marka_title4.jpg (10755 bytes) somali_hall_of_fame.gif (25822 bytes)

SOMALI LINKS

AllPuntland

Allsomali.com
Arhotaba (Cafar website)

Arlaadi Online
Arlaadinet

Afgoi.com
Awdelnews.com

Bakaaraha

Baafin.com

Balcad.com
BBC Laanta Soomaaliga

Benadir
Berlula Online

Burtinle  Online

Bulsho

  

Codk Somali Galbeed

Cayaaraha.com

Cadaado.net
CeelBuur

 

Dalka.com

Dayniile

Deeyoo

DijboutNet

FALSAN

Gedonet

Gedohomepage

Geeska Afrika

Goldogobsite.com

Goobjoog
Gashaamo

 

Hiiraan

Himilo Online

Hobyonet

HornAfrik Online

Horyaal

Jowhar.com

Kenyan Somali Community

Lafoole.com (STAS)

 

Marka Caddeey
maaneed

Midgaan.com
Mogadishu University

Muqdishonet

Midnimo.com
Onkod

Puntland Post

Qaranimo.com
QoraheyOnline

Qaamuus

Radio Somaliland

Ruunkinet.com

 

Smali Bantu
SBC Online
Somali IT
Somaligalbeed.net
Saylac.com
Somali TV Online
SomaliMagazine

Somali Fisheries Society

Somalilandnews.com

Somalitalk.com

Somalia Site

Somali S.S. Malaysia

Somalilife.com

Somaliawatch.com

Somaliawatch.org

Somalilandnet.com

SomaliNet

Somali R. & H. Center Somitek
Somalitribune
Somali Water & Environ

Somali Weyn Somaliwebsite.com
Somalihome Online
Somali Peace Process

SomaliUK.com
Somali Inter
SUSA Netowrk

STN-TV.NET

UN-Somlaia
Waqooyi Bari Kenya
Widhwidh

thenews.jpg (5649 bytes)
 

MAXAA KALA HAYSTA BAARLAMAANKA IYO SHARCIGA?

October 27, 2004


Soomaaliya markii ay durbadiiba ku wareertay gurxanka dhexyaala Baarlamaanka iyo sharciga waxa ay talo bixin ugu tagtay qof sharci yaqaan ah.

Soomaaliya: “Asalaamu calaykum”

Sharciyaqaan:   “Wacalaykuma salaam, maxaan kuu qabtaa saakay?”

Soomaaliya: “Adeer waxaan maqli jiray hadduu dabku dhaxamoodo maxaa lagu diiriyaa, hada su’aashaydu waxay tahay saakay haddii dadkii xeerka sameeynayey ay is qabsadaan xeerkii maxaa lagu kala bixiyaa?”

Sharciyaqaan: “Sharciga waxaa loo kala saaraa labo qeyb mid Ilaah soo dejiyay iyo mid dadku sameystaan ee midkeey isku hayaan? Mida kale maadaama adiga shaqo laguu qabanayo waa in aan lacagta ku heshiinaa marka hore.”

Soomaaliya: “Adeer nimankii diinta bartay kii Eebe soo dejiyay waa ku heshiin la yihiin kuwaa hada uma socdo, ee kuwa dhawaan lagu magacaabay Nayroobi oo la yiri Xubno Baarlamaan ayaad tihiin, mudo bil ah ayada oo aan la gaarin markii Madaxweynaha la magacaabay ayey sharcigii qadyaan kala joogaan ee talo keen. Mida lacagta haka walwalin waxaad rabto sheego waan ku siinayaaye.”

Sharciyaqaan: “Mida lacagta aan ku hormaree, saacadii waa konton oow bidaar ah ($50.) Bal ii sheeg sideey wax u jiraan.”

Soomaaliya:  “Adeer qaar ka tirsan Xubnaha Baarlamaanka gaar ahaan kuwa iska soo magacaabay Muqdisho iyo kuwa kale waxa ay lee yihiin “Madaxweynihii sharciga ayuu jabiyey oo ciidan ayuu Afrika ka dalbanayaa”. Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaankuna waxa uu lee yahay “Xili adag ayaa lagu jiraa ee yaan la fiirin jabinta Madaxweynahu uu jabinayo sharciga, ee idinka waad dhaarateen ee sharciga ilaaliya”. Afhayeenka Barlamaanka waxa uu isaguna uu lee yahay “Madaxweynaha, shaqsi ahaan ayuu u codsaday in ciiddamo Afrikaan ah loo soo diro dalka Soomaalia, Xubnaha Baarlamaankana, wax shuqul ah oo eey ku leeyihiin majirto arrintaan” Adeer waan yaaban nahaye adigu bal ka waran arintaan ileen adiga ayaa sharci yaqaan ahe?”

