|
Saddex kulan ciyaareed ayaa maanta ka dhacay garoonka Altaraji ee magaalada
January 12, 2012 Markacadeey
|
JEDDAH, iyadoo ay iswada arkeen kooxaha Iftiinka Caneykish Vs Xiddigaha Marka,
Baanow Stars Vs LLPP, Barqash Stars Vs Goday.
Ciyaartii Koowaad ayaa waxay dhexmartay kooxha LLPP Vs BAANOW STARS, cayaartan
ayaa ahayd tii ugu qaboobaneyd ciyaaraha ka dhacay ilaa iyo haatan garoonka
Cabaadi, waxayna kusoo gabagabowday 0 - 0 oo ay dhibcihii ciyaarta ku kala
qeybsadeen labada kooxood.
Cayaarta Labaad oo ahayd mid ay dadweynihii sugayeen in mudo ah ayaa waxay
dhexmartay kooxaha BARQASH STARS Vs GODAY oo horey ciil isugu qabay waxayna
halkaasi ka muujiyeen cayaar wanaagsan oo dadkii ku reebtay xusuus gaara,
waxayna muteysteen inay noqdaan ciyaartii ugu wanaagsaneyd ee ilaa iyo haatan la
ciyaaro.
Weerar iyo weerar celis ay labada kooxood ku soo galeen ayaa waxay dhalisay inay
dhalintii reer GODAY daqiiqadii 3 aad kaga naxsadaan barbaartii BARQASH STARS
Gool Koorne ahaa oo sidii loo soo tuuray goolka gashay.
Cayaarihii galabta dhacay ayaa jahwareer ku riday shakhsiyaadkii Isboorti ee
isugu yimid garoonka iyadoo saadaashii laga bixinayay kooxaha ku guulaysanaya
cayaarta iyo qaabkii ay ciyaaraha u dhaceen, iyada oo aad moodo in koox waliba
ay lasoo shirtagtay naqshad cusub oo aan horey looga baran.
Kooxda Godey oo ay loolan ka dhexeeyaan kooxda Barqash Stars ayaa maanta ku ciil
furatay dhigeeda, iyadoo halkaasi ka muujisay ciyaar farsamo leh, waxay gelinkii
hore ee ciyaarta ku hogaaminaysay 2 gool iyo waxba.
Gelinkii dambe ee ciyaarta ayey naadiga Barqash Star dardar kusoo galeen waxaana
daqiiqadii 16 aad u suura gashay inay gool la helaan shabaqa reer Goday,
goolkaas oo ciyaarta ka dhigay mid kulul oo ay labada dhinac kolka koox dusha
laga fuulay.
Dhalintii reer Godey ayaa waxaa u suuragashay inay gool saddexaad ka dhaliyaan
Barqash Stars, oo aan is giijin, waxay cayaartu socotaba waxay mar afaraad la
heleen shabaqa reer Barqash Goolkii niyada ka jebiyay ee ay cayaarta kusoo
afjarantay, waxayna guushii cayaarta halkaasi ku raacday dhalintii GODEY oo 4 -
1 kaga badiyay Barqash Stars.
Cayaarta saddexaad ee dhexmartay Iftiinka Caneykish Vs Xiddigaha Marka ayaa
ahayd mid baaqatay Jimcihii furitaanka, iyadoo loo yeelay xaflada furitaanka oo
waqti qaadatay awgeed, waxayna halkaasi kusoo bandhigeen ciyaar farsamo iyo
xeelado leh, iyadoo ay labada kooxood ka socdeen hal xaafad, hadana waxaana ka
dhexeeya loolan gaar ah, taasi oo cayaarta siisay dhadhan gaar ah, waxayna
gelinkii hore ee ciyaarta isla mari waayeen 0 - 0.
Kooxda Marka Stars ayaa gelinkii hore ee ciyaarta ku gacan sareysay farsamo iyo
xeeladba, haseyeeshe ciyaartoydooda oo aan isla jaanqaadin ayaa sababtay in laga
faa'ideysto kala qob qobnaantooda.
Gelinkii dambe ee ciyaarta ayey Kooxda Iftiinka Caneykish ku boobsatay Gool
qurux badan daqiiqadii 39 aad, taasina waxay wax ka bedeshay hanaankii ay
ciyaartu ku socotay, waxayna labada kooxood isku hayeen weerar iyo weerar celis
aan dhamaad lahayn ilaa uu ka dhaco siirigii Garsooraha ciyaarta oo iclaamiyay
guushii Iftiinka Caneykish 1 - 0.






Waxaa diyaariyay:
Maxamuud Sheekh Cabdulqaadir "diyeeshe"
diyeeshe@hotmail.com.
HOME
|
|
|
|