aayaha_nolosha.jpg (32936 bytes)

Tifaftiraha wargeyska waa:- C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil  Dalmar)

Guddoomiyahana waa C/kariin Ibraahin Aadan (Ampacaline)

Telefoonada Wargeyska Muqdisho 652256, 655788           (Cadadka 292)

E-mail:- aayaha_nolosha@hotmail.com iyo ampacalin2004@yahoo.com ama dalmar2005@yahoo.com

     JACAYLKII KADEEDNAA EE ABWAAN XASAN JACAYL

hearts4.jpg (3553 bytes)

Qeybta 5aad

Abwaanku muddadii jacaylkaas Kadeedka badan ee qariska labada sano ah uu ku jiray heeso badan ayuu ka sameeyay, waxaana heesahaas ka mid ah heesta caanka ah ee uu ku luuqeeyo fannaanka C/qaadir Macalin Jubba oo uu ku muujinayay Abwaanku sida weyn ee uu Jacaylka ugu hayo Deeqo Sheekh oo Jacaylkeedu uu ku sii fiday, heerkii uu horey u taagnaana uu ka sii sara maray    isagoo kaga codsanayay inay uga hiiliso dhibta Caashaq ee heysata, ayna noqoto mid uu isku halayn karo oo diradiraale & dadka warxumo tashiilka ah ee caqabadda ku ah ay ka gaashaamanto, heestaasna waxay u qormeysaa sidatan:-.

=Waa I helay Jacayloo, hami igu badnaadiyo, waan hubaa kalgacaloo, wey hayaa dhibtiisee.

=Sida Haadka leylkii, heehaabo mooyee, hawl yari ma seexdoo, habeenkoo bar tagay baa, la I kaa horkeenaa.

=Waa howl adduunyee, ma ii hiilineysaa, qofba waa kalkiisee, ma ii hagar baxaysaa, waa halis nafteyduye, hadma hadmaa, goormaan ku helayaa?

=Hilaac iyo darruur iyo, hoobaanta liicdee, ishu halacsanaysaa, hibashadii nafteydaa, ma huraan halbowliyo, wadnahay halwanayee.

=Sida Geel haloosima, hugunkeyga baxayaa, waa hirashadaadee.

=Waa howl adduunyee ma ii hiilineysaa, qofba waa kalkiisee, ma ii hagar baxaysaa, waa halis nafteydu hadma hadma goormaan helayaa.

Heestan qiirada badan leh waxay kicisay dareenka dhabta ah ee ku beeran Deeqo Sheekh oo dhab ahaantii jawaab cad ka bixisay uguna abaal guday inay Jacaylka uu u qabo Walaalkeed Abwaan Xasan Jacayl tiir dhexaad aan liicin u noqoto oo ka run sheegto, waxayna ballan uga qaaday inay  dhaxanta caashaqa ka xigsan doonto oo dhankeeda wax ceeb ah uga imaanaynin.

Abwaan Xasan Jacayl & Deeqo Sheekh waxay isla maaleen gaaxda Caashaqa oo ay si daacadnimo ah ku laba liseen, ha dhicin, ha jebin erey xun kuuma quuro iyo hadalo kale oo macaan ayaana halheys u ahaa, run ahaantiina labo isku qanacsan oo la isla dooray ayay ahaayeen.

Inkastoo xaalkoodu sidaa ahaa haddana waxaa jiray dad badan oo aan Lamaanayaashaa Jacayl wadaaga ah isla rabin oo ka dhex waday isku dir, fowdo, una kala dab qaadi jirey iyagoo u kala geynaya hadalo huu haa & been abuur ah oo tashwiish ku furaya caashaqooda.

La soco Arbacada kale (Insha Allaah)

W/D:- C/risaaq Jaamac Cilmi (Black yare).

Cadadkii Hore..
 

Aayahay Nolosha 291

Aayahay Nolosha 290

Aayahay Nolosha 289

Aayahay Nolosha 288

Aayaha Nolosha 287

Aayaha Nolosha 286

Aayaha Nolosha 286

HAWEENKU MAXAY JECEL YIHIIN…!!?

Haweenka oo kaliya ma aha ee qof kasta oo bani’aadam ah (Rag & Dumar, qof weyn & qof da’yarba) oo dunidan guudkeeda saaran wax buu jecel yahay, waxaasina wax kasta ayay noqon karaan, iyadoo qof walba dooq & rabitaan gooni ah oo qalbigiisa ku mamani ay jirto ayaa haddana waxaa jira waxyaabo rabitaankooda laga wada siman yahay sida Caafimaadka, hantida, helitaanka ubad baari ah, cimri, magac, sharaf, heybad iyo waxyaabo kale oo badan, iyadoo ay taasi jirto ayaa haddana waxaa jira rabitaan & jacayl gaar ah oo qof waliba si gaar ah u rabo. 

