E-mail:-
aayaha_nolosha@hotmail.com iyo ampacalin2004@yahoo.com ama dalmar2005@yahoo.com
JACAYLKII KADEEDNAA EE ABWAAN XASAN JACAYL
Qeybta 5aad
Abwaanku muddadii
jacaylkaas Kadeedka badan ee qariska labada sano ah uu ku jiray heeso badan ayuu ka sameeyay,
waxaana heesahaas ka mid ah heesta caanka ah ee uu ku luuqeeyo fannaanka C/qaadir Macalin
Jubba oo uu ku muujinayay Abwaanku sida weyn ee uu Jacaylka ugu hayo Deeqo Sheekh oo
Jacaylkeedu uu ku sii fiday, heerkii uu horey u taagnaana uu ka sii sara maray
isagoo kaga codsanayay inay uga hiiliso dhibta Caashaq ee heysata, ayna noqoto mid uu isku
halayn karo oo diradiraale & dadka warxumo tashiilka ah ee caqabadda ku ah ay ka
gaashaamanto, heestaasna waxay u qormeysaa sidatan:-.
=Waa howl
adduunyee ma ii hiilineysaa, qofba waa kalkiisee, ma ii hagar baxaysaa, waa halis nafteydu
hadma hadma goormaan helayaa.
Heestan qiirada
badan leh waxay kicisay dareenka dhabta ah ee ku beeran Deeqo Sheekh oo dhab ahaantii jawaab
cad ka bixisay uguna abaal guday inay Jacaylka uu u qabo Walaalkeed Abwaan Xasan Jacayl tiir
dhexaad aan liicin u noqoto oo ka run sheegto, waxayna ballan uga qaaday inay dhaxanta
caashaqa ka xigsan doonto oo dhankeeda wax ceeb ah uga imaanaynin.
Abwaan Xasan
Jacayl & Deeqo Sheekh waxay isla maaleen gaaxda Caashaqa oo ay si daacadnimo ah ku laba
liseen, ha dhicin, ha jebin erey xun kuuma quuro iyo hadalo kale oo macaan ayaana halheys u
ahaa, run ahaantiina labo isku qanacsan oo la isla dooray ayay ahaayeen.
Inkastoo
xaalkoodu sidaa ahaa haddana waxaa jiray dad badan oo aan Lamaanayaashaa Jacayl wadaaga ah
isla rabin oo ka dhex waday isku dir, fowdo, una kala dab qaadi jirey iyagoo u kala geynaya
hadalo huu haa & been abuur ah oo tashwiish ku furaya caashaqooda.
Haweenka
oo kaliya ma aha ee qof kasta oo baniaadam ah (Rag & Dumar, qof weyn & qof
dayarba) oo dunidan guudkeeda saaran wax buu jecel yahay, waxaasina wax kasta ayay
noqon karaan, iyadoo qof walba dooq & rabitaan gooni ah oo qalbigiisa ku mamani ay
jirto ayaa haddana waxaa jira waxyaabo rabitaankooda laga wada siman yahay sida
Caafimaadka, hantida, helitaanka ubad baari ah, cimri, magac, sharaf, heybad iyo waxyaabo
kale oo badan, iyadoo ay taasi jirto ayaa haddana waxaa jira rabitaan & jacayl gaar ah
oo qof waliba si gaar ah u rabo.
Haddaba
qormadeenan aan halkudhiga uga dhignay Dumarku maxay jecel yihiin? ayaa waxaan
u doorbidnay inaan ku lafa gurno rabitaanka gaarka ah ee Dumarka & waxa ay sida gaarka
u jecel yihiin, maadaama Dumarka lagu tiriyo dad jilicsan oo inta badan Jacaylka &
ragga u debecsan, inkastoo sanadahan dambe ay wax kasta is bedeleen oo dumarkii
jilicsanaanta & debeca lagu sheegayay ay ka soo dhex bexeen kuwo bahaloobay oo aan
diirnax & damqasho midna lahayn, haddana Dumarku waa uun Dumar oo kor iyo hoos waxay u
baahan yihiin in loo diirnaxo oo loo damqado, iyadoo loo eegayo Xikmadda oranaysa
Dumar waxaa laga abuuray Feer qaloocan oo haddii aad isku daydo inaad toosiso way
jabaysaa, haddii aad sideeda ku deysana waa uun qaloocnaantii marka waa uun sidaa ku
dhaaf oo u dhigmaysa (u diir nax oo u damqo una dulqaado).
Haddii
uu Alle idmo Todobaadka soo socda ayaanu qormooyinkaa ka hadlaya Dumarka & waxa ay
jecel yihiin idiin bilaabaynaa ee la socosho wanaagsan.
