|
Xukuumada oo sheegtay in Boqolmaalmood lagu qabandoono in ka badan 25 qodob
SONNA
January 2, 2012 Markacadeey
|
Xukuumadda Somaaliya ayaa sheegtay in muddada Boqolka maalin ah oo ay qabsatay
lagu qabandoonto in ka badan 25 qodob oo aan hore loo qaban iyadoo qalabka
warbaahinta shacabka loogu soo bandhigidoono.
Wasiirka Warfaafibta Boostada Isgaarsiinta iyo Dalxiiska mudane C/llaahi
Ciilmooge Xirsi oo shalay kulan la qaatay shaqaalaha wasaarada Warfaafinta
Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa sheegay in golaha wasiiradu ay isku raaceen 25
Qodob oo aan hore loo gaarin, kuwaas oo aas’aas u noqondoona howlaha Horyaala
xukuumadda.
Mudane C/llaahi Ciilmooge Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Boostada Iyo
Isgaarsiinta ayaa sidoo kale tilmaamay in wasaarada warfaafinta Boostada iyo
Isgaarsiinta ay qodobadaasi kaga soo aadeyso Shan ilaa Lix qodob, isagoo xusay
in ay wasaaraddu uga soo dhalaali doonto si hufan.
Sidoo kale Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in howlaha ay qabanayaan Wasaaradaha
dowlada si toos ah looga baahindoono qalabka warbaahinta laguna tartansiindoono
wasaaradaha.
Waxaan qabsanay Boqol maalmood kutalagalkuna waxaa weeye inaan keeno 25 Qodob
qiyaastii oo aan hore loo qaban oo wasaarad kasta xil ay qaadato Wasaarada
warfaafintina ay soo bandhigto waxqabadkaas oo toos looga soo Gudbiyo
Telefishinka, anagu waxaan rabnaa inaan kaalinta koobaad kaga jirno waana hubaa
inaan kaga jirno markaas ugu yaraan 5 ama 6 waan ka qaadaneyna 25-ka qodob’’
ayuu yiri wasiirka warfaafinta Boostada Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Mudane
Ciilmooge.
Hadalkan ayuu wasiirku ka jeediyay kulan uu la qaatay madaxda iyo shaqaalaha
Wasaaradda oo looga hadlayay sidii sare loogu sii qaadi lahaa howlaha ay
Wasaaradu u heyso bulshada.
HOME
|
|
|
|