Guddiga ganacsatada suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in ay
baaris ku sameyn doonaan cidii ka dambeysay dilka
afhayeenkii gobolka Banaadir Cabaas Maxamed Ducaale.
Cali Dheere, gudoomiyaha ganacsatada suuqa Bakaaraha ayaa
sheegay in ay aad uga xun yihiin dilka loo geystay cabaas,
ayna dilkiisa ka dambeeyaan wax uu ku sheegay Cadow.
Wuxuu sheegay Cali Dheere, in ay baaris wadaan, ayna dhowaan
soo bandhigi doonaan cidii dilka mas’uulkaasi ka dambeysay.
Dadka qaarkii waxa ay leeyihiin dilka ka dambeysay
mas’uulkan waxa ay lug ku leedahay arrimaha siyaasada ee
dalka ka jira.
Maxamed Cali Maxamuud (Madka)
Xafiiska Markacadeey Muqdisho