DHAMBAALO INTERNETKA LOO SOO MARIYEY WARGEYSKA
Dhambaalka labaad ee dhinaca Internetka
boggagiisa E-mailka naloo soo mariyey ayaa waxaanu ka helnay akhriste ku sugan Gobolka
Atlant ee dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Yaasiin Maxamed Xasan, wuxuuna Yaasiin
qormadiisa ku bilaabay:-
Dhamaan waa
salaaman tihiin shaqaalaha Wargeyska Aayaha Nolosha .aan ku bilaabo magaceyga waa
Yassin Maxamed Hassan, kuna nool qurbaha, lana socda Wargeeska Ayaha Nolosha si joogto ah,
waxaad leedihiin u dulqaado, maxaan u dulqaataa dhib weyn ayaa i heystee?.
waxaan ahay
nin xaas ah lehna 3 caruur kuna nool Atlanta, GA USA. 6-dii sano ee ugu danbeysay,
xaaskeyga oo aan isku soo aroosnay Africa oo aan isla nimid halkaan (Mareykanka) dhib weyn
ayaa iga heysta dhankeeda, haddii aan ka bilaawo dhaqaalaha, aniga kaliya ayaa u xamaala
qoyska, ma xuma aan xamaalee, mana xuma wixii aan hela haddii aan ku harsaneyno, kistii
aan soo shaqeeya waxaa ay u dirtaa mooriyaan dhaawac ah oo Somalia joogta oo qoyskeeda ah,
xoolaheyga xaggaas ayay ku dhamaadeen, ma diidi karo oo nimanka ay wax u direyso waa
xaaskeyga walaalaheed, haddii aan diido buuq iyo dhib ayaa imaanaya, dhanka kale aniga
& carruurtaba wax daryeel kuma heysano, waxaana intaa u sii dheer iyadoo aada gobolo
naga fog oo u aado aroosyo ka dhacaya oo ay mar mar maqnaaneeso 3 beri, ma quutul yoom
ayaan raadiyaa mise carruurta ayaan hayaa? Ileyn FAR KALIYA FOOL MA DHAQDEE, ma
waxaas ayaa loo dulqaadan karaa? ma canaanan kartid because waa dhul ay Naaguhu ku awood
badan yihiin, halka ay qeylo ku jawaabeyso markii aad wax u sheegto, mana joogno
dhulkeenii hooyo! ma waxaas ayaan u dulqaadan karnaa madaxiibaa na qarxi raba! adinkana u
dulqaata ayaad na leedihiin, inkastoo ay jirto waxyaabo fara badan oo aan halkaan ku soo
koobi karin oo aan u dulqaato. Inna-Laaha Maca Saabiriin!
Yassin M.
Hassan Atlanta, GA USA.
Fiiro
gaar:- Samirka & dulqaadku waa jid lagu gaaro wanaag & horumar, qofkii dhibka u
samrana Alle ayaa kheyr ugu abaalguda ha soo degdego kheyrkaa ama ha soo dib dhecee
(Naagina waa u samir ama ka samir) haddana Alle dartii haloo samro Waa fikradda
bahda wargeysku qabo, qormadana loo abuuray
DHOOF CAASHAQ IYO DHAXAL JACAYL
Qaybtii 96-aad
Maxamed
Nasiib waxa uu Ladan ku qasbay in ay uga sheekeyso dhacdada murugada leh ee qabsatay
waqtigey doontaba haku qaadatee, iyana warba kama aysan diidi karine way u bilowday,
laakiin waxay ka codsatay in uusan hadalka ka soo dhex gelin ilaa ay sheekada uga
dhamaysana uusan suaal weydiinin, isagana wuu ka aqbalay, waxayna ku bilowday.
Muqdisho
ayaan ku dhashay, kuna barbaaray, reerkeena ubad oo dhan aniga ayay iga dhaleen, aad
ayayna ii tixgelin jireen oo ii jeclaayeen, anigoo arday ah ayuu jacayl igu abuurmay,
jacaylkuna waa cajiibe wuxuu I tusiyay wiil reerkoodu qabri qode yahay, si kasta oo la igu
caayay & si kasta oo la igu diideyna inaan helo ayaan goaan ku gaaray, kadibna
meher qarsoodi ah ayaan la galay, aabahay Alle hadda ha u naxariistee qorshe uu ka lahaa
ma aanan garanayn oo wiilkii ayuu iga fogeeyay oo Jaamacad Jarmalka ku taala u diray,
wixii xilligaas ka dambeeyayna waan is weynay oo markii uu Ayraboorka ka dhoofayay ayaa
iigu dambeysay, waxaana iga soo gaarayay dhambaalo naxdin leh oo inuu igu meel gaarayay ii
muujinayay, balse ma rumeysan oo riyo ayay ila ahaayeen.
