| WAAGA SOO
SOCDA AROORYADA HORE AYAA LAGA GARTAA:
Ma Burburkii DKMG Ayaa Soo
Naas-Cad, Mise
..?
Hal sano ayaa laga soo gudbay markii
Carte, Jibuuti, lagu soo caleemo saaray DKMG loona qoondeeyay in muddo saddex sano kusoo
dabaalaan hey'adahii aasaasiga ee dowladda si' dabadeedna loo qabto doorasho lagu
xulanaayo wakiilo dadweyne laguna dhisaayo hogaan-idman iyo dowlad Soomaaliyeed oo dalka
mitilikarto.
Dadweynaha Soomaaliyeed wuxuu halkaas ka muujiyay sabar iyo biseyl weyn, siiba markuu
goaansaday inuu "fursad labaad uu siiyo" isla jiilkii ku
fashiliyay inuu u hiiliyo xuriyadda iyo qaranimada umaddii u suurageliyay in hantideeda
lagu soo barbaarsho.
Sida la wada ogsoon yahay, DKMG barnaamijkeeda "Boqolaka Maalmood" oo
barlamaankuna ansaxiyay, waxuu ballan qaaday oo mudnaanta kobaadna siiyay:
(1) Wan-waanta iyo la-heshiinta kooxaha mucaaridka ah (2) In la sugo amniga gudaha (3)
In la bilaabo dhismaha xakamaha dowladda (4) In dib loo soo nooleeyo kaabayashii
dhaqaalaha dalka (5) In laga hortago burburka iyo nabaadguurka deegaanka.
Haddii si' maskaxfuran loo miisaamo waxqabadka DKMG, oo leys barbardhigo waxa DKMG ku
ballanqaaday barnaamijkeeda iyo ficilkooda , maxaa ntiijadu tahay? Waxaa DKMG xusuus-qorka
umadda Somaaliyeed u diiwaangashan, arrimaha soo socda:
b) Xagga Dhismaha Dowldadda. Abuurista dowlad si xad-dhaaf u
balaaran oo wasiiraduhuna sitaan muqaal "maqaar-saar qabiil," laakinse ka
maran wax tayo la oran karo, isla markiina ayan wax cod ah ay ku laheyn isla qabiiladooda.
Xulkaasi wuxuu ku tacdiyay mabda'a siyaasadeed oo aasasiga ah ee oranaaya "Qofka
Kuu Xiiri Karin Yuusan Kuu Qoyin."
t) Xagga Maamulka. Meesha aheyd in la abuuro maamul-fidsan oo
udub-dhexaadkiisu yahay gobolo-madaxbanaan oo wakiiladiisa ay yihiin dadka deegaanka,
waxaa Cabdiqaasim si toos ah u magacaabay isagoon xitaa kala tashan Wasiirka-Koobaad iyo
Wasiirka Arimaha Gudaha gudoomiyayaasha 14kii degmood Gobolka Benadir kuna magacabay dad
xigtadiisa ah. Arrintaas waxaa lagu tilmamay "xukun-xayuubsi."
Fadeexada ugu weynse waxey noqotay marka ay dad "koyto" ah lagu
magacaabay maamulka degmooyinka "Xamar Qadiin," sida Xamarweyne,
Shingaani, Boondheere, Cabdulcasiis iyo Xamar Jab-Jab (Fiiri halkaan). Arrintaas waxaa
loo arkay quursi lagu xagleynayo dadkii abuuray Xamar deganaana kun-iyo-qarni.
Marka labaad waxaa ficilkaas loo micneeyay iney usii gogol-xareyso siyaasad dhulbalaarsi
oo hirgelinteedu ku tixan tahay ficilladii "Jinsi-Masixidda"
(ethnic-cleansing) ee dadkaasi nabadda-jecel lagula dhaqmay markii si' horornimo ah
dumarkooda ha ahaato mid la qabo, mid ugub ah iyo mid yar oon guur-gaarba aheyn in xoog
lagu maquunsaday, kaddibna loo-caraabshay miyiga iyadoo ilaa hadda raadkooda la heyn.
j) Xagga Dib-u-Heshiisiinta. In DKMG guud ahaan, gaar ahaana Cabdiqaasim Salaad
uu ku fashilay ballankii dadweynaha Soomaaliyeed ka sugayeen oo ah inuu waan-waan ka
aslixiyo DKMG iyo dab-huriyayaasha Soomaliya, siiba kuwa jooga degaanka Xamar oo "jifo
iyo qabiil" ahaanba ay isxigaan (sida Caato-Ceydiid-Suudi).
