|
Wasiirada Adeegga bulshada oo ka warbixisay kulankii ay uga qeyb gashay dalka Tuniisiya
Radio Muqdisho
January 1, 2012 Markacadeey
|
Wasiirada adeegga bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay
kulankii 21 oo ay yeesheen wadamada Jaamacadda carabta qeybtooda hormarinta
waxbarashada, iyo kulankii ay la qaadatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda
Turkiga.
Maryan Qaasim wasiirada wasaaradda adeegga bulshada iyo wafdi ay hoggaamineyso
oo ku sugan dalka Turkiga ayaa sheegtay in kulankii ay uga qeyb gashay magaalada
Tuunis ee caasimada dalka Tuniisiya uu ku soo dhamaaday guul iyadoona xustay in
shirkaasi waxyaabihii ay uga hadashay ay ka mid ahaayeen in Soomaaliya loo furo
sanduuq loogu aruuriyo dhaqaalaha si loo hormariyo waxbarashada iyo dhaqanka.
Marwo Maryan ayaa xustay in ay kulan la yeelatay mas’uuliyiinta wasaaradda
shaqada iyo shaqaalaha iyo madaxda wasaaradda waxbarashada dowladda Turkiga
iyadoona ka heshay balan qaadyo ku aadan hormarinta waxbarashada dalka
Soomaaliya iyo sidii dhalinta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen waxbarsho lacag
la’aan ah.
Sidoo kale wasiirada ayaa intaasi raacisay in ay la kulantay wasiirka wasaaradda
dhalinyarada iyo Isboortiga dalka Turkiga ayna kala hadashay sidii iskaashi
loogu sameyn lahaa hormarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii wasiirada ayaa tilmaamtay in maalmaha soo socda dalka Turkiga uga
qeyb gali doonto shir ay yeelanayaan wadamada caalamka kaas oo ay ka qeyb
galayaan wasaaradaha hormarinta Qoyska.
HOME
|
|
|
|