Marwo Fowsiyo iyo William Hague oo kulmay
Bar-kulan
January 3, 2012 Markacadeey
|
Raysul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda
Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo booqasho ku joogta dalka Britain ayaa
maanta magaalada London kula kulantay xog-hayaha arrimaha dibadda Britain
William Hague.
Xoghayaha ayaa qado sharaf u sameeyay marwo Fowsiyo, waxayna ka wadahadleen
xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo ballaarinta kaalmada dowladda
Ingiriiska ay siiso Soomaaliya.
Sii-hayaha safaaradda Soomaalida ee dalka Ingiriiska Cabduqaadir Cali Dhuub ayaa
Bar-kulan u sheegay in ay labada mas’uul si gaar ah uga wadahadeleen shir
arrimaha Soomaliya looga hadlayo oo lagu wado in bisha May ee sanadkan uu ka
dhaco magaalada London.
Cabduqaadir Cali Dhuub ayaa tilmaamay in ay sidoo kale isla soo qaadeen arrimaha
bini’aadannimada iyo sidii loo sugi lahaa ammaanka deegaannada laga saaray Al-Shabaab,
loona gaarsiin lahaa kaalmooyinka iyo qodobbo kale.
Raysul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Fowsiyo
Yuusuf Xaaji Aadan iyo xoghayaha arrimaha dibedda Ingiriiska William Hague ayaa
waxay kaloo isla soo qaadeen wixii ka qabsoomay shirkii London ka dhacay bishii
February ee sanadkii la soo dhaafay.
HOME
|
|
|
|