|
Qarax AMISOM Lagula eegtay Magaalada Marka
Shabelle
January 2, 2012 Markacadeey
|
Qaraxani oo ahaa Miinada Nuuca dhulka Lagu aaso ayaa Magaalada Marka waxaa
lagula eegtay Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ee Magaalada Kusugan
Qaraxa ayaa lala bartilmaamsaday Ciidamada AMISOM Xilli Howl gal Roondooyin ah
ay ka sameynayeen Xafado ka tirsan Magaaladaasi Marka ee Gobolka Sh/hoose.
Illaa iyo iminka lama Xaqiijin qasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxaasi
marka laga soot ago Goob Joogayaal Shabelle usheegay in illaa 3 qof ay ku
dhaawacmen qaraxaasi kuwaasi oo ahaa rayid goobta ka agdhawaa.
Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amaanka Gobolka Sh/hoose oo isna la
hadlay Idaacadda Shabelle ayaa meesha ka saaray In ay jiraan khasaaro Ciidanka
AMISOM ka soo gaaray qaraxaasi isagoo carabka ku dhuftay in ay socdaan Howlgallo
ay ku baadi Goobayaan kooxihii ka dambeeyay Qaraxaasi.
Magaalada Marka oo horay loogala wareegay gacan ku heynteeda Ururka Al Shabaab
ayaa waxaa ka dhaca Qaraxyo iyo Weeraro walow ay saraakiisha dowladda ee
halkaasi sheegaan in ay wax ka qaban doonaan Caqabadahaasi.
HOME
|
|
|
|