxuuna soo jeediyey in qariska iyo humaagga ay ka saaraan Cishqigooda oo ay shaaca ka qaadaan.

La soco Arbacada kale (Insha Allaah)

Cadadkii Hore..

Aayahay Nolosha 289

Aayahay Nolosha 288

Aayaha Nolosha 287

Aayaha Nolosha 286

Aayaha Nolosha 286



   
DHOOF CAASHAQ IYO DHAXAL JACAYL

Qaybtii 94-aad

hearts1.jpg (3556 bytes)Ladan wax gef ah uma aysan geysan Xaaska Dr.Maxamed-nasiib oo way u tureysay, maadaama uu qabo wiil ay u heyso tixgelin & qiimeyn gaar ah, iyada ayaana cay & buuq aan kala joogsi lahayn ku samaysay Ladan.

Iyadoo sidii buuqa u wado ayaa waxaa yimid Dr.Maxamed oo kala dhex galay, wuxuuna Ditoorku cannaantay Xaaskiisa oo si aad ah u bool-xoofteynaysay, hadalkiina ku aamusiyey, waxayna ku ganuunacaysay “aniga & naagtan guri mawada joogeyno, ama iyada ayaa sii joogeysa ama aniga iyo hadalo kale oo aan wanaagsanayn”.

Ditoorku wuxuu xaaskiisa weydiiyey sida wax u dheceen, waxayna u sheegtay in naagtan ay kibirtay oo wixii loo diro oo adeeg ah ay ka soo kala tagayso, lacagta adeegga loogu dhiibana ay sidey doonto ugu takrifasho, haatan adeeggii loo direyna ay ka soo kala tagtay.

Markii Maxamed Nasiib uu xaaskiisa ka dhagaystay waxa doodda & buuqa keenay ayuu ku soo jeestay Ladan oo iyadana uu weydiiyey eedeymaha lagu soo oogay waxa ka jira, waxayna tiri “Walaalow aniga muddo ayaan gurigan joogaa, xilli aad iskaabulo tahay & hadda oo 6-bilood ku dhawaad aad Xaas leedahay, waxaan malaynayaa weligay adigana isma aanan qaban, Hooyadaa xaawo Eedan isma qaban, Xaaskaagana maanta ka hor isma aanan qaban, eedeymaheedana waxba kama jiraan oo waa masabid………

Iyadoo hadalka intaas marinayso ayaa Xaaskii Dr. Maxamed Nasiib soo fara baxsatay iyadoo ku qeylinaysa “Naa ma anigaa ku masabidanaya tuugyahay, ma adaan lacagtii adeegga kugu dhiibay iyo wixii aan kuu dirsaday ka soo kala tegin”.

Celcelis labaad ayaa loo galay, buuqiina wuu sii xoogeystay, Ladan Ditoor Maxamed Nasiib ayaa ku yiri “Orod guriga Hooyadaa aad, galabta aniga ayaa halkaa kugu imaan doona oo xiisadda gabadhan aan qabo soo dejinayee” sidaas ayayna Ladan gurigii maxamed Nasiib ee buuqu ka taagnaa xilligaas ka soo huleeshay oo hoygii kirada ay ugu jireen iyada & Hooyadeed timid, waxayna Hooyadeed u sheegtay wixii dhacay & buuqa maanta ay la kulantay, sidoo kale waxay u sheegtay reerkii ay Carruurta u dhashay masiibada ku habsatay, arrintaas & murugadii ay ka soo qaadayna ay sababtay isku dhaca iyada & xaaska Ditoorka, waxayna Hooyadeed  ku qaboojisay “Haddiiba ay arrintu intaas tahay waa iska dhamaanaysaa” kadibna waxay guda galeen sheeko ku saabsan xaaladdii Miyiga & masiibada reerka ku habsatay, inay samirka kaashadaan ayayna arrintu ku soo biyo shubatay maadaama masiibo Rabbaani ah oo wax laga qaban karin ay tahay.….

Waa socotaa.

W/Qoray:-C/raxman Cumar Madoobe (Dalmar)

 

DIIHAAL & DAREEN CAASHAQ

Qaybtii 29-aad

 

Anita Hotel ayay ku degtay oo maalmo badan baadigoob ku heysay, mar dambe ayaa Baar ay isugu tagaan dadka laajiga ku ah dalka Shiinaha loo tilmaamay, halkaasoo ay ka baratay wiil ay isku Jinsi yihiin, kaas ayaana la baadigoobay George oo shaqo ku mashquul noqday, isla markaana ay firaaqadiisu yar tahay.

