|
Maamulka Banaadir oo iska fogeeyay nin la sheegay inuu dili rabay Tarsan
January 2, 2012 Markacadeey
|
Kadib markii 31-December 2012 ay soo shaacbaxday Qarax miino oo la damacsanaa in
lagu qaarajiyo duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha G/Banaadir ayaa waxaa warbaahinta
ay isticmaashay in qofka miinadasasi loo soo dhiibay uu ka tirsanaa shaqaalaha
dowladda hoose ee Muqdisho.
Hadaba markii aan baaris dheer sameynay kadib waxaa caddaatay in Tahaliil Claahi
Nuurre uusan ka tirsaneyn shaqaalaha dowaldda hoose ee Muqdisho iyo G/Banaadir
midna.
Laakiin uu ahaa darawal kamida darawalo la shaqeyn jiray agaasimaha guud ee
dowladda hoose ee Muqdisho.
Sidaa daraadeed maamulka gobolka Banaadir wuxuu si cad usheegayaa in Tahaliil
Claahi Nuurre oo ah qofka miinada loo soo dhiibay uusan katirsaneyn shaqaalaha
dowladda hoose ee Muqdisho iyo Gobolka Banaadir.
HOME
|
|
|
|