|
Marwo Fawsiya Yuusuf “ Socdaalkeygii shaqo ee London iyo Rome wuxuu ku soo idlaaday guul”
January 13, 2012 Markacadeey
|



Ra’iisul wasaare kuxigeenka Ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo
iskaashiga caalamiga Marwo Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta dib ugu soo
laabatay Muqdisho kadib safar shaqo oo qaatay muddo (9 cisho ) oo ay ku kala
bixisay wadamada Britain iyo Talyaaniga ayaa ku soo dhammaaday jawi farxad oo
guul hugan .
“waxaan kula kulmay London dhiggeyga William Hague oo aan isla meel dhignay
taageerida dowladda Soomaaliya dhanka dhaqaalaha, nabadgelyada, la dagaalanka
burcad badeeda iyo isdhaafsi diblomaasi si dib loogu furo safaaradaha labada dal
ay ku kala lahaayeen Muqdisho iyo London” sidaa waxaa sheegtay Marwo Fawsiya
Yuusuf oo maanta si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aden Adde ee
Muqdisho.
Wasiirku waxa ay intaa ku dartay “Magaalada Rome waxaan kula kulmay
Mas’uuliyiinta kala ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Giulio Terzi iyo
Wasiiradda Cadaaladda Paola Severino, waxaa ayna ii balan-qaadeen inay
Soomaaliya ka caawin doonaan dhanka beeraha, kaluumeysiga, tababarida ciidamada, garsoorayaasha
maxkamadaha iyo dib u soo nooleynta heshiisyadii labada dal horey u kala
saxiixdeen”.






HOME
|
|
|
|