Fowsiya Yuusuf oo lagu wado inay maanta la kulanto William Hague
Bar-kulan
January 3, 2012 Markacadeey
|
Raysul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda
Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo booqasho ku joogta dalka Britain ayaa
lagu wadaa inay maanta la kulanto William Hague oo ah xog-hayaha arrimaha
dibadda ee Britain.
Labada mas’uul ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan arrimo ay ka mid yihiin
xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo ballaarinta kaalmada Britian ay
siiso Soomaaliya.
Waxaa kaloo lagu soo warramayaa inay isla soo qaadi doonaan shir dowladda
Ingiriiska ay marti-gelin doonto bisha May ee sanadkan kaas oo looga hadlayo
wixii ka qabsoomay shirkii London ka dhacay bishii February ee sanadkii la soo
dhaafay.
“Ku soo dhowow Twitter iyo xilka cusub. Waa inoo kulankeenna berri iyo sii
wadidda taageerada UK ee Soomaaliya,” ayuu William Hague ku yiri qoraal uu xalay
dhigay bogga uu ku leeyahay Twitter.
Marwo Fowsiya ayaa ugu jawaabtay; “Waad mahadsan tahay William Hague. Waan ku
faraxsanahay kulankeenna maalinta berri ah. Soomaaliya way idinkaga
mahad-celinaysaa taageeradiinna.”
Shirka lagu wado inuu dhaco bisha May ayaa dhaqaale loogu raadin doonaa dowladda
cusub ee Soomaaliya.
HOME
|
|
|
|