MarkaCadeey3.gif (3919 bytes)
 
XANTA MUQDISHO IYO XAQIIQADA BARAAWE

January 2, 2004 Markacadeey


barawa.jpg (22790 bytes)Magaalada Baraawe waxey ka mid tahay magaalooyinka ugu qadiimsan soomaaliya waxeyna ku taalaa koofurta soomaaliya gaar ahaan dhanka koofureed ee gobalka Sh/Hoose.

 

Magaalada Baraawe waxey ka mid tahay magaalooyinka ay ku badan yihiin kheyraadka dabiiciga ah, waxaanna sidoo kale laga helaa Ganacsi iyo farsamooyin horumar leh oo ay dadkeedu dhaqaale ahaan ku soo kaga faa’iideystaan xirfado gaar ah oo ay leeyihiin.

 

Marka aan u soo laabano magaaladda Baraawe iyo xaaladeeda wakhtigan aanu joogno waa meel ay dhibaatooyin badan ka jiraan oo ay ka dhacayaan arrimo aad uga soo horjeeda xuquuqda bani’aadamka.

 

Qormadeena waxaa ku qaadaa dhigeynaa Xasaradii ugu dambeysay ee magaaladaas ka dhacday iyo siyaabihii ay uga kala hadleen dadka deegaankaasi heysta iyo dadka deegaankaasi ku abtirsada.

 

Deegaanka baraawe tan iyo markii ay dhacday dowladii dhexe ee soomaaliya waxaa heystay ciidamo ka amar qaata ninka shegta guddoomiyaha degmadaas ee lagu macagaabo C/laahi Xalane Dhuxuloow oo heyb ahaan ka soo jeeda beesha Ceyr ee H/ Gidir, waxaana lagu eedeeyaa inuu dadka deegaanka ula dhaqmo si ka baxsan bani’aadamnimadda, hase ahaatee isagu wuxuu sheegtaa inuu wax u qabto dadka deegaanka.

 

Todobaadkii hore dhacdadii ka dhacday baraawe ee dadka ay ku dhinteen ayaa waxaa ka dhacay Muran saxaafadeed si dadban u dhaxmarey C/laahi Xalane Dhuxuloow iyo dadka ku abtirsada deegaanka Barawe, wuxuuna muran saxaafadedkaasi ahaa in mid Qolooyinka deegaankaasi la heysto leh ay sheegtaan in ciidankooda ay burcad ku soo duushay.

 

C/laahi Xalane Dhuxuloow oo u waramaayey Idaacadda Shabeelle ee ka jirta Muqdisho ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay Barawe uu ahaa burcad sifeyn ay ciidanka deegaanka ka sifeynayeen burcad soo weerartay halka nin Magiciisa ku sheegay Col. Nuurre oo dadka deegaanka u dhashay ahna uu sheegay in maleeshiyadda C/laahi Xalane ay weerareen dhalinyaro ka mid ah dadka deegaanka oo guryahooda difaacanaayey, waxeyse labadaba sheegin wuxuu dagaalku ka bilaawday.

 

Odayaasha deegaanka Baraawe  ayaa war ay arinta ka soo saareen ku tilmaamay in oo xiriir aan kala sameynay arintaan ayaa sheegay in Ciidanka C/laahi Xalane ay dhibaato u geysteen dadka deegaanka, waxeyna sheegeen in ay dhibaatooyin sii raagaya ay ku hayaan ciidamada C/laahi Xalane Dhuxuloow.

 

Warkan ay soo saareen odayaasha baraawe oo ka koobnaa laba bog ayaa waxaa lagu yiri “Dadka reer Baraawe muddo 14 sano ah ayey ku jireen dhibaato weyn oo balaaran, waxaana nasiib daro ah in maleeshiyadda C/laahi Xalane ay weli u hanqal taagaan sii heysashada dadka deegaanka oo ay soo gumeysanayeen in ka badan 13 sano” waxaa sidoo kale baaqaasi lagu yiri “ma garaneyno sababta weli uu C/.laahi Xalane ugu sii dhiranaayo inuu dhibaateeyo dadka deegaanka, waxaanna uga digeynaa inuu magaaladda Baraawe oo uu doonaayo inuu ka gooyo gobalka Sh/Hoose kuna daro J/Hoose uusan ku dhaqaaqin falkaas, hadii kale dhibaato balaaran oo qasaaro weyn geysata ayey dhaleysaa”

