“Dadka
Soomaaliyeed waa is xoreynayaan, Hadde Somalida labo nin iyo
sedex nin oo ka tagtay kama joojineyso halganka xoreynta”
Sidaasi waxaa yiri Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid
ah xubnaha isbahaysiga dib u xoreynta garabka Asmara.
“Ninba
maalin ayuu tareenka ka dhacayaa, Ninkii isku dhiibo gaalo
iyo cadowga, isaga ayay jirtaa, anaga waa noo socdaan
shirarkeena iyo howlaheena” ayuu yiri zakariye.
“Qaramada Midoobay halkee bey jireen markii xabashida ay
misaajidyada ku leynayaan shacabka Soomaaliyeed, mise hadda
ayay dhasheen” ayuu yiri zakariye.
“Sidee
beysan u la shirin raga jabuuti tagay, isku siminaar bey ku
jireene” ayuu yiri zakariye.
“Beel
caalam wax la yiraahdo ma jiraan, beesha Caalamka ee runta
ah waa ka soo horjeedaan in Somalia la gumeysto, Ciidan
Qaramada Midoobey xagee loo wadaa, dalka ciidan baa heystaa,
kuwa kale miyaa lagu darayaa?” ayuu yiri zakariye.
Maxamed Cali Maxamuud (Madka)
Xafiiska Markacadeey Muqdisho