|
Howlgal dad badan lagu soo qabtay oo Muqdisho ka dhacay
Allpuntland
January 14, 2012 Markacadeey
|
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgalo kala duwan waxaa ay ka
sameeyeen Magaalada Muqdisho Degmooyin ka tirsan waxaana ay kusoo qab-qabteen
dad badan oo ay ku eedeeyeen amnidarada Muqdisho.
Howlgalka oo ay iska kaashadeen ciidamada Booliiska iyo sidoo kale Nabadsugida
ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay 477 qof kuwaasi oo laga soo kala qabtay labo
Degmo oo ku taala Magaalada Muqdisho.
Taliyaha ciidamada nabadsugida Gobalka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo ka hadlay
howlgalkaasi ayaa wuxuu sheegay in dadka lasoo qabtay ay gaarayaan 477
islamarkaana 137 ay yihiin rag Shabaab ah ayna baarayaan kiisaskooda.
Ereg Wuxuu sheegay in howlgalka ay iska kaashadeen ciidamada ammaanka Dowladda
lagana sameeyay Degmooyinka Yaaqshiid iyo Hiliwaa oo ciidamada ay isku qeybiyeen.
HOME
|
|
|
|