Haddaba qormadeenan aan halkudhiga uga dhignay “Dumarku maxay jecel yihiin?” ayaa waxaan u doorbidnay inaan ku lafa gurno rabitaanka gaarka ah ee Dumarka & waxa ay sida gaarka u jecel yihiin, maadaama Dumarka lagu tiriyo dad jilicsan oo inta badan Jacaylka & ragga u debecsan, inkastoo sanadahan dambe ay wax kasta is bedeleen oo dumarkii jilicsanaanta & debeca lagu sheegayay ay ka soo dhex bexeen kuwo bahaloobay oo aan diirnax & damqasho midna lahayn, haddana Dumarku waa uun Dumar oo kor iyo hoos waxay u baahan yihiin in loo diirnaxo oo loo damqado, iyadoo loo eegayo Xikmadda oranaysa “Dumar waxaa laga abuuray Feer qaloocan oo haddii aad isku daydo inaad toosiso way jabaysaa, haddii aad sideeda ku deysana waa uun qaloocnaantii” marka waa uun sidaa ku dhaaf oo u dhigmaysa (u diir nax oo u damqo una dulqaado).

Haddii uu Alle idmo Todobaadka soo socda ayaanu qormooyinkaa ka hadlaya Dumarka & waxa ay jecel yihiin idiin bilaabaynaa ee la socosho wanaagsan.

DHAMBAALO  INTERNETKA LOO SOO MARIYEY  WARGEYSKA
 

Dhambaalka labaad ee dhinaca Internetka boggagiisa E-mailka naloo soo mariyey ayaa waxaanu ka helnay akhriste ku sugan Gobolka Atlant ee dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Yaasiin Maxamed Xasan, wuxuuna Yaasiin qormadiisa ku bilaabay:-

Dhamaan waa salaaman tihiin shaqaalaha Wargeyska Aayaha Nolosha….aan ku bilaabo magaceyga waa Yassin Maxamed Hassan, kuna nool qurbaha, lana socda Wargeeska Ayaha Nolosha si joogto ah, waxaad leedihiin u dulqaado, maxaan u dulqaataa dhib weyn ayaa i heystee?.

waxaan ahay nin xaas ah lehna 3 caruur kuna nool Atlanta, GA USA. 6-dii sano ee ugu danbeysay, xaaskeyga oo aan isku soo aroosnay Africa oo aan isla nimid halkaan (Mareykanka) dhib weyn ayaa iga heysta dhankeeda, haddii aan ka bilaawo dhaqaalaha, aniga kaliya ayaa u xamaala qoyska, ma xuma aan xamaalee, mana xuma wixii aan hela haddii aan ku harsaneyno, kistii aan soo shaqeeya waxaa ay u dirtaa mooriyaan dhaawac ah oo Somalia joogta oo qoyskeeda ah, xoolaheyga xaggaas ayay ku dhamaadeen, ma diidi karo oo nimanka ay wax u direyso waa xaaskeyga walaalaheed, haddii aan diido buuq iyo dhib ayaa imaanaya, dhanka kale aniga & carruurtaba wax daryeel kuma heysano, waxaana intaa u sii dheer iyadoo aada gobolo naga fog oo u aado aroosyo ka dhacaya oo ay mar mar maqnaaneeso 3 beri, ma quutul yoom ayaan raadiyaa mise carruurta ayaan hayaa?  Ileyn FAR KALIYA FOOL MA DHAQDEE, ma waxaas ayaa loo dulqaadan karaa? ma canaanan kartid because waa dhul ay Naaguhu ku awood badan yihiin, halka ay qeylo ku jawaabeyso markii aad wax u sheegto, mana joogno dhulkeenii hooyo! ma waxaas ayaan u dulqaadan karnaa madaxiibaa na qarxi raba! adinkana u dulqaata ayaad na leedihiin, inkastoo ay jirto waxyaabo fara badan oo aan halkaan ku soo koobi karin oo aan u dulqaato. Inna-Laaha Maca Saabiriin!

Yassin M. Hassan Atlanta, GA USA.

Fiiro gaar:- Samirka & dulqaadku waa jid lagu gaaro wanaag & horumar, qofkii dhibka u samrana Alle ayaa kheyr ugu abaalguda ha soo degdego kheyrkaa ama ha soo dib dhecee (Naagina waa u samir ama ka samir) haddana Alle dartii haloo samro “Waa fikradda bahda wargeysku qabo, qormadana loo abuuray”


   
DHOOF CAASHAQ IYO DHAXAL JACAYL

Qaybtii 96-aad

hearts1.jpg (3556 bytes)

Maxamed Nasiib waxa uu Ladan  ku qasbay in ay uga sheekeyso dhacdada murugada leh ee qabsatay waqtigey doontaba haku qaadatee, iyana warba kama aysan diidi karine way u bilowday, laakiin waxay ka codsatay in uusan hadalka ka soo dhex gelin ilaa ay sheekada uga dhamaysana uusan su’aal weydiinin, isagana wuu ka aqbalay, waxayna ku bilowday.

