bbc11.jpg (2478 bytes)
bbc14.jpg (2475 bytes)
bbc18.jpg (2481 bytes)

aljazeera.jpg (3933 bytes)
News
Sports
Health
islam1.gif (1367 bytes)
Islam
UN
Somali
Arabic


»SomaliDiasporaNews
» Arts-Osmanart
» AllPuntland
» Allsomali.com   
» Awdelnews.com
» AminArts

» Baydhabo

» Banadir-City

» Banadir24

» Barawapost

» Balcad.com

» BBC Somali

» Benadir

» Biyo kulule
» Boondheere

» Burtinle Online

» Bulsho

» Buurhakaba

» Banooda

» Bulshoweyn

 

» Calanka

» Codk Somali

» Cadaado

» Dayniile

» Deeyoo

» DijboutNet
»
COS Company

 

» Gedonet 

» Geeska Afrika
» Gendershe

 

» Hamarey

» Hiiraan

» Himilo Online

» Hobyonet

» HornAfrik Online

» Iibka.com

» Jamaame

» Janaale

» Jowhar.com

» Lafoole.com

 

» Marka Cadeey

» MarkaCadey.net

» Medical SOM

» Midgaan.com

» Mugdishu Univ.

» Midnimo.com

» MudugOnline

» MudugNet

» Muudi.net


» Onkod

» Puntland Post

» Qaranimo.com

» QoraheyOnline

» Qaamuus

» RadioBuhoodle

» Radio Somaliland

» Ruunkinet.com

 

» SomaliNewsPost
»
Somalia24
» Somraf
»
Sharmarke Peace Foundation
»
Somali Fans
»
Sh. Hoose

» Somali Sports

» SSUNION

» SomaTVOnline

» Somaswis

» SomaliMarket
»
Somali Jecel

» Somali Bantu

» SBC Online

» Somali IT

» Saylac.com

» Somali Fish Soc.

» Somalilandnews

» Somalitalk.com

» Somali Malaysia

» Somalilife.com

» Somaliawatch

» Somaliawatch

» Somalilandnet

» SomaliNet

» Somali Center

» Somitek

» Somalitribune

» Somali Environ

» Somali Weyn

» Somali Youth
» Warkii

» Widhwidh

» XamarNews

 

Radio Links


» Radio SCERDO 
» Radio Benadir
» Radio Somaliland
» Radio Dalmar
» Radio Golis (RG)
» Sagal S. Radio
» Somali Radio (USA)

 

 

 

Wasiirka Hawlaha Guud Iyo dib-u-dhiska oo khadka kula kulmay Odayaasha benaadiriga ee UK



RadioMuqdisho

 

January 9, 2012 Markacadeey


Ka dib markii abaabul dheer iyo wadahadal uu sameeyey Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda Maaliyadda Mudane Sheekh Mukhtaar Sheekh Shuute ayaa waxaa shir isugu yimid Qowmiyadda Benaadiriga ee ku dhaqan dalalka Soomaaliya & Ingiriiska, shirkaas oo ay ku ballan sanaayeen dhammaan Benaadiriga ku kala nool adduunka daafihiisa kala gedisan, sida kuwa ku sugan USA, Kanada, Ustralia, Sweden & Talyaaniga, oo ay uga soo qeyb geli rabeen khadka teleefanka oo cillad farsama awgeed u suurta geli weysey.


Shirkaasi ayaa waxaa khadka telefoonka kagala soo qeyb galey Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib-u-Dhiska Soomaaliya, Mudane Jeylani Nuur Iikar, asagoo Xamar jooga.

Shirkaasi oo lagu qabtey caasimadda dalka Ingiriiska ee London oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah odayaasha Reer Banaadir ee ku sugan dalka Boqortooyada Ingiriiska.

Waxaa Shirkaas lagu casumey Eng. Abba Awoow Suufi oo ah madaxweeynaha Bnaadir State oo khudbad ka soo jeediyey Shirkaasi taas oo uu ku sheegey munaasabaddasi kelmadihii ku haboonaa, waxaa kaloo ka soo qayb galey dad hawlo muhim ah ka soo qabtay dawladahii hore ee dalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin, Dibloomaasiyiin, Siyaasiyiin, Suxufiyiin, Saraakiil Ciidamada Qalabka Sida, Takhaatiir, Haween iyo Ganacsato, waxaa shir guddoominaayey shirkaas Dr. Axmed Shariif Cabbaas. Waxaa kale oo si weyn uga soo qayb galay, dhallinyaro leh tacliin sare iyo xirfado kala geddisan kuna qaatay dalkan Ingiriiska kuwaas oo muujiyay in ay diyaar u yihiin in ay dowr weyn ay ka qaataan dib-u-dhska dalka hooyo iyo hor-u-marinta mujtamacooda.

Arrimaha lagu soo qaaday shirka waxaa ka mid ahaa, sidii looga hortagi laahaa dulmiga lagu haayo ummadda Reer Banaadir iyo sidii loo burburin lahaa nidaamka xaaraanta ku dhisan ee loo yaqaan 4.5ka oo ka soo horjeeda xaqa uu bani-aadamka u leeyahay in uu helo caddaalad iyo sinnaan, waxaa kaloo si aad ah meesha looga sheegey in Benaadir ay leeyihiin Qowmiyadda Benaadiriga.

