|
Golaha Wasiirada shir ay isugu yimaadeen xalay kaga dooday sidii barakacayaasha loo dajin lahaa goobo ka baxsan caasimadda
January 11, 2012 Markacadeey
|
Shirr ay xalay isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir-gudoominayay
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax
Shirdoon “Saacid” ayaa shirkaas looga hadlayay arrimo dhowr ah oo ay ka mid
yihiin, Dib-U-dijin loo samaynayo dadka Barakacayaasha ah ee ku sugan malaagada
Muqdisho iyo warbixino laga dhageystay Wasiirka Hurmarinta iyo Adeega Bulshada.
Ugu horayntii Goluhu wuxuu warbixin dheer ka dhageystay Wasiiradda Hormarinta
iyo Adeegga Bulshada Drs Maryam Qaasim Axmed oo safaro ku soo martay dalalka
Turkiga iyo Tuniisiya.
Goluhu markuu dhageystay warbixintaas oo qodobka ugu muhiimsani uu ahaa deeqaha
waxbarashada ee lasiiyo Soomaaliya sidii wax looga badali lahaa, ayaa dood dheer
kadib waxaa Goluhu isla gartay in loo magacaabo gudi heer Wasiir ah oo ka kooban
lix xubnood oo ay Drs Maryam horkaceyso iney soo diyaariyaan qaabka ay
xukuumadda Soomaaliya uga faa’iideysan karto deeqaha waxabarashada ayna
horkeenaan kulanka dambe oo uu goluhu yeelanayo.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen
Guuleed ayaa Golaha horkeenay qorshe Barakacayaasha looga rarayo magaalada si
loo dejiyo meelo loo qoondeeyay.Waxaana arinkaas Wasaarada ka caawinaya hay’ado
caalami ah sidii dib-u-dajin loogu samayn lahaa Barakacayaasha loogana raro
gudaha Caasimada, si kor loogu qaado amnigooda, Nolashooda, Caafimaadkooda,
Waxbarashadooda iyo Sidii ay u heli lahayeen Biyo nadiif.
Ugu danbayntii Golaha wasiirada ayaa ka dooday soo jeedin ay samaysay Qaramada
Midoobay taas oo ah in ay u soo rarayaan bisha Sadexaad ee sanadkaan magaalada
Muqdisho shaqaale gaaraya ilaa 300 oo xubnood oo hada ka howl gala magaalada
Nairobi. Dood dheer ka dib goluhu wuxuu magacaabay gudi ka kooban sadex xubnood
oo uu hormuud ka yahay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, gudigaas ayaa
ka shaqayn doona sidii loogu samayn lahaa daagaamayn, looguna dhamaystiri lahaa
dhamaan adeegyadii ay u baahnaayeen.
HOME
|
|
|
|