“Muqdisho ayaan ku dhashay, kuna barbaaray, reerkeena ubad oo dhan aniga ayay iga dhaleen, aad ayayna ii tixgelin jireen oo ii jeclaayeen, anigoo arday ah ayuu jacayl igu abuurmay, jacaylkuna waa cajiibe wuxuu I tusiyay wiil reerkoodu qabri qode yahay, si kasta oo la igu caayay & si kasta oo la igu diideyna inaan helo ayaan go’aan ku gaaray, kadibna meher qarsoodi ah ayaan la galay, aabahay Alle hadda ha u naxariistee qorshe uu ka lahaa ma aanan garanayn oo wiilkii ayuu iga fogeeyay oo Jaamacad Jarmalka ku taala u diray, wixii xilligaas ka dambeeyayna waan is weynay oo markii uu Ayraboorka ka dhoofayay ayaa iigu dambeysay, waxaana iga soo gaarayay dhambaalo naxdin leh oo inuu igu meel gaarayay ii muujinayay, balse ma rumeysan oo riyo ayay ila ahaayeen.

Maxamadow, Meherkii qarsoodiga ahaa habeen aan Hotel ku soo dhuumanay oo aan baashaalnay ayaa uur igu biday, laakiin ubadkii CAASHAQAA IGA DHOOFAY DHAXALKIISA AAN U HELAY dhaayahayga ma aan saarin oo Hooyadey & Aabahayba waxay ii sheegeen inuu iga saqiiray oo ay duugeen intii aan Koomaha foosha ku jiray, laakiin waxaa shaki iga geliyey kadib markii aan waayay gabadhii booyaasada inoo ahayd oo aan is iri “armaa iyada la siiyey canugaagii, markaan weydiiyey Hooyadeyna waxay ii sheegtay in Suuqa loo direy oo ay dib u soo laaban weysay, inay iska tagtay ayaana la igu fasiray.

Maxamadow yaanan war kugu daalinine, iyadoo xaal sidaa yahay ayaa Aabahay oo madaxda shirkadda Caymiska ka mid ahaa xisaabi xil maleh ku soo baxday oo guryaheenii ay dowladdu nagala wareegtay, kadibna aabahay naxdin & dhiig-kar u dhintay.   Hooyadey & Alle ha u naxariistee Aabahay oo deriska & dadka kale iskala weynaan jiray oo aan is rogroga Adduunyada weligood ku xisaabtamin waxaa dhacday in geeridii Aabahay kadib aan waynay cid inoo arxanta, maadaama hantideenii dowladdu xaalufisay.  Hooyadeed reeraheeda oo baadiye ku noolaa ayaan maciin bidnay, laakiin iyaga xitaa abaal inooma heynin oo Hooyadey ma aysan xiriirin jirine si jeesjees ah ayay inoo qaabileen.

kadib baadiyii ayaa Hooyaday lagu guursaday, muddo kadib aniga nin I soo doontay la I siiyey kaasoo I silic dilay, waxaan u dhalay 4-carruur ah, Hooyadey Odaygeedii wuu ka dhintay, kadib Hooyadey xanuunka aad adigha ka daweysay ee aan Xamar u keenay  dartii ayaan aniga & ninkeygii isku qabanay sidaasna igu furay…….

Waa socotaa.

W/Qoray:-C/raxman Cumar Madoobe (Dalmar)

 

 

Maxaad ka ogtahay oo macluumaad ah dhambaalada Jacayl  ee waaray?!!

Qaybtii 1-aad

Anjelia Batfa waa  gabar fannaanad Talyaani  ah waxa ay jacayl u qaaday wiil dhalinyaro ah oo aad u qurux badnaa kana dhashay dabaqadda la xormeeyo ee dalka Talyaaniga.  Hase ahaatee waxaa jacaylkeeda soo wajahay  dhibaato kaga timid xagga wiilkaas ay jeclaatay  kadib markii uu shardi uga dhigay  guurkeeda inuu ku xiran yahay iyadoo fanka ka harta.

Inkastoo Anjelia Batfa fanku nolosheeda barkeed ahaa, Jacaylkuna qeyb kale oo nolosheeda ku soo kordhay yahay ayaa xaalkeedu (labo daran mid dooro) uu noqday, durbadiina awoodda Jacaylka ayaa jiitay oo ku qasbay inay fanka isaga harto si ay u hanato wiilkaas ay jeclaatay, kaasoo muddo kadib ay guursatay.

Anjelia oo magaca & maamuuska ay ku lahayd fanka oo lumisay,  taageerayaasheedii faraha badnaa ee marka ay maqlaan codkeeda dananaya sacab & shucuur qiiro leh la sara kici jiray, balse Jacayl ayay waxaas oo idil ka dooratay.

Laakiin Jacaylkaas kuma aysan najixin oo markii aqalgalkeedu 6-bilood ay ka soo wareegatay ayaa waxay dareentay in uu saaxibkeedii ay dooratay uu ka xiiso dhacay, xaggiisana waxaa ka soo galay dabayl bus & habaas wadata, taasoo ku noqotay naxdintii labaad  ee ugu baaxadda weynaa ee ay la kulanto tan & nolosheeda.

Anjelia  fakar dheer ayay guda gashay, dhaxalkii fakarkaasina waxa uu u sahalay in ay dib isu soo abaabusho oo fankii & masrixii ay magaca & maamuuska ku lahayd ku soo rogaal celiso, iyadoo dhinac isaga leexisay Jacaylkii ku dhisnaa caburinta & xujada.

Isla qacdii ay Anjelia ku laabatay fanka waxay dib u kasbatay taageerayaasheedii horre & kuwo cusub oo u heelan codkeeda dananaya.

