MarkaCadeey3.gif (3919 bytes) daya_siimba10.gif (42702 bytes)
 

DAWLADA MAREYKANKA OO DEEQ LACAGEED SIISAY XISBIGA JAMHUURIGA EE UU HOGAAMIYO INJ. C/NUUR AXMED DARMAAN.

Muqdisho 21/06/2003:-

Warar aanu ka helnay ilo ku dhaw dhaw xisbiga midnimada Jamhuuriga ee uu guddoomiyaha u yahay Inj. C/nuu Axmed Darmaan oo dhowaantaan ay taageerayaashiisu u doorteen inuu noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa waxey sheegayaan in Xisbigaasi ay dawlada Mareykanka ugu deeqday lacag gaareysa 4.5 milyan oo doolar.

Xisbigan oo haatan wada olole balaaran oo uu ku doonaayo inuu isugu fidiyo dadlka oo dhan ayaa waxey wararku sheegayaan inuu deeqdaasi lacageed ka helay dowlada Mareykanka oo la sheegay in ay dooneyso inuu xisbigaasi hanto awooda maamul ee dalka.

Warar lagu faafiyey shabakada Internet-ka ee VOA qeybteeda afka carabiga ku hadasha ayaa lagu sheegay in dowlada mareykanka ay deeqdaasi lacageed siisey xisbiga Midnimda Jamhuuriga Soomaaliyeed, waxeyna warbixintaasi intaasi ku dartay in dowlada Marekanka ay sidoo kale dowlada Isku magacaawday Somaliland ugu deeqday qiime lacageed oo gaaraaya 2 milyan oo doolar.

Lama oga sababta ay dowlada mareykanka haatan taageerida gaarka ah u siineyso labadaasi kooxood.

 

 

Abukar Al-Badri

albadri114@yahoo.com

www.markacadeey.com

Muqdisho, Somalia


return.gif (3137 bytes)