|
Dib u eegis lagu sameeyey qaab dhismeedka wasaaradaha qaarkood
January 11, 2012 Markacadeey
|
Shir Jara’id oo uu xalay ku qabtay xafiiskiisa Xooghayaha Joogtada ah ee
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamuud Xirsi Cabdulle ayaa ka hadlay dib-u-eegis
lagu sameeyey qaab dhismeedka qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda, ka dib
markii ay soo gaareen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha baahi loo qabo in la kala
qeexo howlaha wasaaradaha qaarkood.
Waa tan Dikreetadii oo dhamaystiran:
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliyeed.
Markuu arkay: In loo baahan yahay in dib loo eego xilalka qaab- dismeedka
Wasaaradaha qaarkood,
Markuu arkay: Markii ay soo gaareen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha in baahi
loo qabo in la kala qeexo hawlaha Wasaaradaha qaarkood;
Markuu tix-geliyey: Markii uu la tashi buuxa la sameeyey dhinacyo kala duwan oo
xog-oggaal u ah farsamada maamulka dowladda; Marku tix-geliyay: Qodobada 97, 99,
100 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed
Wuxuu soo saaray Xeerkan:
Qodobka 1-aad
Waxaa is-beddel lagu sameeyey magacyada wasaaradaha soo socdo:
a) Wasaaradda Arimaha Dibadda waxaa hadda kadib ay noqon doontaa Wasaaradda
Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxaana la raaciyay howlihii
iskaashiga Caalamiga ah.
b) Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, waxaa hadda kadib ay noqon
doontaa Wasaaraadda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka.
c) Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iy Dekedaha, waxay hadda ka dib ay noqon
doontaa Wasaaradda Howlaha Guud, Dekedaha Iyo Gaadiidka Badda, waxaana la
raaciyay hawlihii dhalinta iyo qaybihii korontada.
Qodbka 2-aad
Dhammaan howlihii la xiriiray Dalxiiska iyo Duurjoogta waxay si KMG ah u hoos
tagayaan Xafiiska Raiisulwasaaraha.
Qodobka 3-xaad
Wasiirada, Wasiiru-dowlayaasha iyo Wasiir-ku-xigeenada Wasaaradahaasi wax
isbedel ah laguma samayn.
HOME
|
|
|
|