Haddaba markii Anjelia ay hubsatay in heerkeedii horre & mid ka sii wanaagsanba ay ka joogto fanka fankii uu ka soo dhex saaray Jacaylkii ku ballan furay  ayaa waxay u qortay dhambaal ay ugu magac dartay “Dugaagyahow Qurxoon”

Erey ahaan micnihiisu waxa uu noqonayaa “waxaad tahay dugaag la siiyey suuradda Bini’aadaka oo qurux loo sii raaciyey, balse  ma aadanad tixgelin ruux kalgacayl awgiis uga tagay magac & maamuus wuxuu lahaa, waad ila qurxooneyd oo I cajabisay markii aan ku gaclooday, balse qiimaha jacaylka waad ila fahmi weysay”.

Ereyadii dhambaalkaas Anjelia   ay u qortay wiilkaas waxa ka mid ahaa.

La soco Arbacada soo socota(Insha Allaah)

W/Diyaariyey:- Maxamed Xuseen Yuusuf (Xaaji Tahriib)

 

WARARKA AAYAHA NOLOSHA

 

DEGAAN KA TIRSAN DEGAANADA SOOMAALIYA  OO RAGGA AYSAN GUURSAN KARIN LABO NAAG

Wariye ka tirsan wargeyskan oo booqasho ku tagay degaanka Ceel-barde ayaa waxa uu ku soo arkay arrin layaab leh oo ay kaga duwan yihiin degaanada kale ee Soomaaliya.

Ragga degan degaankaas ayaan awoodin guursiga laba naagood.  Iyadoo ay  taas ugu wacan tahay doonista dumarka oo qaali ka ah degaankaas & dumarka oo aad u maseyr badan isla markaasna ge-ysta dhibaatooyin aan laga soo waaqsan karin.

Sidoo kale wariyaheena wuxuu degaankaas ku arkay gabdho da’ ah oo xilligii guursiga dhaafay, iya-doo ay taana ugu wacan tahay in wiilkii gabar doonta laga qaadayo lacag iyo xoolo aad u tira badan oo uusan awoodi karin, sidaasna  ay wiilkii & gabadhii ayagoo is ra-ba isku seegaan iyadoo markaa ninkii hal naag si dhib leh ku guur-sada uusan naag kale haweysan karin.

Dabeecaddan oo ah dabeecad u gooni ah dadka ceel-barde ayaanay jirin degaano la mid ah, iyadoo dumarka & ragga degaankaas de-gan intooda badan marka ay qaa-ngaaraan  magaalooyin kale soo aada si ay guur uga helaan.

 

AROOS LALA FAJACAY  OO KA DHACAY MAGAALADA WAJEER EE DALKA KENYA

Bishii tagtay 20-keedii ayaa aroos la yaab leh oo lala fajacay waxa uu ka dhacay magaalada Wajeer ee dalka kenya kadib markii ay halkaa isku arooseen Haweeney 69-sano jir ah iyo wiil jira 27 sano.

wiilkaa ayaa sida ay inoo soo she-egtay Saxafiyadda Roda Jaamac Rooble oo dalka Kenya inooga soo waranta waxa uu dugsi Qur’aan ku hayey Guri Labo Biyaano ahaa oo ay laheyd haweeneydaas 69-sano jirka ah.

Dadkii ka qeyb galay arooskaa & dadkii maqlayba layaab & fajac ayay noqotey in wiil da’daa jira uu guursado haweeney saddex laab dhali karta, iyadoo weliba uu wiil-ku aad ugu qanacsan yahay guurka haweeneydaa.

GABAR JEEBSIIB & XATOOYO KU SAMEYSAY WIIL AY ISKU BARTEEN

Gabar lagu magacaabo Ayaan ayaa la sheegay wiil ay isku bar-teen Telefoon oo muddo bilo ah ay qadka isgaarsiinta ugu wada sheekeysanayeen ayay ku balam-isay hoygeeda oo ku yaala Xaafadda Kaasobobolaare ee degmada Hodan, markii uu u yimid oo muddo uu la joogay ayaa wiilku u baahday musqul kadibna inta shaarkiisii iska bixiyey oo Funnaanad uu hoosta ka watay isku reebay Musqushii galay, kadibna intii uu musqusha ku jiray ayay jeebkiisii kala baxday qarash ugu jiray boorsada jeebabka lagu rito.

Sida ay inoo sheegtay gabar la dhalatay wiilka jeeb-siibka lagu sameeyay oo degan degmada Madiina  ayaa markii uu wiilku ka soo tagay gabadhii uu waayay wax uu Baskii isaga bixiyo, waxaana ku dhegay Kirishboygii balse meeshii uu uga degay Dukaan ku dhawaa ayuu lacagtii bas raaca ka soo deynsaday.

Warku wuxuu sheegayaa in Wiilka markii uu gurigiisa yimid uu wacay gabadhii oo uu weydiiyey sababta ay falkaa ku samaysay, balse way ku inkirtay.

WADAAD MU’ADIM AHAA OO LOO HANJABAY KADIB MARKII LA DHIBSADAY AADAANKIISA…..