Baadigoob kadib Anita waxay ku guulaysatay inay hesho George, si aad ah ayuu u soo dhaweeyay, wuxuu ka soo raray Hotelkii oo guri uu isaga dalkaas ka iibsaday dhawaanahaa ayuu dejiyey, maalmo kadibna way wada aal galeen, iyagoo go’aansaday inay Buug ka qoraan taariikhdii Jacayl ee xannuunka badneyd ee Diihaalka & Dareen caashaqa huwan lahayd.

Anita oo waalidkeed ay ku mashquuleen ayaa aabaheed oo aad u jeclaa soo baadigoobay, wuxuuna ugu daba yimid dalka Shiinaha kadibna uu la kulmay iyadiyoo George Marwo ah, run ahaantii inkastoo uusan jeclaysan dhacdadaa oo wiil uu horey uu u xumeeyay inuu Soddoh u noqdo ay dhibeysay haddana gefkiisa wuu qaatay oo wuu u hoyday George, (Qalbiyaal is Jecel inaan lakala weecin karin) ayuuna gawaaqsaday oo gareystay, wuxuuna ka codsaday George inuu dalka Ingiriiska u soo guuro oo hantidiisa oo dhan uu ku wareejinayo, warshadihiisa & shirkadaha uu leeyahayna oo dhan uu isaga Mas’uul uga dhigayo.

Arrintaas George wuu u guuxay, wuxuuna ruqsad weydiistay Warshaddii u u shaqeynayay oo aad looga jeclaa, inkastoo ruqsada laga diiday oo xitaa loo ballan qaaday in Mushaarka loo kordhinayo haddana wuu ka cudurdaartay, kadibna laga ogolaaday.

George, Anita & Odaygii oo wada socda ayaa yimid Cariga Ingiriiska, sidii loo ballanqaaday George hantidii & warshedihii ayaa loo gacan geliyey oo isaga looga dambeeyay, wuxuuna noqday hantiile, Hooyadiis & walaashiis oo weli dulinimada ku jiray ayuuna ka soo saaray oo nolosha sare ee uu helay ku soo biiriyey, sanado kadibna Anita Aabaheed waa uu geeriyooday hantidiina gacanta George ayay ku soo wareegtay.         

DHAMMAAD

W/Qoray:- Maxamed C/raxmaan Maxamed (Caagane)

WARARKA AAYAHA NOLOSHA

GABAR DHALINYARO AH OO SIDAY U SEEXATAY SOO TOOSTAY IYADOO INDHO LA’

Gabar dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Faadumo Cabdi oo degan xaafadda Jungal ee Huriwaa ayaa arbacadii la soo dhaafay mar ay seexatay  hurdada ka soo toostay iyadoo indho la’aan ah.

Gabadhan oo la sheegay inay lahayd indho qurux badan ayaa gabar ka mid ah wariyeyaasha wargeyskan Aayaha Nolosha oo ku booqatay guriga ayaa waxay uga warantay sida ay wax u dheceen, waxayna u sheegtay in iyadoo bed qabta ay seexatay, balse ay soo toostay iyadoo indhaha aan waxba ka arkaynin “Waxaan u malaynayay inay indhaha isaga key dhegan yihiin markaasaan maraanmaray, laakiin ha sheegin, riyo ayaan u maleeyay oo mar kale ayaan maraanmarkii ku celiyey, waxaana ii xaqiiqowday oo aan yaqiinsaday in aan indho beelay” ayay tiri Faadumo Cabdi oo intaa ku dartay in dhakhtar indhaha loo geeyay balse uu u sheegay in indhaheeda aanu waxba ka qaban karin oo cillad Rabbaani ah ay tahay, sidaas ayayna ku quusatay gabadha.

Arrimaha noocan oo kale waa cibro qaadasho loo baahan yahay in Bani’aadamku ku cibro qaataan oo towbada & Alle ka cabsiga badiyaan. 

AROOSAD LA WAAYAY  HABEENKII LA AQAL GEYN LAHAA

Gabar aanan magaceeda helin oo deggan Suuq Bacaad ayaa xiligii galbinta aqal geynteeda oo ku beegnayd sabtigii la soo dhaafay dhuumatay.

