|
Ajandayaasha Shirka ayaa waxa uu ahaa Dib u dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha,
Iskuxirnaanshaha Bulshada Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland.
Suldaan C/salaam Suldaan Maxamud oo ahaa Abaabulaha Shirka ahna Madaxa Xarunta
Nabadda Geeska Afrika isagoo halkaas kasoo jeediyey Hadalo qiimo badan oo
qeexayay Qiimaha Nabadda iyo Midnimadu leedahay sidoo kale wuxuu ku dheeraaday
ujeeddooyinkii Shirka loo qabtay oo ahaa mid ka Madaxbannaan Siyaadda Kuna ekaa
dhaqanka oo kali ah.
Sidoo kale Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax ayaa Gabagabadii Shirka
Kalmaddiisa Kajeediyey, wuxuu baaq u diray Maamulka iyo Shacabka Galmudug iyo
dhanka Puntlad si la isugu Celiyo dad kasoo kala jeeda maamulaadaasi oo lagu
kala heysto magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.
Suldaan C/salaam Suldaan Maxamuud ayaa halkaas ka akhriyey War Murtiyeedkii
kasoo baxay Shirka Dhaqanka Gobolka Mudug ee Puntland.
UJEEDO:- BAYAANKII AMA BAAQII KASOO BAXAY GABAGABADA SHIRKA
In dhamaan laga wada qayb qaato lagana wadashaqeeyo ilaalinta nabadgalyada
gobolka iyo midda guud,
In la iska kaashado nolosha iyo hor marka ummadda mida guud iyo mida gobolkaba,
In la ilaaliyo dhaqanka wanaagsan ee ku salaysan shareecada Islaamka dhamaana
wixii inaga ba’san loo xaliyo si wadajir iyo walaaltinimo ah,
Wuxuu shirku ku baaqayaa oo la isla qaatay in shirka lasii wado oo aan la joojin
ee kani uu noqdo kii bilowga ahaa inta laga gaarayo yoolkii laga lahaa shirka,
Wuxuu shirkani ku baaqayaa in la iska kaashado hirgalinta kaabayaasha dhaqaalaha,
sida dhismaha wadada Galdogob – Garacad,
Isiimada Shirkaan ka qeybgalay baaqana soo saaray,
Ugaas Cali Ugaas Maxamed
Islaan Bashiir Islaan Cabdille
Ugaas C/qaadir Cilmi Filig
Sudaan C/salaam Suldaan Maxamed
Suldaan maxamed Jamac Shire
Islaan Xassan Cigaal
Suldaan Maxamed suldaan Maxamuud Cilmi Calas
Suldaan Maxamed Maxamuud Buurtinle
Suldaan Cabdi Bile
Suldaan C/rishiid Muuse Shire.
HOME
|