Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), gudoomiyaha gobolka
gobolka Banaadir ayaa ka Hadley, isla markaasna raalin gelin
ka bixiyay eedeyn uga timid, qaar ka mid ah beelaha
SOomaaliyeed.
Maxamed Dheere ayaa raali gelin siiyay beesha Galmaax, iyada
oo shalay Maxamed Yaroow oo ka mid ah ku xigeenada maamulka
gobolka Banaadir uu sheegay in Maxamed Dheere uu aflagaado u
geystay beeshiisa, iyada oo Maxamed Dheere uu sheegay in
arrimahaasi ay ahaayen kuwa kaftan ah.
Maxamed Dheere ayaa sheegay in uusan jirin wax fashil ah oo
ku aadan howlihii dhinaca amaanka, isaga oo sheegay in
hubkii ay hayeen ay ku wareejiyeen booliiska, isaga oo
tilmaamay in xukuumada dhexe looga baahan yahay in ay
arimahaasi ka shaqeeyaan.
“In
dadka wax ha doortaan la yiraahdo waa waxa aan
raadineyheynay, Yaaba heli kara, Aanaga shaqaalaheena ayaaba
nagu filan oo toban kun kor u dhaafaya, marka Soomali oo
dhanna waa ku tashan nahay in ay na doortaan” ayuu yiri
Maxamed Dheere.
Dhinaca kale, waxa uu sheegay in uusan khilaaf ka dhex jirin
mamaulka gobolka, isaga oo sheegay in faro gelin lagu
sameeyay, taasina ay keentay waxa lagu tilmaamay khilaafka,
dib ayaana isugu noqonay markii arrimahasi soo dhaac baxeen,
waana xalinay.
Caawa
ayuu Maxamed Dheere hadalkan bixiyay.
Maxamed Cali Maxamuud (Madka)
Xafiiska Markacadeey Muqdisho