Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Jabuuti,
kooxaha ku shiraya halkaasi ayaa go’aan ku gaaray
kulamadooda aaney ka qeyb gelin safiirada shisheeye.
Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia
Axmadou Walad Abdala oo kulamo gaar gaar ah la yeeshay
dowlada federaalka iyo isbahaysiga dibu xoreynta ayaa la
gaaray go’aan ah in safiirada laga mamnuuco shirarka ay
labada dhinac yeelanayaan.
Arrintan ayaa ka dhalatay kadib markii xubnaha isbahaysiga
dib u xoreynta ay ku adkeysteen in aysan ka qeyb galeen
kulamada manta dhacaya, haddii aan laga saarin safiirka
Itoobiya.
Dhinaca kale, Safiirka dowlada Itoobiya ayaa lagu soo
waramayaa in uu isagana ku adkeystay in uu ka qeyb galayo
kulamada, maadaama dhigiisa ay goob jog ka ahaanayaan.
Axmadou Walad Abdalla ayaa sheegay in ay xaliyeen
waxyaabihii keenay in dhinac ka mid ah dhinacyada la wada
hadalsiin lahaa ay shirka ka baxaan, isaga oo sheegay in uu
guul ka rajeynayo shirka.
Maxamed Cali Maxamuud (Madka)
Xafiiska Markacadeey Muqdisho