Magaalada Baraawe waxey ka mid tahay
magaalooyinka ugu qadiimsan soomaaliya waxeyna ku taalaa koofurta soomaaliya gaar ahaan
dhanka koofureed ee gobalka Sh/Hoose.
Magaalada Baraawe waxey ka mid tahay magaalooyinka ay ku badan
yihiin kheyraadka dabiiciga ah, waxaanna sidoo kale laga helaa Ganacsi iyo farsamooyin
horumar leh oo ay dadkeedu dhaqaale ahaan ku soo kaga faaiideystaan xirfado gaar ah
oo ay leeyihiin.
Marka aan u soo laabano magaaladda Baraawe iyo xaaladeeda
wakhtigan aanu joogno waa meel ay dhibaatooyin badan ka jiraan oo ay ka dhacayaan arrimo
aad uga soo horjeeda xuquuqda baniaadamka.
Qormadeena waxaa ku qaadaa dhigeynaa Xasaradii ugu dambeysay
ee magaaladaas ka dhacday iyo siyaabihii ay uga kala hadleen dadka deegaankaasi heysta iyo
dadka deegaankaasi ku abtirsada.
Deegaanka baraawe tan iyo markii ay dhacday dowladii dhexe ee
soomaaliya waxaa heystay ciidamo ka amar qaata ninka shegta guddoomiyaha degmadaas ee lagu
macagaabo C/laahi Xalane Dhuxuloow oo heyb ahaan ka soo jeeda beesha Ceyr ee H/ Gidir,
waxaana lagu eedeeyaa inuu dadka deegaanka ula dhaqmo si ka baxsan baniaadamnimadda,
hase ahaatee isagu wuxuu sheegtaa inuu wax u qabto dadka deegaanka.
Todobaadkii hore dhacdadii ka dhacday baraawe ee dadka ay ku
dhinteen ayaa waxaa ka dhacay Muran saxaafadeed si dadban u dhaxmarey C/laahi Xalane
Dhuxuloow iyo dadka ku abtirsada deegaanka Barawe, wuxuuna muran saxaafadedkaasi ahaa in
mid Qolooyinka deegaankaasi la heysto leh ay sheegtaan in ciidankooda ay burcad ku soo
duushay.
C/laahi Xalane Dhuxuloow oo u waramaayey Idaacadda Shabeelle
ee ka jirta Muqdisho ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay Barawe uu ahaa burcad sifeyn ay
ciidanka deegaanka ka sifeynayeen burcad soo weerartay halka nin Magiciisa ku sheegay Col.
Nuurre oo dadka deegaanka u dhashay ahna uu sheegay in maleeshiyadda C/laahi Xalane ay
weerareen dhalinyaro ka mid ah dadka deegaanka oo guryahooda difaacanaayey, waxeyse
labadaba sheegin wuxuu dagaalku ka bilaawday.
Odayaasha deegaanka Baraawe ayaa war ay arinta ka soo
saareen ku tilmaamay in oo xiriir aan kala sameynay arintaan ayaa sheegay in Ciidanka
C/laahi Xalane ay dhibaato u geysteen dadka deegaanka, waxeyna sheegeen in ay dhibaatooyin
sii raagaya ay ku hayaan ciidamada C/laahi Xalane Dhuxuloow.