Gabadhan oo uu aroosayay wiil lagu magacaabo C/llaahi Maxamed Siyaad ayaa sida uu inoo soo sheegay wariyaheena Xasan Cali Geesey (Al-qeys) waxay ku andacootay in ballanqaad dahab loogu iibinayo uu wiilkii guursanayay uu uga baxay, Baabuurtii lagu doonayna iyagoo faaruq ah ayayna iska kala tageen, laakiin habeenkii ku xigay ayaa la soo caro celiyey oo loo galbiyey gurigeeda.

HOOYO ILMO MUCJISO AH KU DHASHAY MUQDISHO

Maalintii Isniinta ee dorraad Xarunta Umulisada Umu-Caa’isha ee ku taala Xamarjadiid ayaa haweeney la yiraahdo Sacdiyo waxa ay ku dhashay ilmo qeybta kore xayawaan ka ah, qeybta hoosana gabar ka ahayd.

Sacdiyo Maxamed Iidle oo kal-kaaliso ka ah Xaruntaas ayaa wargeyska Aayaha Nolosha u sheegtay in ilmahaas ayaa lahaa dhego fiiq-fiiqan, geeso & indho buurbuuran, “wax lagu sifeeyana lama garanayo” ayay tiri Sacdiyo Maxamed Iidle.Haweeneydii dhashay ilmahaas mucjisada ah oo iyadoo uurkaa leh uu ninkeedu furay ayaa suuxday markii ay umushay ilmahaas.

NIN AROOSYADA CAAN KA AHAA OO TOOGASHO LAGU DILAY

Nin lagu magacaabo Cumar Addoon oo aroosyada ka dhaca xaafadaha Muqdisho, gaar ahaan degaanka Boondheere caan ka ah ayaa todobaadkii hore la dilay mar uu xaflad aroos ka soo dhigay wacdarro cayaareed.

Ninkan ayaa sida uu inoo soo sh-eegay wariyaheena Xasan Cali Geesey (Al-qeys) waxa dilay kooxo Isbaaroolay ah oo damaacisay inay ka furtaan kistii uu ka soo qaatay arooska.

CANUG SAACADO DHALANAA OO LA SOO TUURAY

Agagaaka Hotel Qudus ee ku yaala Xaafadda Baar Ubax ayaa Ar-bacadii la soo dhaafay la soo dhigay gabar yar oo saacado dhalanayd.

Sida ay inoo sheegtay haweeney lagu magacaabo Raxmo Cabdulle Xaayow oo gabadhaas soo qaadatay balse ay kala wareegtay Haweeney kale oo la yiraahdo Xaawo Cali waxay arkeen gabadha yar oo xundhurtu ka laadlaado, isla markaana ay bowdada Midig ka jabnayd.

Haweeneyda qaadatay ilmahaas yar ayaa heysatay gabar kale oo ay nuujinaysay.

QOYSAS 10-NEEYO SANO COL AHAA OO LAMAANAYAAL JACAYL WADAAG NOQDAY AY HESHIISIIYEEN

Labo  Qoys  oo  degan   degmada X/jajab oo muddo ku dhawaad 20-sano deris ahaa, isla markaana 14-sano ay colaadi u dhexeysay ayaa dhawaan waxaa heshiisiiyey gabar & wiil ay labadaa Qoys kala dhaleen oo jacayl isu qaaday.

Sida uu inoo soo sheegay wariyaheena Yuusuf Bidaaye labada Qoys oo ay aabayaal u kala yihiin Cumar Cabdi & Cali Aadan ayaa waxaa isku soo dhaweeyay Mahdi Cumar Cabdi & Ayaan Cali Aadan oo Jacayl isu qaaday, iyadoo Mahdi uu dhawaanahan ka yimid dibadda.

WIIL & GABAR IS MASAAFAYSTAY OO ISKU KHILAAFAY GOOBTII MEHRINTA

Wiil & gabar Masaafo u aaday degaanka Wanlaweyn ayaa markii ay tageen goobtii Mehrinta isku khilaafay qiimaha meherka gabadha, sidaana waxa ku fashilmay meherkii ay u bexeen oo iyagoo is khilaafsan ayuu mid waliba Bas goonidiis ugu soo raacay Muqdisho.

Gabadha oo lagu magacaabo Xalaawi Cumar ayaa wiilka Masaaf-aystay oo isna la yiraahdo Cabdi Daahir ku xujeysay inuu meher uga dhigo dhowr Garaam oo dah-ab ah, isaguna wuxuu sheegay in uusan awoodin sidaas ayayna ku kala boodeen.

