Waxaad qarsataa wa ay kugu dul qormaan
Mohamed Mukhtar Ibrahim
London, UK
E-mail: mohamed323@hotmail.com
May
5, 2005
|
Wariye: Mudane waxaa la sheegay in ayaan dhexdaa
timihii madaxa in aad iska xiirtay, halkii aad timo ka sugeysayna qoraal ayaa madaxaaga ka
soo baxay ee bal arintaa nooga waran?
Soomali:
Adeer waxaan maqli jiray waxaad qarsataa wa ay ku qarsadaan, balse waxaan
filayaa in aan noqday waxaad qarsataa wa ay kugu dul qormaan. Bal ii sheeg
maxaa ku qoran?
Wariye:
Qabiileysi?
Soomali:
Waa kaan ugu jeclaa, waa kii dartii aan qarankii Soomaliyeed u dumiyay. Dumarka dada
ah marka ay maqlaan magaca qabiilkood xilliga buraanburka waa kan u ciyaarsiiya sidii
dhalaanka.
Wariye: Soomalinimo?
Soomali:
Ala kaa waa kii laigu magac daray. Mar walba oo heestii Soomaliyeey toosoo toosoo
isku tiirsadayee la qaado, xamaasad ayaa i qaada.
Wariye: Islaanimo?
Soomali:
Ala waa tii la igu dhalay. Soo ma arag sida salaada iyo sunaha aan u jeclahay.
Wariye: Mudane waan ogahay in aad jeceshahay lakiin ma ku
dhaqantaa Islaanimada?
Soomali:
Af-ka nool abooto mudac. Adiga waxa meesha ku qoran ii
aqri.
Wariye: Afrikaanimo?
Soomali:
Markaan magacaa maqlo waxaan soo xasuustaa heestii Afrikay Hurudoo. Oo aan ku iri:
habeeno
badan baan hurudooy
hamuun ku seexdee hurudooy
hirtaanyo awgeed hurudooy
la hadli wayaa hurudooy
Wariye:
Taa macnaheedu miyaa in aad Afrikaanimada jeceshahay?
Soomali:
Adeer ma waxbaa kuu dhiman! War habeenkii kama gamo sida aan Afrika laabta ugu hayo.
Wariye:
Daneysi? Horey baa loo yiri Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo. Marka
waxaan filayaa in adigana sidaa aad aaminsan tahay.
Soomali:
Adeer waxaan aamin sanahay in mida
shaqsiyadeed laga hormariyo mida qarameed. Waayo anigaba hadaan noolan waayo maxaa iga
galay qaran noolada.
Wariye: Carabnimo?
Soomali:
Ala waa dhalashadayda runta ah.
Wariye: Raalina iga noqo, sideed carab ku noqotay?
Soomali: Adeer horey ayaan u sheegay in aad afka
ka falan tahay, waxaa oo kale la isma weydiiyo. Anigu carab ayaan ahay.
Wariye: Awood jeceyl?
Soomali: Maanta Reer Qansax soo xukunka ma
hayaan, Allow yaa yiraahda farta taaga reeraha kale ee xukun sugayaasha ah, markaa ayaa la
ogaan lahaa in ayan jirin cid awood neceb.
Wariye: Arimo kale?
Soomali: Taa waa laguu yaqanaa. Lacag samee
damiir hayeelan baa ugu horeysa. Habeen walba waxaan ka fikiraa sidii aan lacag uga sameyn
lahaa. Tusaale ahaan, iibinta cuntada dhacday, xaalufinta dhirta, boobka dadka, sii
iibinta waxyaabaha macaawinada lagu keeno, u adeega danaha dalal shisheeye, iyo arimo kale
oo badan. Waad xiiqdaye, orodoo shaah soo cab.
Wariye: Sida ka muuqata madaxaada iyo hadalkaada waxyaabo
badan ayaad jeceshahay isla markaana aad aminsan tahay, madaama uu qalbiga arimahaan oo
dhan aanu qaadi Karin, midee ayaad si daacad ah u aaminsan tahay?
Soomali: Adeer si fiican baad u hadashay oo
ileyn shaahbaa ku hayay, oo hadaan laalush ku siin lahaa sida websites-ka qaarkood ayaad u
hadli laheyd. Waa runtaa oo qalbigu waa hal waxaas oo wadajeceyl ahna ma wada qaadi karo
balse marba kii aan doono ayaan sida shaatiga oo kale u xertaa. Horta aan ka bilaabee mida
qabiilka iyo Soomalinimada. Marka aan dad badan meel isla joogno, waxaan jeclahay
Soomalinimada, balse marka tolkeyga isku soo
harno, jeceylka waxa uu wareegaa qabiilka. Mida Islaanimada waan iska xaliyay oo Ilaah
xaqa uu igu lee yahay sida salaada iyo soonka waan ka soo baxaa. Xaqa dadkase, taa horey
ayaa loo yiri Rabi ka cabsasho iyo rag iska celin meel islama galaan. Taana
sidaa ayaan ku xaliyay. Midaan Afrikaanimada ah, qolooyinka Afrika midabka iyo dhulka ayaa
naga dhaxeeyo ee dhib iguma hayaan inkasta oo aan dhawaanahan maqlayay kuwa leh Itoobiya
ayaan walaalo nahay. Carabnimo, Adeer adba caqli ayaad lee dahay carab ma u ekahay. Nin
baahani cidi wax haysta ayuu ku biraa.
Wariye: Mudane miyaanay haboonayn in aad hal arin aaminto
taana daacad u noqoto?
Wariye: Adeer
waxaan qabaa cudur la yiraahdo HA QADIN oo ma doonayo in Ilaah dhankii aan ku
qado sidaa daraadeed ayaan Islaanimada dhinac ugu dheganahay. Taa waxaa la mid ah
Jaamacada Carabta. Sidoo kale madoonayo in qabiilkayga uu awooda ka qado ama aniga aan
qado marka Soomali jeceylnimo wax lagu qaybsanayo. Intaa oo dhan waxaa iiga sii daran ma
doonayo in aan ka qado lacagaha aduunka lakala shubaayo.
Mohamed Mukhtar
London
Email: mohamed323@hotmail.com
|