Warkan ay soo saareen odayaasha baraawe oo ka koobnaa laba bog
ayaa waxaa lagu yiri Dadka reer Baraawe muddo 14 sano ah ayey ku jireen dhibaato
weyn oo balaaran, waxaana nasiib daro ah in maleeshiyadda C/laahi Xalane ay weli u hanqal
taagaan sii heysashada dadka deegaanka oo ay soo gumeysanayeen in ka badan 13 sano
waxaa sidoo kale baaqaasi lagu yiri ma garaneyno sababta weli uu C/.laahi Xalane ugu
sii dhiranaayo inuu dhibaateeyo dadka deegaanka, waxaanna uga digeynaa inuu magaaladda
Baraawe oo uu doonaayo inuu ka gooyo gobalka Sh/Hoose kuna daro J/Hoose uusan ku dhaqaaqin
falkaas, hadii kale dhibaato balaaran oo qasaaro weyn geysata ayey dhaleysaa
Odayaashu waxey sheegeen in Shaqaaqadii ka dhacday Baraawe
gudaheeda ay ciidanka C/laahi Xalane ku dileen nin dhalinyaro ah oo deegaanka ah, isla
markaasna ku dhaawaceen afar dhalinyaro ah, waxeyna odayaashaasi qoraalkooda ku sheegeen
magacyada dad ay ku sheegeen kuwii la wax yeeleeyey ee midina la dilay afarna iyagoo
shineema akteeda fadhiyan lagu furey qoriga dhashiikaha waa sida ay hadalka u dhigeenne.
Dadka lagu xusay qoraalka odayaasha iyo aqoonyahanka reer
Baraawe soo saaren ayaa waxey kala ahaayeen:-
Marxuum Max'ed Yahya Jaylaani oo la diley.
Maxed Xaaji oo labada lugood ka jabay dhaawac culusna soo gaaray.
Muxsin Abu Mazeyna oo dhaawac fududi soo gaaray iyo
Maxed Aweys Cumar oo gacanta kaga goay rasaastii haleeshay.
Dadka deegaanka Baraawe marka aad booqato waa dad madluun ah oo kuu
sheegaya in weli xaalkooda uu taagan yahay meeshii ay 1991-dii ay marayeen magaalooyin
kale oo haatan amaankoodu wacan yahay oo ka mid ah kuwa ay heystaan maleshiyooyinka dulaanka ku qabsado gobalo dalka ka mid ah.
Dhaqdhaqaaqyo lagu doonayo in lagu kiciyo
maleeshiyooyinka heysta deegaanka Baraawe oo bilaawday ayaa waxaa ay dhamaadeen iyadoo aan
la ogeyn meel ay ku dambeeyeen, hase ahaateen ciidamo deegaanka ah oo hubeysan ayaa haatan
la sheegayaa in habeenki ay soo galaan magaaladda, halka maalintiina ay aadaan hawdka.
Dhinaca amaanka waxey ka mid tahay goobaha ay
weli sida aadka ah ugu dambeeyaan isbaarooyinka, dhaca iyo boobka, waxaana arrintaasi ugu
wacan iyadoo aysan magaaladaasi weli fursad u helin in ay ka hana qaadaan waxa loo yaqaano
ururada Bulshada oo inta badan magaalooyinka ay ka jiraan ka suuro geliyey in ay
maleeshiyooyinka ku baraarujiyaan in ay si nabadgelyo leh u wada noolaadaan, waxaana la
sheegayaa in Maleeshiyada C/laahi Xalane aysan qudhooda weli la kulmin wax baraarujin ah
oo loo sameeyey si ay u badbaadiyaan dadka ay la nool yihiin.
Magaalada Baraawe marka aan u soo laabano xanta
taala Muqdisho waa magaalo nabadgelyo badan oo uu ka jiro maamul aad u wanaagsan, isla
markaasna dadka deegaanka si wanaagsan ula macaamila, hase ahaatee markii aad xaqiiqadeeda
dhax tagto waxaad kala kulmeysaa calool xumo kugu filan marka ay dadka kuu sheegaan
siyaabaha ay ula macaamilaan maleeshiyooyinka deegaankaasi heysta.
Waxeyna haatan dhab ahaan mareysaa meeshii ay
1991-dii mareysay magaaladda muqdisho oo aheyd in qofka la dilo sabab laaan, isla
markaasna ay dadku yeelan Karin wax ganacsi ah oo xur ah, taas oo ay ugu wacan tahay
maamulka ka jira oo dhamaan qeybaha kale ee dalka ka godoonsan iyo ururada bulshada
oo aan weli isku dayin in magaaladaasi ay tagaan.
Abuubakar Sheekh Axmed Maxamed
Muqdisho Soomaaliya.
albadri114@yahoo.com
|