|
Tartanka Koobka Marxuum Suleymaan Coaad Rooble oo maalinta Jimcaha ka furmi doona garoonka Altaraji ee magaalada Jeddah
January 1, 2012 Markacadeey
|
Waxaa maalinta Jimcaha oo ay bishu ku beegan tahay 04/01/2013 ka bilaaban doona
garoonka Altaraji ee xaafadda Sharafiyah, tartan lagu maamuusayo wasiirkii hore
ee Isboortiga Allaha u naxariistee SULEYMAAN COLAAD ROOBLE oo ay soo qaban
qaabiyeen gudiga fulinta ee xiriirka kubadda cagta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee
Waqooyiga magaalada Jeddah, gaar ahaan xaafadda Caneykish.
Tartankaas ayaa ilaa iyo haatan waxaa iska diiwaan geliyay 20 kooxood oo ku
tartami doona, koobkaas qiimaha iyo qaayaha badan ee lagu xusi doono halyey
Suleymaan Colaad Rooble naxariistii eebe Ilaahay janadiisa haka waraabiyee.
Tartankan cusub waxaa ku loolamaya labaatan kooxood oo loo kala qeybiyay 4
guruub oo A,B,C, iyo D ah, waxayna kala yihiin:
Group A:
Gumeysidiid, SYL, Fc-Shandi, Waaberi, iyo Daallo
Group B:
If. Caneykish, X.Marka, Midnimo, Kandara, iyo Dayax
Group C:
Baanow Stars, LLPP, Gold Star, Markacadeey, iyo If. Gacameey
Group D:
Barqash Stars, Goday, Dhimbil, W.Shabeelle, iyo Azuura
Ma'ahan markii ugu horeysay ee ay Gudiga xiriirka Kubadda Cagta Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee Jeddah Caneykish qabtaan tartamo lagu qiimeynayo halyeeyadii
dalka, waxaa Bishii ina soo dhaaftey ay soo gabagabeeyeen tartan Koob lagu
xusayay halyey MOWLIID MACAANI, iyadoo koobkaasi ay hanatay kooxdii ku
ciyaaraysay magaca MAKAROONA, kadib markii ay gool ku laad kaga badisay kooxda
BARQASH STARS.
Maxamuud Sheekh Cabdulqaadir "Diyeeshe"
diyeeshe@hotmail.com.
HOME
|
|
|
|