Maxamadow,
Meherkii qarsoodiga ahaa habeen aan Hotel ku soo dhuumanay oo aan baashaalnay ayaa uur igu
biday, laakiin ubadkii CAASHAQAA IGA DHOOFAY DHAXALKIISA AAN U HELAY dhaayahayga ma aan
saarin oo Hooyadey & Aabahayba waxay ii sheegeen inuu iga saqiiray oo ay duugeen intii
aan Koomaha foosha ku jiray, laakiin waxaa shaki iga geliyey kadib markii aan waayay
gabadhii booyaasada inoo ahayd oo aan is iri armaa iyada la siiyey canugaagii,
markaan weydiiyey Hooyadeyna waxay ii sheegtay in Suuqa loo direy oo ay dib u soo laaban
weysay, inay iska tagtay ayaana la igu fasiray.
Maxamadow
yaanan war kugu daalinine, iyadoo xaal sidaa yahay ayaa Aabahay oo madaxda shirkadda
Caymiska ka mid ahaa xisaabi xil maleh ku soo baxday oo guryaheenii ay dowladdu nagala
wareegtay, kadibna aabahay naxdin & dhiig-kar u dhintay. Hooyadey &
Alle ha u naxariistee Aabahay oo deriska & dadka kale iskala weynaan jiray oo aan is
rogroga Adduunyada weligood ku xisaabtamin waxaa dhacday in geeridii Aabahay kadib aan
waynay cid inoo arxanta, maadaama hantideenii dowladdu xaalufisay. Hooyadeed
reeraheeda oo baadiye ku noolaa ayaan maciin bidnay, laakiin iyaga xitaa abaal inooma
heynin oo Hooyadey ma aysan xiriirin jirine si jeesjees ah ayay inoo qaabileen.
kadib
baadiyii ayaa Hooyaday lagu guursaday, muddo kadib aniga nin I soo doontay la I siiyey
kaasoo I silic dilay, waxaan u dhalay 4-carruur ah, Hooyadey Odaygeedii wuu ka dhintay,
kadib Hooyadey xanuunka aad adigha ka daweysay ee aan Xamar u keenay dartii ayaan
aniga & ninkeygii isku qabanay sidaasna igu furay .
Waa socotaa.
W/Qoray:-C/raxman
Cumar Madoobe (Dalmar)
Maxaad ka ogtahay oo macluumaad ah dhambaalada Jacayl ee
waaray?!!
Qaybtii 1-aad
Anjelia Batfa waa gabar
fannaanad Talyaani ah waxa ay jacayl u qaaday wiil dhalinyaro ah oo aad u qurux
badnaa kana dhashay dabaqadda la xormeeyo ee dalka Talyaaniga. Hase ahaatee waxaa
jacaylkeeda soo wajahay dhibaato kaga timid xagga wiilkaas ay jeclaatay kadib
markii uu shardi uga dhigay guurkeeda inuu ku xiran yahay iyadoo fanka ka harta.
Inkastoo Anjelia Batfa fanku
nolosheeda barkeed ahaa, Jacaylkuna qeyb kale oo nolosheeda ku soo kordhay yahay ayaa
xaalkeedu (labo daran mid dooro) uu noqday, durbadiina awoodda Jacaylka ayaa jiitay oo ku
qasbay inay fanka isaga harto si ay u hanato wiilkaas ay jeclaatay, kaasoo muddo kadib ay
guursatay.
Anjelia oo magaca &
maamuuska ay ku lahayd fanka oo lumisay, taageerayaasheedii faraha badnaa ee marka
ay maqlaan codkeeda dananaya sacab & shucuur qiiro leh la sara kici jiray, balse
Jacayl ayay waxaas oo idil ka dooratay.
Laakiin Jacaylkaas kuma aysan
najixin oo markii aqalgalkeedu 6-bilood ay ka soo wareegatay ayaa waxay dareentay in uu
saaxibkeedii ay dooratay uu ka xiiso dhacay, xaggiisana waxaa ka soo galay dabayl bus
& habaas wadata, taasoo ku noqotay naxdintii labaad ee ugu baaxadda weynaa ee ay
la kulanto tan & nolosheeda.
Anjelia fakar dheer ayay
guda gashay, dhaxalkii fakarkaasina waxa uu u sahalay in ay dib isu soo abaabusho oo
fankii & masrixii ay magaca & maamuuska ku lahayd ku soo rogaal celiso, iyadoo
dhinac isaga leexisay Jacaylkii ku dhisnaa caburinta & xujada.
Isla qacdii ay Anjelia ku
laabatay fanka waxay dib u kasbatay taageerayaasheedii horre & kuwo cusub oo u heelan
codkeeda dananaya.
