marka_title4.jpg (10755 bytes) amira_banner.gif (45915 bytes)

SOMALI LINKS

AllPuntland

Allsomali.com
Arhotaba (Cafar website)

Arlaadi Online
Arlaadinet

Afgoi.com
Awdelnews.com

Bakaaraha

Baafin.com

Balcad.com
BBC Laanta Soomaaliga

Benadir
Berlula Online

Burtinle  Online

Bulsho

  

Codk Somali Galbeed

Cayaaraha.com

Cadaado.net
CeelBuur

 

Dalka.com

Dayniile

Deeyoo

DijboutNet

FALSAN

Gedonet

Gedohomepage

Geeska Afrika

Goldogobsite.com

Goobjoog
Gashaamo

 

Hiiraan

Himilo Online

Hobyonet

HornAfrik Online

Horyaal

Janaale

Jowhar.com

Kenyan Somali Community

Lafoole.com (STAS)

 

Marka Caddeey
maaneed

Midgaan.com
Mogadishu University

Muqdishonet

Midnimo.com
Onkod

Puntland Post

Qaranimo.com
QoraheyOnline

Qaamuus

Radio Somaliland

Ruunkinet.com

 

Smali Bantu
SBC Online
Somali IT
Somaligalbeed.net
Saylac.com
Somali TV Online
SomaliMagazine

Somali Fisheries Society

Somalilandnews.com

Somalitalk.com

Somalia Site

Somali S.S. Malaysia

Somalilife.com

Somaliawatch.com

Somaliawatch.org

Somalilandnet.com

SomaliNet

Somali R. & H. Center Somitek
Somalitribune
Somali Water & Environ

Somali Weyn Somaliwebsite.com
Somalihome Online
Somali Peace Process

SomaliUK.com
Somali Inter
SUSA Netowrk

STN-TV.NET

UN-Somlaia
Waqooyi Bari Kenya
Widhwidh

thenews.jpg (5649 bytes)

Hodan Siid Ahmed oo sidii halyey loogu soo dhoweeyey Rinkeby Stockholm

January 29, 2004


sports_sweden3.jpg (21203 bytes)Ururka isbortiga Banadir FC ayaa u suurta gashay inuu ku marti Hodan Siid Ahmed oo gabadh Soomaaliyeed oo cayarta kubadda cagta kana cayaarta heerka ugu sareeya isla markaana ku jirta xulka qaranka under 21 ee wadankaan Sweden. Martiqaadkaan ay ka heshay ururka Banadir FC ayaa ahaa mid ku yimid codsi  waalidiinta Soomaaliyeed iyo cayaartooydii hore ee Soomaaliyeed ay ku doonayeen inay la kulmaan Hodan si ay u bartaan  una dhageystaan taariiqdeeda isborti isla markaana ka codsadaan inay u istaagto sidii ay hormuud ugu noqon lahayd gabdhaha Soomaaliyeed ee jecel inay heer wanaagsan ka gaaraan isbortiga.

sports_sweden4.jpg (19969 bytes)Fikradaan ayaa ku timid ka dib markii ay aad u korortay gabdhaha soomaaliyeed ee aada dugsiyada hoose iyo kuwa sareba ay maadada isbortiga aysan ka qeyb qaadan ama aan xiisaba u hayn kaasoo dhib ku keenay inay lumiyaan buundo badan oo usaamixi lahayd inay natiijo fiican ka helaan iskuuladooda laguna siin lahaa maadada isbortiga, wadanka Sweden ayaa qiimo weyn ugu fadhiya maadadaan isbortiga isla markaana ku bixiya buundo badan, marka aad eegto ummadaha intooda kale maadada isbortiga ayaa u ah mid ay si weyn ugu xisaabtamaan maadaamo laga raba oo kaliya in gabadha ay ka qeyb qaadato tababarka boqolkiiba boqol.

