|
Wasiirka difaaca Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Baydhabo lana kulmay qeybaha bulshada
Radio Muqdisho
January 2, 2012 Markacadeey
|
Wasiirka difaaca dalka iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo
ee xarunta gobolka Baay halkaas oo ay kulamo kula Qaateen saraakiisha ciidamada,
maamulka dagmada iyo waxgaradka ku dhaqan Baydhabo.
C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi wasiirka gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya ayaa
waxaa socdaalkiisa ku wehliya Taliyaha ciidamada XDS Gen.C/Qaadir Sheekh Cali
Diini iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda.
Wafdigan ka socda dowladda ee gaaray Baydhabo ayaa waxaa si weyn ugu soo
dhaweeyay garoonka mas’uuliyiinta gobolka Baay iyo ciidamada dowladda ee ku
sugan magaalada Baydhabo kuwaasi oo ay kala hadleen sii xoojinta amniga iyo
sidii loo dardar gelinlahaa howlaha ay ciidamada qalabka sida ka wadaan gobolka
xili ay dhawaan degmooyin katirsan gobolkaasi lawaregeen ciidamada dowlada.
wasiirka gaashandhiga oo kulanka kadib lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in
isbedel weyn uu ka muuqdo magaalada baydhabo iyo muraalka ciidankaba waxa uuna
tilmaamay inuu gaarsiiyay mamaulka iyo saraakiisha ciidankaba dhambaalka madaxda
sare ee dalka.
sidoo kale xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa radiomuqdisho usheegay in
wasiirka loo gudbiyay baahida ay ciidamadu xiligan qabaan iyo sida ay dadka reer
baydhabo iyo guud ahaan gobolka Baay diyaar ugu yahay shaqada Qaranka iyo dhiiri
gelinta ciidamada.
wafdiga wasiirku uu horkacayo ayaa waxaa qeyb ka ah socdaalkooda sidii ay
ciidamada xooga dalka ee ka howlgalada gobolkaasi u heli lahaayeen xuquuqdooda
iyo sidii musharaaad loo siinlahaa ciidamado mileteri ah oo ay ciidamada
Ethiopia ku tababareen magaaladaasi kuwaasoo xiligan ka howlgala gobolka.
Socdaalka wasiirka difaaca iyo wafdigiisa ayaa imaana xili ciidamada dowladda
Soomaaliya ee ku sugan gobolkaasi ay la wareegeen deegaano hor leh oo ay ka mid
tahay degmada Ufuroow iyo deegaanno kale.
HOME
|
|
|
|