Warkan oo aan ka helnay Wiil lagu magacaabo Xasan Maxamed Max-amuud oo gabadha xiriir kala dhe-xeeyay ayaa sheegay in wiilku uu gabadha ka baloogay isla mar-kaana uu been u sheegay, balse xaqii uu ka soo baxay.

GABAR 8-SANO KA MAQNAY REERKEEDA OO...

Gabar lagu magacaabo Samsam Daahir oo muddo 8-sano reerkee-da ka maqnayd ayaa sida uu inoo soo sheegay Wariyaheena Yuusuf Bidaaye maalintii Sabtiga ahayd u timid reerkooda oo degan Xamar Jajab.

Gabadhan ayaa sheegtay in wiil Jacayl kala dhexeeyay ay u masaafo ilaa Baydhabo ah, balse uu geeyay guri Abtigiis oo ku yaala halkaas, muddo labo bilood ku dhawaadna ay halkaas iska joogtay iyadoo uusan mehersan, balse mar ka shakisay inuu ku xadgudbi rabo ayay ka tagtay oo dhinaca Baardheere u baxday, halkaas ay ku maqnayd muddada 8-bilood ah.

Aayaha Nolosha

 

DOODDA DHAKHAATIIRTA & DACWADA DADWEYNAHA

Qaybtii 9-aad

Waxaa maalmahan dambe si aad ah u soo badanaya Dadka wax ku daweeya Dhirta, goobo badan oo dawo dhireedka lagu adeegsado ayaana furan, haddaba  arrintaas sida ay u arkaan Dhakhaatiirta ayaa waxaan kala xiriirnay Prof. Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle, Dr. Xasan Maxamed Cusmaan (X/Shiino), Dr. C/raxmaan C/llaahi Cabdi(Bilaal).

Ugu horeyn PROF.Dr. CUSMAAN DUFLE  ayaa yiri “Runtii waa dhibaato aad u weyn oo  walaac weyn oo weyn ayaanu ka qabnaa arrintaas, maxaa yeelay bulshada Soomaaliyeed oo si u dhibaataysan yacni ay caafimaaddarada xooggani heyso oo baahidu heyso, oo shaqo la’aani heyso, haddana haddii loogu sii daro dhibaato kale oo ah wax aan la hubin oo dhir & howl-ahaas ah waxaa qasab ah oo dhacaysa in qofkii  ay dhibaato weyn uga timaado, maxaa yeelay waa wax aan ku jirin Qaamuuska Caafimaadka ee daawada, marka daawadii haddeysan soo marin Laboratory caddeynaya waxtarkeeda, meeshii ay soo martay & dosage-keedii(Inta la qaadanayo) waa qasab in ay dhibaato ay keenayso.  Marka walaaca aan ka muujinayno waxaa waaye waxaan aragnay dad badan oo lagu soo daaweeyay Mudaawaadkaas dhaqanka ah, waxaan aragnay dad la soo siiyey dawo dhireedkaas oo dhiigga horey & gadaal ka keenay, marka dhibkii waxa uu ku dhacayaa bulshadii la rabay in la daweeyo ee dhibaatada ba’ani sii heysatay.  Marka waxan uga digeynaa dadka falalkaas ku kacaya inagoo weliba ka walaacsan howshooda in ay joojiyaan, bulshada ayaase loo baahan yahay inay ogaadaan waxyaabaha sidaas oo kale ah inaysan daawo ku heleynin in ay dhib u keento ma ahane oo ay aadaan dhakhaatiirta la hubo ee la yaqaano ee daawada dhabta ah qoreyso kuna reysanayaan bukaanada haddii Ilaahay la garab galo, taasaan rabnaa inaan ku boorino iskana daayaan waxa aan la aqoon ee la wal-walaaqayo, runtiina dhibaato daran u keenaya sida aan dhowrjeer aragnay(Wabillaahi Towfiiq).

