|
Askarigii labaad ee Faransiiska oo dhaawacyo u dhintay
Bar-Kulan
January 14, 2012 Markacadeey
|
Kooxda al-Shabaab ayaa sheegtay inuu dhaawacyo uu qabay uu u dhintay askarigii
labaad ee Faransiiska kaddib markii ay ku guul-darreysatay badbaadinta
noloshiisa.
Afhayeen u hadlay al-Shabaab ayaa sheegay in uu askariga u dhintay dhaawacyo
rasaaseed ka soo gaaray iska horimaadkii ka dhacay deegaanka Buulo-Mareer ee u
dhaxeeyay ciidanka Faransiiska iyo Islaamiyiinta al-Shabaab.
Al-Shabaab waxay sheegtay inay dhowaan soo bandhigi doonto meydadka labada
askari ee Faransiiska uga dhimatay howlgalka.
Milateriga Faransiiska ayaa ciidan si gaar ah u tababaran u diray koonfurta
Soomaaliya habeenkii Jimcaha si ay isugu dayaan xoog ku soo furashada Denis
Allex oo ka tirsanaa sirdoonka Faransiiska, kaasoo ku jira gacanta al-Shabaab
tan iyo sanadkii 2009.
Al-Shabaab ayaa sheegtay inuu weli nool yahay Denis, isla markaana ay go’aan ka
qaadan doonto halka uu ku dambeyn doono.
Afhayeenka al-Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab ayaa wakaaladda wararka ee
Reuters u sheegay in askariga labaad uu u dhintay dhaawacyo rasaaseed uu qabay.
“Waan soo bandhigi doonnaa meydadka labada nin ee Faransiiska ah.”
Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa sheegay inay howlgalka uga
dhimatay labo askari, isagoo intaas raaciyay inay al-Shabaab dishay la-hayste
Mr. Allex.
Wasiirka difaaca Jean-Yves Le Drian ayaa sheegay in 17 Islaamiyiin ah lagu dilay
howlgalka.
Weerarka ayaa la fuliyay saacado kaddib markii ciidamo Faransiis ah ay faragelin
ku sameeyeen dalka galbeedka Afrika ku yaalla ee Mali.
HOME
|
|
|
|