sports_sweden5.jpg (20915 bytes)Fikrada kale oo laga qaba Soomaalida ayaa ah mid ah in waalidka Soomaaliyeed uusan u ogoleyn gabdhahooda maadada isbortiga,  Hodan oo ah gabar Soomaaliyeed oo xag waxbarsho iyo xag isbortiba ka dhisan ayaa  waalidiinta  soomaaliyeed u arkeen inay tahay qofkii ku haboonaa in ay noqoto qoftii dhiiri gelin lahayd gabdhaha Soomaaliyeed isla markaana wax ka badeli lahayd fikradaha laga aminsan yahay waalidiinta Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa bilaawday 6dii fiidnimo waxaana ka soo qeyb galay dad ka badan intii la qorsheeyey oo ah 20 qof ah, kulankaan ayaa mid loogu tala galay dad aan kabanaan 20 qof si qof walba u helo fursad uu wax ku weydiiyo Hodan iyo in la dhageysto fikrada uu ku kordhin karo sidii loo horumarin lahaa isbortiga dhanka dumarka.

sports_sweden6.jpg (18666 bytes)Tiradii kasoo qeyb gashay ayaa noqday 27 qof oo ahaa dad laga soo xulay bulshada Soomaaliyeed oo isugu jiray waalidiin,cayaartooy hore, siyaasiin Soomaaliyeed,guddiga cayaarah 2005 iyo ururka Haweenka Soomaaliyeed ee Hadraawi, sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay kulankaan maamulka degmada Rinkeby, masúul ka socday xiriirka isbortiga magaalada Stockholm iyo jaraaidka ugu weyn degmada Rinkeby.

sports_sweden2.jpg (22486 bytes)Isbarasho ka dib ayaa Hodan bilaawday inay ka sheekeyso taariiqdeeda isborti iyo waxbarshadeedaba, isla markaana u mahad celisay dadkii ka soo qeyb galay kulanka isla markaana ku faraxday in markii ugu horeysay ay timaado xaafada soomaalida ugu badan degan tahay ee Rinekeby ay rajeyneyso inuusan noqon markii ugu dambeeyey waxaan rajeynayaa in aan bilaabo inaa xiriir la yeesho dhamaan Soomaalida degan Rinkeby iyo kuwa aan deganeynba, isdhaafsasho fikrado ayaa gabgabadii la isku af gartay in kulan kale la isugu yimaado oo ka waqti badan midkaan.Maamulkii ka socday Rinkeby ayaa ka codsaday Hodan in ay booqasho kale ugu timaado si iskuulada ay usoo booqato.

sports_sweden7.jpg (18997 bytes)Gabagabadii kulanka ayaa waxaa nasiib ku yimid goobta kulanka, qaar ka mid ah wafdi Soomaalida London oo booqasho ku jooga Stockholm oo ay hogaaminayeen Abdirashid Islaw iyo Xuseen Abati ka dib markii ay maqleen Hodan ayaa joogta, waxayna u sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin inay la kulmaan Hodan isla markaana magaalada ay ka yimadeen ee London ay u tahay halyeey ayna salaan uga wadaan dhamaan bahda isbortiga ee ku nool London. Maamulka cayaaraha xagaaga 2005 ayaa ka codsaday in Hodan ay soo booqato inta ay cayaaruhu Socdaan hadii alla idmo taas oo iyaduna ka balan qaaday inay imaan doonto. Sidoo kale Xaaji Faarax oo ah oday Soomaaliyeed oo wanaag lagu yaqaan ayaa ka codsaday Hodan iyo maamulka Stockholm in dib loo soo celiyo goob lagu dabaasho oo dumarka islaamka ku dabaalan jiray oo la xiray musso sanad laga joogo.

sports_sweden1.jpg (25458 bytes)Aniga oo aan halkan ku soo koobi karin waxyaabihii ka dhacay goobta ayaa waxaa ku tilaami karaa mid guul u ahaa Soomaalida reer Rinekby, Hodan qudheeda ayaa ka arkayey inay si aad ah ugu faraxsaneyd booqashadeeda kaas oo aaan dhihi karo waxa ay niyada ka ogaatay in qiima weyn ugu fadhido dadkeeda Soomaaliyeed. Hadalkeeda ugu dambeeyey ayaa ahaa markaan waxaan rajeynayaa in marka aan cayaarayo aad isoo booqan doontaan maadaamo aan hadda ku cayaari doono garoon idiin dhow.

Ibrahim Galbeyte

Stockholm Sweden

 

return.gif (3137 bytes)