Sharciyaqaan: “Miyuunan Madaxweynuhu ku dhaaran in uu sharciga ilaalinayo mise Xubnaha Baarlamaanka oo kaliya ayaa la dhaarshay marka uu Gudoomiye ku Xigeenku lee yahay dhaarta haka bixina Xildhibaanada. Mida kale, Baarlamaanka waxaa ku jira dad badan oo aqoon leh ee maxay u hadli waayeen?”

Soomaaliya: “Adeer dad badan oo aqoon yahan sheegad ah baa ku jira Baarlamaanka, si kasto ha ahaatee, ilma adeernimada iyo sharciga hadba kii weynbaa la qaataa. Mida kale, waxaa cajaa’ib ah in ninkii dunida ugu awooda weynaa uu sharciga uu ku tumanayo isaga oo leh argagixiso ayaan la dagaalamayaa isla markaana kuwa dagaal oogayaal ah oo xoogaa tikniko haysta ay lee yihiin hala ilaaliyo sharciga.”

Sharciyaqaan: “Oo hada dadkaan ku doodaya in sharciga la jabiyey soow maaha dad la soo doortay.”

Soomaaliya: “Adeer, raalina iga noqo, ma qurbahaad ku raagtay? Dadkaan waa dad la soo xulay ama is magacaabay ee maha dad la soo doortay.”

Sharciyaqaan: “Si kasto ha ahaatee, waxaa muhiim ah in sharciga ay dadka dejisteen in la ilaaliyo, qofna kama sareeyo sharciga. Sida muuqato waxaa Baarlamaanka ku jira dad sharciga ilaalinayo.”

Soomaaliya: “Alow nimaan wax ogeyn ha cadaabin. Sharci ilaalin ma jirtee ee maslaxo ilaalsasho ayaa jirta bal aan aragno maalinta la yiraahdo intii danbi gashay sharciga hala horkeeno inta weli taagerayso sharciga laga soo bilaabo Madaxweynaha. Si kasto ha’ahaatee, adiga maxaad hada igula talinaysaa oo aan sameeyaa?”

Sharciyaqaan: “Sida aan fahmay xukumada waxay u kala qaybsan tahay kuwa sharciga jabinaya, kuwa shido wada iyo kuwa shibanayaal ah. Marka sharciga la isku qabto maxkamada ayaa loo baahan yahay, ee waxaa haboon in aritaan maxkamad la horgeeyo.”

Soomaaliya: “Adeer, taladaada ma intaabaa. Maxkamad ma hayno laakin aqyaar laga soo xulay 4.5 ayaan arintaan hordhigaynaa oo la yiraahdo Xalitna Qilaafaadka.”

Sharciyaqaan: “Arintaan ma aha arin qabiil lagu xaliyo waa arin qaran maadama aad dowlad ka hadlayso waxa haboon in la helo maxkamad sare.”

Soomaaliya: “Adeer waa sidaan kuu sheegay qurbahaad ku raagtay, qarankii ayaan 4.5 ku dhisnay maxay tahay wixii dhib ah oo ka yimaado yaan lagu xalin 4.5.”

Sharciyaqaan: “Waa yahay hadaadan maxkamad rabin, arintaan haloo bandhigo dad aqoon leh oo Baarlamaanka kala taliyo xaga sharciga.”

Soomaaliya: “Aqoon yahan waa kan la eeday waa dadkii yiri ayaga oo aay jogaaan dagaal oogayashii oo soo dhameystay dhaqan celin 2 sano ah hala raadiyo nin Primer Minister noqda oo aqoon leh. Adeer waqti unbaad iga dhumisay, aqoon yahan waa adiga oo kale ee waan sii baxayaa.”

Sharciyaqaan: “Waxaan filayaa in aan ku siiyay talo tii ugu haboonayd laakin go’aanka adiga ayaa iska leh ee fadlan lacagta waa boqol oow bidaar ah ($100) maadaama aad 2 saacadood ila joogtay ee gabadha xogheynta ah u sii dhiib.”

Soomaaliya: “Ma intaas oo aan aniguba garanayey ayaan lacag ku dhiibaa. Nabad gelyo.”

Sharciyaqaan: “Dad ka aad sheegayso oo sharciga jabiyey ama balan ka baxay nin dhalay waad u eg tahay, ee lacagta sii dhiib.”

Soomaaliya: “Waa wareey. War nabad gelyo wallaahi waa nin af lagaado dukaan u furtay.”


Mohamed Mukhtar Ibrahim
London

return.gif (3137 bytes)