Haddaba markii Anjelia ay
hubsatay in heerkeedii horre & mid ka sii wanaagsanba ay ka joogto fanka fankii uu ka
soo dhex saaray Jacaylkii ku ballan furay ayaa waxay u qortay dhambaal ay ugu magac
dartay Dugaagyahow Qurxoon
Erey ahaan micnihiisu waxa uu
noqonayaa waxaad tahay dugaag la siiyey suuradda Biniaadaka oo qurux loo sii
raaciyey, balse ma aadanad tixgelin ruux kalgacayl awgiis uga tagay magac &
maamuus wuxuu lahaa, waad ila qurxooneyd oo I cajabisay markii aan ku gaclooday, balse
qiimaha jacaylka waad ila fahmi weysay.
Ereyadii dhambaalkaas Anjelia
ay u qortay wiilkaas waxa ka mid ahaa.
DEGAAN KA TIRSAN DEGAANADA SOOMAALIYA OO RAGGA AYSAN GUURSAN
KARIN LABO NAAG
Wariye
ka tirsan wargeyskan oo booqasho ku tagay degaanka Ceel-barde ayaa waxa uu ku soo arkay
arrin layaab leh oo ay kaga duwan yihiin degaanada kale ee Soomaaliya.
Ragga
degan degaankaas ayaan awoodin guursiga laba naagood. Iyadoo ay taas ugu wacan
tahay doonista dumarka oo qaali ka ah degaankaas & dumarka oo aad u maseyr badan isla
markaasna ge-ysta dhibaatooyin aan laga soo waaqsan karin.
Sidoo
kale wariyaheena wuxuu degaankaas ku arkay gabdho da ah oo xilligii guursiga
dhaafay, iya-doo ay taana ugu wacan tahay in wiilkii gabar doonta laga qaadayo lacag iyo
xoolo aad u tira badan oo uusan awoodi karin, sidaasna ay wiilkii & gabadhii
ayagoo is ra-ba isku seegaan iyadoo markaa ninkii hal naag si dhib leh ku guur-sada uusan
naag kale haweysan karin.
Dabeecaddan
oo ah dabeecad u gooni ah dadka ceel-barde ayaanay jirin degaano la mid ah, iyadoo dumarka
& ragga degaankaas de-gan intooda badan marka ay qaa-ngaaraan magaalooyin kale
soo aada si ay guur uga helaan.
AROOS
LALA FAJACAY OO KA DHACAY MAGAALADA WAJEER EE DALKA KENYA
Bishii
tagtay 20-keedii ayaa aroos la yaab leh oo lala fajacay waxa uu ka dhacay magaalada Wajeer
ee dalka kenya kadib markii ay halkaa isku arooseen Haweeney 69-sano jir ah iyo wiil jira
27 sano.
wiilkaa
ayaa sida ay inoo soo she-egtay Saxafiyadda Roda Jaamac Rooble oo dalka Kenya inooga soo
waranta waxa uu dugsi Quraan ku hayey Guri Labo Biyaano ahaa oo ay laheyd
haweeneydaas 69-sano jirka ah.
GABAR JEEBSIIB & XATOOYO KU SAMEYSAY WIIL AY ISKU BARTEEN
Gabar
lagu magacaabo Ayaan ayaa la sheegay wiil ay isku bar-teen Telefoon oo muddo bilo ah ay
qadka isgaarsiinta ugu wada sheekeysanayeen ayay ku balam-isay hoygeeda oo ku yaala
Xaafadda Kaasobobolaare ee degmada Hodan, markii uu u yimid oo muddo uu la joogay ayaa
wiilku u baahday musqul kadibna inta shaarkiisii iska bixiyey oo Funnaanad uu hoosta ka
watay isku reebay Musqushii galay, kadibna intii uu musqusha ku jiray ayay jeebkiisii kala
baxday qarash ugu jiray boorsada jeebabka lagu rito.
Sida
ay inoo sheegtay gabar la dhalatay wiilka jeeb-siibka lagu sameeyay oo degan degmada
Madiina ayaa markii uu wiilku ka soo tagay gabadhii uu waayay wax uu Baskii isaga
bixiyo, waxaana ku dhegay Kirishboygii balse meeshii uu uga degay Dukaan ku dhawaa ayuu
lacagtii bas raaca ka soo deynsaday.
Warku
wuxuu sheegayaa in Wiilka markii uu gurigiisa yimid uu wacay gabadhii oo uu weydiiyey
sababta ay falkaa ku samaysay, balse way ku inkirtay.
WADAAD
MUADIM AHAA OO LOO HANJABAY KADIB MARKII LA DHIBSADAY AADAANKIISA ..
Nin
sheekh ah oo lagu magacaabo Sh.C/llaahi Axmed oo Mowlac ku yaala degmada Waaberi Salaadaha
ka adima isla markaana marka uu adimo kadib Saliga Nabiga qaada ayaa dablay hubaysani
weerar ku soo qaadeen gurigiisa.
