|
Wasiirka Arrimaha Dibadda "Waxaan xaqiiqsaday in safiirka uu badbaadinayo hantidii qaranka, waxaana indhaheyga ku arkay hantideenii oo dayacan"
Radio Muqdisho
January 11, 2012 Markacadeey
|
R/wasare ku xigeen ahna wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf
Xaaji Aadan ayaa soo gaba gabeysay socdaal shaqo oo sedexdii cesho ee la soo
dhaafay ku joogtay Magaalada Roma ee Xarunta dalka Talyaaniga ka di bmarkii ay
casuumaad ramsi ah ka heshay dhigeeda dalka Talyaaniga.
Marwo Fowsiyo oo intii ay joogtay Talyaaniga la kulantay Wasiirka arimaha dibada
ee Talyaaniga, iyo wasiirka cadaalada iyo garsoorka, iyada oo sidoo kale soo
booqatay guriyhii iyo xarunta safaarada Soomaaliya ee magaalada Roma.
R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya Marwo Fowsiyo
Yuusuf Xaaji Aadan oo gabagabada socdaalkeeda wareysi gaar ah siisay Warbaahinta
Qaranka ayaa sheegtay in ay soo aragtay afar ka mid ah guryihii Soomaaliya ku
laheyd dalka Talyaaniga, sidoo kalana ay la kulantay jaaliyada Soomaaliyeed ee
wadanka talyaaniga oo ay ka dhageysatay darenkooda, isla markaana y gaarsiisay
fariinta madaxda Qaranka.
’’Guryihii aanu laheyn waan soo arkay afar ka mid ah waxaa iiga muuqday dayac
xoog leh iyo dhibaato soo gaartay, hadana waxaan ku jirnaa sidii dib loogu soo
hagaajin lahaa’’ ayey tiri Marwo Fowsiyo oo intasi raacisay inta badan guryihii
Soomaaliya ugu yiilay dunida ay dayacan yihiin ayna sabab u tahay dhowr iyo
labaatanka sano ee dowlad la’aanta ah.
’’waxaan xaqiiqsaday oo indhaheyga ku arkay in guryaheena jajaban yihiin,
waxaan sidoo kale xaqiiqsaday in Safiirka mas’uul ka yahay hantida qaranka uuna
badbaadinaayo, isla markaana ilaalinayo danta qaranka iyo howsha uu u xilsaaran
yahayna waan soo arkay’’ ayey tiri R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka arimaha
dibada ee Soomaaliya Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan.
R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya marwo Fowsiyo
Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sidoo kale ka hadashay kulankii ay la yeelatay Wasiirada
cadaalada ee dalkan Talyaaniga iyada oo kala hadashay sidii loo sii deyn lahaa
dad Soomaaliyeed oo ku xerxeran xabsiyada dalkan talyaaniga iyo arimaha
garsoorka iyo sida talyaaniga uu kaalintii uu horay ugu lahaa arimaha cadaalada
u soo celiyo maadaama Talyaaniga uu horay uga caawin jiray soomaaliya dhinaca
cadaalada.
R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya marwo Fowziyo
Yuusuf Xaaji Aadan iyo ayaa soo gaba gabeeysay socdaalkii ay ku mareysay dalalka
UK iyo Italy.
HOME
|
|
|
|