|
Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo oo ku sii jeeda Khartuum
January 1, 2012 Markacadeey
|
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan dalka Sudaan ayaa maanta waxey ku sii
jeedaan magaalo madaxda dalkaas ee Khartuum.
Wafdigaan ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiirka Arimaha Gudaha & Amniga Qaranka Mudane
C/Kariim X.Guled, Wasiirka Maaliyadda & Qorsheynta, Mudane Maxamuud Xasan
Suleymaan, Wasiir u dowlaha Wasaaradda arimaha dibadda Mudane Dr. Maxamed Nuur
Gacal, Wasiir ku xigeenka Gashaandhiga Mudane Axmed Maxamed Maxamuud, iyo
Taliyaha nabad sugida Mudane Axmed M. Fiqi.
Wafidigan ayaa waxey maalintii shalay aheyd ka qeyb galeen xafladda xornimadda
Sudaan. Xafladaas ayaa waxey ku soo aaday munaasabad lagu furayo biyo xireenka
laga dhisay magaaladda Damazin ee gobolka blue Nile.
Sidoo kale Madaxwyenaha iyo wafdiga uu hogaaminyo, waxey kulamo la qaateen
Madaxweyne Cumar Xassan Al-Bashiir iyo Wasiiro ka tirsan xukumadda dalka Sudaan.
Kulankaas waxaa looga wada hadlay sidii xirriirka labadda dal loo hormarin lahaa.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay mashaariicda adeegyadda bulshadda ee dowladda

Six Pillar policy).


HOME
|
|
|
|