Nin sheekh ah oo lagu magacaabo Sh.C/llaahi Axmed oo Mowlac ku yaala degmada Waaberi Salaadaha ka adima isla markaana marka uu adimo kadib Saliga Nabiga qaada ayaa dablay hubaysani weerar ku soo qaadeen gurigiisa.

Sida uu inoo soo sheegay wariyaheena Yuusuf Bidaaye dableydii ayaa markii ay guriga ninkaas tageen soo waayeen, waxayna reerkiisa u sheegeen in uu ka daayo Saliga Nabiga xilliga Subixii oo ay ka hurdi waayeen qeyladiisa.

Ninkaas ayaa markii la gaarsiiyey fariintaas u hoggaansamay oo salaad kasta oo uu adimayo haatan Saliga Nabiga ka daayay.

 

ARDAY XAALAD MURUGO LEH AY LA SOO DERISTAY

Dalka Zimbabwe ayaa labo ka mid ah Ardayda dhigata dugsiyada hoose ee dalkaas gaajo darteed u cuneen Xaar Lo’aad kadibna ay ku xanuunsadeen.

Sida uu sheegay Mowliid Aadan Warfaa oo ka mid ah shaqaalaha Hay’adda WFP oo halkaas booqday isagoo u waramayay Idaacadda BBC-da mar uu ku soo laabtay Nayroobi ayaa xaaladda gaajo ee dalka Zimbabwe ka jirta deyro weyn ka muujiyey, isagoo sheegay in xaaladdu ka sii dareyso.

 

NIN RIYADIISA DHIBAATO AY DHIBAATO U KEENTAY

Nin magaciisa lagu sheegay Shariif Taabit Cali oo degan degmada Xamar-weyne ayaa dadka degaankaasi ku barteen caado xun isagoo dadka u sheega inuu ku riyoodo dhibaato dalka ku soo fool leh & arrimo kale oo naxdin leh.

Ninkaas ayaa sida uu inoo sheegay Fannaan C/llaahi M.Abuukar (Ilka-case) maalmihii dambe wuxuu bilaabay inuu dadka ku yiraahdo canugaadoo dhintay ayaan ku riyooday, canugaadii la afduubtay ayaan ku riyooday, hantidaadoo baaba’day ayaan ku riyooday iyo hadalo kale oo la mid ah.

Ninkaas oo caadadaas caan ku noqday, isla markaasna lacago ku qaadan jiray si la isaga aamusiiyo ayaa todobaadkii tagay maleeshiyo ku qayilaysay baar ku yaala X/weyne u tagay kuwaasoo uu bar garanayay ayuu ku yiri “Adinkoo weerar la idinku soo qaaday oo la idiin baabi’iyey ayaan xalay ku riyooday” markaasaa mid ka mid ah inta ka xanaaqay hadalkaas uu rasaas lugaha uga jejebiyey, iyadoo riyadiisa ay dhibaatadaas u soo jiitay.

NIN XAASKIISA TOOGASHO KU DILAY

Nin magaciisa lagu sheegay Yuusuf ayaa Arbacadii la soo dhaafay toogtay Xaaskiisa Xaliimo Xasan.

Dhacdadan oo ka dhacday degaanka Yaaqshid ayaa wariyaheena Xasan Cali Geesey (Al-qeys) waxa uu inoo soo sheegay in ninkaas uu Naagtiisa uga maseyray niman kale, sidaana uu ku toogtay naagtiisa oo u dhimatay dhaawicii soo gaaray.

NIN 35-JIR AH OO TAN & SIDII  UU U DHASHAY AAN HADLIN

Nin lagu magacaabo NOAH oo  35-sano jir ah u dhashay dalka Mareykanka ayaan hadlin tan & markii uu dhashay.

Ninkan oo curyaan ah balse u muuqda nin caadi ah oo aan naafo ahayn ayaan hadli karin, lebisan karin, musqul geli karin, wuxuuna qabaa cudurka loo yaqaano “Autism” oo ah cudur ku dhaca maskaxda carruurta marka ay yaryar yihiin kaasoo naafeeya xubnaha dareenka, waxaana Noah cune u ah khudradda, doolshaha & cunada fudud.

 

Aayaha Nolosha

Nagala soo xiriir aayahanolosha@hotmail.com ama dalmar2005@yahoo.com   dalmar2005@yahoo.com ampacalin2004@yahoo.com.

 

MAXAAD KA OGTAHAY OO MACLUUMAAD AH DHAMBAALADA JACAYL  EE WAARAY?!!

 

Sida aanu ognahay marka wax kasta oo dhaca laga hadlayo waxa ay leeyihiin raadraac & hoggaan lagu tilmaansado,   Tusaale haddii aan u soo qaadanao arrimaha Jacaylka & Kalgacaylka nadiifka ah waxaa jira shaqsiyaad loo yaqaan raaca hore ee dhinaca Jacaylka iyo inay calanka u sidaan xubiga sida Qays & Leyla, Cantar & Cablah, Jamiilo & Busneey,  iyadoo dhinaca dalkeenana ay horyaalka mucaa-shaqiinta ee la xuso ay ka mid yihiin Cilmi & Hodan oo reer Berbera ahaa oo qisadooda buugaag laga qoray, heeso, gabayo & halheysyana laga sameeyay, Muli & Xuseen oo reer Seylac ah kuwaasoo loo qaaday heesta JAALALEY miraheedana ay ka mid yihiin “Axdigii uu Xuseen jilay Muliyana ha jebin tiri, iil inay isu jiifaan, muxuu jaahil ka og yahay”.