Dr. XASAN SHIINO  “Dawadan dhirta runtii waa Daawo ay Soomaalidu Dabeecad u leedahay, kolay adduunka oo dhan way ka jirtaa isku daweynta dhirta  waxay kala tahay wax casriyeysan & wax aan casri-yeysan, midda casriyeysan waxay soo martaa Kimiko & laboratory oo waa la dersaa, iyadoo qoraal ah ayaa jirta sida dawooyinka warshadaysan oo kale  ayay qorsheysan tahay, midda haatan Soomaaliya laga isti-cmaalo ma aha wax casriyeysan oo Dad wadaado ah oo aan wax aqoon ah u lahayn ayaa ku shaqeysta daweynta  dhirta, marka haddii  laga  dhigaayo   mid casriyeysan wax dhibaato ah ma keenayso, weliba haddii la casriyeeyo oo sheybaar la marsiiyo oo  tijaabo la marsiiyo oo loo kala saaro sharoobo, kaniini & subosto waa wax aan ku faani karo. Daawada dhirta waa Maado gooni loo barto oo sanado badan ayay  qaadataa barashadeeda, hadde dalkeena wadaadada soo kacay ayaa iska sameeya iyagoo aan jaamacado & Kulliyado caafimaad u soo dhigan, waxooduna ma aha   wax habeysan oo dhibaato ayaa bulshada kaga imaanaysa.  Iyadoo ay sidaas tahay ayay haddana   dadka dhirta wax ku daweeya ay iyaguna ku doodayaan inay ka wanaagsan yihiin dhakhtarada, laakiin aniga waxaan dhihi ma wanaagsana isla weynida noocaas ah, waana inay la yimaadaan daliil cad, waa inay isu tagaan oo ay daraasaad ku sameeyaan, sidoo kale ay kala shaandheyn & tijaabo ay soo mariyaan, marka waxa ay wadaan Wadaadada dhirta ku shaqeysta waa quraafaad & hal bacaad lagu lisay.   Wixii dadka dhibaato u keenayana waa in laga ilaaliyo oo laga waantoobo, aniga dad badan ayaan arkay oo dhahaya dawadaas ayaan qaadanay oo waan ku sumownay, waana ka daweeyay, hadday wadaadadu arrintoodu tahay Muusaa bi-diin, Ciisaa bi-diin iyaga ayay u taalaa,  waxaa jirta Murti oranaysa “ninka kibirka badan & ninka xishooda wax ma bartaan” markay hadday ka xishoonayaan inay wax soo bartaan oo ay isla weyni ku jirto iyaga ayay u taalaa, waxaana leeyahay dadka yaan looga faa’ideysanin burburka & dhibaatada ay ku jiraan.

DR. C/RAXMAAN C/LLAAHI (BILAAL) “Dawada dhirta marna dhibaato ayay leedahay, marna faa’iido ayay leedahay, geed inta la iska soo gooyo la iskama cuni karo, waa in sheybaar la soo marsiiyaa oo la soo baaraa, marka in laga taxadaro ayaa loo baahan yahay.  Dhirta kaliya ma ahane waxyaabaha dhibaatada ku haya bulshada waxaa waaye dawo dhaqameedyada kale sida Gubniinka qofka Jirkiisa wax loo dhibayo oo la sii naafeynayo, isagoo wax yar oo dawo u baahnaana laga yaabo in difeeto kale la sii gaarsiiyo, marka dawada dhirta inkastoo aanan anigu sii dersin haddana dhibaatadeeda ayay leedahay, waxaana bulshada uga digayaa in ay ka waantoobaan dawadaas aan habaysanayn oo ay la xiriiraan dhakhaatiirta dawada la yaqaano ee tayeysan u qoreysa                            

Dhammaad

W/Diyaariyey:- Ismaaciil Xasan Ibraahim (Farxaan) & C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)




   

Codka  Mucaashaqiinta

hearts3.jpg (4316 bytes)Qormada Raadiyowga Codka Mucaashaqiinta waxan Todobaad walba idinkugu soo bandhignaa Heesaha ka tarjumaya Jacaylka ee sida aadka ah loo xiiseeyo & ulajeeddadii loo alifay.

Todobaadkan waxaan akhristayaal idiin heynaa heesta ay ku luuqeeyso Alle ha u naxariistee  fannaanaddii XALIIMO MUUSE MILAANO oo ahayd xaaskii Fannaanka Bashiir Ibraahim.

