Waxaa degen xaalada agagaarka tarabuunka ee magaalada,
Muqdisho kadib markii saakay ay ka dhaceen iska hor imaadyo.
Wararka ayaa sheegaya in uu bilowdey socodka dadka iyo
kan gaadiidka, iyada oo aysan jirin iminka wax rabshad ah oo
halkaasi ka soconeysa, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.
Wararka ayaa sheegaya in kooxaha ka horjeeda dowlada
federaalka kmg-ka SOomaaliyeed ay saakay weerar qaadeen,
iyada oo rasaaseyn daqiiqado socotay ay dhex martay.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen rasaas qoryaha
fudud, iyo madaafiicda garbaha laga gano oo labada dhinac ay
isweydaarsanayeen.
Si kastaba, dhowrkii maalmood ee la soo dhaafey waxaa
yaraadey isku dhacyadii sida xowliga ah ku socon jiray ee u
dhaxeeyay dowlada federaalka iyo Itoobiyaanka oo dhinac ah
iyo kooxaha ka horjeeda.
Maxamed Cali Maxamuud (Madka)
Xafiiska Markacadeey Muqdisho