 

Odayaashu waxey sheegeen in Shaqaaqadii ka dhacday Baraawe gudaheeda ay ciidanka C/laahi Xalane ku dileen nin dhalinyaro ah oo deegaanka ah, isla markaasna ku dhaawaceen afar dhalinyaro ah, waxeyna odayaashaasi qoraalkooda ku sheegeen magacyada dad ay ku sheegeen kuwii la wax yeeleeyey ee midina la dilay afarna iyagoo shineema akteeda fadhiyan lagu furey qoriga dhashiikaha waa sida ay hadalka u dhigeenne.

 

Dadka lagu xusay qoraalka odayaasha iyo aqoonyahanka reer Baraawe soo saaren ayaa waxey kala ahaayeen:-

  1. Marxuum Max'ed  Yahya Jaylaani oo la diley.

  2. Maxed Xaaji oo labada lugood ka jabay dhaawac culusna soo gaaray.

  3. Muxsin Abu Mazeyna oo dhaawac fududi soo gaaray iyo

  4. Maxed Aweys Cumar oo gacanta kaga go’ay rasaastii haleeshay.

Dadka deegaanka Baraawe marka aad booqato waa dad madluun ah oo kuu sheegaya in weli xaalkooda uu taagan yahay meeshii ay 1991-dii ay marayeen magaalooyin kale oo haatan amaankoodu wacan yahay oo ka mid ah kuwa ay heystaan maleshiyooyinka dulaanka ku qabsado gobalo dalka ka mid ah.

 

Dhaqdhaqaaqyo lagu doonayo in lagu kiciyo maleeshiyooyinka heysta deegaanka Baraawe oo bilaawday ayaa waxaa ay dhamaadeen iyadoo aan la ogeyn meel ay ku dambeeyeen, hase ahaateen ciidamo deegaanka ah oo hubeysan ayaa haatan la sheegayaa in habeenki ay soo galaan magaaladda, halka maalintiina ay aadaan hawdka.

 

Dhinaca amaanka waxey ka mid tahay goobaha ay weli sida aadka ah ugu dambeeyaan isbaarooyinka, dhaca iyo boobka, waxaana arrintaasi ugu wacan iyadoo aysan magaaladaasi weli fursad u helin in ay ka hana qaadaan waxa loo yaqaano ururada Bulshada oo inta badan magaalooyinka ay ka jiraan ka suuro geliyey in ay maleeshiyooyinka ku baraarujiyaan in ay si nabadgelyo leh u wada noolaadaan, waxaana la sheegayaa in Maleeshiyada C/laahi Xalane aysan qudhooda weli la kulmin wax baraarujin ah oo loo sameeyey si ay u badbaadiyaan dadka ay la nool yihiin.

 

Magaalada Baraawe marka aan u soo laabano xanta taala Muqdisho waa magaalo nabadgelyo badan oo uu ka jiro maamul aad u wanaagsan, isla markaasna dadka deegaanka si wanaagsan ula macaamila, hase ahaatee markii aad xaqiiqadeeda dhax tagto waxaad kala kulmeysaa calool xumo kugu filan marka ay dadka kuu sheegaan siyaabaha ay ula macaamilaan maleeshiyooyinka deegaankaasi heysta.

 

Waxeyna haatan dhab ahaan mareysaa meeshii ay 1991-dii mareysay magaaladda muqdisho oo aheyd in qofka la dilo sabab la’aan, isla markaasna ay dadku yeelan Karin wax ganacsi ah oo xur ah, taas oo ay ugu wacan tahay maamulka ka jira oo dhamaan qeybaha kale ee dalka ka go’doonsan iyo ururada bulshada oo aan weli isku dayin in magaaladaasi ay tagaan.

 

 

 

Abuubakar Sheekh Axmed Maxamed

Muqdisho Soomaaliya.

albadri114@yahoo.com

 


Free Counter
fashion jobs
fashion jobs

return.gif (3137 bytes)