Heestan ayaa waxay khuseysaa Fannaanadda oo u qaaday Ninkeedii Bashiir kadib markii uu dalka ka tagay iyadoo uur lahayd, isla markaana uu si kedis ah iyadoo aan ogeyn uu u soo laabtay, balse uusan la xiriirin oo Muqdisho dhinac uu ka joogay, iyadoo markaa la sheegay inay Umul ahayd, markii ay maqashay ayay soo raadisay, Hoyga Fannaaniinta ee Fiyooraha ayaa loogu tilmaamay inuu ku jiro balse waa laga qariyey joogistiisa, walow ay humaagiisa aragtay haddana isagu wax kale kama uusan wadine waxooggaa jeeb xumo ayaa heysay oo wuxuu diidanaa isagoo fara maran oo muddo uu ka maqnaa iyadoo umul ah inuu u tago, uuna ku mashquulsanaa inuu wax u jaafjaafo, balse Xaliimo Muuse waxay ka shanqarisay Heestan oo sidoo kale ay haatan dibadda ku soo casriyeysay SAYNAB LABA-DHAGAX, waxayna heestu u dhigmaysaa sidatan:-

=Sow adigi maahayn, suuraddaan arkiyo, sowracan bedelan, een sahal ku helay, sow adigi ma aha.

=Surma-sada tawaan, seda kuula helay, midkan sidaa sedrigiyo qalbigu waxay ku uursamaadaan.

=Sow adigi maahayn, sawirkaan arkee, sol iyo abaar, siigada ku yaal, sow adigi ma aha.

=Surma-sada tawaan, seda kuula helay, midkan sidaa, sedrigiyo qalbigu waxay ku uursamaadaan.

=Sow adigi maahayn, sanad iyo indheer, kaan u silicsanaa, saakana indhuhu sii jaleecayaan, sow adigi maaha.

=Axdigeeni sow sidaad igu ogeyd, kuma sidin wadnaha, adaa iga samree, naftan kugu sasabi jirey, sideen iraahdaa.

W/Diyaariyey:C/raxmaan Cumar Madoobe(Dalmar)

 

MURTIDA WARGEYSKA

Dagaalada Soomaaliya oo marba marka ka dambeysa sii siyaadaya  (+)  Dilka, dhaawaca, qaxa & gaajada oo sii badanaya   (X) Siyaasiyiinta Soomaalida oo caqligoodu noqday maxaa iga galay wixii dhimanaya Xukun baan rabaaye  (-) Hubka & Rasaasta siyaasiyiintu keensanayaan  (÷) Qaxootiga Soomaalida oo adduunka laga karaahsaday = Soomaalida sidan Allaa u qoray, balse Caqli shaqeeya miyey weysan yihiin, may Shacabku kacaan oo siyaasiyiinta ku mudaaharaadaan iyadoon qabiilna qofna lagu taageereyn.

By: Maxamed Xuseen Yuusuf (Xaaji Tahriib)

 

NAFTA & SHEYDAANKA WAA KANSARKA QULUUBTA AADANAHA

Nafta iyo Sheydaanka waxa weeye  qatarta ugu weyn ee soo wajahda qofka Bini’aadamka, isla markaana seejisa adduunyadiisa & aakhiradiisa, nafta oo la adeecana waa khilaafka Alle qaalib ahaaye, nafta oo la khilaafaana waa adeecidda Allaah xumo oo dhan ka nasahan kor ahaaye & raali ahaanshihiisa.

Nafta waxa weeye midda qofka ku qalqaalisa  waxyaabaha xunxunka ah, lagamana nabadgalo sharteeda ilamaa uu Alle kaa badbaadiyo oo kaa nabadgeliyo mooyaane, waxayna Nafta insaanka u tahay mid ku biimeysa ficilada fawaaxishaadka ah, arrintaasna waxaa inoo xaqiijiyey Alle kor ahaaye oo Aayaadkiisa inoogu sheegay.

Hawada Nafta & Sheydaanka  Qaabiil ayay ku qalqaaliyeen inuu dilo walaalkiis Haabiil, wuxuuna Alle arrintaas uga hadlay suuratul Maa’ida.

Sidoo kale hawada Naftu waa tii ku salwisey Walaalihii Nabi Yuusuf inay ku sameeyaan qatar weyn oo ahayd in ay qaadeen oo ay Ceel ku rideen, iyagoo qorshadoodu ahaa inay qaarjiyaan, balse Alla SWT uu badbaadiyey.

Haddaba dadka ayaa waxay u qeybsamaan labo Kooxood, dad og naftooda xaqa ay ku leedahay kana sara mariya nafafyaalkooda waxyaabaha faaxishada uguna yeera naftooda wanaag & Dad dayaca naftooda oo aan awoodin inay ka soo haraan ama ka leexdaan waxa ay nafafyaalkooda u hoggaaminayso, taasina waa dulmi cad.

