|
Faransiiska oo faahfaahin ka bixisay howlgal ay xalay ka fulisay deegaanka Buula mareer
Radio Muqdisho
January 12, 2012 Markacadeey
|
Wasaaradda Difaaca dalka Faransiiska ayaa faah faahin ka bixisay weerar gaadma
ah oo xalay ka dhacay Deeganka Buula Mareer oo hoos taga dagmada Kunturwaarey ee
gobalka Shabeelaha hoose halkaas oo maleeshiyaadka kooxda al shabaab ay afduub
ugu heysteen sargaal u dhashay dalka Faransiiska.
War-saxaafadeed maanta ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga dalka faransiiska
ayaa lagu sheegay in xalay saacaddu markii ay aheyd 3:00 oo ay wehliyaan Qadar
daqiiqada ah ay howlgal qorsheeysan ka fuliyeen dhisme lagu hayay muwaadin u
dhashay dalka faransiska kaas oo sanadkii 2009 laga afduubtay magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in maleeshiyaadka al shabaab ay dileen
Daanis Alakis intii uu socday dagaalka al qaacidada al shabaab ay isaga
cabinayeen weerarkaasi qorsheysan.
Howlgalka oo ay fulinayeen kumandosta faransiiska ayaa intii uu socday lagu
dilay 17 kamid ah maleeshiyaadka argagixisada ah ee al shabaab iyadoo wasaaradda
gaashaandhigga faransiiskuna ay qiratay in dhinaceeda labab askari ay kaga
nafwaayeen weerarkaasi.
Hadalka ka soo baxay dowladda faransiiska ayaa sidoo kale lagu sheegay in
howlgalkan uu yimid kadib markii ay guuldareysteen wada hadlallo u socday labada
dhinac kaas oo soo socday muddo sadex sana ah.
Daanis Alakis ayaa sanadkii 2009 laga afduubtay hotelka Saxafi ee magaalada
Muqdisho isaga iyo sargaal kale oo Faransiis ah kaas oo markii dambe ay dib u
soo furatay dowladda Soomaaliya.
HOME
|
|
|
|