Ka qaybgaleyaasha shirka waxay ku dheeraadeen baahida loo qabo in Reer Banaadir meel kasto ay joogaan in ay midoobaan, si ay u daafacaan xaqooda muqaddaska ah ee ay ku leeyihiin dalka hooyo iyo in ay ilaashadaan danahooda guud. Waxaa la soo qaaday midnimada in ay muqadas tahay maahmaah Soomaaliyeed ayaa waxey dhaheysaa “Far kaligeeda, fool ma dhaqdo”.

Ka dib, guddoomiyaha shirka wuxuu ku soo dhoweeyay khadka telefoonka Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska, Mudane Jeylani Nur Iikar oo Xamar ku sugan oo khadka teleefoonka kala socday dooda shirka.

Wasiirka wuxuu ka mahad celiyay soo dhoweynt iyo ka qayb qaadashada shirka, sidoo kale qayb-galeyaasha oo mid-mid ugu soo jeediyeen salaam iyo hambalyo uguna duceeyeen in Ilahay u fududeeyo hawlaha culus ee uu qaranka Soomaaliyeed u haayo.

Isku xirka labada dhinac ee khadka telefoonka oo lagu soo tebinaayay samaacado waaweyn oo inta qolka fadhiday u maqlaysay Wasiirka si asagoo isla qolka la fadhiyo oo kale ah, waxaa farsamadii xiriirinta sameeynaayey Fannaan Maxamed Maclow.

Wasiirka wuxuu ku wargaliyay shirka London ee Odeyaasha Reer Banaadir, arrimaha siyaasadeed ee dalka iyo halka maanta la maraayo. Wuxuu aad iyo aad ugu adkeeyay Reer Banaadir inay gacmaha is qabsadaan oo si wada jir ah ugu soo jeestaan dowrka laga rabo in ay ka qaataan siyaasadda dalka guud ahaan, iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dhismaha dalka hooyo iyo arrimaha guud ee Benaadiriga.

Wuxuu wasiirka xasuusiyey Qowmiyada Benaadiriga in 6 ka mid ah ay ahaayeen Qoowmiyadda Benaadiriga 13kii aasaasayaashii SYL ee gobanimada soo gaarsiiyey dalka iyo Ururkii Dhallinyarada Benaadir ee loo aqoon jirey U.DH.B. (UGB) Iyo weliba kii xisbigii Digil & Mirifle horseedna u ahaayeen gobanimadoonkii dalkeenna ee Soomaaliya.

Madaama shirkaan uu ahaa kii ugu horeeyay noociisa oo Banaadiriga UK jooga ay la yeeshaan Wasiirkooda, wuxuu ahaa fursad aad loo soo dhoweeyay oo loo riyaaqay.

Wasiirka waxaa kaloo uu ku adkeeyey intii ka soo qeyb gashey sida loogu baahan yahay Khibradahooda kala duwan iyo aqoontooda, kana qeyb gaataan siyaasadda dalka.

Ugu dambeystii Dr. Axmed Shariif Cabbaas, ayaa asagoo ku hadlaayo magaca shirka inta isugu timid iyo magaciisa uga mahadceliyay Wasiirka waqtigiisa iyo khudbaddii qiimaha lahayd ee uu u soo jeediyay shirka Odeyaasha Benaadiriga ee London, asagoo khadka Telefoonka kala soo hadlaayay Xamar iyo odayaashii ay u suurta gali weysey in ay khadka teleefanka kaga soo qayb galaan Benaadiriga adduunka daafihiisa.
Ka soo qeyb galayaasha waxay kala ahaayeen:

1- Abba Awoow Suufi Madaxweynaha Benaadir State
2- Sheekh Mukhtaar Sheekh Shuute Wasiir ku xigeenkii Hore ee Maaliyadda
3- Dr. Axmed Shariif Cabbaas Guddoomiyaha Benadir UK.
4- Amb. Maxamed Cusmaan Cumar
5- Dr. Yuusuf Munye Yuusuf
6- Karaama Siidii Xaaji
7- Khaalid Mocoow Abdulqaadir
8- Max’ed Cadde Mukhtar
9- Cabulcaziiz Max’ed Nuur
10- Xasan Turki Axmed
11- Max’ed Makki
12- Max’ed Macalloow Nuur
13- Shariif Abuubakar Cali
14- Shariif Cabdalla Sangaaf
15- Shariif Max’ed Xuseen
16- Ismaaciil Shariif Abuukar
17- Cusmaan Sheekh Cali
18- Xasan Muriidi Mahdi
19- Xuseen Muriidi Mahdi
20- Cusmaan Max’uud Iimaan
21- Saadaat Shariif Max’ed
22- Qasaali Faqay Abuu Sheekh
23- Xamza Shariif Max’ed
24- Asaadi Sheekh Shariif
25- Aweys Max’ed Cali Nuur
26- Xassan Xaaji Nuur

 

 


 

 

 

 

 

 

 

 

 


 
 

HOME

Get a 7-Day Free Trial to FunPass.


 

 

return.gif (3137 bytes)