SOCDAALKII BAASKIILKA EE PIPPO
Roma 25/07/2003
Waxaa dhawaanahan soo gaaray dalkan talyaaniga
Giuseppe di Clemente oo ah nin soomaali/talyaani ah degenna magaalada Lugano ee cariga
Switzerland oo ku safraya baaskiil Lugano - Cape Town(Koofur Afrika) wuxuuna sameynayaa
35000km.
Giuseppe oo loo yaqaan Pippo wuxuu ku dhashay Xamar wuxuuna
ku soo koray magaalada Kismaayo oo uu aad uga sheekeeyo. Wuxuu marayaa badi dalalka
qaaradda Afrika isago sii maraya Soomaaliya wuxuuna ku abaaran yahay Cape Town bartamaha
sannadka 2005.
Giuseppe oo wata baaskiil aad u qalabeysan
ayaa waxaa dhanka dambe ee baaskiilka ka lulanaya calanka Soomaaliya ujeedada
safarkiisana waa in uu dadweynaha aduunka tuso xasuusiyana soomaaliya oo la ilaaway.
C/raxmaan M. Abtidoon oo kula kulmay
magaalada Milaano ayaa ii sheegay in uu yahay nin aad u jecel Soomaaliya had iyo jeerna
afka ku haya dalkiisa uu ku dhashay kuna soo barbaaray ahna nin dhibkaasoo dhan u maraya
sidii uu aduunka u gaarsiin lahaa xaaladda Soomaaliya.
Pippo waa 57 jir wuxuu leeyahay xaas iyo
saddex caruura oo jooga magaalada Lugano (Swiss), ruuxii doonaya in uu wax ka sii ogaadana
wuxuu kala socon karaa web sitekiisa ah: htpp://www.overland.com/bici-home.htm oo ku qoran
afafka ingriiska iyo talyaniga.