Nuxurka Qormadeena oo aan ku faaqideyno dhambaaladii Jacayl ee ay isu direen laba is jecel ama midkood midka kale u diray ayaa waxan ka xuseynaa dhambaaladii ugu ta-yada sareeyay oo iyagu gaarayay ilaa 10 dhambaal oo cilmi-baaris la sameeyay sannooyinkan dambe lagu og-aaday inay yihiin dhambaalo xusuus gaar ah ku reebay mucaashaqiin badan, isla markaana noqday kuwo la xafiday.

Dhambaalka ugu hadal heynta badan ayaa dhambaal ay qortay gabar fannaanad reer Talyaani ah oo caan ka ah dal-alka Yurub oo nin ay jeclaatay u qortay dhambaal  ay hal-kudhig uga dhigya  “Duggaagyahow qurxoon” iyadoo ni-nkaasina uu ku shardiyey haddii ay jeceshahay  in ay fanka ka tanaasusho,“haddaba arrintoodii maxay ku dambeysay?”
Waxa kale oo dhambaalada waaray aan ka xusi karnaa mid uu qoray Wiil reer Jabbaan ah oo Jaamacad London ku taa-la wax ka baranayay uu u diray gabar jacaylkiisa ahayd oo joogtay Tokiyo cariga Jabbaan waxaana dhambaalkaasi la yiraahdaa “Waan ku arkaa, kuumana jeedo”.

Sidoo kale waxaa ka mid ah dhambaal ay qortay gabar Jiis ahayd oo reer Isbaanish ah una qortay Wiil la yiraahdo Ro-maano oo galab waliba horteeda marmari jiray waxaana dhambaalkaa loo yaqaan “Ninyahow waan ku jeclahay, balse waa adigoon dharka iska siibin” waxayna kaga cod-sanaysay in uu naag kale guursado laakiin uu iyada ka soo qaado ama uu u niyeysto iyo weliba dhambaalo kale.

Haddaba dhambaaladaas Jacayl ee waaray oo gaaraya ilaa 10-dhambaal oo boggaga xusuusta taariikhda mucaash-aqiinta ku keydsan ayaan mid mid idiinkugu faaqideynaa:-

Qaybta 1-aad:-
Anjelia Batfa waa  gabar fannaanadda Talyaani  ah waxa ay jacayl u qaaday wiil dhalinyaro ah oo aad u qurux bad-naa kana dhashay dabaqadda la xormeeyo ee dalka Talyaa-niga.  Hase ahaatee waxaa jacaylkeeda soo wajahay  dhib-aato kaga timid xagga wiilkaas ay jeclaatay  kadib markii uu shardi uga dhigay  guurkeeda inuu ku xiran yahay iyadoo fanka ka harta.

W/Diyaariyey:- Maxamed Xuseen Yuusuf (Xaaji Tahriib)




   

Codka  Mucaashaqiinta

hearts3.jpg (4316 bytes)

Qormada Raadiyowga Codka Mucaashaqiinta waxan Todo-baad walba idinkugu soo bandhignaa Heesaha ka tarjumaya Jacaylka ee sida aadka ah loo xiiseeyo & ulajeeddadii loo alifay.

Todobaadkan waxaan akhristayaal idiin heynaa heestii RUUNEY I SOO EEG ee uu ku luuqeeyo fannaanka MAXAMED SULEYMAAN TUBEEC oo ay isaga quseyso.

Sida Mufasiriinta heesuhu sheegaan Maxamed Suleymaan heestaas wuxuu u qaaday gabar magaceedu RUUN ahaa oo jacayl qoto dheer uu u qaaday, inkastoo iyadu ay wax la waday haddana inuu sii dhiirigeliyo oo Jacaylka ku sii gaagixiyo, isagoo u muujinaya inay raaligelisay oo uu ku qanacsan yahay, wuxuuna yiri:-

=Ramashii….. badanooo…. Ruuneey…….

=Dhirtu raaxo bixisoo, ruun miraa leedahay, reyskiyo barwaaqadu, ay wada gudboon yihiin.

=Been laguma riimee, waad I raali gelisee, ruuney I soo eeg.

=Meel raaxo badanoo, roobka uu ku rooroo, biyuhu laba rogmanayaan, Raha & Maroodiga, ay wada rafiiqmeen.

=Been laguma riimee, waad I raali gelisee, ruuney I soo eeg.

=Meel ramasku dhalayoo, dhirtu ay is qabatoo, lagu raacin xoolahaa, reeruhu ku badan yihiin, dadku ay rumeeyeen.

=Been laguma riimee, waad I raali gelisee, ruuney I soo eeg.

=Meel Aar ku reemay, saanta seyrinaayaa, Gorayadu ka roortaa, aawadaa rucleeyaa, kaa raadiyaaye.

=Been laguma riimee, waad I raali gelisee, ruuney I soo eeg.

