|
Kenya oo ku eedeysay askar horey uga tirsanaa ciidanka DKMG inay ka dambeeyaan weerarrada Gaarisa
Bar-kulan
January 2, 2012 Markacadeey
|
Dowladda Kenya ayaa ku eedeysay askar horey uga tirsanaa ciidanka dowladdii
federaalka ee ku-meel-gaarka ahayd ee Soomaaliya inay ka dambeeyaan weerarrada
iyo ammaan-darrada ka jirta magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi-Bari
Kenya.
Guddoomiyaha degmada Gaarisa Maxamed Macallin ayaa ku eedeeyay dhallinyaro
Soomaali-Keenyaan ah oo ka goostay ciidankii dowladdii ku-meel-gaarka ahayd inay
ka dambeeyaan xasillooni darrada ka aloosan magaalada.
Askarta ayuu sheegay inay tababar ku qaateen gudaha Kenya si ay uga mid noqdaan
dadaallo dowladda Kenya ay ku doonaysay inay ku taageerto dowladdii KMG ahayd.
Hase yeeshee waxay u adkaysan waayeen dhibaatada dagaalka waxayna dib ugu soo
laabteen gudaha Kenya ayagoo hubaysan, ayuu yiri Maxamed Macallin oo u
warramayay wargeyska The Daily Nation.
Wuxuu xusay inay dhallinyaradaas qabaan tababarro heer sare ah, loona malayn
karo inay ka dambeeyaan dhibka ka jira Gaarisa.
Siddeed ka tirsan booliska Kenya iyo saddex askari oo ka tirsan milateriga ayaa
lagu dilay magaalada Gaarisa dabayaaqadii sanadkii hore.
HOME
|
|
|
|