Sida
uu inoo soo sheegay wariyaheena Yuusuf Bidaaye dableydii ayaa markii ay guriga ninkaas
tageen soo waayeen, waxayna reerkiisa u sheegeen in uu ka daayo Saliga Nabiga xilliga
Subixii oo ay ka hurdi waayeen qeyladiisa.
Ninkaas
ayaa markii la gaarsiiyey fariintaas u hoggaansamay oo salaad kasta oo uu adimayo haatan
Saliga Nabiga ka daayay.
ARDAY
XAALAD MURUGO LEH AY LA SOO DERISTAY
Dalka
Zimbabwe ayaa labo ka mid ah Ardayda dhigata dugsiyada hoose ee dalkaas gaajo darteed u
cuneen Xaar Loaad kadibna ay ku xanuunsadeen.
Sida
uu sheegay Mowliid Aadan Warfaa oo ka mid ah shaqaalaha Hayadda WFP oo halkaas
booqday isagoo u waramayay Idaacadda BBC-da mar uu ku soo laabtay Nayroobi ayaa xaaladda
gaajo ee dalka Zimbabwe ka jirta deyro weyn ka muujiyey, isagoo sheegay in xaaladdu ka sii
dareyso.
NIN
RIYADIISA DHIBAATO AY DHIBAATO U KEENTAY
Nin
magaciisa lagu sheegay Shariif Taabit Cali oo degan degmada Xamar-weyne ayaa dadka
degaankaasi ku barteen caado xun isagoo dadka u sheega inuu ku riyoodo dhibaato dalka ku
soo fool leh & arrimo kale oo naxdin leh.
Ninkaas
ayaa sida uu inoo sheegay Fannaan C/llaahi M.Abuukar (Ilka-case) maalmihii dambe wuxuu
bilaabay inuu dadka ku yiraahdo canugaadoo dhintay ayaan ku riyooday, canugaadii la
afduubtay ayaan ku riyooday, hantidaadoo baabaday ayaan ku riyooday iyo hadalo kale
oo la mid ah.
Ninkaas
oo caadadaas caan ku noqday, isla markaasna lacago ku qaadan jiray si la isaga aamusiiyo
ayaa todobaadkii tagay maleeshiyo ku qayilaysay baar ku yaala X/weyne u tagay kuwaasoo uu
bar garanayay ayuu ku yiri Adinkoo weerar la idinku soo qaaday oo la idiin
baabiiyey ayaan xalay ku riyooday markaasaa mid ka mid ah inta ka xanaaqay
hadalkaas uu rasaas lugaha uga jejebiyey, iyadoo riyadiisa ay dhibaatadaas u soo jiitay.
NIN
XAASKIISA TOOGASHO KU DILAY
Nin
magaciisa lagu sheegay Yuusuf ayaa Arbacadii la soo dhaafay toogtay Xaaskiisa Xaliimo
Xasan.
Dhacdadan
oo ka dhacday degaanka Yaaqshid ayaa wariyaheena Xasan Cali Geesey (Al-qeys) waxa uu inoo
soo sheegay in ninkaas uu Naagtiisa uga maseyray niman kale, sidaana uu ku toogtay
naagtiisa oo u dhimatay dhaawicii soo gaaray.
NIN
35-JIR AH OO TAN & SIDII UU U DHASHAY AAN HADLIN
Nin
lagu magacaabo NOAH oo 35-sano jir ah u dhashay dalka Mareykanka ayaan hadlin tan
& markii uu dhashay.
Ninkan
oo curyaan ah balse u muuqda nin caadi ah oo aan naafo ahayn ayaan hadli karin, lebisan
karin, musqul geli karin, wuxuuna qabaa cudurka loo yaqaano Autism oo ah cudur
ku dhaca maskaxda carruurta marka ay yaryar yihiin kaasoo naafeeya xubnaha dareenka,
waxaana Noah cune u ah khudradda, doolshaha & cunada fudud.
MAXAAD KA OGTAHAY
OO MACLUUMAAD AH DHAMBAALADA JACAYL EE WAARAY?!!
Sida aanu ognahay marka wax
kasta oo dhaca laga hadlayo waxa ay leeyihiin raadraac & hoggaan lagu tilmaansado,
Tusaale haddii aan u soo qaadanao arrimaha Jacaylka & Kalgacaylka nadiifka ah
waxaa jira shaqsiyaad loo yaqaan raaca hore ee dhinaca Jacaylka iyo inay calanka u sidaan
xubiga sida Qays & Leyla, Cantar & Cablah, Jamiilo & Busneey, iyadoo
dhinaca dalkeenana ay horyaalka mucaa-shaqiinta ee la xuso ay ka mid yihiin Cilmi &
Hodan oo reer Berbera ahaa oo qisadooda buugaag laga qoray, heeso, gabayo &
halheysyana laga sameeyay, Muli & Xuseen oo reer Seylac ah kuwaasoo loo qaaday heesta
JAALALEY miraheedana ay ka mid yihiin Axdigii uu Xuseen jilay Muliyana ha jebin
tiri, iil inay isu jiifaan, muxuu jaahil ka og yahay.
