|
Ma nabad(b)aa! waa nabad iyo
naxariis! Assalaamu caleykum! wa caleykum assalaam wa
raxmatu Allah. Kusoo celli erayadaas oo dhadhenso, sow aad
uma macaanaa. Dibadeed xasuuso inta aan nabadda haysan, inta
aan nolosha haysan, inta naftooda lagu gooyay dulmi iyo
dagaal, inta guryahooda laga qixiyay, inta waxbarashooda
laga fogeeyay, inta fahamka Islaamka looga dheelay, inta
caqligooda la wasakheeyay. Xasuusta tii ugu dambeysay,
qaraxyadii waxshinimada oo lala beegsaday Hargeysa iyo
Bosaaso si loo wiiqo nabadda iyo nolosha.
Salaantaas waxay
xambarsantahay oo ay tilmaamaysaa, kana tarjumaysaa nabad oo
ayada la’aanteed nolol aysan jirin. Waxaan filayaa in
macaanka iyo micnaha nabadda Soomaalida inteeda badan isku
raacsantahay. Laakiin, bal sug, ma runbaa inaan nabad rabno?
Yaa nabada raba! yaase nabadda diidan!! Yaa lug u
laabantahay? Waa yahay, nabadda waa dooneynaa, laakiin
waxbaa iga guuxaya. Waxaas waxaa la yiraa (laakiin iyo
laakiin).
-
Laakiinta 1aad: “waa
maxay nabadda aad sheegaysid?” mar haddii dalka
dawlad cadow ah ay haysato oo koox gaallo raac ah ay
rabto inay naxukunto? Sow in lala jihaado ma aha? Sow
Jihaadku xaq ma aha? Sow ruuxii jihaadka diidaa ama hala
joojiyo yiraahda in hawl laga qabto ma aha? Walle iyo
bilee inaan Itoobiyaanka iyo inta daba dhilifka u ah
ayana naga heleyn waxaan xabad aheyn!! Allahu Akbar!
-
Laakiinta 2aad: “waa
maxay nabadda aad sheegeysid?” mar hadii dalka
argagixiso ku soo duushay oo buuraha Afqanistaan ragg
lagu soo tababaray iyo kawa ka yimid ay joogaan. Ragg
aan aduunyo rabin oo geerida ilkaha ku sita!!
Ragg aan dowlad rabin oo dagaal u joog
ah, ragg laga masruufo meel aan la garaneyn. Ragg ay
dhabarka ka riixayso dawladda Ireteriya oo Itoobiya
dagaal kula jirta. Dagaalku waa soconayaa ilaa
argagixisada laga ciribtirayo! Somalia ha noolaato!!
-
Laakiinta 3aad:
“waa maxay nabadda aad sheegeysid?” maxaan ka
helayaa? maxaan ku dheefayaa? xukun iyo xoolo ayaan
daneynayaa ee nabadda ma lagu helayaa? Haddii nabada
aan waxba ku dheefeyn “bul Allaha siiyo”. Haddi
nabadu timaado intii nin reer hebel ah naxukumi lahaa,
dawlad la’aanta ayaa dhaanta ee “cayaartu ha
socoto”!
-
Laakiinta 4aad:
“waa maxay nabadda aad shegeysid?” oo dagaalladii
iyo dambiyadii aan soo galnay, dadkii aan soo dilnay,
hantidii aan boobnay, dhulkii aan qabsanay, wixii dabmbi
la ogaa sow lagama yaabo in laga xisaabtamo?
Wallee inta aan noolahay ayaan dawlad la
noqon, nadab la keenin!! Ha socoto cayaarto!!
-
Laakiinta 5aad: “waa
maxaa nabadda aad sheegee?” sow mashruuca hadda ii
socda kuma dheelayso nabada iyo dawladnimadu? Haddii
nabadu timaado oo dawladu shaqayso waxaa imaanaya
qawaaniin iyo sharciyo, aniguna hadda ayay hawshaydu
isku diba dhacsantahay, dawladu amey iiga dheeshaa!!
Bal waa in xoogaa loo sugaa inta meesha
aan rabo wax ka gaarsiinayo! Nabadda ma diidani
laakiin, waxyar ma la sugi karaa!
-
Laakiinta 6aad: “waa
maxay nabadda aad shegeysid?” sharcigiiba welli ma
qaadan. Ma waxaad rabtaa in Somaaliya la ii celiyo aniga
oo aan sharci qaadan? Wallee ma ogid dhibka iyo
saxariirta aan usoo maray inaan imaado dalka dibadiisa,
inta aan khatar ka soo gudbay!! Inta dad iga dambeysa oo
iga sugeysa masruuf iyo nolol!! Nabadda waa rabaa,
laakiin amey sharciga iiga sheeshaa? Ilaa aan
sharciga ka qaadanayo Ilaahow dowlad maya!!
-
Laakiinta 7aad:
“waa maxay nabadda aad shegeysid? Sow UN-tu Nairobi
kama guureyso oo Somaaliya oo xaalkeeda la ogyahay looma
guurayo? Annigu koley Somaaliya tagi maayo haddii la
yiraahdo ha loo guuro. Somaaliya la iskuma halayn karo,
shaqo la’aantuna iima roona. Ha iska sii jiitanto!!
Tan kale, hadii nabadu timaado waa la xisaabtamayaa,
shaqada aan hadda heysto waxaa iska leh Somaali
aqoonyahaanna ah oo aan hadda hadli karin!! Bal haloo
sugo oo hala meermeeriyo. Qawda maqashii! Waxna ha u
qaban!!
-
Laakiinta 8aad:
“waa maxaa nabadda aad sheegaysid?” Somaalinimadii welli
ma dhiman? Waxaan moodaynay iney muddo yar ku dhimanayso
oo lagu kala faataxeysanayo, laakiin cumrigeedu waa
dheeryahay. Waxaaba welli joogaa dad nool,
Somaalinimadii welli ma dhiman? Walli santaagii iyo
hanqal taagii kama dhamaan? Fara kama qodna
faanoolee!!
Nabad ma rabtaa? Nabad fadasee?
Nolol ma rabtaa? Nonol fadasee? Afbuuxa ku dheh “maya
dagaalka”, wada jir u dhaha “maya dagaalka”!
kor u dhaha oo hadana ku soo celiya! Maya
dagaalka! Maya dagaalka! Maya dagaalka!
Hadaba nabadey
yaa kuu baahan? Away dadkaagii?
-----------------------------------
Cabdiraxman Baadiyow waa aqoonyahaan ka mid ah madaxda
Xarakada Islaax, isla markaasna madax u ah Boorka Jaamicadda
Muqdisho.
Waxaad Baadiyow kala xiriir kartaa e-mailka ah: abdurahmanba@yahoo.com
| The opinions
contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the
editorial opinions of Markacadeey online |
|