|
Wafdi ballaaran oo uu hogaaminaayo Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug
Maxamed Axmed Caalin ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta
gobolka Mudug iyagoo ku sii jeeda magaalada Jabuuti ee xarunta Dalka Jabuuti, si
ay uga qeyb galaan shirka kooxda xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya
(International Contact Group on Somalia).
Maxamed Axmed Caalin ayaa sxaafada uga warbixiyay safarkiisa ka hor inta uusan
ka duulin garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo, waxa uuna sheegay in
isaga iyo wafdigiisa ay magaalada Jabuuti uga qeyb gali doonaan kullanka ICG-da
ee looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya.
Dhinaca kale, waxaa isana saakay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ee
xarunta gobolka Mudug ka duulay madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug
Cabdisamad Nuur Guuleed oo ku sii jeeday magaalada Nairobi ee xarunta dalka
Kenya.
Mudanr Cabdisamad Nuur Guuleed oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin kooban
ka bixiyay ula jeedka safarkiisa waxa uuna sheegay in magaalada Nairobi uu kaga
qeyb galayo shir ay qabanqaabiso hay’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan
Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) oo looga hadli doono abaaraha iyo xaaladda
dadka barakacay ee ku nool xerooyin ku yaalla gobollada dalka Soomaaliya.
HOME
|