Nuxurka Qormadeena oo aan ku faaqideyno dhambaaladii Jacayl
ee ay isu direen laba is jecel ama midkood midka kale u diray ayaa waxan ka xuseynaa
dhambaaladii ugu ta-yada sareeyay oo iyagu gaarayay ilaa 10 dhambaal oo cilmi-baaris la
sameeyay sannooyinkan dambe lagu og-aaday inay yihiin dhambaalo xusuus gaar ah ku reebay
mucaashaqiin badan, isla markaana noqday kuwo la xafiday.
Dhambaalka ugu hadal heynta badan ayaa dhambaal ay qortay
gabar fannaanad reer Talyaani ah oo caan ka ah dal-alka Yurub oo nin ay jeclaatay u qortay
dhambaal ay hal-kudhig uga dhigya Duggaagyahow qurxoon iyadoo
ni-nkaasina uu ku shardiyey haddii ay jeceshahay in ay fanka ka
tanaasusho,haddaba arrintoodii maxay ku dambeysay?
Waxa kale oo dhambaalada waaray aan ka xusi karnaa mid uu qoray Wiil reer Jabbaan ah oo
Jaamacad London ku taa-la wax ka baranayay uu u diray gabar jacaylkiisa ahayd oo joogtay
Tokiyo cariga Jabbaan waxaana dhambaalkaasi la yiraahdaa Waan ku arkaa, kuumana
jeedo.
Sidoo kale waxaa ka mid ah dhambaal ay qortay gabar Jiis
ahayd oo reer Isbaanish ah una qortay Wiil la yiraahdo Ro-maano oo galab waliba horteeda
marmari jiray waxaana dhambaalkaa loo yaqaan Ninyahow waan ku jeclahay, balse waa
adigoon dharka iska siibin waxayna kaga cod-sanaysay in uu naag kale guursado
laakiin uu iyada ka soo qaado ama uu u niyeysto iyo weliba dhambaalo kale.
Qormada Raadiyowga Codka Mucaashaqiinta waxan Todo-baad walba idinkugu soo
bandhignaa Heesaha ka tarjumaya Jacaylka ee sida aadka ah loo xiiseeyo & ulajeeddadii
loo alifay.
Todobaadkan
waxaan akhristayaal idiin heynaa heestii RUUNEY I SOO EEG ee uu ku luuqeeyo fannaanka
MAXAMED SULEYMAAN TUBEEC oo ay isaga quseyso.
Sida
Mufasiriinta heesuhu sheegaan Maxamed Suleymaan heestaas wuxuu u qaaday gabar magaceedu
RUUN ahaa oo jacayl qoto dheer uu u qaaday, inkastoo iyadu ay wax la waday haddana inuu
sii dhiirigeliyo oo Jacaylka ku sii gaagixiyo, isagoo u muujinaya inay raaligelisay oo uu
ku qanacsan yahay, wuxuuna yiri:-
=Been laguma riimee, waad I raali gelisee, ruuney I soo eeg.
=Meel raaxo badanoo, roobka uu ku rooroo, biyuhu laba rogmanayaan, Raha &
Maroodiga, ay wada rafiiqmeen.
=Been laguma riimee, waad I raali gelisee, ruuney I soo eeg.
=Meel ramasku dhalayoo, dhirtu ay is qabatoo, lagu raacin xoolahaa, reeruhu
ku badan yihiin, dadku ay rumeeyeen.
=Been laguma riimee, waad I raali gelisee, ruuney I soo eeg.
=Meel Aar ku reemay, saanta seyrinaayaa, Gorayadu ka roortaa, aawadaa
rucleeyaa, kaa raadiyaaye.
=Been laguma riimee, waad I raali gelisee, ruuney I soo eeg.