Mu’minku waa kii ku raali noqda inuu Allaah Rabbi yahay, Islaamkuna Diin yahay, Muxamedna Nabi & Rasuul yahay, Naftiisa wuu edbiyaa qofka Mu’minka ah, kumana hamiyo waxa ay naftiisa tabeyso, wuuna khilaafaa marka ay naftiisa amarto.

Buwsari(RC) waxa uu yiri “khilaafa nafta & sheydaanka oo midkoodna ha adeecina”, naftu waa sida Ilmaha oo kale oo sida nuugista Naaska ay ilmaha u jecel yihiin ayay iyana u jeceshahay in loo hoggaansamo.

SHEYDAANKA waxa uu Alle hortiisa ku ballan qaaday markii laga soo saaray Janada inuu luminayo bani’aadamka oo Sheydaanku kama uu seexdo baadiyeynta dadka aadanaha ah.

Xasan ayaa lagu yiri “Saciid Aabihiisow Sheydaanku  miyuu seexdaa” inta uu muusooday ayuu yiri “Waanu nasan lahayn haddii bal iskaba daaye wuxuu sabab u yahay waxyaabaha la isku khilaafo  irid kasta oo la xirana waa uu galaa”.

W/Diyaarisay:- Saciido Maxamuud Diirshe

 


U DULQAADO

Magaceygu waa Maxamed Aadan Cilmi {Matabaan} waxaan daganahay dagmada howl wadaag, gaar ahaan xaafada Baar Ubax, waxaan ahay dhibane Jaceyl, marka  waxaan doonayaa in aan ku bandhigo dhibka i haya Boggan U-DULQAADO ee Wargeyska Aayaha Nolosha uu fursadda inoo siiyey, laakiin waxaan layaabanahay soo saarayaasha wargeyska Aayaha Nolasha oo leh UDULQAADO ma  is weydiiyeen dhib kasta maloo dulqaadan karaa? Hadda aniga dhimbil dab ah oo madaxa la iga saaray oo kale ayay igala mid tahay dhibaatada Jacayl ee I haysata oo kolay anigu uma dulqaadan karo dhibkaan I haysta ee dad weynoow waxyar dareenkiina i amaahiaya si aad wax uga ogaataan dhibka I heysta.

         “Waxaan muddo 2-sano ah jaceyl la jilayay gabar aan aad iyo aad u jeclaa oo aan adduunka waxa yaala aanan siisaneyn waxaan noqonay dad is jecel oo daacad isku ah oo  ul iyo diirkeed isku noqday dadka qaarkiina waxay noogu yeeri jireen (Mataanaha).

Xataa waxaa maalin maalmaha ka mid ah Jaceylkeena ka faalooday idaacada Horn Afrik  laakiin maxaa ka dambeyay, iyadoo jacelkeenu sidaa yahay oo aad moodid ubax cuddoon oo fiidda kore ka holcaya baa mid sheydaan munaafaq ah oo beenlow ah qiimaha jaceylkana aan waxba ka aqoon oo Saddexeeye ah naga dhex shaqeeyay oo nakala haatiyay aniga iyo gacalisadeydii aan jeclaa iyo waliba dadkii sharafta iyo wanaagga aan isku baranay ee gabadha eheladeeda ahaa markey mucjisadaas naxdinta leh ila soo gudboonaatay baan waxaaan is ku dayay in aan buufiyo suntii uu sadexeeyuhu nagu asqeeyay laakiin dadaalkeygii oo dhan waxaa uu qarka u saaran yahay in uu noqdo hal bacaad la gelisay, waana luufluufayaa, marka dhibtaas ayaa I haysata dadweynaha waxan ka codsanayaa in ay ii soo duceyaan si uu Ilaahey iigu sahlo jaceylkeyga una cadaabo kuwa dadka isku dira beentana ka sheega.

W/D:- C/kariin Ibraahim Aadan (Ampacalin)

Nagala soo xiriira dhalinta iibisa Wargeysyada oo qoraaladiina aad u soo dhiibi kartaan ama naga soo waca Telefoonada kala ah 652256, 655788,   ama    E-mail:-  aayahanolosha@hotmail.com &  kan kale ee ah:- ampacalin2004@yahoo.com.


Contact us at: aayaha_nolosha@hotmail.com