W/Diyaariyey:C/raxmaan Cumar Madoobe(Dalmar)

 

MURTIDA WARGEYSKA

Soomaalida maanta (Rag & Dumar) oo dhoofka dibadaha aad u jecel (+) kuwa Xaaslayaasha ah ee aan ku fakarin lamaanahooda ay cidleynayaan  (X) Kuwa dhoofka nasiibka u yeeshay  (-) Ninka ama Naagta laga tagay ee sanadaha badan laga maqan yahay (÷) Baahida Jinsi ee qofkaasi uu raboon karo = Ninna ama Naagna gurigooda kama waayin cuno, lebis & jiif ee qof walba waxa uu u aroosaa waa baahi Jinsi & Ubad aan heshid, haddiise labadaasi aad weysid waa arrin dhibkeeda leh, mararka qaarkoodna sheydaanku kaa faa’ideysan karo oo macsi kugu xambaari karo, Ninka laga tagay guursi Naago kale ayaaba u bannaan, Naagaha yaan la lug geyn, Shareecada Islaamku in Naagtu Afar bilood ka badan naaguhu dulqaadan karin Nin la’aan ayay xustaye Raggow naagihiina haka tagine, dambigii arrintaa ka yimaada mas’uul ayaad ka tihiin, Naagyahay haka yeelin ninkaada inuu kaa dhoofo, intuu ku lug goyn lahaa oo dhowr da’ kugu baaqan tahay, raaxada Jinsigana quful kaaga xiri lahaa ama horey aan kuu raaco ku leh ama I fur dheh, haddii sanado ay ku qaadato maqnaashihiisana iska Fasaq si Macsi aad ugu dhicin, gablanna aadan u noqon.

By: Maxamed Xuseen Yuusuf (Xaaji Tahriib)

 

Amuurtaan Ugub waaye ee ma dhab baa, mise waa arrin la buunbuuniyey?

Muqdisho todobaadyadii ugu dambeeyay dadka ku nool waxay ku indho bikaacsanayeen amaba dhegahooda soo gaarayay waxyaabo marka la eego ama la maqlo wixii dhacayay kahor 11-kii sano ee ugu dambeeyay ka argagax & welwel badan, waana dhacdo  qalbiyada dadka damiirka leh raad xun ku reebaya, isla markaana aad ay uga xumaadeen, kana walaacsan yihiin.

Dhibaatooyin dhinac walba leh ayaa dalka ka dhacay, waxaana hubaal ah inay dhibaatooyinkaas si gaar ah ay ugu dhacayaan haweenka & Ubadka yaryarka oo xadgudbyo aan loogu tureynin  loo geysanayo.

Haweenka waxaa lagu tiriyaa kuwo u jilcan waxyeelooyinka kala duwan ee aadanaha soo gaara, haddana waa kuwo adkeysi badan, maxaa yeelay adiguba waad ogsoon tahay dhibka ay foosha kulul la maraan oo haddana ay adkaysiga ka yeeshaan & inta ay caloosha ku sidaan ubadka Alle ku beeray oo dhibaatada walaca & culeyska ay la kulmaan u adkaysta, iyagoo weliba   jugta ka  ilaaliya ubadkaas oo inta ay caloosha ku sidaan & marka ay ifka u soo baxaanba u tura oo u naxariista.  Intaa oo kaliya kuma ekee waxay sidoo kale ku dhibtoodaan qaabka barbaarinta ubadkooda.

Haddaba iyagoo Haweenku dhibaatooyinkaas mara ayaa haddana waxaa ugu sii darsoomay dhibaatooyinka kufsiga, dilka, dhaca & hanjabaadda cabsida leh ee loo geysto, iyadoo waxyaabaha murugada & xannuunka leh ee ku socda Qoysaska Soomaaliyeed aysan ahayn wax caadi ah, waana fool xumo u soo hoyatay ummadda Soomaa-liyeed oo masiibo hor leh loo abuuray.

Kaba   sii  daran haddana waxaa beryahan dambe soo if baxday  in ubadkii yaryaraa ee  4-jirka  ilaa 10-ka  jira Wiilal &  gabdhaba  la sheegayo  in  la fara xumeynayo, oo fara xumeyn kaliya looguma simayee la dilayo marka falfal xumadaa  lagu sameeyo.

Haddaba dhacdooyinka la hubo  ee Muqdisho ka dhacay isla markaana in badan oo dadka Muqdisho degan ay arkeen amaba maqleen  waxa loo geystay gabar yar oo 5-jir ah oo meydkeeda laga helay guri burbursan oo ku dhawaa gurigooda, gabadhaasoo reerkooda ka maqnayd Saddex maalmood ayaa urka meydkeeda dadka deriska la adkeysan waayeen, taasoo bedelkeeda loo dilay nin miskiin ah oo aan waxba galabsan oo la yiri “waa ninkii dilay ee kufsaday”.

Dhacdadii kale ee xigtay ee iyana la hubo dhabnimadooda waa tii loo geystay gabadhii 14-jirka ahayd ee meydkeeda aroornimadii Talaadadii todobaadkii hore la soo dhigay Garoonka lagu cayaaro K/cagta ee Stadium Muqdisho, iyadoo jirkeedu uu ka muuqday jir-dil & kufsi lagu sameeyay. 