W/Diyaariyey:C/raxmaan Cumar Madoobe(Dalmar)
MURTIDA WARGEYSKA
Soomaalida maanta (Rag & Dumar) oo
dhoofka dibadaha aad u jecel (+) kuwa Xaaslayaasha ah ee aan ku fakarin lamaanahooda ay
cidleynayaan (X) Kuwa dhoofka nasiibka u yeeshay (-) Ninka ama Naagta laga
tagay ee sanadaha badan laga maqan yahay (÷) Baahida Jinsi ee qofkaasi uu raboon karo =
Ninna ama Naagna gurigooda kama waayin cuno, lebis & jiif ee qof walba waxa uu u
aroosaa waa baahi Jinsi & Ubad aan heshid, haddiise labadaasi aad weysid waa arrin
dhibkeeda leh, mararka qaarkoodna sheydaanku kaa faaideysan karo oo macsi kugu
xambaari karo, Ninka laga tagay guursi Naago kale ayaaba u bannaan, Naagaha yaan la lug
geyn, Shareecada Islaamku in Naagtu Afar bilood ka badan naaguhu dulqaadan karin Nin
laaan ayay xustaye Raggow naagihiina haka tagine, dambigii arrintaa ka yimaada
masuul ayaad ka tihiin, Naagyahay haka yeelin ninkaada inuu kaa dhoofo, intuu ku lug
goyn lahaa oo dhowr da kugu baaqan tahay, raaxada Jinsigana quful kaaga xiri lahaa
ama horey aan kuu raaco ku leh ama I fur dheh, haddii sanado ay ku qaadato
maqnaashihiisana iska Fasaq si Macsi aad ugu dhicin, gablanna aadan u noqon.
By: Maxamed Xuseen Yuusuf (Xaaji Tahriib)
Amuurtaan Ugub waaye ee ma dhab baa, mise waa
arrin la buunbuuniyey?
Muqdisho
todobaadyadii ugu dambeeyay dadka ku nool waxay ku indho bikaacsanayeen amaba dhegahooda
soo gaarayay waxyaabo marka la eego ama la maqlo wixii dhacayay kahor 11-kii sano ee ugu
dambeeyay ka argagax & welwel badan, waana dhacdo qalbiyada dadka damiirka leh
raad xun ku reebaya, isla markaana aad ay uga xumaadeen, kana walaacsan yihiin.
Dhibaatooyin
dhinac walba leh ayaa dalka ka dhacay, waxaana hubaal ah inay dhibaatooyinkaas si gaar ah
ay ugu dhacayaan haweenka & Ubadka yaryarka oo xadgudbyo aan loogu tureynin loo
geysanayo.
Haweenka
waxaa lagu tiriyaa kuwo u jilcan waxyeelooyinka kala duwan ee aadanaha soo gaara, haddana
waa kuwo adkeysi badan, maxaa yeelay adiguba waad ogsoon tahay dhibka ay foosha kulul la
maraan oo haddana ay adkaysiga ka yeeshaan & inta ay caloosha ku sidaan ubadka Alle ku
beeray oo dhibaatada walaca & culeyska ay la kulmaan u adkaysta, iyagoo weliba
jugta ka ilaaliya ubadkaas oo inta ay caloosha ku sidaan & marka ay ifka u soo
baxaanba u tura oo u naxariista. Intaa oo kaliya kuma ekee waxay sidoo kale ku
dhibtoodaan qaabka barbaarinta ubadkooda.
Haddaba
iyagoo Haweenku dhibaatooyinkaas mara ayaa haddana waxaa ugu sii darsoomay dhibaatooyinka
kufsiga, dilka, dhaca & hanjabaadda cabsida leh ee loo geysto, iyadoo waxyaabaha
murugada & xannuunka leh ee ku socda Qoysaska Soomaaliyeed aysan ahayn wax caadi ah,
waana fool xumo u soo hoyatay ummadda Soomaa-liyeed oo masiibo hor leh loo abuuray.
Kaba
sii daran haddana waxaa beryahan dambe soo if baxday in ubadkii
yaryaraa ee 4-jirka ilaa 10-ka jira Wiilal & gabdhaba la
sheegayo in la fara xumeynayo, oo fara xumeyn kaliya looguma simayee la dilayo
marka falfal xumadaa lagu sameeyo.
Haddaba
dhacdooyinka la hubo ee Muqdisho ka dhacay isla markaana in badan oo dadka Muqdisho
degan ay arkeen amaba maqleen waxa loo geystay gabar yar oo 5-jir ah oo meydkeeda
laga helay guri burbursan oo ku dhawaa gurigooda, gabadhaasoo reerkooda ka maqnayd Saddex
maalmood ayaa urka meydkeeda dadka deriska la adkeysan waayeen, taasoo bedelkeeda loo
dilay nin miskiin ah oo aan waxba galabsan oo la yiri waa ninkii dilay ee
kufsaday.
Dhacdadii
kale ee xigtay ee iyana la hubo dhabnimadooda waa tii loo geystay gabadhii 14-jirka ahayd
ee meydkeeda aroornimadii Talaadadii todobaadkii hore la soo dhigay Garoonka lagu cayaaro
K/cagta ee Stadium Muqdisho, iyadoo jirkeedu uu ka muuqday jir-dil & kufsi lagu
sameeyay.
Haddaba
Sawirka boggan ku daabacan waa muuqaalka gabadhii meydkeeda laga helay
garoonka Stadium Muqdisho oo Wargeysku Sawir ka soo qaaday iyadoo
fal laga argagaxo uu ka muuqdo, isla markaana aan la garanayn cidda dishay, iyadoo
reerkeeduna ay weysanaayeen labo maalin & labo habeen kadibna ay ku
soo baraarugeen helitaanka meydkeeda oo loo soo tebiyey.