x) Xagga Maaliyadda. Siyaasad-lacageed cad dowladdu marna lama
imaan. Saldhigga ilaha dhaqaalaha dowladuna wuxuu ahaa oo keliya mucaawinada dibadda, iyo
taageerada ganacsato qaarkood. Waxaa laba jeer ganacsato gacan-saar la leh DKMGka soo
daabaceen lacago been-abuur ah soona geliyeen dalka, taasi waxey abuurtay sicir-barar
halis ah oo dhuunxir geliyay nolol maalmeedka umadda. Waxaase ugu daran meesha
lacagtaasi la xaraashi lahaa, DKMGka waxey ganacsatada uga iibsatay $700 kun. Farafiiq iyo
eedo badan oo xatooyo xoolo-dadweyne ayaa ka dhex socda DKMGka iyo barlamaanka. Waxaase
ugu daran in mas'uuliyiinta ay garan waayeen iney xitaa ka af-goobaabsadaan eedaha
qaarkood ka hor inta xog-sugan la helin. Buuqa ka socda wuxuu nalka ku ifiyay hufnaan
laaanta iyo daacadnimo xumada qotoda dheer ee ka jirta DKMG iyadoon la kala reebin.
kh) Xagga Wadashaqeynta Mas'uuliyiinta. Waxaad moodaa in
Cabdiqaasim iyo Galeyr ay iloobeen xilkii ku aaminay dadweynaha ayna go'aansadeen iney
dagaal qaboob isugu biro- tumtaan Dagaal-qaboob ay isku hayaan wuxuu gaaray abaabul
gashaanbuur oo mid waliba rabo inuu kan kale kaga taqaluso. Waa arrin gurracan oo
dadweynuhu u arko maangaabnimo, iyo u biseyl la'aanta maamulka dowliga.
d) Dhismaha Maamul-Goboleed. DKMG waxey aad ugu gaabisay
dhismaha maamul goboleedka. Waxeyse doorbiday iney wax ku wado qaabkii hore
dekreeto-ku-magacabidda sida magacaabidda mas'uliyiinta maamulka Xamar. Maamul goboleedkii
ku xusnaa Axdigii Carte maxaa loo diiday? Dad badan waxay qabaan in laga cabsaday iney
furto siyaasad dad badan u cuntamin oo hor-joogsi ku tahay fikradda dhulbalaarsiga oo in
muddo ahba laga waday dhulka Seddax-Geesoodka ee gobollada barwaaqada sida
Banaadir-Shabeelaha Hoose-iyo Jubbada Hoose. Waxaase inagu cusub in waayahan dambe
qolooyin wasiiro ah ee DKMG iney qol xiran ay ku wada saxiixeen heshiiska
maamul-goboleedka Shabeelaha Hoose (Fiiri
halkan). Walow fikradda maamul goboleedka Shabeelaha Hoose ay tahay fikrad
wanaagsan, haddii dadka gobolkaasi ku wada dhaqan oo dhan ay si' wada jir ah ugu tashan
lahaayeen aayaahooda. Laakinse waxey noqotay in dadka Reer Banaadir la gacan-bidaxeyo oon
waxba lagala tashan. Arrintaasi waa mid gurracan oo qosol-ku-jab ah (cosmetic), madaama ay
kasoo horjeeddo isla mabda'a maamul goboleedka marba haddii qolo deegaanka ka tirsan
xuquuqdooda lagu xadgudbay. Quursiga Reer Banadir waxey siiba bar-xun ku tahay Wasiirada
Digil & Marifle oo callan-side u ahaa siyaadda Maamul goboleedka.
Masiirka Soomaaliya mugdi weyn ayuu galay. Rajadii dadweynaha usoo ifeysay iney helaan
dowlad u sugto amniga iyo nabad ku-wada noolaasho dadweynaha wxey noqotay "Hal
bacaad lagu lisay." Su'asha manta taagan waa maxaa la filaynaa mustaqbalka dhow?
Odoroskaas ma sahlana. Haddase waxaa inoo sugnaatay in aragtidii aheyd "Dowlad
xun ayaa Dowlad La'aan Dhaanta " ay tahay aragti aan sidaas usii fogeyn.
Markaceey Editorial.
http://www.markacadeey.com/editorial1.html
Faaladaada usoo gudbi e-mailka: Salimhagi@yahoo.com
|