Haddaba Sawirka boggan ku daabacan waa muuqaalka gabadhii meydkeeda  laga   helay   garoonka   Stadium  Muqdisho oo Wargeysku Sawir ka soo qaaday iyadoo   fal laga argagaxo uu ka muuqdo, isla markaana aan la garanayn cidda dishay, iyadoo reerkeeduna   ay weysanaayeen labo maalin & labo habeen kadibna  ay ku soo baraarugeen helitaanka meydkeeda oo loo soo tebiyey.

Waxaa kale oo iyana la maqlay in wiil yar oo isna 5-Jir ah la kufsaday, kaasoo aan la dilin isla markaana fal jirdil ah aan lagu samayan.

Dhacdooyinkan ayaa markii ay Muqdisho ka dheceen hal mar Qoysaskii Soomaaliyeed isla dhawaaq-een, waxaana soo bannaan baxay warar kale oo dheeraad ah oo lagu siyaadinayo dhacdooyinkaas.

Soomaalida waa war ku nool, dadka qaarna waxaaba lagu yaqaanaa warar buun-buunis & inay hal war oo run & been wuxuu ahaadaba  u sarifaan Kumanaan warar ah oo dadka waxmagaratka ahi run iyo wax jira ay uga dhigaan, dadka Caqliga u saaxiibka ahina aysan ka daadagaynin wararkaas.

Bal eeg waxaa la yiri oo Suuqa la soo geliyey “Nin Jalaabiib wata ayaa laga dhigay canug yar, Nin kale oo Canug lagu qabtay ayaa ciidamada Boolisku ku dileen Taribuunka, Xaafad heblaayo ayaa nin lagu qabtay oo qirtay inuu falka geystay, Canug ayaa lala tagay, Gabar waxoogaa madaxa uga dhiman yihiin oo la weysan yahay ayaa la baafiyey iyo hadalo kale oo intaas ka sii badan.

Su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay mala rumeysan karaa arrimahan la isla dhex marayo ee Muqdisho ku soo kordhay, Qoysaskiina walbahaar & walaac ku abuuray? mise waa wax la buunbuuniyey oo Qoysaska lagu argagax gelinayo?.

Inkastoo wax dhici kara ay yihiin haddana waxay noqon karaan wax la buunbuuniyey oo ka badbadis ah, bal eeg hadalada la isla dhex marayo:- Nin Jalaabiib wata ayaa canug laga dhigay oo baxsaday, Nin kale ayaa Boolisku Taribuunka ku dileen isagoo canug lagu qabtay…… adiga akhristaha ah isweydiiye suuragal ma tahay in Boolisku nin ay arrintan ku arkeen amaba ku qabteen inay dilaan iyagoo aan wareysanin oo baaritaan & dabagal dheeraad ah aan ku samaynin, ileyn waa arrin u baahan in xaqiiqdeeda & meesha ay ka soo jeedo la ogaadee….sidoo kale ma jiraa nin la hayo oo arrintan loo qabtay? Marka laga reebo nin miskiin ahaa oo inta la qabtay si ba’an loo dilay oo si uu dilkaa uga badbaado si naf ku baxsi ah u yiraahda waan sameeyay sida Xabsiyadaba ka dhacdaba.

Waxaa kaloo murugo ah in la jir dilo Naago Ilmahoodii wata ama Niman ilmihii ay dhaleen xaafadaha la dhex maraya oo la yiraahdo way soo xadeen  iwm iyadoo arrimahan ay ka dheceen meelo badan oo xaafadaha Muqdisho ka mid ah.

Sidoo kale Carruurtii malcamadaha Qur’aanka dhiganaysay & kuwii Dugsiyada Hoose Dhexe dhiganayay waxbarashadii waa laga reebay iyadoo looga baqayo arrimahan Muqdisho ku soo kordhay ee la hadal hayo, taanoo iyana ah caqabad kale oo soo siyaaday.

Amuurtan ugub waaye oo dalkeena way ku cusub tahay haddii ay jirtana wuxuu wargeysku u arkaa qorshe cusub oo dhaqan & diin dooris ah oo loo soo dhiibay waxmagarato ay ku adeeganayaan dad shisheeye kalkaal ah oo magac xumo la raadinaya ummadda Soomaaliyeed ee islaamka ah oo hadalkeena aan ku soo koobno inay yihiin wax ujeeddo gaar ah laga leeyahay (waa haddiiba ay jirto), haddii kalena waa wax la buunbuuniyey oo aanba jirin sidii horeyba uga dhacday Muqdisho kadib markii Suuqa la soo geliyey in  JUUDAAN uu dad cunay &  Nin Juudaana ayaa ilmo laga dhigay, waa la qabtay, waa la dilay iwm.

Haddaba waxaa nasiibdarro ah in arrin aan jirin la buunbuuniyo haddii ay jirtana la waayo cid isu xilqaantay wax ka qabashadeeda, balse fiiro dheer haloo yeesho.

W/D:- C/kariin Ibr.Aadan (Ambacalin)

 


.


Contact us at: aayaha_nolosha@hotmail.com