|
2012 oo loo aqoonsaday sanadkii loogu dhibaateynta badnaa Saxafiyiinta
Shabelle
January 1, 2012 Markacadeey
|
Sida lagu daabacay Wargeyska The Garthean ee ka soo baxa dalka Briten waxaa
sanadkii aan ka soo Gudubnay ee 2012 Geeriyooday Saxafiyiintii ugu badneed
Caalamka kuwaasi oo lagu sheegay tiradooda 121 Saxafi oo kakala howl galaayay
Daafaha Dunida.
Waddanka Syria ayaa la sheegay in uu noqday halbolaha meesha ugu badan ee uu ku
qubtay dhiiga Saxafiyiinta
Geerida Saxafiyiintaan ayaa ku timid sababo kala duwan oo loo badiyay
bartilmaameysi toos ah iyo dhacdooyin kale oo ay la kulmeen iyagoo ku guda jira
howshooda shaqo
Sanadkaan marka loo eego sanadihii ka horeeyay ayaa waxa udhexeeya farqi iyo
lambarro badan waaayo sanaddii 2011 waxaa geeriyooday illaa 107 Saxafi 2010
waxaa dhintay 94 Saxafi halka 2009na ay dhinteen 113 saxafi
Syria oo kaliya waxaa ku dhintay 35 Saxafi Sanadkii aan ka soo gudubnay ee 2012
kuwaas oo wargeysku uu ka carab dhaway Saxafiyaddii caanka ahayd Kalfin ee iyadu
ka tirsaneed wargeyska Sanday Times ee ka soo baxa dalka Briten.
Waddanka Soomaaliya ayaa warbixinta lagu sheegay in 18 ka mida saxafiyiintaasi
ay ku geeriyodeen kuwaasi oo intooda badan lagu weeraray gudaha dalka Soomaaliya.
Warbixinta ayaa xustay in dhamaan Saxafiyiinta la weeraray ujeedka ka dambeysa
in ay tahay si loo aamusiyo Saxaafadda Xorta ah.
Dalalka Mexico iyo Pakistan ayaa la xusay in illaa 10 Saxafi ay ku geeriyoodeen
halka Philipine iyo Ciraaqna ay ku dhinteen illaa 5 Saxafi.
Hey’ado udooda Xuquuqda Saxaafadda ayaa ugu dambeyn ku taliyay Qaramada Midoobay
oo xeera ciqaaba ka soo saarta beegsiga Saxafiyiinta dowladaha oo mauuliyad iska
saara difaaca Suxufiyiinta iyo shucuubta oo muujiya dareenkooda ku’aadan
dhibaateeynta adeegayaashooda.
HOME
|
|
|
|