Waxaa
kale oo iyana la maqlay in wiil yar oo isna 5-Jir ah la kufsaday, kaasoo aan la dilin isla
markaana fal jirdil ah aan lagu samayan.
Dhacdooyinkan
ayaa markii ay Muqdisho ka dheceen hal mar Qoysaskii Soomaaliyeed isla dhawaaq-een,
waxaana soo bannaan baxay warar kale oo dheeraad ah oo lagu siyaadinayo dhacdooyinkaas.
Soomaalida
waa war ku nool, dadka qaarna waxaaba lagu yaqaanaa warar buun-buunis & inay hal war
oo run & been wuxuu ahaadaba u sarifaan Kumanaan warar ah oo dadka waxmagaratka
ahi run iyo wax jira ay uga dhigaan, dadka Caqliga u saaxiibka ahina aysan ka daadagaynin
wararkaas.
Bal
eeg waxaa la yiri oo Suuqa la soo geliyey Nin Jalaabiib wata ayaa laga dhigay canug
yar, Nin kale oo Canug lagu qabtay ayaa ciidamada Boolisku ku dileen Taribuunka, Xaafad
heblaayo ayaa nin lagu qabtay oo qirtay inuu falka geystay, Canug ayaa lala tagay, Gabar
waxoogaa madaxa uga dhiman yihiin oo la weysan yahay ayaa la baafiyey iyo hadalo kale oo
intaas ka sii badan.
Suaasha
isweydiinta mudani waxay tahay mala rumeysan karaa arrimahan la isla dhex marayo ee
Muqdisho ku soo kordhay, Qoysaskiina walbahaar & walaac ku abuuray? mise waa wax la
buunbuuniyey oo Qoysaska lagu argagax gelinayo?.
Inkastoo
wax dhici kara ay yihiin haddana waxay noqon karaan wax la buunbuuniyey oo ka badbadis ah,
bal eeg hadalada la isla dhex marayo:- Nin Jalaabiib wata ayaa canug laga dhigay oo
baxsaday, Nin kale ayaa Boolisku Taribuunka ku dileen isagoo canug lagu qabtay
adiga akhristaha ah isweydiiye suuragal ma tahay in Boolisku nin ay arrintan ku arkeen
amaba ku qabteen inay dilaan iyagoo aan wareysanin oo baaritaan & dabagal dheeraad ah
aan ku samaynin, ileyn waa arrin u baahan in xaqiiqdeeda & meesha ay ka soo jeedo la
ogaadee .sidoo kale ma jiraa nin la hayo oo arrintan loo qabtay? Marka laga reebo nin
miskiin ahaa oo inta la qabtay si baan loo dilay oo si uu dilkaa uga badbaado si naf
ku baxsi ah u yiraahda waan sameeyay sida Xabsiyadaba ka dhacdaba.
Waxaa
kaloo murugo ah in la jir dilo Naago Ilmahoodii wata ama Niman ilmihii ay dhaleen
xaafadaha la dhex maraya oo la yiraahdo way soo xadeen iwm iyadoo arrimahan ay ka
dheceen meelo badan oo xaafadaha Muqdisho ka mid ah.
Sidoo
kale Carruurtii malcamadaha Quraanka dhiganaysay & kuwii Dugsiyada Hoose Dhexe
dhiganayay waxbarashadii waa laga reebay iyadoo looga baqayo arrimahan Muqdisho ku soo
kordhay ee la hadal hayo, taanoo iyana ah caqabad kale oo soo siyaaday.
Amuurtan
ugub waaye oo dalkeena way ku cusub tahay haddii ay jirtana wuxuu wargeysku u arkaa qorshe
cusub oo dhaqan & diin dooris ah oo loo soo dhiibay waxmagarato ay ku adeeganayaan dad
shisheeye kalkaal ah oo magac xumo la raadinaya ummadda Soomaaliyeed ee islaamka ah oo
hadalkeena aan ku soo koobno inay yihiin wax ujeeddo gaar ah laga leeyahay (waa haddiiba
ay jirto), haddii kalena waa wax la buunbuuniyey oo aanba jirin sidii horeyba uga dhacday
Muqdisho kadib markii Suuqa la soo geliyey in JUUDAAN uu dad cunay & Nin
Juudaana ayaa ilmo laga dhigay, waa la qabtay, waa la dilay iwm.
Haddaba
waxaa nasiibdarro ah in arrin aan jirin la buunbuuniyo haddii ay jirtana la waayo cid isu
xilqaantay wax ka qabashadeeda, balse fiiro dheer haloo yeesho.